Trump oo hanjabay shuruudna ku xiray joojinta dagaalka
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku hanjabay inuu xoojin doono weerarrada ka dhanka ah Iiraan.
Trump ayaa u muuqda inuusan dheg jalaq u siin cadaadiska uga imanaya dhinacyada kala duwan, oo ah inuu joojiyo dagaalka ka dhanka ah Iiraan.
Digniintan ayaa timid saacado yar ka dib markii tiro ka mid ah khubarada sharciga caalamiga ah ay soo saareen warqad ay kaga digayaan xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah sharciga oo la sheegay inay geysteen Mareykanka, Israa'iil, iyo Iiraan.
Khubaradu waxay walaac ka muujiyeen hadallada hanjabaadda ah ee Mr. Trump intii uu ololahu socday.
Madaxweynaha ayaa mar kale ku hanjabay inuu weerari doono kaabayaasha dhaqaalaha ee Iiraan, sida burburinta buundooyinka iyo xarumaha korontada, kuwaas oo loo arki karo dambiyo dagaal.
Khamiistii, Mareykanka iyo Israa'iil waxay weerareen buundo dhisme ku socota, iyo sidoo kale xarun taariikhi ah oo soo saarta dawooyinka tallaallada.
Saacado ka hor, Donald Trump ayaa muuqaal laga duubay weerarkii Mareykanka ee buundada soo dhigay baraha bulshada, isagoo ku qoray: "Waa waqtigii Iiraan ay heshiis gaari lahayd ka hor inta aysan goori goor tahay."
Dhanka kale, Labada warshadood ee birta ugu waaweyn Iiraan ayaa la xiray.
Warshadahan ayaa albaabada loo laabay kadib dhowr jeer oo duqeymo cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Israa'iil, sida ay sheegeen shirkadaha gacanta ku haya.
"Qiyaasteenna bilowga ah waxay tahay in dib u bilaabista cutubyadan ay qaadan doonto ugu yaraan lix bilood iyo ilaa hal sano," ayuu yiri Mehran Pakbin, oo ah ku xigeenka madaxa hawlgallada ee Shirkadda Birta Khuzestan ee koonfur-galbeed Iiraan, iyadoo ay soo xigatay warbaahinta Iiraan.
Shirkadda Mobarakeh Steel Company, waxay sheegtay in khadadka wax soo saarka ee bartamaha dalka "gebi ahaanba la xiray ka dib weerarradii tirada badnaa".
Sidoo kale akhriso: