W ax ka ogoow waddamada haysta gujiska Nukliyeerka xambaara

Gujiska xambaara qumbuladda Nukliyeerka

G ujisku waa gaadiid ay ciidamada baddu isticmaalaan oo looga tala galay badda hoosteeda inuu muddo dheer ku socdo isaga oo aan muuqan.

Mararka qaar Gujisku badda hoosteeda wuxuu ku jiraya ilaa iyo 90 maalmood shaqaalaha iyo ciidamada saaran cuntadi ay cuni lahaayeen iyo adeegyadi kale ee ay u baahnaayeenna gudahiisa ayey diyaar ku yihiin.

W uxuuna awood u leeyahay ilaa iyo 244 miitir inuu gunta hoose ee badda uu ku socda.

Haddaba waa kuwee waddamada haysta Gujiska xambaara hubka Nukliyeerka?

H orraantii 1980-yadi Ruushka ayaa sameystay nooca gujiska ee Typhoon loo yaqaanno uu dhirirkiisu ahaa 175 mitir halka ballaciisuna uu aha 23 mitir.

C abbirka gujiskaasi oo u dhigma laba diyaaradood oo Boeing 737 oo la isdaba dhigay xajmigood.

W addama kooban ayaa leh maraakiibta Gujiska weliba nooca ku hubeysan gantaalaha Nukliyeerka.

W uxuuna markabka Gujiska uu awood u leeyahay inuu badda hoosteeda uu ka soo rido gantaalaha baalastika iyo inuu xambaaro gantaalaha Niyukliyeerka.

Gujiska Nukliyeerka xambaara

I laa iyo hadda 6 waddan oo keli ah ayaa leh maraakibta Gujiska noocaasi ah.

W addamadaasi oo kala ah Mareykanka (68), Ruushka (29), Shiinaha (12), Ingiriiska(11), Faransiiska (5) iyo Hindiya.

S ida oo kala khubarada abla-ableysa arrimaha hubkana waxay sheegayaan iney heleen caddeymo muujinaya waddamada Kuuriyada Waqooyi iyo Israa'iil iney leeyihiin maraakiibta Gujiska ee gantaalaha Nukliyeerka xambaari kara.

M arkabka Gujiska sameyntiisa waxaa ku baxeysa lacag gaareysa $320.5 balyan oo doolarka Mareykanka.

H alki markab oo Gujis ah sameyntiisana waxay qaaadataa qayaastii 3-4 sano. Waxaana markabkaasi gudahiisa ka shaqeeya shaqaale gaaraya 123.

M atoorka Gujiska wuxuu si siman uu tamarta uga helaa shidaalka iyo korontada.

W uxuuna awood u leeyahay marka uu badda hoosteeda uu ku jiro inuu socdo xawaara gaaraya 23 km saacaddiba.

Gujiska Nukliyeerka xambaara

Xigashada Sawirka, Reuters

H abka uu Gujiska marka uu biyaha u quuso marna kor ugu soo baxo ayaa waxay tahay sidan.

M arkabka qaybta hoose waxaa kaga rakiban seddex haamood oo ay tan dhexe weyn tahay labada cirif haamaha ku yaallana ay yihiin kuwa ka yar haanta dhexe ee weyn.

H aamaha dhinacyada ku xiran ee yaryar waxay markabka ka caawinayaan inuu kor ama hoos uu socda oo jihada gujiska u soconayo ayey ku shaqa leeyihiin.

H alka marka la rabo markabka inuu biyaha hoostooda ku socda haanta weyn biyo ayaa laga buuxinayaa sidaa ayuu ku quusayaa, halka marka la rabo inuu Gujiska biyaha ka soo baxana hanti weyneyd biyaha laga sii deynayo oo naqas laga buuxinayo.

G ujiska caadiga ah ee ay isticmaalaan ciidamada badda waddamada hormaray ilaa iyo 10 dal ayaa leh, balse nooca xambaara gantaalaha Nukliyeerka ayey dalal badan haysan oo sida weyna la isugu faano ayaa wuxuu yahay markabka gujiska ee xambaara gantaalaha Nukliyeerka.