Soomaali ku sugan caasimadda Iiraan oo ka warramaya xaqiiqda taalla gudaha dalkaas

Soomaali ku sugan caasimadda Iiraan oo ka warramaya xaqiiqda taalla gudaha dalkaas

Dalka Iiraan waxaa tan iyo dabayaaqadii bishi Febraayo ka socday duqaymo ay wadeen Israa'iil iyo Maraykanka.

Iiraan dhankeeda waxay gantaalo ku garaacday dalalka khaliijka ee Maraykanku ku leeyahay saldhigyada Milateri.

Waxaa aad u yar xogta laga helayo gudaha dalka oo ay ka jireen kacdoonno dadweyne ka hor duqaymaha, kuwaasoo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof.

Waxaa intaa dheer in dalka ay soo martay xannibaad dhaqaale iyo mid ganacsi oo ay reer galbeedku saareen, taasoo saamayn ku yeelatay dhaqaalaha Iiraan.

Haddaba waa sidee xaaladda ka taagan gudaha dalkaas, gaar ahaan magaalada Tehran. Waxaan la hadalnay mid ka mid Soomaali aan badnayn oo weli dalkaas ku nool.

Ninkaas oo waraysi gaar siiyey BBC ayaan magaciisa qarinay sababo amnigiisa ku saabsan, wuxuuna nooga warramay sida ay tahay nolosha magaalada Tehran xiligan ay dagaalladu jiraan.