You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo hanjabaad kulul u diray Iiraan kana dalbay inay furaan Marinka Hormuz

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay inay Iran la kulmi doono"Cadaab" uuna weerari doono warshada korontada ee Iiraan

Kooban

Tebin toos ah

  1. Cumaan iyo Iiraan oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan Marinka Hormuz

    Cumaan ayaa shaacisay inay la yeelatay kulan ay la qaadatay saraakiil Iiraan ah, kaas oo looga hadlay “hubinta maritaanka” ee marin-biyoodka Strait of Hormuz.

    Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Muscat, khubaro ka kala socotay labada dhinac ayaa kulanka ku soo bandhigay “aragtiyo iyo soo jeedinno kala duwan,” waxaana Cumaan ay hadda dib u eegis ku sameynaysaa soo jeedimahaas.

    Dhanka kale, Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ku biiraan “dadaal kasta oo uu hoggaaminayo Mareykanka” si loo “hubiyo ammaanka maraakiibta” ee marinkaas.

    Anwar Gargash, oo ah la-taliye u ah madaxweynaha Imaaraadka, ayaa sheegay in weerarrada Iiraan ay ku beegsatay dalalka deriska la ah intii uu socday dagaalka ay “kaliya xoojiyeen mowqifka iyo saameynta Mareykanka iyo Israa’iil ee Bariga Dhexe.”

  2. War deg deg ah, Ruushka oo Trump farriin u diray kadib hanjabaaddiisii

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa Axaddii maanta ugu baaqay Maraykanka inuu “joojiyo hadallada hanjabaadaha ah” si loo fududeeyo “dib ugu noqoshada wada-xaajoodyada,” intii lagu jiray wicitaan dhanka telefoonka ah oo uu la yeeshay dhiggiisa Iran, Cabbaas Caraqji.

    Hadalka Lavrov ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu ku hanjabay inuu duqeyn doono kaabayaasha muhiimka ah ee Iran haddii aysan dib u furin marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in “dhinaca Ruushka uu muujiyay rajo ku aaddan guusha dadaallada ay wadaan dhowr dal oo lagu dejinayo xiisadaha ku gedaaman Iran, taas oo la fududeyn karo haddii Maraykanku joojiyo luuqadda adag ee hanjabaadaha ah isla markaana uu dib ugu laabto wadada wada-xaajoodyada.”

    Labada wasiir ayaa sidoo kale ugu baaqay Washington inay joojiso “weerarrada aan sababta lahayn ee sharci-darrada ah ee lagu qaadayo kaabayaasha rayidka,” oo ay ku jirto warshadda korontada nukliyeerka ee Bushehr ee Iran, halkaas oo ay ka shaqeeyaan khubaro Ruushka u dhalatay.

    Sabtidii, Moscow ayaa bilowday daadgureynta 198 shaqaale oo ka shaqeeya warshadda kadib markii agagaarkeeda lagu garaacay weerar ay fuliyeen Maraykan iyo Israa’iil, kaas oo dilay mid ka mid ah shaqaalaha amniga, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

  3. Diyaaraddii ugu horreysay oo Maraykan leeyahay ee la xaqiijiyo in Iiraan soo ridday

    Todobaadkii hore dhammaadkiisa diyaarado Maraykan ah oo ku sugnaa hawada dalka Iiraan ayey soo riday, waxaa la la'sanaa asrkartii la socotay diyaaraddaasi. ciidamada Maraykan ayaa sheegay in ay soo bad-baadiyeen, waxaana arrintaas mid “mucjiso ah oo guul weyn ah,” ku tilmaamay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

    Wuxuu arrintan u soo bandhigay caddeyn muujinaysa in Mareykanku gaaray “xukun buuxa oo hawada ah iyo awood sare oo ka jirta cirka Iiraan.”

    Horey ayuu u sheegay in Iiraan aysan “waxba ka qaban karin” diyaaradaha Mareykanka ee ka hawlgala hawadeeda, hadal ay sidoo kale ku celcelisay Wasiirka Difaaca Pete Hegseth.

    Si kastaba ha ahaatee, inkastoo tani ay guul u tahay Mareykanka, su’aasha weli taagan waa: sidee ayay Iiraan ugu suurtagashay inay soo rido diyaaradda F-15 markii hore?

    Iiraan ayaa sheegtay in diyaaradda lagu soo riday nidaamyadeeda difaaca hawada, isla markaana ay “ka hortagtay” hawlgal badbaadin ah oo Mareykanku sameeyay kadib.

    Warar ayaa tilmaamaya in diyaarado ku lug lahaa hawlgalka badbaadinta ay waxyeello ka soo gaartay rasaas fudud, halka sawirro la sheegay inay muujinayaan burburka diyaaradda lagu faafiyay internetka — taasoo Iran u soo bandhigtay guul.

    Si kastaba ha ahaatee, dhacdadii Jimcihii waxay muujinaysaa in Iiraan ay wali awood u leedahay inay difaacdo hawadeeda, inkastoo awoodaas ay xaddidan tahay.

    Tani waa markii ugu horreysay ee la xaqiijiyo in diyaarad milatari oo Mareykan ah lagu soo rido gudaha Iiraan intii uu socday dagaalkan, taasoo dhalinaysa walaac ah in aysan noqon doonin tii ugu dambeysay.

  4. UK oo sheegtay in ay soo ridday diyaarado Iiraan leedahay

    Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa soo riday “dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo Iiraan leedahay” fiidnimadii caawa, sida ay ku sheegtay Wasaaradda Difaaca ee UK war cusub oo ay soo saartay.

    Warbixintu waxay sheegaysaa in diyaaradaha dagaalka ee Typhoon iyo F-35 ay sii wadaan howlgalladooda difaaca ee ka socda Bariga Mediterranean-ka, Urdun, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ay taageerayaan diyaaradaha shidaalka ku siiya hawada ee RAF Voyager iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Royal Navy Merlin iyo Wildcat.

    Waxaa ay intaasi ku dareyn in “tallaabooyinka ay ciidanku ku ilaalinayaan ay weli marayso heerkii ugu sarreeyay,” isla markaana UK ay “si dhow ula shaqaynayso” saaxiibadeyda gobolka Khaliijka.

  5. Muxuu kala yahay doorka laba shaqsi ee kaxeeya diyaaradaha dagaalka?

    Diyaaradda dagaalka ee F-15E Strike Eagle waxaa wada laba qof: duuliyaha oo fadhiya kursiga hore ee diyaaradda, kaas oo shaqadiisu tahay duulinta diyaaradda, waxaa kale oo diyaaradda la saaran sarkaal kale oo kan hubka riyada ama ku shaqada leh ridista hubka iyo duqeynta halka la doonayo.

    In diyaaraddu ay ka shaqeeyaan laba qof oo ay shaqadoodu kala qeybsan tahay waa mid muhiim ah marka xaalad dagaal la joogo, markastana waa ay kooban tahay shaqada duuliyaha, balse sarkaalka niyaamyada hubka ku shaqada leh ayaa shaqadiisu tahay;

    Nidaamka uu ku shaqeenayo wuxuu hortiisa ku leeyahay afar shaashadood, kuwaas oo uu ka maamulo, raadeyrka hawada, raadeyrka dhulka, nidaamka duqeynta iyo hagidda duulimaadka heer hoose, meelaha loo baahan yahay. Qofkaan waxa uu isticmaalaa qalabka bartilmaameedka si uu u helo bartilmaameedyo cusub, ama uu u doorto bartilmaameedyo hore loo qorsheeyay.

    Inta badan shaqadiisa ugu weyn waa inuu hubiyo in bamamka si sax ah loogu dhaco bartilmaameedka iyo la shaqeynta ciidamada dhulka jooga , sidoo kale waa inuu hubiyo in hub kasta si sax ah loo diyaariyey ka hor inta aan la isticmaalin

    Sarkaalkan ayaa ah maskaxda ka dambeysa adeegsiga hubka ee diyaaradda, iyo in weerarka si sax ah loo fuliyo, iyadoo duuliyaha uu kaliya diiradda saarayo duulinta

  6. Ruushka iyo Shiinaha oo iska kaashanaya joojinta dagaalka

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi uu Axaddii khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov, isagoo sheegay in Beijing ay diyaar u tahay inay la shaqeyso Ruushka gudaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo yareeyo xiisadaha.

    Mar uu ka hadlayey xaaladda ka taagan marin-biyoodka Hormuz, Wang wuxuu sheegay in xal waara oo lagu xallin karo dhibaatooyinka maraakiibta ee marin-biyoodkan uu yahay in si degdeg ah loo gaaro “xabbad-joojin” iyo “xal siyaasadeed oo lagu dhammeeyo qalalaasaha gobolka iyada oo loo marayo wadahadallo.”

    Wadahadalka telefoonka ayaa yimid ka hor codbixin la filayo toddobaadka soo socda oo Golaha Ammaanka uu ka qaadi doono qaraar ay soo gudbisay Baxrain, kaas oo lagu doonayo in lagu ilaaliyo maraakiibta ganacsiga ee maraya ama ku dhow Hormuz.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ugu baaqay dhiggiisa Ruushka inuu qaato “hab dhexdhexaad ah oo isu dheellitiran.”

    Shiinaha ayaa marar badan ku celceliyay baaqa ku aaddan xabbad-joojin laga sameeyo Gacanka Faaris iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

  7. Taliska dhexe ee Maraykanka oo war soo saaray

    Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijyey in ciidamada Mareykanka ay dhameystireen badbaadinta laba Ameerikaan ah ka dib markii diyaarad dagaal laga soo riday maalintii Khamiista.

    Bayaan ay soo saareen ayay ku yiraahdeen: "April 4-teeda, ciidamada Mareykanku waxay si guul leh u dhammaystireen soo badbaadinta laba xubnood oo ka tirsan ciidanka Mareykanka kuwaas oo laga soo saaray Iran, ka dib markii diyaaraddooda dagaalka ee nooca F-15E la soo riday April 2-deeda xilli ay ku jireen hawlgal dagaal.

    "Xubnaha adeegga waxaa lagu soo badbaadiyay hawlgallo baaris iyo soo-badbaadin ah oo kala duwan oo si nabad ah lagu soo afjaray.

    "Duqeymaha Mareykanka ee gudaha Iran way sii socdaan, iyadoo ciidamada Taliska Dhexe ee Mareykanku ay burburinayaan awoodda nidaamka Iran uu ku muujiyo awooddiisa ka baxsan xuduudihiisa."

  8. War hadda ka soo kordhay Israa’iil

    Afar qof ayaa ku dhaawacantay magaalada Haifa ee waqooyiga Israa’iil ka dib weerar gantaal, sida uu sheegay adeegga gurmadka degdegga ah ee dalkaas, Magen David Adom.

    Waxay sheegeen in dadkaas ay ku jiraan "nin qiyaastii 82 jir ah oo xaaladdiisu halis tahay, kaas oo uu ku soo dhacay shay culus, iyo 3 qof oo dhaawacyadoodu fudud yihiin kuwaas oo ay waxyeello ka soo gaartay firirka iyo qaraxa."

    Adeegga gurmadka ayaa la wadaagay sawirradan laga soo qaaday goobta uu falku ka dhacay.

  9. Booliiska Minneapolis oo ka warbixiyay xaaladda ilmihii ku dhex jiray gaarigii ay tuugadu xadeen

    Muuqaal aad u naxdin badan oo la isla dhex maray baraha bulshada ayaa muujinaya hooyo walwalsan oo u cararaysa sidii ay u badbaadin lahayd ilmaheeda oo saddex bilood jira oo saarnaa kursiga dambe ee gaari nooca SUV ah oo la xaday.

    Dhacdadan ayaa fiidnimadii Talaadada ka dhacday waqooyiga magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

    Waxay dhacday abbaarihii 8:07 fiidnimo ee Talaadadii, meel baabuurta la dhigto oo ku taal goob xannaano caruureed oo ku taal waqooyiga Minneapolis.

    Muuqaallada amniga ee goobta xannaanada caruurtu ay siisay warbaahinta ayaa muujinaya koox dad ah oo ku socda waddada u dhow goobta qiyaastii 20 daqiiqo ka hor.

    Markii ay hooyadu gashay gudaha xannaanada, iyadoo ka tagtay baabuurkeeda oo shidan, mid ka mid ah dadkii u muuqday inuu qayb ka ahaa kooxdaas ayaa keligii u socday dhanka baabuurka.

  10. Diyaaraha wax duqeeya ee Maraykanka oo ka duulay UK

    Saddex diyaaradood oo nooca bambooyinka culus tuura oo loo yaqaanno USAF B-1b Lancer ayaa galabta ka kacay saldhigga RAF Fairford ee Gloucestershire, iyadoo ay u dhowdahay inay u jihaysteen Iran.

    Diyaarad kasta waxay awood u leedahay inay qaaddo tiro ka mid ah hubka loo yaqaanno 'bunker busters' oo ah hubka loogu talagalay inuu dalooliyo dhufeysyada dhulka hoostiisa ku yaalla.

    Diyaaradaha noocoodu yahay B-52 iyo B-1b ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka duulayay halkaas si ay u weeraraan bartilmaameedyo iyagoo isticmaalaya isku-dhafka gantaallada JDAM-ka iyo kuwa riddada dheer ee gantaallada cruise.

    Diyaaradaha galabta kacay ayaa u muuqda inay ku jiraan hawlgal socon doona 15 saacadood ama ka badan iyadoo dhowr jeer shidaal loogu shubi karo hawada inta ay jidka ku jiraan iyo marka ay soo laabanayaanba.

  11. Trump oo sheegay “fursad wanaagsan” oo ku saabsan Iiraan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu tixgelinayo “ burburin xooggan iyo inuu la wareego saliida” Iiraan haddii aan dagaalka lagu soo afjarin si deg deg ah. sida uu u sheegay Fox News.

    Laakiin waraysi uu siiyey wariye ka tirsan Fox News, Trump ayaa sheegay in ay jiraan “fursad wanaagsan” oo heshiis lagu gaari garo berri .

    “ Hadda ayey wadaxaajood ku jiraan” ayuu sheegay

  12. Wax ka ogow inta jeer ee Trump waqti kama dambaysa u qabtay Iiran ee haddana waxka baddeley

    Donald Trump ayaa hadda ku celiyay hanjabaadihiisii ku aaddanaa Iiraan haddii aysan furin Marinka Hormuz marka ay taariikhdu tahay 6-da Abriil. Intii uu dagaalku socday, wuxuu dhowr jeer beddelay waqtiyo kama damabysa oo uu qabtay - halkan ayaana ku soo koobnay

    Waqtiga kama dambaysta ah 1-aad: 21-kii Maarso, Trump wuxuu sheegay inuu "garaaci doono isla markaana tirtiri doono" xarumaha korontada, isagoo "ka bilaabaya kuwa ugu waaweyn", haddii aysan Iran furin marin-biyoodka muddo 48 saacadood gudahood ah.

    Waqtiga kama dambaysta ah 2-aad: Labo maalmood ka dib, wuxuu sheegay inay jireen "wadahadallo aad u wanaagsan oo miro-dhal ah" oo dhex maray labada dal, wuxuuna dib u dhigay weerarada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta muddo shan maalmood ah.

    Waqtiga kama dambaysta ah 3-aad: 27-kii Maarso, Trump wuxuu sheegay inuu weerarka xarumaha tamarta dib u dhigayo 10 maalmood, isagoo fulinaya "codsi ka yimid dawladda Iran", taasoo ahayd waqtiga kama dambaysta ah ee ugu dambeeyay ka dhigtay 6-da Abriil.

    Digniinta 48- saac ah: Shalay, iyadoo lagu siqayo waqtiga kama dambaysta ah 6-da Abriil, wuxuu ka digay in Iran ay u haransan tahay "48 saacadood" ka hor inta uusan ku soo deyn "cadaabta oo dhan"

    Hanjabaaddii ugu dambaysay: Qoraal ay ka buuxaan hadallo aad u kulul oo meel-ka-dhac ah, ayuu Trump maanta mar kale ku celiyay hanjabaaddaas.

  13. Trump oo hanjabaad kulul u jeediyey Iiraan

    Digniin: Qoraalka hoose waxaa ku jira kelmado aad u kulul oo aan la faafreebin, kuwaas oo dadka qaar ay u arki karaan meel-ka-dhac.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Truth Social soo dhigay qoraal ay ka buuxaan aflagaaddo iyo hadallo kulul, isagoo ugu hanjabay dalka Iran inuu dib u furo Marinka Hormuz.

    Wuxuu sheegay inuu beegsan doono kaabayaasha rayidka, isagoo u sheegay Iran inay "cadaab ku noolaan doonaan" haddii aan la furin marinkaas muhiimka ah.

    Qoraalkan ayaa yimid ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee uu Trump u qabtay Tehran inay marinkaas ku furto oo ku beegan Isniinta, kaas oo xirnaa tan iyo markii uu dagaalku qarxay dhammaadkii Febraayo.

    Halkan hoose waxay ka kooban tahay hadallada aadka u kulul ee Trump.

    Trump ayaa yiri: "Talaadadu waxay Iran u noqon doontaa Maalintii Warshadaha Korontada iyo Maalintii Buundooyinka si buuxda loo gagabaynayo . Wax la mid ahna horay loo ma arag!!! Fur Marinka, bastaryahow- waallan, haddii kale waxaad ku noolaan doontaan Cadaab - Madaxweyne DONALD J. TRUMP"

  14. Cumaan oo shaacisay war cusub oo ku saabsan Iiiraan

    Xayiraadda Iiraan ee Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta caalamiga ah, ayaa keentay in qiimaha tamarta uu sare u kaco isla markaana cadaadis sii kordhaya uu ku yimaado dhaqaalaha adduunka.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda X, ee horrey loo oran jiray Twiter ku sheegtay wasiir ku-xigeenada arrimaha dibadda ee Iiraan iyo Cumaan ay kulan yeesheen si looga wada hadlo “xulashooyinka suurtogalka ah ee hubinta maraakiibta inay si habsami leh u maraan” Marinka.

    Kulank oo dhacay sabtidii sidoo kale waxaa ka qayb galay khubaro ka socday labada dhinac, iyadoo la soo bandhigay “aragtiyo iyo soo-jeedinno kala duwan,” sida ay wasaaraddu sheegtay.

    Donald Trump ayaa digniin u diray in Teheran ay tahay inay dib u furto marinka muhiimka ah ee maraakiibta Isniinta, haddii kale ay wajihi doonto “Cadaab.”

  15. Trump oo soo saaray fariin cusub oo ku saabsan duuliyihii la badbaadiyey iyo tallaabadii Iiraan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa fariin cusub soo dhigay bartisisa bulshada ee Truth Social, taas oo ku saabsan badbaadinta sarkaalkii labaad ee ciidanka cirka Maraykanka. Waxay u dhignayd sidatan:

    "Waxaan soo badbaadinnay xubin/sarkaal ka tirsan shaqaalaha diyaaradda F-15, kaas oo dhaawac halis ah qaba, geesina ah, kana soo saarnay meel aad u fog oo ku dhex taal buuraha Iiraan. Milatariga Iiraan waxay wadeen baadi-goob xooggan, iyagoo tiro badan ah, aadna ayay ugu soo dhawaanayeen. Isagu waa Korneel aad loo ixtiraamo.

    "Noocaan weerar oo kale mar dhif ah ayaa la isku dayaa khatarta ay u leedahay 'dadka iyo qalabka' darteed. Ma aha wax dhaca oo caadi ah! Weerarkan labaad wuxuu yimid ka dib kii koowaad, halkaas oo aan ku soo badbaadinnay duuliyihii iyadoo ay tahay maalin cad, taas oo iyaduna ahayd wax aan caadi ahay, annagoo toddobo saacadood ku jirnay hawada Iiraan.

    "Waa muujin CAJIIB ah oo geesinimo iyo karti leh oo ay sameeyeen dhammaantood! Waxaan ku qaban doonaa shir jaraa'id Xafiiska Oval-ka, aniga iyo Milatariga, maalinta Isniinta, saacaddu markay tahay 1:00 Duhurnimo. Ilaahay ha barakeeyo GEESIYAASHAYADA MILATARIGA! Madaxweyne DONALD J. TRUMP"

  16. Warbaahinta Iiraan oo soo bandhigtay diyaaraddii laga burburiyay Mareykanka

    Warbaahinta Iran ayaa shaacisay sawirro muujinaya burburka diyaarado lagu burburiyay intii lagu jiray hawlgalkii samatabbixinta ee duuliye-ku-xigeenka diyaaradda F-15E Strike Eagle.

    Sida ay sheegayaan warbaahinta Maraykanka, intii lagu guda jiray hawlgalkan, laba diyaaradood oo xamuul ah oo loo qorsheeyay inay qaadaan ciidamada gaarka ah iyo duuliyaha ayaa la kulmay dhibaatooyin. Sida uu qoray waregyska The New York Times, ciidamada Maraykanku waxay “burburiyeen laba diyaaradood oo naafoobay si looga hortago inay gacanta u galaan Iran.”

    Sida uu sheegay saldhigga cirka ee Khatam al-Anbia Air Base, “diyaaradaha cadowga ee soo galay hawada ayaa lagu duqeeyay koonfurta Isfahan,” oo ay ku jiraan laba helikobtar oo nooca Black Hawk ah iyo diyaarad xamuul milatari oo C-130 Hercules ah."

    Waxaad akhrisan kartaa:

  17. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalkii lagu soo helay duuliyaha Mareykanka

    Waxaa sii caddaanaya in hawlgalkan samatabbixintu uu ahaa mid aad u adag oo ballaaran, kuna lug lahaa awood militari oo weyn oo Maraykan ah—boqolaal ciidamo gaar ah, iyo daraasiin diyaarado dagaal iyo helikobtarro ah oo loo diray raadinta.

    CBS News ayaa sharaxday in duuliyahan—oo ahaa Weapons Systems Officer (WSO), kana fadhiya kursiga labaad ee F-15E Strike Eagle—uu ku dhaawacmay intii uu ka boodday diyaaradda (ejection) isagoo ku sugan koonfurta Iran.

    Diyaaraddan la soo riday ayaa ahayd F-15E Strike Eagle-kii ugu horreeyay ee lagu soo rido dagaal muddo ka badan 20 sano.

    “Wizzo”-ga, oo ahaa kornayl aan magaciisa la shaacin, wuxuu qabay dhaawacyo, balse waxaa la sheegay inuu awooday inuu socdo, isla markaana uu ka baxsado qabashada muddo ka badan hal maalin. Wuxuu watay oo keliya bastoolad.

    Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Maraykanku ay adeegsadeen bambooyin iyo rasaas si ay uga fogeeyaan ciidamada Iran goobta uu ku sugnaa sarkaalka. Waxaa sidoo kale la sheegay inuu dhacay iska horimaad toos ah oo dhexmaray ciidamada Iran.

    Shan diyaaradood oo xamuul ah oo Maraykan ah ayaa loo adeegsaday hawlgalka, balse laba ka mid ah kama aysan kicin karin gudaha Iran. Sidaas darteed waa la burburiyay si looga hortago in la qabto.

    Warar dheeraad ah:

  18. War deg deg ah, Shilalkiii hore ee soo ridista diyaaradaha dagaalka Maraykanka

    Diyaaradda dagaalka Maraykanka ee ay soo rideen ciidamada cadow ah ayaa ahayd mid dhacdo dhif iyo naadir u dhacda, wax dhacay labo wakhti oo kali ah tobanaankii sano ee aan soo dhaafnay.

    Saddex diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee F-15 ayaa kusoo dhacay Kuwait, kadib shil ‘’is-rasaasayn saaxiibtinimo’’ oo dhacday horaantii bishii Maarso, sida ay sheegeen taliska bartamaha ciidamada Maraykanka ee (CentCom). Dhammaan xubnihii shaqaalaha diyaaradda ayaa badbaaday.

    Dhammaan shaqaalaha lixda ahaa ee saarnaa diyaaradda milatariga Maraykanka ee qaybisa shidaalka ayaa lagu dilay shil ay qayb ka ahayd diyaarad kale oo dagaal bishii Maarso 12, shilkaasi oo ka dhacay Galbeedka Ciraaq, sida ay sheegtay CentCom.

    Bishii April 7 2003, diyaarada dagaalka Maraykanka ee F-15 ee galayrka ayaa lagu soo riday Ciraaq howlgalka xorranta Ciraaq, taasi oo uu ku dhintay duuliye Erec Das iyo sarkaalka William Watkins.

    Diyaarada ayaa kasoo kacday saldhiga ciidamada cirka ee Al Udeid ee Qadar si ay u samayso howlgal ada, iyada oo beegsanaysay meel ku dhow Tikrit, Ciraaq, sida laga soo xigtay mareegta US Navy Memorial.

    Diyaarada US A-10 Thunderbolt II ayaa la aaminsan yahay in lagu soo riday caasimada Ciraaq ee Baqdaad bishii April 8, 2003, sida laga soo xigtay ciidamada cirka Maraykanka. Duuliyihii ayaa si badqab leh loo soo badbaadiyay, kahor inta aysan burburin.

    Diyaarad kale oo nooceedu yahay F-15 ayaa ku burburtay Waqooyi-bari Liibiya bishii Maarso 2011. Afar diyaaradood oo dagaal iyo laba helikobtar ayaa loo diray si ay usoo badbaadiyaan duuliyaha, sida ay wakhtigaasi sheegeen ciidamada badda Maraykanka.

    WARBIXINO DHEERI AH

  19. Mareykanka iyo Iiraan oo isugu hanjabay inay 'naar' iska waraabin doonaan xilli ay sii socoto raadinta askarta Mareykanka

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in "cadaab dhan ay ku soo de'i doono" Iran haddii aysan heshiis gaarin, taasoo keentay in Iran ay uga jawaabto hadal la mid ah.

    Afhayeen u hadlay milatariga Iran ayaa ka digay in gobolka oo dhan uu noqon doono "cadaab" haddii Mareykanka iyo Israa'iil ay sii wadaan kicinta colaadda.

    Sabtidii, Iran waxay mar kale gantaallo ku garaacday dalalka Khaliijka, Ciraaq iyo Israa'iil, iyadoo burbur ka dhashay gantaallo la qabtay uu sababay khasaare.

    Dhanka kale, ciidamada Mareykanka iyo kuwa Iran ayaa raadinaya xubin ka tirsan shaqaalaha Mareykanka oo la la'yahay ka dib markii diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay (F-15) lagu soo riday koonfurta Iran Jimcihii. Duuliyihii waa la badbaadiyay, sida ay warbaahinta Mareykanku sheegtay.

    Mas'uuliyiinta Iran ayaa ku boorrinaya muwaadiniinta inay helaan xubinta shaqaalaha ee la la'yahay isagoo "nool", waxayna u ballanqaadeen abaal-marin qofkii qabta.

  20. Iran oo sheegtay inay soo ridday diyaarad drone ah oo baadigoobka ku jirtay

    Warbaahinta dalka Iran ayaa ku warramaysa in ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, xilli ay baadi goob ugu jirtay diyaaradda la la’yahay.

    Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa ku burburtay gobolka Isfahan ee koonfurta Iran, sida ay sheegtay xafiiska xiriirka dadweynaha ee IRGC, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Fars.

    Wararkan weli ma xaqiijin Maraykanku.

    Warar dheeraad ah:

Trending Now