Hoggaamiye hadiyad ahaan loo siiyay qori iyo hadallo loo raaciyay

Qori ayaa hadiyad ahaan loo siiyay

Xigashada Sawirka, Belarus press pool

Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko, ayaa hadiyad ahaan u siiyay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, qori, iyagoo saxiixay ku heshiis saaxiibtinimo magaalada Pyongyang, sida ay warbaahinta dowladdu sheegtay.

Labada hoggaamiye, oo ah taageerayaal muhiim ah oo dagaalka Ruushka ee Ukraine, ayaa isku raacay inay sii xoojiyaan iskaashiga isla markaana iska caabiyaan cadaadiska reer Galbeedka.

Lukashenko ayaa si kaftan ah ugu sheegay Kim inuu u keenay qori otomaatig u dhacaya "haddii ay dhacdo in cadow soo aado," sida lagu arkay muuqaal ay sii daysay warbaahinta Belarus.

Dhankiisa, Kim ayaa Lukashenko siiyay seef iyo faas ay ka muuqdaan sawirkiisa.

"Waxaan kuu sheegi karaa anigoo ah saaxiibkaa, isla markaana ah qof wax badan oo adduunka ah soo arkay: mustaqbal aad u wanaagsan ayaa sugaya dalkaaga, maadaama aad leedihiin dad shaqo badan oo nidaamsan," ayuu Lukashenko u sheegay Kim, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Belarus ee Belta.

Wuxuu intaas ku daray in xilli ay "xeerarka caalamiga ah si cad loo jebinayo," ay muhiim tahay in dalalku iska kaashadaan "ilaalinta madaxbannaanidooda iyo horumarinta nolosha muwaadiniintooda."

Lukashenko ayaa ku tilmaamay heshiiska saaxiibtinimo mid aasaasi ah, halka Kim uu sheegay inuu "sii xoojin doono horumarka xasilloon ee xiriirka labada dal."

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isku raacay inay iska kaashadaan dhinacyo kala duwan sida beeraha, macluumaadka, iyo caafimaadka dadweynaha.

Waqooyiga Kuuriya iyo Belarus waxaa si adag cunaqabatayn ugu soo rogay dalalka reer Galbeedka, iyagoo lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo taageeridda dagaalka Ruushka ee Ukraine. Pyongyang waxa kale oo wajahaysaa cunaqabatayn gaar ah oo la xiriirta barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.

Pyongyang ayaa ciidamo u dirtay ololaha militari ee Ruushka. Saraakiil reer Galbeed ah ayaa BBC-da u sheegay sannadkii hore in qiyaastii 1,000 askari oo Waqooyi Kuuriyaan ah ay ku dhinteen bilihii ugu horreeyay ee dagaalka Moscow ee Ukraine.

Fariin uu u diray Putin toddobaadkan, Kim ayaa sheegay in "Pyongyang mar walba la jiri doonto Moscow," sida ay sheegtay wakaaladda wararka Waqooyiga Kuuriya ee KCNA.

Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka inuu dhulka Belarus u adeegsado saldhigyo uu ka weeraro bartilmaameedyada Ukraine.