Maxaad kala socotaa dhulgariirka laga soo sheegay Mombasa

Ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah

Tebin toos ah

  1. Codbixinta doorashada Canada oo bilaabatay iyo Trump oo ku baaqaya in ay noqdaan gobolka 51aad ee Maraykanka

    Canada

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Canada

    Doorashadan xilligeedii ka soo hormartay ee Canada ayey dadku u soo baxeen inay codkooda ka dhiibtaan, ayadoo goor dhoweyd la furay goobaha cod bixinta, waxaana lagu dooranaa ra’iisul wasaare soo dhisa dawlad cusub.

    Lix todobaad ka hor ayey ahayd markii Mark Carney loo dhaariyey ra’iisul wasaarenimada, isagoo beddelay ninkii ay isku xisbiga ku jireen ee Justin Trudeau.

    Xubnaha ugu cadcad ayaa la sheegay inay yihiin mark Carney oo ka socda xisbiga Liberalka iyo xisbiga muxaafadka ee uu hogaamiyo Pierre Poilievre.

    Madaxweyne Trump ayaa dhanka kale soo dhigay bartiisa bulshada baaq uu ku celinayo in dalka uu noqdo gobolka 51aad ee Maraykanka.

    Poilievre oo u jawaabayey Trump wuxuu sheegay in Trump “uu faraha kala baxo doorashada, halka Carney uu isna ku baaqay “in loo midoobo mushaakilka dhanka Maraykanka ka imaanaya”.

  2. Meydka Gacalo Aadan oo baaritaan lagu sameeyey, dibna loo aasay

    Gacalo Aadan

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Qoraalka sawirka, Gacalo Aadan

    Meydka Gacalo Aadan oo ahayd gabar 17 jir ah oo, sida la sheegay, uu ninkii guursaday dilay ayaa xabaasha laga soo saaray Jimcihii sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya xeryaha qaxootiga dhadhaab ee dalka Kenya.

    Gacalo oo dhawaan lagu aasay xerada Dhagaxley ayaa maxkamad ku taalla Wajeer waxay amartay in meydkeeda baaritaan lagu sameeyo.

    Wararka aan ka helayno xeryaha qxootiga waxay sheegayaan in meydka Gacalo baaritaan lagu sameeyey jimcihii, ayadoo baaritaankana uu ka dhacay isbitaalka hay’adda MSF ee xerada Dhagaxley, Sabtidiina dib loo xabaalay.

    Dhawaan ayaa la filayaa in la soo saaro warbixin ku saabsan dhimashadeeda, ayadoo qoyska ay ka dhalatay ay ku eedeynayaan ninkii gabadhaas la siiyey inuu isagu si ula kac ah u dilay, kaasoo hadda ku jira gacanta ciidanka amniga.

  3. Wasiir kiis kufsi ah shaqada looga eryey

    Wasiir Hengari

    Xigashada Sawirka, Namibian Presidency/Facebook

    Qoraalka sawirka, Wasiir Hengari

    Madaxweynaha Namibia, Netumbo Nandi-Ndaitwah, ayaa shaqada ka eriday wasiirkii beeraha, Mac-Albert Hengari, ka dib eedeymo culus oo ku saabsan kufsiga gabar 16 jir ah, dhacdo la sheegay in ay dhacday shan sano ka hor.

    Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganaya afhayeenka booliiska, Hengari ayaa la xiray Sabtidii ka dib markii lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu laaluusho dhibbanaha, oo hadda 21 jir ah, si uu u joojiyo kiiska.

    Hengari, ayaa diiday inuu wax dambi ah ku lug lahaa, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda maxkamad la soo taago.

    Dhacdadan ayaa noqotay tijaabadii ugu horreysay ee maamulka madaxweyne Nandi-Ndaitwah, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalkaas ay talaabo ka qaaddo, taasoo xilka la wareegtay bishii hore.

    Inkasta oo war-murtiyeedka rasmiga ah ee ka soo baxay aqalka madaxtooyada aan lagu soo bandhigin xog faahfaahsan oo ku saabsan sababta xilka looga qaaday wasiirka, haddana waxa la xaqiijiyey in Hengari sidoo kale laga xayuubiyey kursigii uu ku lahaa baarlamaanka qaranka.

    Hengari waxa uu ahaa xubin baarlamaan oo tigidhka xisbiga talada haya ee Swapo ku soo galay, ka dib magacaabistii madaxweynaha.

  4. Maxaad kala socotaa dhulgariirka laga soo sheegay Mombasa

    Mombasa

    Xigashada Sawirka, Getty

    Qoraalka sawirka, Mombasa

    Kenya waxaa Axaddii shalay ahayd ka dhacay dhulgariir la sheegay in uusan xoog badan lahayn, kaasoo laga soo sheegay magaalo-xeebeedka Mombasa.

    Dhulgariirka ayaa 4:17 galabnimo ka dhacay degmada Kilifi oo ah degmo xeebta saaran, ayadoo xoogiisa lagu sheegay 4.5, lagana dareemay 13 saldhig oo lagala socdo dhaqdhaqaaqa dhulka.

    Qotada dhulgariirka oo aad u fog, laguna sheegay inay tahay 10 KM oo badda gunteeda ah awgeed ayaan meelo badan aad looga dareemin, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in dadka u dhow xeebta ay dareemeen.

    16 Luulyo ee sannadkii hore ayaa dhulgariir khafiif ah oo lagu qiyaasay 4.6 darajo waxaa laga dareemay degaanno ay ka mid tahay Nairobi.

    Labada dhulgariirba wax khasaare ah ma geysan.

  5. Nin iska ooyay markuu dhagaystay garaaca wadnaha gabadhiisa oo dhimatay

    Dadkii goobjoogga ka ahaa markii uu Conner oo midig xiga dhagaysanayay garaaca wadnaha gabadhiisa ayaa sheegay in ay ahayd wax cajiib ah oo dadka quluubtooda taabtay

    Xigashada Sawirka, Mary Klemenok

    Qoraalka sawirka, Dadkii goobjoogga ka ahaa markii uu Conner oo midig xiga dhagaysanayay garaaca wadnaha gabadhiisa ayaa sheegay in ay ahayd wax cajiib ah oo dadka quluubtooda taabtay

    Waxaa la baahiyay sawirrada markii aabe uu dhagaystay wadnaha gabadhiisa oo dhimatay oo ka dhex garaacmaya xabbadka nin ay badbaadisay, arrintaasi waxay ka dhacday dalka Maraykanka.

    Bill Conner ayaa baaskiil ka qaatay gurigiisa oo ku yaalla Wisconsin isaga oo boqollaal kiiloo mitir jaray si uu garaaca wadnaha gabadhiisa ugu soo dhagaysto magaalada Baton Rouge ee caasimadda u ah gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka.

  6. Mareykanka oo duqeeyay xaruun tahriibayaasha Afrikaanka ah lagu xiro oo ku taalla Yemen iyo dad badan oo ku dhintay

    Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Yemen

    Ugu yaraan 68 qof ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Mareykanku uu ku qaaday xarun lagu hayo muhaajiriin Afrikaanka ah oo ku taal waqooyi-galbeed ee Yemen oo ay Xuuthiyiinta ka taliyaan, sida uu sheegay TV-ga kooxda hubeysan.

    Telefishinka Al Masirah ayaa sheegay in 47 qof ay ku dhaawacmeen oo intooda badan ay aad u liidato xaaladoodu markii la duqeeyay xarunta oo ku taalla gobolka Sacda. Waxaa la soo bandhigay muuqaal muujinaya maydad badan oo ku hoos jira burburka dhisme

    Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka.

    Balse arrintaan ayaa imaanaysa saacado kadib markii taliska dhexe ee Mareykanka uu ku dhawaaqay in ciidamadooda ay duqeeyeen in ka badan 800 oo bartilmaameed tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu amray in la xoojiyo howlgallada cirka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta 15-kii Maarso.

  7. Kuuriyada Waqooyi oo markii ugu horreysay qiratay in ciidamadeedu Ruushka ka caawiyaan dagaalka Ukraine

    Kuuriyada Waqooyi

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Kuuriyada Waqooyi

    Kuuriyada Waqooyi ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in ay ciidamo u dirtay Ruushka si ay uga caawiyaan dagaalka Ukraine.

    Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka dowladda ee KCNA, ayaa milateriga Pyongyang waxa ay ku andacoodeen in askartooda ay ka caawiyeen ciidamada Ruushka in ay "si buuxda u xoreeyeen" gobolka xuduudka ku yaalla ee Kursk, iyadoo amarkaas uu bixiyay hoggaamiye Kim Jong Un.

    Ku dhawaaqista Pyongyang ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun ka dib markii madaxa shaqaalaha ee Ruushka Valery Gerasimov uu ammaanay "halyeynimada" ciidamada Kuuriyada Waqooyi, waana markii ugu horreysay oo Moscow ay si cad u qirato in ay gacan ay ka hesho ciidamada Kuuriyada Waqooyi.

    Saraakiisha reer galbeedka ayaa mar sii horreysay BBC-da u sheegay inay rumeysan yihiin in ugu yaraan 1,000 ka mid ah 11,000 oo askari oo laga soo diray Kuuriyada Waqooyi lagu dilay dagaalka muddo saddex bilood ah.

    Si kastaba ha ahaatee, bayaankan ay soo saartay dowladda Kuuriyada Waqooyi, ayaa meesha ka saaraya dhammaan wararkii xanta ahaa ee arrintan ku saabsanaa.

    Maqaal lagu daabacay bogga hore ee wargeyska ay maamusho dowladda, ayuu Kim Jong Un ku ammaanay ciidamadiisa geesinimada aiyo in ay dib u riixeen ciidamada Ukraine.

    Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushkuba muddo ayay ka gaabsanayeen wararka ku saabsan in Pyongyang ciidamo ka socda ay ka barbar dagaallamayaan kuwa Ruushka ee dagaalka kula jira Ukraine.

  8. Ninka 'ka tirsanaan jiray sirdoonka Soomaaliya' ee hadda ka midka ah madaxda sar sare ee al-Shabaab

    Kooxda al-Shabaab

    Xigashada Sawirka, AP

    Qoraalka sawirka, Kooxda al-Shabaab

    Mahad Karate waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee ururka Al-Shabaab oo iyaga iyo dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda uu dagaal ku dhexmarayo qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya.

    Hoggaamiyahan ayaa loo arkaa in uu kaalin weyn ku leeyahay dagaalkaas, oo xooggiisu ka socdo gobolka Hiiraan. Dhowr jeer ayuu ururku soo weeraray gobolkaas toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dib markii dadka deegaanka oo is-abaabulay iyo ciidamada dowladda ay ka qabsadeen dhul ballaaran oo muhiim u ahaa kooxdan.

    H addaba, waa kuma hoggaamiyahan, oo maxaynu ka naqaan noloshiisa Shabaab kahor, iyo hadda ba?

    Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

    Sheekada oo dhameystiran halkaan hoose ka aqriso:

  9. Baroordiiq looga dhawaaqay Iran iyo dadka oo loogu baaqay in ay guryaha joogaan

    Maalin ka dib markii falku dhacay, weli waxaa baxaya dab

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Baroordiiq ka jirtay dalka Iran ayaa isu rogtay caro ka dib markii qarax weyn oo ka dhacay dekedda ganacsi ee ugu weyn dalkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Qaraxan ayaa subaxnimadii Sabtida ka dhacay Dekedda Shahid Rajaee, waxaana dad badan ay iska xaadiriyeen isbitaallada dalka si ay dhiig ugu shubaan.

    Maalin ka dib markii falku dhacay, weli waxaa baxaya dab, iyadoo wax u eg daruur madow oo kiimiko ah oo sun ah ay qarisay hawada agagaarka goobta shilku ka dhacay.

    Wasaaradda caafimaadka ayaa kula talisay dadka deggan magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhow inay guryahooda joogaan "ilaa amar dambe."

    Magaalada Bandar Cabbaas, oo ku taal saldhigga ugu weyn ee ciidamada badda Iran, mas'uuliyiintu waxay amar ku bixiyeen dhammaan dugsiyada iyo xafiisyada in la xiro Axaddii si fududeeyo dadaallada degdegga ah, sida uu sheegay telefishinka dowladda.

    Maamulka Iran ayaa ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah in ay tahay maalin baroor diiq ah guud ahaan dalka, iyadoo labo maalmood oo baroor diiq ah ay ka dhacayaan gobolka Hormozgan.

  10. Mareykanka oo duqeyay deegaanno Xuutiyiinta Yemen iyo faahfaahin ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay

    Yemen

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Duqeyn ka dhacday dalak Yemen

    Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo Axadii shalay ka dhacday caasimadda Sanca, sida uu sheegay TV-ga Al Masirah ee xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta Yemen. Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay inay duqeeyeen boqollaal bartilmaameedyo Xuuthiyiinta tan iyo bartamihii bishii Maarso.

    Telefishinka Al Masirah ayaa sheegay in duqeynta ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Thaqban ee degmada Bani Al Xaarith ee waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Sanca uu sababay dhimashada 8-ruux oo ay ku jiraan caruur iyo haween iyo tiro dhaawac ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in duqeyntaasi lala beegsaday saddex guri oo ku yaalla deegaankaasi.

    Kanaalka ayaa baahiyey muuqaalo muujinaya burburka guryaha iyo baabuurta burburay, iyo dhiig dhulka ka muuqanaya , iyadoo samatabixiyaashu ay ururinayeen wax u muuqday haraaga bani'aadam oo ku jira maro cad. Telefishinka oo soo xiganaya wariyahooda ayaa leh, "Waxaa jira haraaga jirka haween iyo caruur" goobta yaalla.

    Horay kooxda Xuuthiyiinta ayaa u sheegtay in qeybo kale oo ka mid ah dalka ay ka dhaceen duqeymo uu Mareykanka ka fuliyay, gaar ahaan Sacda iyo gobolka Amran ee waqooyiga dalkaasi.

  11. Dacwad lagu soo oogay nin gaari jiirsiiyay dad xaflad ka qayb galayay gudaha Canada

    Booliska dalka Canada ayaa dacwad ku soo oogay nin lagu eedeeyay inuu baabuur jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa magaalada Vancouver Sabtidii, isagoo loo haysto siddeed dambi oo dil ah.

    Kow iyo toban qof ayaa lagu dilay weerarka oo ka dhacay goob ay ka socotay xaflad lagu xusayay dhaqanka bulshada Filibiiniyiinta ah e halkaa ku nool.

    Maamulka deegaanka shilku ka dhacay ayaa sheegay in tuhmanuhu uu yahay qof horey u la ahaa dhibaatooyin caafimaad oo dhanka dhimirka ah.

Trending Now