Sababta Imaaraadku dhiigga ugu kiciyay Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Horaantii sanadkan, Soomaaliya waxay ku jirtay dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan si ay u kasbato taageerada caalamka kadib markii Israa'iil ay aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol ka go'ay Soomaaliya, inuu yahay dal madax-bannaan.
Iyadoo loo marayo xidhiidho diblomaasiyadeed iyo wicitaanno heer sare ah, dowladda Soomaaliya waxay ku guulaysatay inay hesho taageerada dalal badan oo ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ku qancisay inay ka hor yimaadaan aqoonsigaas. Hase yeeshee, hal xidhiidh ayaa si weyn u xumaaday iskaashigii muddada dheer ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta (UAE).
Sanado badan, dowladda hodanka ku ah saliidda ee Khaliijka waxay ahayd saaxiib muhiim ah oo ku lug leh amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya, maadaama dalku leeyahay xeeb dhererkeedu ka badan yahay 3,000km oo ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya gobol badeed istaraatiiji ah oo ay saameeyeen burcad-badeednimo iyo hub tahriibin, kuwaas oo door ka qaatay xasillooni darrada Afrika iyo Bariga Dhexe labadaba.
UAE waxay dhistay xidhiidho kala heer ah oo ay la yeelatay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada, waxayna ku lug lahayd hawlaha dekedaha Boosaaso ee Puntland, Kismaayo ee Jubbaland, iyo Berberada Somaliland.
Laakiin Isniintii, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqday inay baabi'isay dhammaan heshiisyadii maamulka dekedaha iyo iskaashiga amniga ee ay la lahayd UAE, iyadoo ku eedaysay inay dhaawacayso madax-bannaanida dalka.














