Garoomada diyaaradaha ee ugu waaweyn Tehraan oo dib u bilaabaya duulimaadyada rakaabka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Labada garoon diyaaradeed ee ugu waaweyn Tehran, Imam Khomeini International Airport iyo Mehrabad Airport, ayaa loo oggolaaday inay dib u bilaabaan duulimaadyada rakaabka laga bilaabo maanta, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka ee dalka.
Garoonka Mehrabad ayaa duqeyn lala beegsaday intii ii socday dagaalkii dhawaan dhacay, iyadoo Israa’iil hore u sheegtay inay “burburisay” dhowr diyaaradood oo halkaas yaallay.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in duulimaadyada rakaabka ee 10 garoon oo kale oo ku yaalla magaalooyin kala duwan oo Iiraan ah ay suurtagal noqon doonaan laga bilaabo Sabtida.

















