Halkee ayuu ku dambeyn doonaa loollanka dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed?

Somalia

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Khilaaf soo shaac baxay maalmihii la soo dhaafay ayaa bannaanka yimid kaas oo u dhaxeeya dowladda federalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur-Galbeedka ayaa ku dhawaaqay inay gooyeen wada-shaqayntii ay la lahaayen dowladda Federalka, ka dib markii ay ku eedeyeen "faragelin" ay sheegeen inay dowladda fedederalku ka geysatay deegaannadaas.

Dadka la socda arrintan ayaa sidoo kale sheeegay inay arrintan timid ka dib warar aan dowladda dhexe xaqjiin balse Koonfur galbeed ku eedeysay ay sheegeen in hor-istaag lagu sameeyey safar uu dib Baydhabo ugu tagi lahaa Madaxweyne Lafta-gareen.

Khilaafka labada dhinac ayaa dadka la socda ku tilmaameen inuu gaaray heer abaabul ciidan. Saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda federalka iyo ciiidamado ayaa la sheegay inay gaareen magaalada Baraawe iyadoo sidoo kale wasiirro ka tirsan xukuumada ay diyaaro qumaati u kaca ku tageen degmada Buur-hakaba halkaas oo ay dadka kula kulmeen.

Dhinaca Baydhabo, Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa la arkayey isagoo hadallo kulul ka jeediyey munaasabad uu ciidamo tababar ugu soo xiray magaalada isagoo tilmaaamay in looga baahan yahay inay difaacaan maamulkooda.

'Ma aqoonsanin dastuurka cusub'

Laftagareen ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in maamul-goboleedkaasi aanu aqoonsanayn dastuurkii dhawaan uu meel mariyay baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu taasi beddelkeeda sheegay in dastuurka keliya ee sharciga ah uu yahay kan 2021-kii.

"Dawladda Koonfur Galbeed waxa ay caddaynaysaa in dastuurka la ansixiyay sannadkii 2012-kii uu yahay midk asharciga ah ee Soomalai ku heshiisay. Waxaanan oggolayn dastuurka cusub oo loo maray hab-raac qaldan iyo musqmaasuq. " Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen oo dhowaan magaalada Baydhabo ku qabtay shir jaraa'id.

Dhinaca kale Laftagareen waxa uu iska casilay xubinnimadii iyo xilkii guddoomiye xigeen ee uu ka hayay Xisbiga JSP.

Mucaaradka Koonfur Galbeed

Koonfur galbeed

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Xildhibaan Maxamed Abuukar
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xildhibaano deeganadaas ku metala dowladda federalka, Wasiiro iyo saraakiil kale ayaa maalmahan ku suganaa magaalada Buur-hakabo, Xudur iyo Waajid oo ka kala tirsan gobolada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur- Galbeed.

Xubnaha ku sugan deegaanadaas ayaa ku eedeynaya dhinaca maamulka inay wadaan qorshe doorasho kali ah ku qabsanayaan ayna taas diidan yihiin.

Mas'uuliyiinta mucaaradka ee ku sugan Buur-hakaba oo qiyaastii 60km u jirta Baydhabo ayaa halkaasi ka wada abaabul ciidan iyadoo muuqaalo laga duubay ay muujinayaan iyagoo la hadayaa ciidamado hubaysan.

Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaliya kana mid ah xubnaha mucaaradka ku ah maamulka madaxeyne Lafta-gareen ayaa BBC-da la hadlay isagoo ku sugan Buur-hakaba, waxaana uu xusay "in iyagu doonayaan in doorasho la qabto oo meesha uu ka baxo"

Xildhibaan Maxamed ayaa sheegay in halkaas uu ka socdo abuul bulsho basle Wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo waydiiyey in soo bandhigooda ciidan ee saaka ay muujisayo inay duulaaan ku yihiin Baydhabo.. ayuu ku jawaabay " Baydhabo inaan u socono macnaheedu inana duullaan nahay, basle qofka weerarka waa kan afarsano meesha sharci darro ku jooga" ayuu yiri Maxamed.

Mar aan waydiinnay Xildhibaanka in waxa uu muuqda ay u ekyihiin in dagaal suuragel yahay ayuu xusay in ay rajaynayaan in dagaal laga baaqsado.

Wuxuu intaa ku daray in dawada kaliya ay la tahay in doorasho loo dhan yahay laga qabto.

Muxaafidka maamulka Koonfur Galbeed

Koofur Galbeed

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Si la mida xildhibaannada jooga Buur-hakaba, waxaa iyana Baydhabo ku sugan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo la aragti ah maamulka Koonfur-Galbeed.

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo ka mida baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Baydhabo ayaa BBC-da u sheegay inay deegaankaas u tageen inay la qabaan dareenka dadka reer Koonfur-Galbeed iyo dowladoodu qabaan.

Wuxuu intaa raaciyey Xasan in colaada iyo dhiillada taagan ay ka mas'uul tahay dowladda federalka walow BBC-da aysan xaqiijin sheegashadiisa.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa iyaguna sheegaya in halkaas laga dareemayo abuul ciidan oo ay maamulku halkaas ka wadaan.

Sida Wariyaha BBC-da ee Muqdisho soo sheegayo waxaa jira dad ka cabsi qaba xaaladda oo ka barakacay magaalda Baydhabo.

Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa ku dhawaaqay sidoo kale guddiga doorashada ee maamulkaas iyagoo xusay inay qabanayaan doorashada maamulkaaas. Hase yeeshee wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federalka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegay in maamullada gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ay sii shaqeeyaan inkastoo muddo xileedkoodu dhammaaday, si looga hortago firaaq maamul iyo amni darro.

Halkee ayuu khilaafkan ku dhammaan doonaa?

Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya horeyna wasiir uga soo noqday dowladda federalka ayaa BBC-da u sheegay in loollanku u muuqdo mid aan si rasmi loo saadalin karin halka uu ku dhamMaanayo basle ay ula muuqato inaysan dhinac guul ka gaari doonin.

"Dowladda Federaalka waxay isku dayaysaa inay cadaadis siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ku saarto si ay u beddesho Laftagareen, halka Laftagareen uu gacanta ku hayo Baydhabo isla markaana uu taageero ka helo qaybo ka mid ah beelaha deegaanka iyo Itoobiya oo dhahaysa colaad uma oggolin Baydhabo."ayuu yiri Muqtaar.

Tallaabada ugu fiican ayuu ku tilmaayayey inay tahay dhexdhaaxadinta mira dhasha oo is faham ku dhammaato u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Laftagareen.