Maxaan ilaa hadda ka ognahay badbaadintii askariga Mareykanka ee Iiraan

Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Mareykanku wuxuu badbaadiyey duuliyihii kale ee diyaaradda dagaalka ee F-15 ee Mareykanka, taas oo lagu soo riday maalintii Jimcaha koonfurta dalka Iiraan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay badbaadintaas subaxnimadii Axadda isagoo adeegsanaya baraha bulshada, ka dib markii ciidanka Mareykanku ay "fuliyeen mid ka mid ah hawlgaladii baadi-goobka iyo badbaadinta ee ugu adkaa" taariikhdooda. Wuxuu intaas ku daray in sarkaalku uu hadda yahay "mid badqaba oo nabad qaba!"

Labada xubnood ee diyaaradda saarnaa ayaa ka boodday diyaaradda, midkoodna horey waxaa u badbaadiyey ciidamada Mareykanka.

Mas'uuliyiinta Iran waxay sheegeen in diyaaradda dagaalka uu dhulka soo dhigay nidaamka difaaca hawada ee dalka.

Faahfaahinta ku saabsan howlgalka badbaadinta iyo sida uu u dhacay ayaa weli soo baxaya. Waa kuwan waxa aan ilaa hadda ka ognahay.

Sidee loo soo badbaadiyay sarkaalka?

Maraykanka iyo Iran ayaa ku jiray tartan ay ugu jiraan helidda xubinta shaqaalaha ah ee maqan ka dib markii diyaaradda lagu soo riday koonfurta Iran. Xaaladaha rasmiga ah ee ku xeeran badbaadinta Maraykanka ayaa weli ah kuwo aan cadayn, laakiin qof xog-ogaal u ah hawlgalka ayaa ku sifeeyay inuu ahaa hawlgal "weyn" oo ku saabsan baadi-goobka iyo soo-badbaadinta dagaalka oo ka dhacay koonfurta Iran.

BBC-du waxay fahamsan tahay inuu jiray iska horimaad dhex maray ciidamada Maraykanka iyo kuwa Iran xilligii gurmadka, waxaana suurtagal ah in duuliyuhu uu ku dhaawacmay markii hore ee uuka booday diyaaradda.

Soo badbaadinta xubnaha shaqaalaha ee diyaarad lasoo riday waa mid ka mid ah hawlgalada ugu adag uguna xasaasisan dhanka waqtiga oo loo yaqaanno baadi-goobka iyo soo-badbaadinta dagaalka, kuwaas oo ay u diyaar garoobaan milatariga Maraykanka iyo xulafadooda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Unugyada ciidanka cirka ee ka dambeeya hawlgalada CSAR waxaa ka mid ah xubnaha ugu tababaran uguna takhasuska sarreeya ee milatariga.

Hawlgaladan waxaa inta badan fuliya diyaaradaha helikobtarrada ah, kuwaas oo jawi hoose ku duula marka ay marayaan dhulka cadowga, iyadoo ay weheliyaan diyaarado kale oo milatari oo fuliya weeraro isla markaana ilaaliya aagga.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, Trump wuxuu ku sheegay in askariga ka tirsanaa ciidanka cirka uu ahaaornayl "uu ku jiray gudaha dhulka cadowga, gaar ahaan buuraha khatarta ah ee Iran, isagoo ay eryanayeen cadowgeennu, kuwaas oo saacadba saacadda ka dambaysa kusoo dhawaanayay."

Masuuliyiin la hadlay CBS News, oo ay bahwadaag yihiin BBC-da, ayaa sheegay in xubinta shaqaalaha ahi uu keligii joogay in ka badan 24 saac, isagoo bistoolad kaliya ku haysta buuraha dhexdooda.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in goobta uu ku sugnaa askariga ay "24 saac maalintii" la socdeen masuuliyiin sarre oo Maraykan ah, kuwaas oo qorshaynayay hawlgalka soo badbaadinta ah.

Sidoo kale, masuul sarre ayaa u sheegay CBS in hay'adda sirdoonka ee CIA ay door muhiim ah ka ciyaartay hawlgalka badbaadinta, iyadoo askariga ka raad-raacday dillaac buureed dhexdeed ah, ka dibna goobta uu sida rasmiga ah u joogo u gudbisay Pentagon-ka.

Sida lagu sheegay warbixinnada, hay'addu waxay Iran dhexdeeda ka fulisay olole marin-habaabin ah. Intii uu socday isku-dayga soo-badbaadinta, hay'addu waxay faafisay warar sheegaya in mar horeba la helay askariga, lagana saaray dalka Iran.

Trump ayaa sheegay in milatariga Maraykanku ay Iran u direen daraasiin diyaaradaa, wuxuuna ku dooday in hawlgalku uu u dhacay iyadoo aanay jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo soo gaaray dadka Maraykanka ah.

Warbaahinta dawladda Iran ayaa werisay in ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Maraykanku leeyahay, xilli ay baadi-goobaysay askariga maqan.

Xafiiska xiriirka dadweynaha ee IRGC ayaa laga soo xigtay in diyaaradda an duuliyaha lahayn ee Maraykanku ay ku dhacday gobolka Isfahan ee koonfurta Iran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars.

Hadda ka hor, Iran waxay sheegtay inay doonaysay inay hesho askariga Maraykanka ah ee maqan isagoo nool, waxayna muwaadiniinta u ballan-qaaday abaal-marin haddii ay ka caawiyaan soo heliddiisa.

Duuliyaasha diyaarada la soo riday ayaa ah kuwo si heer sare ah loogu tababaray xaaladaha noocan oo kale ah.

"Ahmiyaddooda koowaad waa inay sii noolaadaan oo ay ka fogaadaan in la qabto," ayay Jennifer Kavanagh, oo ah agaasimaha falanqaynta milatariga ee xarunta cilmi-baadhista ee Defense Priorities, u sheegtay BBC-da.

"Waxaa lagu tababaraa haddii ay awoodaan jir ahaan, inaysan si darran u dhaawacmin, ayna isku dayaan inay ka fogaadaan goobtii ay diyaaraddu ku dhacday sida ugu dhakhsaha badan, ayna is qariyaan si ay nabad u galaan."

Waxay sidoo kale ku tababaran yihiin farsamooyinka badbaadada si ay ugu noolaan karaan iyagoo aan cunto ama biyo haysan, ama ay uga helaan khayraad deegaanka ku hareeraysan, inta ugu badan ee suurtogalka ah, ayay Kavanagh sheegtay.

Goortee iyo goobtee ayaa diyaaradda la soo riday?

Warbaahinta dawladda Iran ayaa markii ugu horreysay sheegtay maalintii Jimcaha in ciidamadoodu ay diyaarad Maraykan ah ku soo rideen gobollada koonfureed ee dalkaas.

Goobta rasmiga ah ee la sheegay in diyaaradda F-15 lagu soo riday ayaan weli la xaqiijin, balse laba gobol oo suurtagal ah ayaa lagu xusay warbaahinta dawladda Iran kuwaas oo kala ah Kohgiluyeh iyo Boyer-Ahmad, iyo Khuzestan.

Laba xubnood oo shaqaale ah ayaa saarnaa diyaaradda la soo riday. Duuliyihii diyaaradda ayaa lagu soo furtay hawlgal hore u dhacay. Hawlgalkaas ayaa la sheegay inay qayb ka ahayd diyaaradda nooca A-10 Warthog oo lagu bartilmaameedsaday hawada sare ee Gacanka, taas oo keentay in duuliyiheeduna uu ka boodo ka hor inta aan la soo badbaadin.

Mid ka mid ah helikobtarradii siday duuliyihii laga soo badbaadiyay diyaaradda F-15E ayaa waxaa ku dhacay rasaasta qoryaha fudud, taas oo dhaawacday xubno ka mid ah shaqaalihii saarnaa balse waxay ku degtay si nabad ah, sida ay werisay warbaahinta Maraykanku.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in qabaa'ilka reer miyiga ah ee deggan buuraha dalkaas ay rasaas ku riden laba helikobtar oo nooca Black Hawk ah, kuwaas oo qayb ka ahaa hawlgalka badbaadinta ee Maraykanka.

BBC Verify ayaa xaqiijisay muuqaal la duubay maalintii Jimcaha, kaas oo muujinaya wax u muuqda saddex qof oo hubaysan oo xabbado ku ridayaya ugu yaraan laba helikobtar oo Black Hawk ah.

Taliska sare ee wadajirka ah ee ciidanka Iran ayaa sheegay in nidaamyada cusub ee difaaca hawada ee Iran ay ka dambeeyeen soo ridista labada diyaaradood ee dagaalka ee Maraykanka, sida ay werisay wakaaladda wararka ee IRNA oo xiriir la leh dawladda.

Gobolka Kohgiluyeh iyo Boyer-Ahmad waa gobol buureey ah oo ku yaalla koonfur-galbeed Iiran, waxaana deggan in ka badan 700,000 oo qof, oo ay ku jiraan dad reer miyi ah.

Reer miyiga aaggaas deggan ayaa lagu yaqaannaa inay qaataan qoryaha darandooriga u dhaca si ay xoolahooda iyo xeryahooda uga difaacaan duurjoogta iyo tuugada ku dhuumata dhulka sare ee fog.

Gobolka Khuzestan waa xarun muhiim u ah saliidda iyo dhawr warshadood oo kale. Waxaa ku nool in ka badan 4.7 milyan oo qof, kuwaas oo ka kooban qoomiyado kala duwan, oo ay ka mid yihiin Carab, Faarisiyiin , Lors iyo qowmiyado kale.

Maxaan ka ognahay ujeeddada diyaaraddaas?

Maraykanka

Xigashada Sawirka, US Air Force via Getty Images

Diyaaradda F-15E waxaa loogu talagalay labadaba dagaalka ee cirka-iyo-dhulka. Gudaha Iiraan, waxay u badan tahay inay ka qayb qaateen doorka difaaca si ay u soo ridaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada "cruise" ee Iiraan.

Marka loo eego doorkeeda weerarka cirka-iyo-dhulka, diyaaraddu waxay awood u leedahay inay tuurto hubka saxda ah ee lagu hagayo laysarka iyo GPS-ka, iyo waliba qaraxyo kale.

Diyaaradda waxaa saaran laba shaqaale ah: duuliyaha iyo sarkaalka nidaamka hubka ee fadhiya kursiga dambe. Sarkaalka hubka, oo loo yaqaanno "Wizzo," ayaa mas'uul ka ah xulashada bartilmaameedyada iyo hubinta in hubka loo qorsheeyey weerarka ku habboon.

Habkan labada shaqaale ah wuxuu suurtagelinayaa in shaqada la qaybsado, gaar ahaan goobaha mashquulka ah halkaas oo duuliyuhu isku dayayo inuu ka baxsado khataraha.

Ma garanayno waxa dhabta ah ee soo riday diyaaraddan Maraykanka ah, laakiin haddii ay Iiraaniyiintu soo rideen, sababta ugu dhow waa gantaalka difaaca cirka (SAM).