Digniin laga soo saaray biyaha Badda Cas iyo agagaarka Yemen

Yemen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Ururka Midowga Yurub ee qaabilsan ilaalinta badaha ayaa uga digaya maraakiibta in ay ka fogaadaan in ay soo galaan badda Yemen maaddaama Xuutiyiinta ay Iran taageerto ay dib u bilaabi karaan "weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga" gaar ahaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Arrintan ayaa timid kadib markii kooxda Xuutiyiinta ay Sabtidii gantaalo ku garaaceen Israa'iil, waxayna wacad ku mareen in ay qaadi doonaan weerarro kale.

Xuuthiyiinta, oo gacanta ku haya waqooyiga galbeed ee Yemen, ayaan ilaa hadda isticmaalin hubkooda ugu awoodda badan - awoodda ay u leeyihiin in ay carqaladeeyaan isu socodka Bab al-Mandeb, oo ah marinka badda ee isku xira Badda Cas iyo waddooyinka ganacsiga caalamiga ah, sida ay qortay weriyeheenna arrimaha caalamka Lyse Doucet.

Hawlgalka Ciidanka Bada ee Midowga Yurub wuxuu intaas ku darayaa in maraakiibta ganacsiga ee ku xiran Mareykanka ama Israa'iil ay tahay inay ka fogaadaan biyaha Yemen ilaa "khatarta ay ka noqoneyso mid aan darneyn".

Warbixinta, oo la daabacay Sabtidii, ayaa ku qiimeysay heerka khatarta ah "mid sare" ee maraakiibta xiriirka la leh danaha Israa'iil. Waxaa jira heer "dhexdhexaad" ah oo halis ah oo ay wajihi karaan maraakiibta "aan ku xirnayn Israa'iil ama Maraykanka".

Marka loo eego macnaha guud, Xuutiyiinta ay Iran taageerto ayaa bilaabay inay weeraraan maraakiibta mareysa Badda Cas bishii Novembar 2023, iyagoo sheegay inay sidaa u sameynayaan si ay garab u siiyaan Falastiiniyiinta.

Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kooxda fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay shalay inay fulisay weerar labaad oo ka dhacay qaybo ka mid ah koonfurta Israa'iil.

Yahya Saree, oo ah afhayeenka ciidmada milatari ee Xuutiyiinta, ayaa sheegay in kooxda ay qaadday "duqeymo isdaba joog ah oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn " kuwaas oo lagu beegsaday "goobo militari oo muhiim ah" oo ay leedahay Israa'iil.

Wuxuu intaas ku daray in weerarradu ay "isku beegmeen" kuwa ay fuliyeen Iran iyo Xisbullah , isla markaana ay "si guul leh u gaareen ujeeddooyinkooda."

Qoraalkan oo lagu daabacay akoonkiisa Telegram ayaa imaanaya kadib warar ay baahiyeen warbaahinta Israa'iil iyo Maraykanka oo ku saabsan wareeg labaad oo weerarro ah oo ay Xuutiyiintu qaadeen saacado kadib markii ay xaqiijiyeen inay rideen gantaalkoodii ugu horreeyay ee ay ku beegsadaan Israa'iil tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iran.

Mar sii horreysay oo shalay ah, Israa'iil ayaa sheegtay inay qabatay gantaal ka yimid Yemen.

Xuutiyiinta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, xukuumadda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa cambaaraysay waxa ay ku tilmaantay "isku dayga isdaba joogga ah ee Iiraan ay ku doonayso inay Yemen" iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ku soo jiidato colaadda "iyaga oo adeegsanaya maleeshiyaadkeeda argagixisada ah".

Dhanka kale, Yemen waxaa hareeyay dagaalladii sokeeye oo socday tan iyo 2015-kii markii kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan ay kala wareegeen maamulka caalamku aqoonsan yahay, taasoo keentay in ay soo fara galiyaan xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayey ee uu taageeray Mareykanka.

War qoraal ah oo uu soo saaray Golaha Hoggaanka Madaxtooyada, oo ka taliya magaalada dekedda leh ee Cadan, balse inta badan hawlgallada ka sameeya magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga, ayaa lagu yiri "ku lug lahaanshaha maleeshiyada Xuutiyiinta ee difaaca taliska Iiraan" waxay muujinaysaa in Iiraan ay "ku riixayso wakiiladeeda inay furto wejiyo kale" si ay u yarayso cadaadiska siyaasadeed ee nafteeda saaran.

Waxay ka digaysaa in tani ay uga sii dari doonto saboolnimada "xaaladaha bini'aadantinimo iyo tan nololeed... ee waddan horay u soo maray mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadanimo ee ugu xun adduunka".

Xuutiyiintu waxay isu haystaan ​​inay qayb ka yihiin " dhidibka iska caabbinta" ee ay Iiraan hoggaamiso ee ka dhanka ah Israa'iil, Maraykanka iyo guud ahaan Galbeedka - oo ay weheliyaan kooxaha hubaysan sida Xamaas iyo dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee Lubnaan.