Luis Quinones oo u ciyaara kooxda Tigres UANL oo biyo isku shubaya intii lagu jiray ciyaartii semi-finalka Koobka Adduunka ee Kooxaha ee FIFA, taas oo bishii Febaraayo 2021 ka dhacday garoonka kubbadda cagta Qatar Education City ee magaalada Doha.

Koobka Adduunka 22: Farsamooyin cajiib ah oo loo adeegsanayo qaboojinta garoomada saxaraha ku yaalla

Markii dalka Gacanka ku yaalla ee Qatar loo doortay in uu martigeliyo Koobka Adduunka ee 2022, waxay noqotay arrin ka yaabisay dadyow badan, iyadoo walaac laga muujiyay heerka ay boqortooyadaas ka taagan tahay xuquuqda aadanaha iyo sida ciyaartoyda iyo taageeryaashu ay ula qabsan doonaan heer-kulka kor u dhaafaya 40C?

In tartanka loo wareejiyo xilli qaboobe ah ayaa ahaa mid ka mid ah waxyaabaha la sameyn karay. Balse dalkaas qaniga ah ee saxaraha ku yaal ayaa ballan qaaday in uu ka gudbayo dhaxalka xagjirka ah: oo uu sare u qaadayo tiknoolajiyada casriga ah ee suurtagelinaysa in la qabto tartannada caalamiga ah xilli kasta oo sanadka ah iyadoo la joogo dalalka ugu kulul. Ciyaaryahanka reer Qatar ee Hajar Saleh ayaa sheegay in kulka iyo dhadada gobolka ka jirta ay caqabad weyn ku tahay ciyaaraha.

Haddaba sidee ayay ciyaartoyda iyo daawadeyaasha ugu fududeyn doontaa nolol istareex leh iyadoo aanay wax badanba uga bixin?

Dusha sare ee garoonka Al Janoub oo laga arki karo fallaaro waaweyn oo casaan ah oo laga arki karo hawada diirrimaadka ah.

Si loo qaboojiyo barxadda garoonka iyo meelaha la istaagayo ayaa u baahan xal hal-abuur. Aan eegno gudaha.

Maalmaha ay ciyaaruhu jiraan, 40,000 oo qof ayaa soo buuxinaya garoomada, mid kasta wuxuu dhalinayaa kul iyo qoyaan.

Heerkulka aadka u sarreeya ee Qatar iyo diirranaanta ka dhex sameysantay garoonka oo is biirsaday ayaa daruuri ka dhigay in la sameeyo hannaan qaboojin oo wax-ku-ool ah

Taageerayaasha kubbadda cagta ee ku sugan garoomada ayaa waxaa qaboojinaya mukayfyo ku yaal kursi kasta hoostiisa.

Tubbooyin yar yar, oo sida madaxyada shaawarka u samaysan ayaa hawada gaarsiinaya daawadeyaasha.

Neecawdu way macaan tahay iyadoo aanay jirin hawo/dabeyl kugu soo dhaceysa, waxayna la mid tahay qaboojiyeyaasha madaxa korkiisa ee diyaaradaha.

Arrintaan waxay u wanaagsan tahay taageereyaasha, balse ka warran ciyaartooyda garoonka ku jira?

Ciyaartoyda xilligan casriga ah waxay ordi karaan 10km inta ay ciyaartu socoto, iyagoo ugu yaraan 3 litir oo dhidid ah uu ka baxo, sidaas awgeed waxay u baahan yihiin in ay helaan qabow iyo biyo.

Sawirro muujinaya gudaha garoonka Al Janoub ee Qatar oo leh barxadda iyo meelaha la istaago oo lagu midabeeyey buluug si loo muujiyo heerka qabowga.

Hawada huurka ah ee Qatar ayaa adkaynaysa in dhididku uu uumibax sameeyo oo jirku wuxuu dareemayaa kulul xad-dhaaf ah, taas oo khatar ka dhigaysa in qofku uu kulayl awgii la daandaamo.

Sidaas darteed, Koobka Adduunka ee lagu qabanayo Qatar, waxaa hawada qabow laga helaa tubbooyin waaweyn oo garoonka lagu rakibay si ay garoonka u qaboojiyaan.

Khabiirka qaboojiyeyaasha ee qalabkan rakibay, Dr Saud Abdul Qani,ayaa sheegaya in ciyaartooydu ay dareemi doonaan neecaw.

Natiijada ayaan ah xumada ka dhalatay hawada qaboow ee qaroonka dhexdiisa ka dhacaysa, oo ah 18-24C.. hadda maxaa xiga/

Marka hawada qaboow ay kululaato, waxaa meesha ka saara marwaxado loogu talagalay oo ku yaal meel dhexe.

ka dib waa la shaandheeyaa, dib ayaa loo qaboojiyaa waxaana dib loogu soo celiyaa garoonka.

Marka biyaha qaboow ay nuugaan kulaylka, waxaa lagu bamgareeyaa haan ay ku jiraan 40 kun oo liitar oo kayd ah oo 3km u jirta ka dibna dib ayaa loogu qaboojinayaa si loogu diyaariyo ciyaarta dhacaysa maalinta xigta.

Sawirro tusaalaynaya soollarka lagu xiray dhinacyada garoonka.

Dhammaan nidaamka qaboojinta waxaa laga dhaliyaa warshad cadceedda ku shaqaysa oo 80km u jirta bartahama caasimadda Qatar ee Dooxa.

Dr Cool

Ninka farsameeyey nidaamkaas oo idil, Dr Saud Abdul Ghani, ayaa BBC-da u sheegay in Qatar ay doonayso in ay abuurto dhaxal dalka waqti dheeer u sii shaqeeya ka dib marka ay ciyaaruhu dhammaadaan.