Falanqeyn: Trump wuxuu dhibaato dacaayad ah u beddelayaa arrin loo dabaaldego

Sawir hore

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Sawir hore
    • Author, Joe Inwood
    • Role, Wakiilka wararka caalamka
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ciidamada Iran ayaa maanta sheegay in ay burburiyeen saddex diyaaradood oo Maraykan ah oo ku lug lahaa hawlgal raadin ah oo loogu jiray mid ka mid ah xubnaha shaqaalaha diyaaraddii Mareykanka ee la soo riday.

Iran iyo Maraykanku waxay tartan ugu jireen tan iyo Jimcihii si ay u helaan xubinta labaad ee F-15E ka hor inta uusan Donald Trump maanta shaacin in sarkaalka la helay intii lagu jiray hawlgal samatabixineed.

"Diyaaradaha cadowga ee soo galay koonfurta magaalada "Isfahan","ee Iran"] — oo ay ku jiraan labo helikobtar oo Black Hawk ah iyo diyaarad xamuul milatari oo C-130 Hercules ah — ayaa la duqeeyay haddana gubanaya," ayaa lagu yiri war kasoo baxay saldhigga dhexe ee milatariga, ee Khatam al-Anbiya.

Wuxuu intaa ku daray in hawlgalka samatabixinta uu "fashilmay".

Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya burburka diyaaradihii gubanayay oo ku daadsan dhul lamadegaan ah, iyadoo qiiq uu weli ka soo baxayo goobta.

Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn dhacday intii lagu jiray hawlgalka samatabixinta ay ku dhinteen shan qof koonfur-galbeed Iran, inkastoo aan si degdeg ah loo caddeynin in ay ahaayeen rayid ama ciidan.

Tan iyo Jimcihii, warbaahinta Iran waxay sidoo kale faafinayeen muuqaal muujinaya dadka deegaanka, qaar wata calamo iyo qoryo, oo raadinaya duuliyaha kadib markii maamulka uu ku dhawaaqay in abaalmarin la siinayo ciddii keenta xog ku saabsan.

Iran

Xigashada Sawirka, SNN

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah sawirrada ay soo bandhigtay warbaahinta Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u dabaaldegay badbaadinta askarigaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa sida ay wararku u soo baxayeen maalinba maalinta ka dambeysa:

Jimce:

Wakaaladda wararka Tasnim News Agency ayaa sheegtay in Maraykanku raadinayo mid ka mid ah duuliyeyaashiisa kadib markii la soo sheegay in diyaarad lagu soo riday gudaha Iran. Tani waxaa markii dambe xaqiijiyay saraakiil Maraykan ah oo la hadlay warbaahinta reer galbeedka, kuwaas oo sheegay in diyaaraddu ahayd nooca F-15E Strike Eagle.

Guddoomiyaha gobolka koonfureed ee Kohgiluyeh iyo Boyer-Ahmad ee Iran ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay "in la qabto" shaqaalaha diyaaradda Maraykanka haddii ay soo dhacaan iyagoo nool, xitaa abaalmarin ayaana loo ballanqaaday qabashadooda.

Wax yar ka hor 12:00 duhurnimo (EDT), CBS News ayaa werisay in hal xubnood oo ka mid ah shaqaalihii diyaaradda la badbaadiyay, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in laba diyaaradood oo ka qayb qaadanayay hawlgalka samatabbixinta la weeraray. Diyaarad nooca A-10 Warthog ah ayaa la duqeeyay, duuliyihiina wuu ka booday isagoo ku dhacay Gacanka, halkaas oo lagu badbaadiyay. Shaqaalaha saarnaa helikobtarka qaaday duuliyaha la soo badbaadiyay ayaa sidoo kale dhaawacmay kadib rasaas fudud oo lagu furay isaga.

Sabti:

Warar kooban oo yar ayaa laga helay raadinta.

Axad:

Wax yar ka hor saqda dhexe (EDT), warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in duuliyihii labaad la helay.

Daqiiqado kadib, Trump ayaa ku qoray bartiisa baraha bulshada ee Truth Social in duuliyihii maqnaa uu yahay mid "AMMAAN AH OO BADQABA", inkastoo uu dhaawacmay, haddana "uu si fiican u bogsan doono."

Sida uu Trump uga falceliyay

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

"WAAAN HELNAY!"

Sidaas ayuu Donald Trump ku bilaabay qoraalkiisa baraha bulshada ee uu ku shaaciyay badbaadinta duuliyihii labaad.

Si la filan karo, wuxuu arrintan u soo bandhigayaa guul weyn oo ay gaareen ciidamada Maraykanka, isagoo u rogaya wax markii hore u ekaa dhibaato dacaayad ah arrin loo dabaaldego.

Muddo 48 saacadood gudahood ah, wuxuu wajahayaay suurtagalnimada in askari Maraykan ah oo shaqeynaya—oo hadda la ogyahay inuu ahaa kornayl—uu gacanta u galo Iiraan, laguna soo bandhigo telefishinka dowladda.

Akoonnada baraha bulshada ee taageera Iran ayaa hore isku dayay inay ka faa'iideystaan xaaladda. Qaar waxay soo dhigeen muuqaal muujinaya askari ay eryanayaan dad deegaanka ah, halka kuwo kale ay faafiyeen sawirro been abuur ah oo lagu sameeyay garaadka macmalka ah ee AI oo muujinaya sarkaalka oo ku raaxeysanaya martigelinta Iran.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku tilmaamay dhacdada "maalin madow oo fadeexad ku ah" Maraykanka.

Runtii, xaqiiqda ah in diyaaradda la soo riday markii hore waxay ka dhigtay qaar ka mid ah hadalladii buunbuuninta ahaa ee maamulka Trump ee ku saabsanaa burburinta difaacyada cirka ee Iran kuwo u muuqda nacasnimo.

Si kastaba ha ahaatee, guusha hawlgalkan samatabbixinta ee geesinnimada iyo khatarta intaba lahaa, Trump wuxuu rajeynayaa inuu dib u helo hoggaanka xaaladda, xilli ay dad badan aaminsan yihiin in jihada dagaalkan ay ka sii siibanaysay gacantiisa.