You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Israa'iil oo weerartay goobta ugu weyn ee kiimikada ee Iran ka dib hanjabaadaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Trump

Wasiirka difaaca Israa'iil Israel Katz ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in ay duqeeyeen xarun shidaal oo ku taal Iran, maadaama buu yiri IDF lagu amray in ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha Iran "awood kasta."

Kooban

Tebin toos ah

  1. Qodobadii ugu muhiimsanaa Shirkii jiraa'id ee Trump

    Madaxweyne Donald Trump, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth, Agaasimaha CIA John Ratcliffe, iyo Guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada Isku-dhafka Dan Caine oo ku sugnaa Aqalka Cad ayaa si wadajir ah ula warbaahinta, iyaga oo bixiyey faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalkii lagu soo badbaadiyey laba duuliye oo Mareykan ah ka dib markii diyaaraddooda lagu soo riday Iran Jimcihii la soo dhaafay iyo hanjabaadihiisa ku aadan Iiraan.

    Halkan waxaan kusoo koobeynaa qodobbadii ugu muhiimsanaa shirkii jaraa’id ee caawa

    • Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in dhammaan ciidamadu aysan ku qancin dadaallada ballaaran ee badbaadinta, gaar ahaan iyadoo raadinta duuliyaha labaad ay socotay ku dhowaad 48 saacadood
    • Wuxuu sheegay in loo sheegay inuu yahay “howlgal aad u khatar badan” balse uu “u arkay inay mudan tahay”
    • Trump wuxuu sidoo kale, sheegay in howlgalka la carqaladeeyay oo uu adkaaday kadib markii warbaahin ay sheegtay in hal duuliye la la’yahay, taasoo keentay in mas’uuliyiinta Iiraan ay bilaabaan raadintooda si ay u qabtaan. Balse sheegay in saraakiisha Mareykanka ay si adag uga shaqeynayaan helitaanka ilaha asalka ah ee xogtaas
    • Trump wuxuu sidoo kale sheegay in heshiis kasta oo cusub oo lala galo Iiraan si loo joojiyo dagaalka uu khasab ku yahay inay oggolaadaan Iiraan "in maraakiibta shidaalka ay xor ku maraan” marin-biyoodka Hormuz
    • Isagoo ka jawaabaya hanjabaadaha ku saabsan weerarka Mareykanka ee kaabayaasha Iiraan, Trump wuxuu sheegay in hawl-galkaan Mareykanku uu faa’iido u leeyahay dadka caadiga ah ee Iiraan, kuwaas oo uu sheegay inay “diyaar u yihiin inay dhibaato u dulqaataan si ay u helaan xorriyaddooda”.
    • Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu weerari doono warshadaha korontada ee Iiraan, isla markaana weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha dalka ii bilaaban doono saacadda marka ay tahay 20:00 waqtiga Mareykanka, kaas oo qaadan doono afar saacadood, iyagoo dhammaan doona saqda dhexe.

    Sidoo kale akhri

  2. Hoggaamiyaha sare ee Iran oo soo saaray farriin qoraal ah oo ku saabsan geerida madaxii sirdoonka Iiraan

    Farriin qoraal ah oo la sheegay in ay ka timid hoggaamiyaha sare ee saddexaad, Mojtaba Khamenei, ayaa la sii daayay kadib dilka madaxii sirdoonka IRGC, Majid Khademi.

    Farriintaas, Mojtaba waxa uu si adag u cambaareeyey dilka madaxa sirdoonka, waxa uuna ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil. Israa’iil ayaa xaqiijisay inay beegsatay Khademi.

    Khamenei wuxuu ku celiyay hadallada saraakiisha Iiraan, isagoo sheegay in dhimashada taliyeyaasha aysan keeni doonin wax “qalqal ah” oo ku yimaada mabda’a ciidamada Iiraan, maadaama “safafka ay aad u ballaaran yihiin”. Taliyeyaal badan oo IRGC ah ayaa la dilay tan iyo markii dagaalku bilaabmay 28-ka Febraayo.

    Waxaa sidoo kale jiray farriimo qoraal ah oo dhowaan loo tiiraye Mojtaba Khamenei, balse tan iyo markii uu xilka kala wareegay aabbihiis qiyaastii bil ka hor, lama arag isaga oo si toos ah uga muuqda meel fagaare ah, sidoo kalena laguma arag sawirro ama muuqaallo cusub oo ka baxay telefishinka qaranka Iiraan.

    Donald Trump ayaa sheegay in Mojtaba uu “ama dhintay ama xaalad aad u liidata ku sugan yahay, maadaama aan cidina wax war ah ka hayn”.

    Safiirka Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa sheegay in maqnaanshaha Khamenei ay sabab u tahay “arrimo amni”, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi uu ku adkaystay inuu “caafimaad qabo oo si buuxda u maamulayo arrimaha”. Ilaa hadda lama helin wax caddayn muuqaal ama maqal ah oo taageeraya sheegashooyinkan.

    Sidoo kale akhri:

  3. Trump oo xaqiijiyay inuu doonayo in ay Iiraan dib ugu noqoto qarniyadii dhagaxa

    Mar wax laga weydiiyay doorka ciidamada Kurdiyiinta ee dagaalka ay kula jiraan Iiraan, Trumps wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa in Kurdiyiinta ay ka fogaadaan hawlahaan

    Waxa uu intaa ku daray in inkasta oo 10-ka maalmood ee uu u qabtay Iiraan inay heshiis la gaaro ay ahayd inay maanta dhammaato, haddana wuxuu go'aansaday inuu kordhiyo ilaa berri si uu "u noqdo qof wanaagsan" maalinta xigta ee Easter.

    Laakin berri kadib ayuu sheegay haddii ay aqbali waayaan, "ma yeelan doonaan buundooyin," ayuu yiri. "Ma lahaan doonaan warshad koronto. Waayihii dhagaxa, haa". isaga oo tixraacaya hanjabaad hore oo u jeediey Iiraan, taas oo ahayd, "dib u noqoshada qarniyadii dhagaxa."

    Sidoo kale akhri:

  4. Trump- Waxaan aaminsanahay in howlgalkan uu u qalmo 'khatarta' uu yahay'

    Mar la weydiiyey Trump inta ka qeyb-qaadatay hawl-galkii ayuu ku jawaabay "Qofka oo ciidanka Militariga ka tirsan qeyb kama uusan ahayn, hawl-galka Samatabixinta ee Sabtidii ahaa", ayuu yiri Trump.

    "Waxaa jiray dad millatari ah oo yiraahda sidaan ha sameynin," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in boqolaal qof la dili karay. waxa uuna kusoo gabagabeeyey "Waxaan go'aansaday inaan sameeyo".

    Suxufi kale ayaa waydiiyay haddii ay jirto wax macno ah markii uu ka fikiray joojinta fariinta. Si toos ah uguma jawaabo. balse waxa uu yiri "Waxaa la ii sheegay in tani ay tahay howlgal aad khatar u ah," ayuu ku jawaabay. "Waxaan dareemay inay mudan tahay."

    Sidoo kale akhri:

  5. Trump- Iiraaniyiinta 'waa in ay silica aqbalaan si ay xorriyaddooda u helaan'

    Trump ayaa hadda ka jawaabaya su'aalo ay wariyayaasha weydiinayeen intii uu ku guda jiray shirka jiraa'd ee Aqalka Cad caawa, waxaa la weydiiyay sida uu uga falcelinayo haddii dadka Iiraan ay ku "kacaan maamulka".

    Madaxweynaha ayaa yiri "waa inay sameeyaan", isagoo sheegay in cawaaqibta ka dhalan arrintaas ay noqon doonto mid "weyn".

    Trump ayaa sidoo kale gadaal ka riixaya sidiii uu ku difaaci lahaa dhaleeceynta qorshihiisa, isagoo yiri "wax walba annaga ayaa ka fikirnay".

    Ka dib waxa la waydiiyay saamaynta uu Maraykanku ku bar-tilmaameedsanayo kaabayaasha rayidka ee Iran, taas oo uu Trump ku sheegay in Iiraaniyiintu "ay diyaar u yihiin in ay silica u helaan xorriyaddooda".

    Trump ayaa intaa ku daray in Maraykanku uu sameeyay "faragelin badan" oo soo jeedinaya in dadka Iran ay ku baaqayaan weeraro kale oo ka dhan ah nidaamka.

    Sidoo kale akhri

  6. 'Sharci darro aan la aqbali karin': Guddoomiyaha Golaha Yurub oo ka digay weerarro lagu qaado kaabayaasha rayidka

    Duqaymaha lala beegsanayo dadka rayidka ah waa sharci-darro, ayuu yiri guddoomiyaha golaha Yurub. "xal diblomaasiyadeed oo keliya" ayaa soo afjari doona dagaalka Iran ayuu sii raaciyey.

    "Bartilmaameed kasta oo lagu beegsado kaabayaasha rayidka, sida tas-hiilaadka tamarta, waa sharci-darro waana wax aan la aqbali karin," António Costa ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X subaxnimadii hore ee saaka.

    Hadalkiisa ayaa imaanaya kadib hanjabaad kasoo yeertay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku hanjabay inuu burburin doono kaabayaasha dhaqaalaha Iran haddii aan la furin marin-biyoodka Hormuz.

    Luis Moreno Ocampo, oo ah aasaasaha dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, ayaa horay BBC-da u sheegay in dagaalka ka dhanka ah Iran uu ka dhigan yahay dambi gardarro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.

    In ka badan 100 khubaro ah oo ku takhasusay sharciga caalamiga ah ayaa sidoo kale saxiixay warqad furan oo ay ku muujinayaan "walaac qoto dheer" oo ku saabsan waxa ay u arkaan xadgudubka sharciga caalamiga ah ee Mareykanka, Israa'iil iyo Iran.

    Sidoo kale akhri

  7. 'Nasiib ayaa toogtay' diyaaradii dagaalka ee Mareykanka ee lasoo riday, Trump ayaa ku adkeysanaya

    'Nasiib ayaa toogtay' diyaaradii dagaalka ee Mareykanka ee lasoo riday, Trump ayaa sidaa ku adkaystay.

    Isagoo xasuusanaya duuliyaha la badbaadiyay, Trump wuxuu sheegay in Iran ay u suurtagashay inay soo rido diyaarad uu leeyahay Mareykanka oo ku dhacday "xabad nasiib leh".

    Si kastaba ha ahaatee, waxa uu qirtay "waxaan haynaa helikobtero ay meelo badan rasaas kaga dhacday".

    Kahor inta uusan soo afjarin hadaladiisa uu u jeediyey saxafiyiinta, Trump wuxuu sidoo kale ku adkeystay, iyadoo lagu jiro olole xooggan oo duqeyn ah oo ay wadaan Mareykanka iyo Israa'iil, "dadka Iran aad ayay u faraxsan yihiin... marka ay bambooyinkaas joojiyaan".

    Madaxweynaha ayaa ku celiyay dalabkiisii ​​ahaa in Iran aysan haysan karin hubka Nukliyeerka. "Waa dad waalan, mana gelin kartid hub Nukliyeer ah gacanta qof waalan," ayuu yiri.

    Shir jaraa'id ayuu dhawaan qaban doonaa.

    Sidoo kale akhri

  8. War deg deg ah, Iiraan oo diiday qorshe xabbad joojin iyadoo ka jawaabaysa hindise nabadeed – warbaahinta Iiraan

    Wakaaladda wararka Iran ayaa hadda ku warrameysa in Tehran ay u gudbisay jawaabteeda soo jeedinta Mareykanka ee ku aadan joojinta dagaalka.

    Wakaaladdu waxay sheegtay in jawaabta 10-ka qodob ka kooban ay ku jirto diidmada xabbad joojinta la soo jeediyay, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA, jawaabteeda 10-ka qodob ka kooban ayaa Iran waxay ku gacan sayrtay xabbad-joojin waxayna ku nuuxnuuxsatay inay lagama maarmaan tahay in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.

    Waxa ay sheegtay in jawaabta ay ku jirto liiska dalabaadka Iran – oo ay ku jiraan joojinta colaadaha gobolka, hab-maamuuska lagu hubinayo in si badbaado leh loo maro marin biyoodka Hormuz, iyo sidoo kale dib u dhiska iyo qaadista cunaqabataynta".

    Sidoo kale akhri

  9. Iimaaraadka oo sheegay in istiraatiijiyadda Iiraan ay ku riixayso dowladaha Khaliijka inay u dhawaadaan Mareykanka

    Imaaraatka Carabta ayaa ka digaya xabad joojin aan wax looga qaban arrimaha muhiimka ah ee gobolka oo ay ka mid yihiin barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo "gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weli nagu sii da'aya annaga iyo dalal kale".

    Dr Anwar Gargash, oo ah la taliyaha sare ee madaxweynaha Imaaraatka Carabta, ayaa hadalkan jeediyey mar uu saxaafadda la hadlayey, isagoo sheegay in dalkiisu uu doonayo in la soo afjaro colaadda, balse uusan ahayn mid abuuraya xasillooni darro joogto ah oo gobolka ka dhacda.

    Iran ayaa xannibaad ku soo rogtay marin biyoodka Hormuz intii uu socday dagaalka. Maraakiib shidaal oo faro-ku-tiris ah ayaa maalin kasta mara marin-biyoodka, laakiin tirada aad ayaa loo dhimay marka loo eego kuwa caadiga ah.

    Waxa uu sheegay in istiraatiijiyadda Iran ay u badan tahay in ay adkeynayso ammaanka khaliijka iyo Washington.

    Wuxuu yiri "Marinka Hormuz hal dal laguma qabsan karo" inkastoo Imaaraadku uusan diyaar u ahayn inuu u dhaqmo sidii ciidan badeed, haddana wuxuu ku biirayaa "dadaal kasta oo uu Mareykanku hormuudka ka yahay, dadaal caalami ah oo lagu sugayo maritaanka marin biyoodka."

    Sidoo kale akhri:

  10. Warshad labaad oo soo saarta kiimikada batroolka Iiraan oo la beegsaday

    Hay'ado kala duwan oo Iiraaniyiin ah ayaa soo werinaya in Marvdasht Petrochemical Complex lala beegsaday "weerar cadaw".

    Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in weerarku uu dhaliye dab "kaasoo la bakhtiiyey dhowrkii daqiiqo ee ugu horreeyay".

    Iyadoo soo xiganeysa xafiiska gudoomiyaha gobolka Marvdasht, ayaa wakaalada wararka ee Tasnim ee rasmiga ah waxay intaa ku dartay "wax khasaare ah oo la taaban karo inuusan gaarin" qaybta warshadda.

    Mar sii horreysay, Israa'iil waxay sheegtay inay duqeysay warshadda South Pars petrochemical ee ku taalla Asaluyeh, ee koonfurta Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  11. Milateriga Israa'iil oo si khaldan u dilay shaqsi, hawlgal ay ku guul darraysteen

    Isku day Israa'iil ay doonaysay inay ku disho sarkaal ka tirsan Xisbullah Axadii dalka Lubnaan, ayaa taa beddelkeeda waxay ku dishay hoggaamiye sare oo ka tirsan koox siyaasadeed oo si weyn uga soo horjeeda Xisbullah.

    Iyadoo ay la xiriirtay BBC-da ayaa Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) waxay qireen in duqeyntu ay u muuqatay in lagu dilay shaqsi aan ahayn bartilmaameedkii loogu talagalay, iyo in ay "ka qoomameyneyso waxyeelada" dadka rayidka ah.

    Xisbiga ciidamada Lubnaan oo ah koox u badan Masiixiyiin ayaa sheegay in weerarka oo ka dhacay guri dabaq ah lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Pierre Mouawad iyo xaaskiisa Flavia.

    Gurigu wuxuu ku yaal Ain Saadeh, oo ah magaalo ay Masiixiyiin u badan yihiin oo ku taalla bariga Beirut. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in sidoo kale ay duqayntu dishay nin iyo laba dumar ah.

    Duqa deegaanka ayaa sheegay in dadka la dilay ay ku sugnaayeen hal dabaq oo ka hooseeya guriga la beegsaday.

    IDF ayaa sheegtay in wararka sheegaya in "dhowr qof oo aan lug ku lahayn ay waxyeelo kasoo gaartay weerarka dib u eegis lagu sameynayo".

    Xisbiga ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in Pierre Mouawad aanu ahayn "dagaalyahan, mana ahayn bartilmaameed millatari" wuxuuna sheegay in uu ciidda Easter-ka guriga kula ciiday qoyskiisa ka hor weerarka dhimashada sababay.

    Xisbiga ayaa cambaareeyay Xisbullah, wuxuuna sheegay in waxa dhacay ay ka dhasheen iska horimaadyo ciidan oo lala soo galay xaafado la deggan yahay.

    Sidoo kale akhri:

  12. Maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato dagaalka Bariga Dhexe Isniinta

    Israa'iil ayaa duqeysay xarun muhiim u ah shidaalka Iran oo ku taal Asaluyeh, wasiirka difaaca Israa'iil Israel Katz ayaa shaaca ka qaaday

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in tiro ka mid ah qaybaha wax soo saarka ay waxyeelo soo gaartay balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay

    Weerarkii ugu dambeeyay ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka digay weerarro waaweyn oo ka dhan ah kaabayaasha Iran, qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

    Trump wuxuu sheegay in Talaadada ay noqon doonto "Maalinta Korontada iyo Maalinta Buundooyinka" haddii Iran ay dib u furi weydo marin biyoodka Hormuz - oo ah goob muhiim ah oo ay maraan 20% saliidda adduunka.

    Dhanka kale duqeymaha ayaa weli ka socda guud ahaan bariga dhexe waxaana ciidamada difaaca Israa'iil ay sheegeen in ay dileen madaxii sirdoonka ee ilaalada kacaanka Iran.

    Dhinaca kale, wariyayaasheenna Bariga Dhexe ayaa si joogto ah u maqlayey guuxa diyaaradaha dagaalka ee dalka Lubnaan, waxaana ay ku sugnaayeen goob ay ka dhaceen weerarro ka dhacay waqooyiga Israa'iil oo afar qof lagu dilay.

    Sidoo kale akhri

  13. War deg deg ah, Israa'iil ayaa sheegtay inay weerartay xarun muhiim u ah shidaalka Iran

    Wasiirka difaaca Israa'iil Israel Katz ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in ay duqeeyeen xarun shidaal oo ku taal Iran, maadaama buu yiri IDF lagu amray in ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha Iran "awood kasta".

    "IDF waxay hadda si xooggan u weerartay xarunta ugu weyn ee shidaalka Iran ee ku taal [Asaluyeh]," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in xarunta ay soo saarto kala bar kiimikooyinka batroolka ee dalka.

    Weerarka cusub ayaa daba socda weerar lagu qaaday xarun kale "isbuucii hore", ayuu yiri Katz.

    "Hadda labada xarumood, oo si wadajir ah mas'uul uga ah 85% dhoofinta kiimikaalka Iran - ayaa laga saaray adeegyadii mana shaqeynayo," ayaa lagu yiri bayaanka Katz.

    "Tani waa dhaawac dhaqaale oo ba'an oo qiimihiisu yahay tobanaan balaayiin dollar oo soo gaaray taliska Iran, warshadaha batroolka ayaa ah mishiin weyn oo lagu maalgeliyo hawlaha Ilaalada Kacaanka iyo dhismaha awoodda militari ee Iran."

    Wakaalada wararka ee Tasnim ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay sheegtay in la weeraray laba shirkadood oo ah kuwa kiimikada.

    Sidoo kale akhri

  14. Maxay tahay jawaabta ay Iiraan diyaarsatay inay ka bixiso soo afjaridda dagaalka

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in la diyaariyay jawaabtii la siin lahaa dhexdhexaadiyeyaasha ka shaqaynaya soo afjaridda dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil iyo Iran.

    Arrintan ayaa daba socota warbixin ay baahisay wakaaladda Reuters oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin, waxayna sheegaysaa in Pakistan ay door weyn ka qaadanayso diyaarinta qorshe cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka.

    Esmail Baghaei oo ay soo xigatay wakaalada wararka ee IRNA ayaa sheegay in qorshaha ka kooban 15-ka qodob ee uu garwadeenka ka yahay Maraykanku “uusan ahayn mid aynaan sinaba u aqbalaynin”.

    Waxa uu intaa ku daray in wadahadallada lagu soo afjarayo qalalaasaha ay yihiin "kuwo aan waafaqsanayn shuruudaha ugu dambeeya iyo hanjabaadaha dembiyada dagaalka," ka dib digniintii Trump ee ahayd in Maraykanku uu beegsan doono kaabayaasha rayidka ee Iran haddii aan la furin marin-biyoodka Hormuz.

    Taa baddalkeeda, wuxuu sheegay in Iran ay soo aruurisay dalabyo "ku saleysan danaheena iyo fikradaheena". "Bilowgii waanu garanaynay waxa aan rabno iyo khadadka cas ee aanan raali ka ahayn in aan ka gudubno, mawqifkayagu wuu caddaa ilaa hadda. Laga soo bilaabo markii ay dooddani bilaabantay jawaabteenu waxay ahayd diyaar," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in Iran ay diyaarisay jawaabteeda "ayna bixin doonto faahfaahinta wakhtiga ku habboon".

  15. Israa’iil oo ka hadashay madaxii Sirdoonka Iiraan ee la dilay

    Warar dheeraad ah ayaa hadda ka soo baxaya geerida madaxii sirdoonka Iiraan, iyadoo Wasiirka Difaaca Israa'iil Israel Katz iyo Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ay sheeganayaan mas'uuliyadda dilkii Majid Khademi.

    Ciidanka Difaaca Cirka ee Iiraan ayaa Telegram ku qoray in dilkiisu uu yahay "dharbaaxo kale oo daran" oo soo gaartay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC).

    Marka ay timaado in Iiraan ay qirato dhimashada taliyayaasheeda sare ku dhintay dagaalka, inta badan tusaalooyinka waxaa ka mid ah Iiraan oo xaqiijinaysa dhimashadooda ka dib markii Israa'iil ama Mareykanku ay sheegteen mas'uuliyadda. Si kastaba ha ahaatee, markan Iiraan ayaa hore u shaacisay.

    Khademi waxaa loo magacaabay taliyaha hay'adda sirdoonka IRGC afar maalmood ka dib markii taliyihii isaga ka horreeyay, Mohammad Kazemi, lagu dilay weerar Israa'iil ay ku qaadday Iiran 15-kii Juun 2025.

    Bishii Agoosto ee sannadkii hore, Khademi wuxuu ku boorriyay baarlamaanka inay mudnaanta siiyaan dhammaystirka shabakadda gudaha, isagoo sheegay in loo baahan yahay si loo "ilaaliyo madaxbannaanida" shabakadda internetka ee Iiraan.

    Iiraan hadda waxaa ka go'an internetka tan iyo markii uu dagaalku billowday 28-kii Febraayo, inkastoo qaar ka mid ah mareegaha iyo barnaamijyada gudaha ay weli ka furan yihiin gudaha dalka.

    Sidoo kale akhri

  16. War deg deg ah, Iiraan oo xaqiijisay dilka madaxii sirdoonka Iiraan

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa ku dhawaaqay bayaan ay daabaceen warbaahinta Iiraan, in la dilay madaxii sirdoonka, Majid Khademi.

    Iiraan ayaa bayaanka ku sheegaya in saaka la dilay, iyadoo Israa'iil iyo Mareykanka ku ku eedeeysay inay bartilmaameedsadeen.

    Waxaan la xiriiray Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) waxayna sheegeen inay "baari doonaan" warbixinta.

    Khademi ayaa beddelay Mohammad Kazemi, kaasoo sidoo kale lagu dilay weerar Israa'iil ay ku qaadday 15-kii Juun 2025-kii, intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Iiraan iyo Israa'iil.

    Bishii Febraayo, ka dib dibadbaxyo dhimasho leh oo ka dhan ah dowladda oo dhacay bishii Janaayo e sanadkan, Khademi wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, inuu sii hurinayo waxa ay mas'uuliyiinta Iiraan ku tilmaameen istaraatiijiyad "dil ah oo la qorsheeyay", oo loogu talagalay in lagu kordhiyo khasaaraha si loogu qiil sameeyo faragelinta militariga shisheeye.

    Khademi ayaa xilligaas sheegtay in in ka badan 10 hay'adood oo sirdoon oo shisheeye ah, oo ay ku jiraan cutubka dagaalka internetka iyo sirdoonka Israa'iil ee 8200, ay door ka ciyaareen dibadbaxyadii ka dhacay guud ahaan Iiraan.

    Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Dhaqdhaqaaqayaasha Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Mareykanka, ugu yaraan 7,000 oo qof ayaa lagu dilay dibedbaxyadii bishii Janaayo.

    Sidoo kale akhri

  17. Isniinta maanta ah iyo waxa ka dhacay Bariga Dhexe

    Tan iyo markii aan idiin soo gudbinnay wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Iiraan , seeriga digniinta ayaa mar kale laga maqlay dalalka Bariga Dhexe.

    Waa tan warbixin kooban oo ku saabsan weerarradii ilaa hadda la diiwaan geliyay Isniinta maanta ah.

    Iiraan: Saddex iyo toban qof ayaa ku dhintay weerar ay ciidamada Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen xaafad ku taala Tehran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars oo xiriir la leh IRGC. Wargeysku wuxuu sheegay in lix ka mid ah dadkii lagu dilay habeenkii aagaas ay ahaayeen carruur.

    Duqeynayaa burburisay dhismayaal dhowr ah oo ku yaal Jaamacadda Sharif ee Tehran. Dhowr warbaahin oo Iiraaniyiin ah ayaa hadda sheegaya in adeegyadadib loo soo celiyay, ka dib markii uu hakad galay weerarka.

    Israa'iil: Hay'adaha gurmadka degdegga ah ayaa soo sheegaya dhaawacyo dhowr ah ka dib markii ay weerarro ka dhacee xalay. Qof rag ah iyo haweeney afartan jir ah iyo laba gabdhood oo shan jir ah ayaa la dabiibayaa kadib weerarro ka dhacay Haifa. Laba qof ayaa ku dhaawacmay bartamaha Israa'iil, oo ay ku jirto nin 34 jir oo qaba dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray firirka.

    Milatariga Israa'iil ayaa markii dambe sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u qaban lahaayeen gantaalada laga soo riday Iiraan.

    Xafiiska warbaahinta ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in burbur soo gaaray shirkadda Raneen Systems, oo ah shirkad tiknoolajiyadeed, ayna dhaawacday muwaadin u dhashay Ghana oo ku sugan aagga warshadaha ee Abu Dhabi.

    Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya inay la tacaalayaan weerar diyaaradeed oo ay Iiraan leedahay oo lagu qaaday mid ka mid ah labada shirkadood ee isgaarsiinta ugu waaweyn dalka, oo ku taal bariga Imaaraadka Carabta. Lama soo sheegin wax dhaawac ah oo ka dhashay weerarka, ayay raaciyeen.

    Sacuudi Carabiya: Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ayaa sheegay in dalku uu qabtay oo burburiyay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn saacadihii ugu dambeeyay.

    Dhanka kale Lubnaan , dadku waxay baarayeen burburka ka dib markii ay duqeymo cirka ah oo badan oo Israa'iil ay fulisay Axaddii. Weerarrada ayaa shalay dalka oo dhan ku dilay ugu yaraan 11 qof. Mas'uuliyiinta Lubnaan waxay sheegeen in 1,461 qof lagu dilay duqeymaha Israa'iil tan iyo 2-dii Maarso.

    Sidoo kale akhri

  18. Dal Yurub ah oo doonaya shaqaale

    Jarmalku waxa uu sii wadaa in uu la kulmo dhibaatooyin shaqaale yari xirfad leh iyada oo shaqaalaheedii da'da ahaa ay hawlgab yihiin oo aanay jirin musharixiin da'yar oo ku filan oo beddela. Si la iskugu dayo in la yareeyo dhibaatada, waddanku wuxuu sii kordhinayaa inuu Hindiya ka raadiyo shaqaalle .

    Handirk von Ungern-Sternberg, waxay ku bilaabatay iimayl ku soo dhacay sanduuqiisa imaylada bishii Febraayo 2021. Waxay ka timid Hindiya.

    Nuxur ahaan, dhambaalku wuxuu u dhignaa sidan: "Waxaan haynaa tiro dhallinyaro ah oo dhiirigelinaya oo raadinaya waxbarasho xirfadeed waxaanan is-weydiinnay inaad xiisaynayso."

    Von Ungern-Sternberg waxa uu u shaqaynayey Rugta Ganacsiga Xirfadleyda ee Freiburg ee koonfur-galbeed ee Jarmalka, oo ah urur ganacsi oo ka wakiil ah shaqaale xirfad leh - yo shirkadaha iyaga matala.

    Boostada ayaa timid waqti ku habboon.

    Waxaan haysanay shaqo-bixiyeyaal badan oo quus ah oo aan heli karin cid iyaga u shaqeysa," ayuu yiri Von Ungern-Sternberg. "Marka waxaan go'aansanay inaan isku dayno."

    Wicitaankiisii ugu horeeyey wuxuu ahaa madaxa ururka hiliblayaasha deegaanka. Hiliblayaasha, gaar ahaan, waxay ku jireen waqti adag guud ahaan Jarmalka. Waxay ahayd qayb hoos-u-dhac muuqda ku yimid.

  19. Maxaa ka socda Baydhabo?

    Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee mamaulka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda heerarka kala duwan ee dowladda kuwaas oo gaaray halkaas ka dib markii ciidamada dowladdda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ay gacanta ku dhigeen magaalada dhammaadka bishii hore ee Maarso ka dib dagaal halkaasi dhinacyada ku dhexmaray.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, wasiirada dowladda iyo siyaasiyiin tiro badan oo deegaanka ka soo jeeda ayaa gaaray magaalada Baydhabo.

    Sida uu BBC-da u sheegay afhayeenka madaxweyanaha Soomaliya Cabdiraxmaan Aadan Xadaana, madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii saddexaad Baydhabo ku sugan ayaa kulamo la qaaday masuuliyiinta dowladda, odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadan.

    "Ujeedka ugu muhimsan waxay ahayd in ammaanka la adkeeyo Baydhabo, waxa kale muhim ahaa in dadka la wacyi geliyo iyo hanaqaadka la bilabaya doorashada la dardargeliyo, maadaama horrey looga qabtay Muqdisho tan labaad laga dhigo Koonfur-galbeed"ayuu yiri Xadaana.

    Xukuumada Soomaaliya ayaa Raysal wasaare ku-xigeenka JFS, Jibriil Cabdirashiid u magacowday hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, iyada oo uu xilka haynayo inta ay DFS ka qabanayso doorasho toos ah.

  20. Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

    Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala Israa’iil.

    Waxaa lagu soo warramayaa inay khasaare ka dhasheen weeraradaas.

    Adeegga ambalaaska Israa'iil ayaa sheegay, in ugu yaraan toddobo qof ay ku dhaawacmeen, oo midkod xaaladiisu aad u liidato, kadib markii ay Iiraan labo gantaal ku garaacday magaalooyinka Tel Aviv iyo Haifa.

    Kooxaha gurmadka ayaa sheegay, in hubkan qarxa ay ku dhaceen 15 goobood oo ku yaal bartamaha Israa'iil, oo ay ku jirtay magaalada Tel Aviv, halka isla kooxahaasi ay sheegeen in ay waxyeello ka soo gaartay madaafiic ku dhacday Haifa, ka dib gantaallo lagu bartilmaameedsaday.

    Muuqaallo laga soo duubay ayaa muujinaya gaari uu dab qabsaday iyo mid kale oo ku rogmaday Haifa taasoo ka dhalatay weerarka.

    Sida laga soo xigtay militariga Israa'iil, laba gantaal oo hore oo habeenimo lagu riday bartamaha Israa'iil ayaa la qabtay, iyadoo qayb ka mid ah ay ku dhaceen meelo bannaan.

    Warbaahinta Israa'iil ayaa sheegay in Iiraan ay ugu yaraan toban gantaal ku weerartay bartamaha Israa'iil.

Trending Now