TOOS, Trump oo sheegay inuu tixgelinayo inuu isaga baxo Nato xilli Starmer uu sheegay in UK uu wada-hadallo ka yeelan doono Marinka Hormuz
UK ayaa wada-hadallo ku aaddan dib u furista Marinka Hormuz la yeelan doonta dhowr dal kadib markii Trump uu dalalka u sheegay inay iskood ula soo baxaan shidaalka.
Iiraan oo weerartay Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Kuwait
Ciidamada dabdamiska Kuwait ayaa damiyay dab xoogan oo ka kacay haamaha shidaalka ee garoonka diyaaradaha Kuwait.
afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, balse waxaa waxyeelo soo gaartay agab.
Taangiyadan ayaa waxaa saaka duqeeyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, iyadoo Iran ay ka aargoosatay weeraro ka dhacay gacanka Khaliijka.
Militariga Ingiriska oo Diyaardo aan duuliye lahayn soo riday
Xigashada Sawirka, MoD Crown Copyright/PA
Qoraalka sawirka, Sawirkan waxaa la qaaday 2024 wuxuu muujinayaa nidaamka difaaca hawada degdega ah ee Sentry oo lagu ridayo Range Difaaca Hawada ee Manorbier, Pembrokeshire
Wasaaradda gaashaandhigga Britain ayaa sheegtay in ciidamada Britain ay xalay soo rideen 10 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Iran ay soo tuurtay.
Ciidamada lidka diyaardaha ayaa waxay ku garaaceen madaafic diyaradahan oo sida wasaaradu shegtay soo gashay "goob halis ah iyada oo aan faahfaahinin halka ay ku taal goobtaasi.
Diyaaradaha dagaalka UK, oo ay ku jiraan Typhoons iyo F-35, ayaa sii wada howlgalladooda difaac ee Qubrus, Urdun, Bahrain, Qatar iyo Imaaradka,, ayay intaa ku dartay wasaaradda gaashaandhiga Uk,
Shan qeybood oo uu dagaalka Iiraan ka saameynayo Soomaaliya
Colaadaha Bariga Dhexe ayaa weli sii xoogaysanaya ka dib markii Maraykanka iyo Israa'iil ay weeraro ballaaran ku qaadeen dalka Iiraan, kuwaas oo lagu dilay hoggaamiyaha sare ee dalkaas 28-kii Febraayo.
Iiraan ayaa kaga jawaabtay weerarro ay ku qaadday Israa'iil iyo dowladaha xulafada la ah Maraykanka ee Khaliijka.
Iiraan ayaa lagu eedeeyay inay weerartay maraakiib marayay Khaliijka, taasoo keentay in si rasmi ah loo xiro Marinka Hormuz—oo ah marin muhiim ah oo ay marto ku dhowaad 20% saliidda caalamka.
Trump ayaa dib u dhigay hanjabaaddiisii hore ee ahayd inuu weerarayo xarumaha korontada iyo kaabayaasha tamarta ee Iiraan ilaa ay Iiraan furto marinkaas, isagoo cuskanaya wax uu ku tilmaamay wadahadallo "wanaagsan" oo "miro dhal ah". Si kastaba ha ahaatee, Iiraan ayaa dafirtay inay wax wadahadallo ah dhaceen.
War deg deg ah, 'Waa been aan sal iyo raad lahayn': Iran oo u jawaabtay Trump
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in hadalka Madaxweyne Donald Trump ee ah in dalkiisa uu codsaday xabbad joojin ay tahay "been aan lahayn sal iyo raad toona".
TV-ga qaranka Iran ayaa soo xigtay hadalka sida uu yiri afhayeenka wasaaradda arimaha dibada ee Iran Esmaeil Baqaei.
Waxay timid ka dib markii Trump uu mar hore ku sheegay boggiisa bulshada in "madaxweynaha maamulka cusub" ee Iran, oo uusan magacaabin, uu codsaday xabbad-joojin, uuna tixgelin doono "marka Hormuz Strait uu furan yahay, xorna yahay".
War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay qeybo ka mid ah Israa'iil
Seeriga digniinta ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah Israa'iil, oo ay ku jiraan Qudus iyo Talaabiib, kadib markii la maqlay wax u muuqda dhawaqa gantaal oo ka yimid Iran.
Dhawaqa ayaa u muuqday qabasho ay Israa'iil qabaneysay gantaallada oo hannaanka, wax khasaare ah lama soo sheegin.
Iran, ciidamada ilaalada Kacaanka (IRGC) ayaa sheegtay in Marinka Hormuz uu sii ahaan doono mid ka xiran “cadowga qarankan.”
Telefishinka dowladda ayaa IRGC ku sheegtay in marinka uu “si adag oo xoog leh” ugu jiro gacanta ciidamada badda ee kooxda.
Dhowaan, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa boggiisa Truth Social ku qoray in Iran codsatay joojinta dagaalka. Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan ka fiirin doonaa marka Marinka Hormuz uu furan yahay, xor ah,”
Illaa hadda, Iran weli kama aysan jawaabin sheegashada Trump ee ah in ay codsatay joojinta dagaalka.
Degdeg:Trump oo war weyn oo cusub ka sheegay Iiran
Donald Trump ayaa sheegay in "madaxweynaha maamulka cusub ee Iran" uu ka codsaday Maraykanka xabbad joojin.
War qoraal ah oo uu ku qoray boggiisa Truth Social,, kuma xusin mas'uulka ugu sarreeya magaciisa, balse wuxuu ku sifeeyay qofkaasi inuu yahay “mid aad uga yar xag-jirnimadiisa oo ka caqli badan kuwii ka horeeyay.”
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan ka fiirsan doonnaa marka marinka Hormuz uu furmo, xor yahay, oo bannaan yahay, ilaa intaa laga gaarayo, waxaa uu sheegay in ay duqeynada sii socon doonaan.
Ilaalada kacaanka Iran ayaa sheegay in markab shidaal oo ay ku beegsadeen gacanka Khaliijka uu ahaa mid ay leedahay Israel.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sidoo kale waxay sheegeen in marin biyoodka Hormuz aan loo furi doonin "cadowga".
,arinkan ayaa xuddun u noqday dagaalka mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen IIraan.
Qaramada Midoobey oo digniin ka soo saartay dagaalka Iiraan
Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii ka digtay in Iran, Israel iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ah ay “ka faa’iideysanayaan dagaalka si ay u wiiqaan xuquuqda,” iyadoo sidoo kale xustay “xaddidaado” lagu soo rogay xorriyadda warbaahinta ee United States iyo Israel.
Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan Qaramada midoobey, Volker Türk, ayaa yiri: “Waxaan arkeynaa hoos u dhac weyn oo ku yimid fursadaha bulshada rayidka ah ee gobolka, iyadoo dowladuhu ay si adag u xaddidayaan dadka adeegsanaya xuquuqdooda hadalka xor ah iyo isu imaatinka nabadeed.”
Wuxuu sidoo kale cambaareeyay “isku dayada lagu xaddidayo xorriyadda warbaahinta,” sida xayiraadaha ay soo rogeen ciidamada Israel ee cunaqabateynta warbaahinta, iyo hanjabaadda ay Federal Communications Commission ee Mareykanka ku sheegtay inay kala noqon karto rukhsadaha baahinta warbaahinta ee ka warbixisa dagaalka.
Hogaamiyaha Ruuxiga Iiraan oo farriim ku socota Xisbulah soo saaray
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Sawirka Mojtaba Khamenei
Farriintii ugu dambeysay ee uu soo diray, hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradiisa uu u hayo hoggaamiyaha ururka hubeysan ee Lubnaan ee Hezbollah, Naim Qassem.
Farriinta ayaa sidoo kale muujisay “mahadnaq” ku aaddan tacsi ay Hezbollah ka bixisay dilkii hoggaamiyihii hore ee Iran, Ali Khamenei, oo ahaa aabbaha Mojtaba Khamenei, kaas oo la dilay 28-kii Febraayo — maalintii ugu horreysay ee weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil.
Mojtaba Khamenei laguma arag meel fagaare ah ama kama uusan soo muuqan warbaahinta Iran tan iyo markii uu xilka kala wareegay aabbihiis 8-da Maarso.
Si kastaba ha ahaatee, Israel ayaa horey u ballanqaadday — kahor iyo kadibba xil la wareegistiisa — inuu noqon doono bartilmaameed.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu “ama dhintay ama xaalad aad u liidata ku sugan yahay, sababtoo ah cidna muuqaalkiisa ma arag ama ma maqlin.”
Dhanka kale, safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa sheegay in maqnaanshaha Mojtaba Khamenei ee goobaha dadweynaha ay sabab u tahay “arrimo amni.”
UK makala dooraneyso Mareykanka iyo Yurub - Raysal Wasaaraha
Raysal wasaaraha UK Keir Starmer ayaa mar wax laga weydiiyay inuu xiriir dhow la sameyn doono Yurub maaddaama xiriirkiisa Trump uu sii xumaanayo, ayuu sheegay inuusan kala dooraneyn qaaradda iyo Mareykanka.
"Waxay ila tahay inay danteenna ku jirto inaan xiriir adag la yeelanno Maraykanka iyo Yurub," ayuu yiri.
"Laakiin waxaan qabaa in marka ay timaaddo difaaca iyo amniga, tamarta sii daaya iyo dhaqaalaha, waxaan u baahannahay xiriir adag oo lala yeesho Yurub."
Starmer waxaa kale oo uu sheegay in iskaashiga xooggan ee qaaradda uu ka caawin doono xiriirka Maraykanka.
Tallaabo weyn oo Trump ka hadlay taas oo saamaynaysa xulufada Maraykanka
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu “Si xoggan u tixgaliyo” in Maraykanku ka baxo NATO, sida laga soo xigtay waraysi uu siiyey Telegraph.
Wargeysku waxaa uu sheegay in Trump uu ugu yeeray xulufada “Shabeel warqad ah” isagoo sidoo sheegay UK inaysan haysan ciidamado bad
Markii la weydiiyay inuu dib u eegis ku samayn doono xubinnimada Mareykanka ee isbahaysiga ka dib colaadda Bariga Dhexe, Trump ayaa ku jawaabay: “Haah, waxaan dhihi lahaa way ka baxsan tahay dib u eegis…”
“Waligay la ima qancin Nato. Mar walba waxaan ogaa inay yihiin 'shabeel warqad ah', Putinna taas wuu ogyahay sidoo kale, haba yaraatee.”
“Xitaa ma lihidin ciidan badeed. Aad baad u duqoobteen, waxaadna lahaydeen maraakiib dagaal oo aan shaqaynayn,” isagoo ula jeeday xaaladda maraakiibta dagaalka ee Britain.
Ninka 'ka tirsanaan jiray sirdoonka Soomaaliya' ee hadda ka midka ah hoggaamiyaasha sare ee al-Shabaab
Xigashada Sawirka, AP
Qoraalka sawirka, .
Mahad Karate waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee ururka Al-Shabaab oo iyaga iyo dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda uu dagaal ku dhexmarayo qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya.
Hoggaamiyahan ayaa loo arkaa in uu kaalin weyn ku leeyahay dagaalkaas, oo xooggiisu ka socdo gobolka Hiiraan. Dhowr jeer ayuu ururku soo weeraray gobolkaas toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dib markii dadka deegaanka oo is-abaabulay iyo ciidamada dowladda ay ka qabsadeen dhul ballaaran oo muhiim u ahaa kooxdan.
H addaba, waa kuma hoggaamiyahan, oo maxaynu ka naqaan noloshiisa Shabaab kahor, iyo hadda ba?
Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaadka loo yaqaanno iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan. Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.
Israa’iil oo xaqiijisay tallaabo ka dhana oo ay qaaday Xisbullah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Milateriga Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in ururka Xisbullah uu soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leeyihiin ciidanka cirka ee Israa'iil, taasoo ku dhacday koonfurta Lubnaan habeenimadii Talaadada.
Bayaan ka soo baxay milateriga ayaa lagu sheegay in diyaaraddaas ay taageero siinaysay ciidamada dhulka markii uu ku dhacay gantaal nooca dhulka laga rido oo lala beegsado diyaaradaha ka dibna ay dhacday.
Sida lagu xusay bayaanka, milaterigu wuxuu ku adkeeyay inaysan jirin sabab looga walwalo in macluumaad ay siday diyaaraddaas ay gacanta u galaan cadawga, waxaana weli socda baaritaan ku aaddan dhacdadan.
Hadalkii Trump ee dagaalka Bariga Dhexe, jawaabtii madaxweyanaha Iiraan, iyo wararkii ugu dembeyey ee xaaladda
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, .
Waxaan halkaan idiinkugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda taagan. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu "ka bixi doono" dagaalka Iiraan muddo "laba illaa saddex toddobaad ah", marka ay xaqiijiyaan in nidaamka ka jira dalkaas uusan dhisni karin hub nukliyeer ah "sanado badan".
Trump ayaa sheegay in inkastoo Iiraan ay "ka baryayaan in heshiis la gaaro", haddana in heshiiskaas uu dhaco iyo in kale aysan waxba ka beddelayn jadwalka Mareykanka. Hadalladan oo uu ka jeediyay xafiiska Oval Office ayaa ku soo beegmaya ka hor khudbad qaran oo uu Trump Arbacada caawa ah ka jeedin doono magaalada Washington oo ku saabsan arrimaha Iiraan.
Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in dalkiisu uu leeyahay "rabitaan laagama maarmaana" si loo soo afjaro dagaalka ay kula jiraan Mareykanka iyo Israa'iil, waasese haddii la fuliyo shuruudo dhowr ah.
Dhanka kale, madaxa guddiga amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan, Ebrahim Azizi, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X oo uu ugu hanjabayo Donald Trump ku yiri: "Marinka Hormuz hubaal dib ayuu u furmi doonaa, laakiin adiga kuuma furmi doono," isagoo u tixraacaya xannibaadda Iiraan ay saartay marinkaas muhiimka ah ee sababay inay kor u kacaan qiimaha tamarta ee caalamka.
Israa'iil iyo Iiraan ayaa sii waday weerarada ay isweydaarsanayaan xalay oo dhan, iyadoo dhaawacyo laga soo sheegay duqayn ka dhacday duleedka Tel Aviv. Sidoo kale, markab booyad ah ayaa laba gantaal looga dhuftay xeebaha Qatar, halka nin uu ku dhintay Imaaraadka Carabta iyadoo waddamada Khaliijku ay weli wajahayaan weeraro.
Ruushka oo war cusub ka sheegay halka uu ku sugan yahay hoggaamiyaha sare ee Iran
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei ayaa ku sugan dalka gudihiisa balse wuxuu ka gaabsanayaa inuu fagaarayaasha ka soo muuqdo "sababo la fahmi karo darteed", sida uu sheegay RTVI oo soo xiganaya safiirka Ruushka u fadhiya dalkaas.
Mojtaba ayaa beddelay aabihiis, Ayatollah Ali Khamenei, oo la dilay markii ay Israa'iil iyo Mareykanku bilaabeen dagaalkooda ka dhanka ah Iiraan wax ka badan hal bil ka hor.
Mareykanka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Mojtaba qudhiisu uu dhaawacanyahay, ayna u badan tahay inuu wejiga si xun ugu dhaawacmay.
Tirada dhaawacyada Tel Aviv, oo korortay ka dib weerarkii Iiraan
Xigashada Sawirka, Magen David Adom
Qoraalka sawirka, .
Afar iyo toban qof, oo ay ku jiraan gabadh 11 sano jir ah iyo wiil 13 sano jir ah, ayaa ku dhaawacmay weerarkii Iiraan ay goor sii horreysay ku qaadday duleedka Tel Aviv.
Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan dhaawacyada ka dhashay weerarkaas, adeegga gurmadka degdega ah ee Israa'iil, Magen David Adom, ayaa sheegay in gabadha ay soo gaareen dhaawacyo firir ah, isla markaana loola cararay isbitaal ku yaalla degaankaas.
War bixin kale oo ay soo saartay adeegu, waxay ku sheegtay inaan la soo sheegin wax dhaawacyo dheeraad ah ka dib markii ay dhaceen duqaymo kale oo is-daba joog ah oo ay soo qaaday Iiraan.
Boqorkii Shidaalka ka jaray Israa'iil ee la dilay isagoo dhunkanaya wiilka uu adeerka u yahay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Bishii Maarso sanadkii 1975-tii ayaa boqor Faysal-ka Sacuudiga lagu qaarajiyay magaalada Riyaad ee Sacuudiga. Ina adeerkii ayaa meel u dhow ka soo toogtay.
Ahmad Zaki Yamani oo ahaa wasiirka shidaalka ayaa garab taagnaa boqorka marka rasaasta lagu soo riday. Dr. Yamani inantiisa ayaa BBC-da la hadashay 2017-kii.
"Marna ma iloowayo maalintaas, xanuun ayaan dareemayaa. Weli waan xusuustaa dareenka aabahey, qiyaas qof agtaada taagnaa oo meel dhow laga soo toogtay".
Boqor Faysal saddex jeer oo degdeg ah ayaa la toogtay isagoo doonayay in uu hoos isu-dhigo si uu u dhunkado Dr Yamani oo 15 sano daacad u ahaa.
Faahfaahin dheeraada oo ka soo baxday markab booyad ah oo lagu weeraray xeebaha Qadar
Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee (UKMTO) ee UK, ayaa bixisay war cusub oo ku saabsan markab nooca booyada ah ee shidaalka qaada oo lagu weeraray xeebaha Qatar wax yar ka hor.
UKMTO waxay sheegtay in markabka ay ku dhaceen "laba gantaal". Mid ka mid ah gantaalladaas wuxuu sababay dab hadda la demiyey, halka kan kalena uu "weli aanu qarxin isagoo ku dhacay qolka mashiinka ee markabka".
Xaruntu waxay sheegtay in aysan weli xaqiijin karin halka ay gantaalladu ka yimaadeen, waxaana socda baaritaan.