Australia oo iska foogeesay eedeynta Trump
Australia ayaa sheegtay doorka ay ku leedahay dagaalka Bariga dhexe, iyada oo difaacatay dadaalladeeda ay ku caawinayso Maraykanka iyo xulafadiisa kale ee Bariga Dhexe, kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu dhaleeceeyay ka qaybgalka Australia, isagoo ku tilmaamay inay “dad fiican ahayn.”
Trump ayaa ku booriyay dalalka saaxiibka la ah sida Kuuriyada Koonfureed, Japan, iyo Australia inay usoo diraan maraakiib dagaal si loo sugo ammaanka waddooyinka muhiimka ah ee uu shidaalka maro sida Marinka Hormuz.
Inkastoo dalal dhowr ah ay diideen soo jeedinta Trump, hadana madaxweynaha ayaa si gaar ah u dhaleeceeyay Australia, isagoo muujiyay niyad-jab ku saabsan taageerada yar ee ay bixisay.
“Australia ma aysan bixin wax fiican". Aad ayaan ula yaabay Australia,” ayuu Trump yiri Khamiistii intii lagu jiray kulan golaha wasiirrada ka dhacay Aqalka Cad.
Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Australia Richard Marles ayaa sheegay in Australia ay qabatay wax kasta oo laga codsaday, isagoo tilmaamay in Washington aysan si rasmi ah u codsan taageero badeed.
Wasiirku wuxuu u sheegay warbaahinta Nine News ee Australia: “Codsiga kaliya ee aan ka helnay Maraykanka waa inaan taageero siino dalalka Khaliijka… taasina dhab ahaan waa waxa aan sameyneyno, halkaas ayaana ka aragnaa dantayada qaran.”
Marles wuxuu xusay in Australia ay dirtay diyaarad milatari oo ah Boeing E-7A si ay Imaaraadka Carabta (UAE) uga caawiso inay iska difaacdo weerarrada hawada ee Iiraan.