Qaabkee ayay Sirdoonnada Mareykanka iyo UK u afgembiyeen dowladdii Iiraan 1953?

Dibad-baxayaal taageersan boqortooyo ayaa socod ku maray bartamaha Tehran 26-kii Agoosto 1953-kii, kadib afgambi la doonayay in lagu soo celiyo boqortooyadii Iran.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Dadka reer Iran waxay afgambigan oo noqday mid taariikhi ah oo muhiim ah ugu ugu yeeraan "28 Mordad."

19-kii Agoosto 1953, Ra'iisul Wasaarihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Mohammad Mossadegh ayaa xilka laga tuuray, kadib hawlgal ay abaabuleen CIA iyo MI6, oo ah hay'adaha sirdoonka ee Maraykanka iyo Britain.

Afgambigan, oo ay taageereen Maraykanka iyo Britain, ma ahayn oo kaliya mid saameeyay mustaqbalka shacabka Iran, balse wuxuu sidoo kale gogol xaar u noqday in Iran qaadato siyaasad dibadeed oo ka soo horjeeda reer Galbeedka, isla markaana si weyn u beddelay juqraafi-siyaasadeedka gobolka.

"Afgambigu wuxuu si qoto dheer u saameeyay siyaasadda casriga ah ee Iran, ridistii Mossadegh-na waxay ka tagtay dhaxal caro iyo nacayb ah, gaar ahaan mid ka dhan ah Maraykanka iyo guud ahaan reer Galbeedka," ayay tiri Simin Fadaee, oo ah madaxa Waaxda Cilmiga Bulshada ee Jaamacadda Manchester ee UK, sidoo kalena ah qoraaga buugga "Social Movements in Iran."

Hawlgalka bilowgii dagaalkii qaboobaa

Maanta waxaan si cad u ognahay wixii dhacay 19-kii Agoosto 1953, sababtoo ah 60 sano kadib—2013—CIA ayaa markii ugu horreysay qirtay doorkeeda afgambigii ka dhanka ahaa Mohammad Mossadegh.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sidoo kale fasaxday dukumiintiyo sir ahaa.

Dukumiintiyadan waxay bixiyeen faahfaahin ku saabsan afgambiga, kaas oo CIA ay ugu magac dartay Operation Ajax, halka MI6 ay ugu yeertay Operation Boot.

Mid ka mid ah dukumiintiyadaas ayaa lagu sheegay:"Inqilaabkii militari ee riday Mossadegh iyo xukuumaddii National Front waxaa lagu qorsheeyay laguna ansixiyay heerarka ugu sarreeya ee dowladda, iyadoo loo arkayay xeelad siyaasadeed oo dibadeed. Waxaa fuliyay CIA."

Hawlgalka waxaa hogaaminayey sarkaal sare oo ka tirsan CIA, Kermit Roosevelt oo uu awoowe u ahaa Madaxweyne Theodore Roosevelt.

Roosevelt waxa uu qoray daraasad uu ciwaan uga dhigay "Arrimihii Doorka Ka Qaatay Afgembigii Mossadegh," kadibna waxa uu ku soo gabagabeeyey "inqilaab ka dhaca Iran waa suurtagal."

Raiisel wasaaraha Iran Mohammad Mossadegh oo la hadlayay dad isugu soo baxay Tehran 2-dii Oktoobar 1951kii.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Raiisul wasaarihii Iran Mohammad Mossadegh oo la hadlayay dad isugu soo baxay Tehran 2-dii Oktoobar 1951kii.

Dagaalkii Qaboobaa ayaa bilowday kadib dagaalkii labaad ee aduunka, waxaana sannadihii 1950-meeyadii Iran ay noqotay meel istiraatiiji ah oo aad muhiim ugu ah reer Galbeedka.

Marka hore, Iran waxay ahayd dal leh xasillooni siyaasadeed marka loo eego gobolka. Waxay ka hortagtay in midowga Soofiyeet uu helo marin uu ku gaaro Gacanka Faaris (Persian, isla markaana ay xaddidday fiditaanka shuuciyadda ee gobolka.

Marka labaad, kaydka shidaalka ee ay hodanka ku tahay Iran—oo la helay 1909—waxaa si weyn gacanta ugu hayay shirkaddii British-ka ahayd Anglo-Iranian Oil Company (AIOC), oo maanta loo yaqaan BP.

AIOC waxay maamuli jirtay soo saarista shidaalka iyadoo adeegsanaysa heshiisyo u oggolaanayay baaritaan iyo soo saarid ku fidsan inta badan dalka Iran.

Hase yeeshee, mudnaantaas iyo faa'iidooyinkaasi waxay halis galeen markii Maxammed Mossadegh uu noqday ra'iisul wasaare sanadkii 1951, kadib doorasho dimuqraadi ah.

Mossadegh iyo qaramaynta shidaalka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iran waxay markaas ahayd boqortooyo dastuur ah, iyadoo Maxammad Reza Pahlavi uu ahaa madaxa dowladda. Si kastaba, doorashada Mohammad Mossadegh waxay ahayd tallaabo weyn oo horumarineed oo ku saabsan dimuqraadiyadda dalka.

Mossadegh wuxuu ahaa siyaasi u janjeera bidix, wuxuuna caddeeyay in ujeeddadiisa ugu weyn ay tahay qarameynta warshadaha shidaalka Iran.

Tallaabadan waxay heshay taageero ballaaran gudaha Iran, balse reer Galbeedka—gaar ahaan Britain—waxay ka muujiyeen walaac weyn mustaqbalka warshadaha shidaalka, oo markaas ahaa ganacsiga ugu weyn uguna faa'iidada badan dunida.

Simin Fadaee ayaa sheegtay:"Gaar ahaan kadib markii ay Britain lumisay Hindiya, waxay isku dayday inay dib u celiso qarameynta oo halis gelinaysay saameynteeda dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah ee Iran."

Sidoo kale, Maraykanka wuxuu ka baqayay in Mossadegh uu albaabka u furo saameyn dheeraad ah oo uu Midowga Soofiyeet ku yeesho Iran, gaar ahaan iyadoo dalka ay ka jireen dhaqdhaqaaqyo shuuci iyo bulsho-Hnati-wadaag ah oo xooggan.

Britain waxay isku dayday inay wadahadal la gasho Mossadegh, balse ra'iisul wasaaruhu wuxuu diiday faragelin kasta oo shisheeye oo lagu sameeyo warshadaha shidaalka Iran.

Markii dambe, Britain waxay gargaar ka codsatay Maraykanka, iyadoo ku doodaysay in Mossadegh uu khatar ku yahay dagaalka ka dhanka ah shuuciyadda.

Sidaas ayay ku bilaabatay qorshaha lagu afgambinayo ra'iisul wasaaraha.

Qorshaha Britain wuxuu ahaa in Mossadegh lagu beddelo Fazlullah Zahedi, oo ay u arkayeen xulafo dabacsan oo la shaqeyn kara.

Waxay doonayeen in Zahedi uu ku shaqeeyo hoos yimaada Shah-ka, kaas oo u janjeeray danaha reer Galbeedka isla markaana si cad uga soo horjeeday shuuciyadda.

Dukumiintiyada la fasaxay ayaa muujinaya in Kermit Roosevelt Jr. uu booqday Iran bishii Luulyo 1953.

Roosevelt wuxuu si degdeg ah ula kulmay wakiillo Iran ah, wuxuu abaabulay taageero uu ka helo saraakiil militari, wuxuuna raadiyay taageerayaal ka tirsan hoggaamiyeyaasha diinta.

Wuxuu sidoo kale la xiriiray Shah Mohammad Reza Pahlavi, kaas oo dalka ka baxay kadib markii isku day hore oo lagu afgambinayay Mossadegh uu fashilmay.

 Mohammad Mossadegh intii lagu jiray shirkii golaha wasiirada ee 1951 si looga wada hadlo qaramaynta warshadaha saliida ee Iran.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Simin Fadaee ayaa sheegtay:"Waxay isku maan-dhaafeen siyaasadda khiyaanada ah, dagaalka maskaxda, iyo kacdoonada waddooyinka. Waxay maalgelin iyo abaabul u sameeyeen shaqsiyaad iyo kooxo mucaarad ah oo ka mid ah siyaasiyiinta saameynta leh, saraakiisha militari, iyo hoggaamiyeyaasha diinta, sidoo kale waxay sameeyeen ololeyaal warbaahineed oo ballaaran si Mossadegh loogu muujiyo inuu khatar ku yahay xasilloonida dalka."

Waxay sidoo kale abaabuleen bannaanbaxyo iyo kacdoonno waddooyinka ah, kuwaas oo si dhaqso ah u abuurtay qalalaase e gaaray dalka.

Kadib qalalaasahaas, Fazlullah Zahedi ayaa ciidanka abaabulay si dib loogu soo celiyo xasiloonida, wuxuuna isticmaalay xoog si uu xilka uga tuuro xukuumadda, isagoo xabsiga dhigay ra'iisul wasaaraha.

Dukumiintiyada la fasaxay waxay muujinayaan in culumo badan, oo ay ku jirto Abolqasim Kashani, oo door muhiim ah ka ciyaaray afgambiga, ay sidoo kale ku lug lahaayeen qorshahaas.

Mossadegh waxaa lagu maxkamadeeyay eedeymo ku saabsan khiyaano qaran, waxaana xukuntay saddex sano oo xabsi ah. Ka dib waxaa laga dhigay xabsi guri, halkaas oo uu ku qaatay inta ka hartay noloshiisa ilaa uu ka geeriyooday 1967.

Mohammad Reza Pahlavi ayaa dib ugu soo laabtay awoodda isagoo ah Shah-ka Iran sanadkii 1953.

Markii uu qabsaday awood buuxda, wuxuu bilaabay xilli lagu caburiyo dadka iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

Simin Fadaee ayaa sheegtay:"Afgambigu wuxuu aasaas u dhigay xilli dheer oo kelitalisnimo ah, saamayntiisana wali waa la dareemayaa maanta."

"Riidista Mossadegh iyo xoojinta awoodda Shah‑ka waxay fure u ahayd soo ifbaxa waddaniyadda Iran, taasoo ugu dambeyntii keentay kacaankii 1979 ee aas‑aasay Jamhuuriyadda Islaamiga ah."

Kacaankii 1979 ka dib, xiriirka Maraykanka iyo Iran waxa uu noqday mid cadaawad ku dhisan.