Goormee ayey aheyd markii ugu dambesay Mareykanka uu ku guuleystay in uu beddelo dowladda Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iraniyiintu waxay u yaqaanaan 28-kii Mordad maalintii la afgambiyay dowladdii Mohammad Mosaddegh.
Waxaya ahayd 19-kii Agosto sanadkii 1953-dii, markii hawlgal ay soo qorsheeyeen hay'adaha sirdoonka Maraykanka CIA iyo tan UK ee MI6 afgambi ku rideen raysalwasaarihii sida dimuqraadiga loo soo dooritay ee Iran, Maxamed Mosaddeq.
Afgambiga oo ay taageereen Mareykanka iyo UK, ma aheyn oo kaliya in uu dib u qaabeeyo mustaqbalka shacabka Iran ee wuxuu sidoo kale caddeeyey in uu yahay mid ka mid ah dhacdooyinka ugu muhiimsan taariikhda casriga ah ee Bariga Dhexe. Wuxuu aasaas u noqoday siyaasadda ka dhanka ah reer galbeedka ee Iran iyo isbaddel ku yimid siyaasadda gobolka.
Prof. Simin Fadaee oo ka tirsan jaamacadda Manchester ayaa sheegay in "Afgambigu uu si qoto dheer u qaabeeyey siyaasadda casriga ah ee Iran, afgambigii Mosaddeq wuxuu ka tagay dhaxal waara oo ah caro ku wajahan Maraykanka iyo guud ahaan reer galbeedka".
Bilowgii Dagaalkii Qaboobaa
Maanta waan ognahay wixii dhacay 19-kii Agosto sanadkii 1953-dii maxaa yeelay 60 sano kaddib, CIA waxay markii ugu horreysay qiratay ka qaybgalka afgambigii lagu riday Maxamed Mosaddeq.
Qoraallo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu faahfaahiyay howgalkii CIA-da ee loogu magacdaray Ajax iyo howgalkii M16.
"Afgambigii lagu riday Mosaddeq iyo golihiisa wasiirada waxaa fuliyay CIA, waxayna aheyd fal wasaaradda arrimaha dibadda oo ay ansixiyeen madaxda sare," ayaa lagu yiri mid ka mid ah waraaqihii laga qoray dhacdadaas.
Kermit Roosevelt oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa CIA-da ayaa hagayay howgalka. Madaxweyne Theodore Roosevelt ayaa awoowe u ahaa sarkaalkaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dagaalkii labaad ee adduunka kaddib waxaa bilowday kii qaboobaa. 1950-aadkii, Iran waxay istaraatiijiyad ahaan fure u ahayd galbeedka.
Ugu horeyn dalka wuxuu ahaa mid siyaasad ahaan lagu kalsoonaan karo, kaas oo ka hortagi karay in Midwogii Sofiyeet soo galo Iran oo uu ku xoogeysto gobalka.
Tan labaad waxay aheyd in kaydka shidaalka Iran ee faa'iidada badan oo la helay 1909-kii, waxaa si wax ku ool ah u maamulayay Shirkadda Saliida Anglo-Iranian (AIOC) ee UK oo hadda loo yaqaan BP.
Markii Mohammad Mosaddeq si dimuqraadi ah loogu doortay raysalwasaare sanadkii 1951, waxaa khatar galay arrimahaas.
Mohammad Mossadegh iyo in dowladda la wareegtay shidaalka
Inkastoo Iran ay laheyd boqortooyo dastuuri ah oo uu hoggaaminayay Shah Reza Pahlavi hadana doorashadii Mosaddeq waxay astaan u ahayd horumarkii dimuqraadiyadeed ee dalka.
Mosaddeq wuxuu ahaa siyaasi garabka bidix ee dhexe. Ujeeddadiisa ugu muhiimsan waxay ahayd in uu qarameeyo warshadaha saliida ee Iran. Tallaabadaasi waxay qalqal gelisyay reer galbeedka gaar ahaan mustaqablka shirkadda shidaalka ee UK. Mareykankana wuxuu baqay saameyta Ruushka.
Dowladda UK waxay isku dayday in ay la xaaxjooto Mosaddeq balse wuu diiday taas. UK markaas kaddib waxay caawin weydiisay Mareykanka, iyagoo ku doodaya in Mosaddeq uu khatar ku ahaa dagaalka ka dhanka ah Shuuciga. Waxaa sidaas ku billowday shirqoolkii lagu afgambiyay raysaalwasaaraha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida uu sheegay Simin Fadaee, howlgalka CIA iyo MI6 wuxuu ahaa mid "si taxadar leh loo qorsheeyey."
"Waxay sameeyeen dagaal maskaxeed iyo rabshado waddooyinka ka dhaca. Waxay maalgalin jireen oo abaabuli jireen kooxo ka tirsan siyaasiyiinta saamaynta leh, militeriga, iyo culimada, waxayna fulin jireen ololayaal ballaaran si Mosaddeq looga dhigo in uu xasilloonida khatar ku yahay," ayuu yiri Simin Fadaee
Waxay sidoo kale abaabuleen mudaaharaadyo ka dhaca waddooyin iyo rabshado si dhakhso ah fowdo u noqday.
Intii ay fowadada socotay, janaraal Zahedi wuxuu abaabulay ciidanka si uu xasilloonida dib ugu soo celiyo, isagoo isticmaalay awood ciidan, sidaas ayuuna ku afgambiyay dowladda. Afgambiga waxaa sidoo kale ku luglahaa culumada.
Mosaddeq waxaa lagu eedeeyay khayaano qaran iyadoo lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah. Markii dambe xabsi guri ayaa lageliyay ilaa uu ka geeriyooday sanadkii 1967-dii.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Reza Pahlavi wuxuu ku soo noqday awoodda sanadkii 1953-dii isagoo ah boqor ah, kaddib wuxuu bilaabay in uu caburiyo shacabka iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka ah.
"Reza Pahlavi wuxuu si dhakhso leh u adkeeyey xukunkiisa isagoo abuuray hay'adii sirdoonka ee caanka ahayd Sazman taas oo mamnuucday dhammaan xisbiyada mucaaridka. CIA-da ayaana gacan siiyay"
Shah wuxuu dalka maamulayay in kaadan labaatan sano, wuxuuna ka dhigay Iran mid ka mid ah waddamada dhaqaale ahaan adduunka dadkoodu kala sareeyaan.
Awoodaha Shah ee adkaa ayaa kordhiyay in ay dhashaan dhaqdhaqaaq wadaniyadeed oo horseeday kacaankii 1979-kii ee afgambiyay boqortooyadii soo jirtay 2,500 ee sano, waxaana baddelay Jamhuuriyadda Islaamiga.
Ayatullah Ruhullah Khumayni, ayaa dajiyay nidaamka cusub oo diimeed wuxuuna dib-u-habayn ku sameeyay siyaasadihii ku wajahnaa Galbeedka, wuxuuna qaatay siyaasad dibadeed oo si wax ku ool ah wax uga beddeshay juqraafiyada siyaasadeed ee gobolka. Kaddib kacaankii 1979-kii, waxaa xumaaday xiriirkii u dhaxeeyay Maraykanka iyo Iran.
Bishii nofeembar isla sanadkaas ayey koox dibadbaxayaal ah xoog ku galeen safaaradda Mareykanka ee Tehran iyagoo afduubtay diblomaasiyiin iyo muwaadiniin kale oo halkaa ku sugnaa.
Afduubkaas wuxuu socday 444 maalmood. Mareykanka markaa kadidb wuxuu jaray xiriirkii diblomaasi ee uu la lahaa Iran, ilaa markaa wixii ka dambeeyay xaaladda way si xumaatay. Washington waxay Iran ku soo rogtay cunaqabateyn. Arintaas waxay Iran gelisay dadkeeda in ay sabool ahaadaan.













