TOOS, Trump oo sheegay in Maraykanku “xannibi doono” marinka Hormuz kadib markii ay wadahadalladii fashilmeen sababo la xiriira “hamiga nukliyeerka” ee Iran.

Afhayeenka Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo hoggaaminayay wafdigii Tehran ee wada-hadalladii Pakistan, ayaa sheegay in hadda ay tahay xilligii Maraykanku "uu go'aansan lahaa inuu kasban karo kalsoonideenna iyo in kale".

Kooban

Tebin toos ah

  1. Israa'iil si weyn ayay iskaga indha-tirtay wada-hadalladii Mareykanka iyo Iran ee ka dhacay Pakistan

    Iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ma uusan doonayn in wada-hadalladan ay dhacaan markii hore.

    Rabitaankiisu wuxuu ahaa in weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ee Iran ay sii socdaan, waxaana lagu qasbay inuu beeniyo warar sheegaya inuu daqiiqaddii ugu dambeysay ah u ogaaday in Madaxweyne Trump uu oggolaaday xabbad-joojin ku-meelgaar ah, xilli xiisad caalami ah ay sii kordheysay.

    Maanta, ma jirto jawaab rasmi ah oo ka timid Israa’iil oo ku saabsan in Maraykanka iyo Iran ay ku guuldarreysteen inay gaaraan heshiis degdeg ah oo lagu gaaro Islamabad — inkastoo ay ahayd mid aan si fudud u suurtoobayn.

    Hase yeeshee, warbaahinta Israa’iil ayaa hadda sheegaysa in Taliyaha Ciidamada IDF Eyal Zamir uu amray in ciidamadu galaan heer feejignaan sare — heer la mid ah kii la arki jiray ka hor hawlgallo militari oo hore.

    Waxaan IDF ka codsannay xaqiijin, balse weli kama aanan helin. Si kastaba ha ahaatee, hadalladan waxay la jaan qaadayaan waxa Netanyahu uu horay u sheegay.

    Dhowr maalmood ka hor wuxuu yiri “farta weli waxay saaran tahay kiciyaha,” habeenkiina wuxuu mar kale ku celiyay in dagaalka Iran uusan dhammaan.

    Isla waqtigaas, IDF waxay sii waddaa duqeymaha Lubnaan, iyadoo sheegaysa inay beegsanayso xarumaha Hisbullah.

    Mas’uuliyiinta Beirut waxay sheegayaan in hawlgalladan Israa’iil ay dileen in ka badan 2,000 oo qof toddobaadyadii la soo dhaafay.

    Arbacadii la soo dhaafay, in ka badan 350 qof ayaa la dilay — saddex meelood meelna waxay ahaayeen haween iyo carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.

    Sidoo kale akhriso:

  2. Mustaqbalka Marinka Hormuz waa mid walaac leh

    Markaan eegno in maalmaha soo socda ay keeni doonaan wada-hadallo dheeraad ah ama dib u bilowga dagaal, madaxweynaha Maraykanku wuxuu sameeyay hanjabaado kala duwan oo ku jira qoraal dheer oo uu soo dhigay barta Truth Social.

    Waxaan hore u ogeyn in qodobka nukliyeerka Iran uu ahaa midka ugu weyn ee khilaafka, isla markaana Trump uu xaqiijiyay in gorgortamayaashu aysan ka gudbi karin.

    Mustaqbalka Marinka Hormuz ayaa si cad u ah walaac degdeg ah, Maraykankuna hadda wuxuu ku hanjabayaa xannibaad. Intaas kaliya ma aha, Trump wuxuu sidoo kale u hanjabayaa dal kasta oo siiya Iran “lacag sharci-darro ah” si uu uga gudbo marin-biyoodkaas muhiimka ah.

    Waxaa jiray warar sheegaya in maraakiib qaar ay mareen kadib markii ay bixiyeen lacag aad u badan oo ay Iran siiyeen.

    Kahor wada-hadalladan, wuxuu sheegay in Iran uu ka dhacay isbeddel nidaam, isla markaana hoggaamiyayaal cusub oo “ka macquulsan” ay yimaadeen, balse hadda uu ku tilmaamay inay yihiin “dad kacsan, adag, oo aan la saadaalin karin.”

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray in ay jireen qodobbo lagu heshiiyay intii lagu jiray wada-hadalladaas, taas oo ahayd aragti aan annaguna ku aragnay Islamabad, markii aan maqalnay in khubarro farsamo ay ku biireen wadahadallada, isla markaana ay socdeen ilaa saacadaha hore ee subaxda.

    Trump sidoo kale wuxuu sheegay in wafdiga Maraykanka ay noqdeen “kuwo saaxiibtinimo badan” oo ay “ixtiraam u muujiyeen” wafdiga Iran, taas oo muujinaysa in la dhisi karo nooc xiriir shaqo ah oo hore aan la malayn karin ka hor dhammaadka toddobaadkan.

    Sidoo kale akhriso:

  3. Sidee ayuu Marin-biyoodka Hormuz u noqday hubka ugu xoogga badan ee Iiraan?

    Ka dib dagaal socday 40 maalmood oo dhex maray Iran, Maraykanka, iyo Israa'iil, natiijo lama filaan ah ayaa soo baxday oo muujinaysa in kaarka ugu xooggan ee Tehran aysan ahayn awooddeeda nukliyeerka, balse uu yahay awooddeeda ay ku carqaladeyn karto marin- biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

    Bilowgiiba dagaalka, waxaa si ballaaran loogu arkayey inuu ahaa isku day lagu doonayay in lagu beddelo nidaamka xukunka Iran, iyadoo lagu fulinayo olole duqeyn culus oo lagu beegsanayo goobaha muhiimka ah iyo hoggaamiyeyaasha dalka.

    Iran waxay kaga jawaabtay inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacdo xulafada Maraykanka ee Khaliijka, balse markii uu dagaalku sii xoogaystay, waxay u weecisay dareenkeeda inay carqaladayso isu-socodka maraakiibta marta marin-biyoodka ciriirga ah ee isku xira Khaliijka suuqyada caalamka.

    Tallaabadan ayaa si degdeg ah cadaadis weyn u saartay Maraykanka iyo xulafadiisa, kuwaas oo ku tiirsan socodka aan kala go'a lahayn ee shixnadaha saliidda iyo gaaska ee ka gudba marin-biyoodka.

    Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa qirtay in adkaynta xakamaynta marin-biyoodkan muhiimka ah ay siin karto faa'iido istiraatiijiyadeed oo ka culus guulaha laga gaadhi karo sare u qaadista iska horimaadka milatari. Iyadoo Iran ay ku hanjabtay inay carqaladeyn karto sahayda tamarta caalamiga ah, waxay ku qasabtay Washington inay dib u eegto habkeeda, taasoo keentay in dib-u-furidda iyo sugidda ammaanka marin-biyoodka lagu daro shuruudaha muhiimka ah ee wada-hadallada xabbad-joojinta.

  4. War deg deg ah, Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa bilaabi doona “inay xannibaan dhammaan maraakiibta isku dayaya inay galaan ama ka baxaan marinka Hormuz,” ayuu yiri Trump.

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Madaxweyneha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Maraykanku bilaabi doono “IN UU XANNIIBO dhammaan maraakiibta isku dayaya inay galaan ama ka baxaan marinka Hormuz.”

    Qoraal dheer oo cusub oo uu ku daabacay Truth Social, wuxuu ku sheegay in “kulanku si wanaagsan u dhacay, inta badan qodobbadii waa lagu heshiiyey, laakiin qodobka kaliya ee runtii muhiimka ahaa, NUKLIYEERKA, lagama gaarin heshiis.”

    Wuxuu sheegay in “mar uun” la gaari doono heshiis ku saabsan marin xor ah, balse “Iran ma oggolaan inay taasi dhacdo iyagoo kaliya leh, ‘Waxaa laga yaabaa in meesha ay miino ku jirto,’ taas oo aan cidna ogeyn iyaga mooyee.”

    Qoraalkaas dhexdiisa, Trump wuxuu sidoo kale ku sheegay inuu “amray ciidamadeenna badda inay raadiyaan oo qabtaan markab kasta oo ku sugan biyaha caalamiga ah oo lacag marin ah siiyay Iran,” isla markaana ciidamada badda Maraykanku ay bilaabi doonaan “burburinta miinooyinka ay Iiraaniyiintu ku rideen marinnada.”

    “Qof kasta oo bixiya lacag marin sharci-darro ah ma heli doono marin ammaan ah badaha caalamiga ah,” ayuu yiri, isagoo ku daray, “Iiraani kasta oo nagu soo rida rasaas, ama ku rida maraakiib nabdoon, waa la BAABI’IN doonaa!”

    “Xannibaaddu dhowaan ayay bilaaban doontaa,” ayuu yiri.

    Warar dheeraad ah:

  5. Vance oo la sawiray isagoo u safraya dalkiisa kana yimid Islamabad

    Isagoo ka tagay Islamabad, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa la sawiray isagoo ku laabanaya Mareykanka.

    Kuwani waa sawirradii ugu dambeeyay ee nagaga imaanaya Ramstein Air Base, ee Jarmalka, halkaas oo diyaaraddiisu ay ku hakatay si ay ugu shubato shidaal.

    Vance

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Vance

    Xigashada Sawirka, Reuters

  6. Waa kuma afhayeenka baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf?

    Iran

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa la sawiray intii lagu guda jiray doorashada madaxtinimada Iran ee 2024

    Mohammad Bagher Ghalibaf waa siyaasi muxaafid ah oo reer Iran ah oo leh asal militari, kaasoo ahaa afhayeenka baarlamaanka Iran ilaa May 2020.

    Wuxuu hoggaaminayay wafdiga Iran wadahadalladii ay Mareykanka kula yeesheen Pakistan. Ghalibaf waxa uu dhashay sannadkii 1961-kii, waxa uu ku biiray Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee IRGC sannadkii 1980-kii, waxaanu ka mid noqday Taliyeyaasha Ciidankaas intii uu socday dagaalkii Iran iyo Ciraaq.

    Ghalibaf waxaa loo yaqaannaa duqii hore ee Tehran. Waxa uu xilkaasi hayay 12 sano laga soo bilaabo 2005. Waxaa lagu tiriyaa mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada, balse waxaa sidoo kale lagu eedeeyay dhaqaale xumo.

    Afar jeer ayuu ku guul darreystay inuu u tartamo madaxweyne, isagoo kaalinta afraad galay 2005tii, 2013-kiina wuxuu galay kaalinta labaad, wuxuu ka tanaasulay musharaxnimadii 2017 ka hor doorashada, wuxuuna galay kaalinta saddexaad ee doorashadii hore ee 2024.

    Akoonkiisa X ayaa ahaa mid firfircoon dhawaanahan, in kasta oo ay dawladdu ku soo rogtay xannibaad internet-ka ah guud ahaan Iran tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka 28-kii Febraayo kaas oo weli socda.

    Warar dheeraad ah:

  7. Siday ayay hormuudka dhexdhexaadinta u arkaan wada-hadallada?

    Waxaan hadda maqalnay Mohammad Bagher Ghalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iran, ahna madaxa wada xaajoodka wadahadallada Mareykanka ay kula jiraan.

    Waa markii ugu horeysay ee qof ka socda Iran, oo runtii qolka doodaha ku jiray uu hadlo - marka sidee falcelintiisu ula barbar dhigmeysaa tii madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance?

    Ghalibaf waxa uu sheegay in ka hor wada-hadallada, Iran aysan "kalsooni ku qabin dhinaca ka soo horjeeda" sababtoo ah "labadii dagaal ee hore".

    Waxa uu sheegay in inkasta oo Maraykanku uu "fahmey caqli-galkeenna iyo mabaadi'dayada", hadda waa waqtigii Maraykanku go'aansan lahaa haddii "uu heli karto kalsoonideenna".

    Waxa uu intaa ku daray: "Ma joojin doonno wax yar dadaalkeenna ku aaddan xoojinta guulaha 40-ka maalmood ee difaaca qaranka Iran."

    Goor sii horreysay, Vance wuxuu sheegay in Maraykanku uu u yimid wada xaajoodka "si daacad ah".

    "Waxaan u malaynayaa inaan aad u dabacsannahay, aad baannu u qaabilnay," ayuu yiri, laakiin wuxuu raaciyay: "Kaliya ma aannu gaari karin xaalad ay Iiraaniyiintu aqbali doonaan shuruudaheenna."

    Warar dheeraad ah:

  8. War cusub oo hadda ka soo kordhay madaxa waftigii Iiiran ee wadahadallada Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters/ Pakistan’s Prime Minister Office

    Qoraalka sawirka, .

    Afhayeenka Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo hoggaaminayay wafdigii Tehran ee wada-hadalladii Pakistan, ayaa sheegay in hadda ay tahay xilligii Maraykanku "uu go'aansan lahaa inuu kasban karo kalsoonideenna iyo in kale".

    Qoraal uu soo dhigay barta X, Ghalibaf wuxuu ku sheegay oo uu carrabka ku adkeeyay ka hor wada-xaajoodyada in Iran ay leedahay "niyad wanaag iyo doonis", balse waayo-aragnimadeeda labadii dagaal ee hore awgeed aysan "wax kalsooni ah ku qabin dhinaca kale".

    Wuxuu sheegay in wafdiga Iran ay "soo bandhigeen hindisayaal hore u socod leh, laakiin dhinaca kale ay ugu dambeyntii ku guuldarraysteen inay kasbadaan kalsoonida wafdiga Iran intii ay socdeen wada-hadalladan".

    Wuxuu sii raaciyay: "Ma joojin doonno marnaba dadaalkeenna aan ku xoojinayno guulihii laga gaaray afartankii maalmood ee difaaca qaranka Iran."

    Wuxuu kaloo intaas ku daray in wada-hadalladu ay ahaayeen kuwo "aad u adag", isagoo uga mahadceliyay dalka Pakistan fududeyntooda.

  9. Iiraan oo war ka soo saartay siduu ahaa jawiga wadahallada

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaan maqlaynaa faallooyin dheeraad ah oo ka soo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ka dib fashilkii ku yimid wada-hadalladii nabadda ee Islamabad.

    Afhayeenka wasaaradda, Esmail Baghaei, ayaa horay u sheegay in Maraykanku uu ka fogaado samaynta "dalabyo xad-dhaaf ah." Wuxuu intaas ku daray in marnaba aan laga filayn in Maraykanka iyo Iran ay heshiis gaaraan isla markiiba.

    Wuxuu intaas raaciyay in wada-hadalladu ay ku dhaceen "jawi ay ka buuxdo kalsooni darro, shaki iyo hubanti la'aan," ka dib in ka badan 40 maalmood oo "dagaal lagu khasbay" ah, iyo iyadoo aanay xilli fog ahayn markii xabbad-joojintu dhaqan gashay.

    Baghaei, ayaa u sheegay Iranian state's Student News Network: "Ma ahayn inaynu filano bilowgiiba inaynu heshiis ku gaari karno hal fadhi oo qura. Uma malaynayo in qofna uu filashadaas qabay."

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in "diblomaasiyaddu aysan marnaba dhammaan

  10. Madaxweyne xigeenka Maraykanka oo la laabtay gacmo maran iyo niyad jab

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Ka dib wada-hadallo socday laga bilaabo duhurnimadii hore ilaa saacadaha hore ee waaberi, JD Vance ayaa sheegay in wafdiga Maraykanku ay dalkoodii ku laabanayaan iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin.

    Vance wuxuu sheegay inay la hadleen madaxweynaha Maraykanka dhowr jeer intii ay socdeen dooduhu. Wuxuu xusay in kooxdiisu ay ku guuldarraysatay inay Iran ka helaan xaqiijin ah inaysan raadin doonin hub nukliyeer ah, iyo sidoo kale qalabkii u sahlaysay inay si degdeg ah u helaan hubkaas.

    Wuxuu ku tilmaamay arrintan mid ka mid ah hadafyada udub-dhexaadka u ah Madaxweyne Trump isagoo muujiyay niyad-jab. Iran waxay mar walba sheegtaa inaysan qorshaynayn inay horumariso hub nukliyeer ah.

    Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday wafdiga Iran, balse warbaahinta dawladda ee dalkaas ayaa sheegtay in wada-hadalladu u fashilmeen dalabyo aan macquul ahayn oo ka yimid dhinaca Maraykanka.

    Faallooyinkii uu bixiyay, Vance ma uusan soo hadal qaadin Marinka Hormuz oo ah marinka muhiimka u ah shidaalka kaas oo Maraykanku rabo in Iran ay furto, laguna tilmaamay mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hor taagnaa wada-hadallada.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegay inay muhiim tahay in labada dhinac ay sii wadaan u hoggaansanaanta xabbad-joojintii lagu heshiiyay ka hor intaan la imaan Islamabad, inkastoo labada dhinacba ay mar hore isku eedeeyeen inay jebiyeen heshiiskaas.

  11. Wafdigii Iiraan oo ka tagay Islamabad

    Wafdigii ka socday dalka Iran ayaa ka tagay magaalada Islamabad, sida ay sheegtay Mehr News Agency ee Iran.

    Wafdigan oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha Baarlamaanka Iran Mohammad-Bagher Ghalibaf ayaa ka dhoofay wax yar ka dib 9:00 subaxnimo waqtiga Pakistan, sida ay warbaahintu sheegtay.

    Tallaabadan ayaa timid ka dib markii wafdigii Maraykanka, oo uu ku jiray Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, ay iyaguna ka tageen Islamabad ka dib markii wada-hadalladii nabadda ay ku guuldarraysteen inay gaadhaan heshiis.

  12. maxaa xiga oo dhici doona- Su'aasha muhiimka ah ayaa ah?

    Iyadoo ay jirto in labada dhinacba ay u yimaadeen wada-hadalladan iyagoo mid kastaaba sheeganayo inuu dagaalka ku guuleystay, helitaanka heshiis mar walba waxay ahayd wax adag.

    Ugu dambayntii, waxay u muuqataa inay taasi noqotay wax aan macquul ahayn. Labada dhinacba waxay ka tageen goobta iyadoo midba midka kale ku eedaynayo fashilka ku yimid wada-hadallada.

    Su'aasha muhiimka ah ayaa ah - maxaa xiga oo dhici doona?

    Xabbad-joojintii la isku raacay maalintii Arbacada waxay bilaabatay xilli ay jireen hanjabaado aad u waaweyn oo ka imanayay Madaxweynaha Mareykanka, isagoo sheegay inuu baabi'in doono ilbaxnimada Iiraan. Ma jirin wax lagu dhawaaqay oo ku saabsan in weeraradii lagu hayay Iiraan ay dib u bilaaban doonaan, laakiin hubaal fursadaha ay ku bilaaban karaan ayaa kordhay.

    Marka la eego Marinka Hormuz, oo ah marin biyood muhiim ah oo Iiraan si wax ku ool ah u xannibtay furitaankiisa iyada oo loo marayo wada-hadal ayaa u muuqda mid aan suurtagal ahayn hadda. Imaanshaha laba markab oo dagaal oo Mareykan ah oo Gacanka ku sugan ayaa muujinaya in Mareykanku uu eegayo waddo kale.

    Mareykanku wuxuu sababta fashilka ku sheegay in Iiraan ay ka gaabsatay inay ballan-qaaddo inaysan waligeed yeelan doonin hubka nukliyeerka, taasoo ahayd caqabadda ugu weyn.

    Iiraan mar walba way beenisay inay doonayso hubkaas ugu awoodda badan, balse laba dagaal oo dhacay hal sano gudaheed ayaa laga yaabaa inay sii xoojisay codadka taageeraya helitaankiisa.

    Wada-hadalladan fool-ka-foolka ah ee dhex maray Mareykanka iyo Iiraan waxay ahaayeen kuwo taariikhi ah… laakiin waxaa laga yaabaa in loo xasuusto inay ahaayeen fashil ku yimid diblomaasiyadda.

  13. War ka soo kordhay Israa’iil

    Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay duqeeyeen qalab gantaallada laga soo rido oo “diyaar u ahaa in lagu rido” Israa’iil, kaas oo ku yaallay koonfurta Lubnaan.

    Bayaan lagu daabacay Telegram, IDF waxay sheegtay in qalabkaas lagu arkay deegaanka Jouaiyya, kadibna “la duqeeyay oo la burburiyay” ka hor inta aan la fulin weerar.

    Waxay sidoo kale bayaanka ku lifaaqeen muuqaal muujinaya duqeynta.

    Waxaa weli jira is-afgarad la’aan ku saabsan in xabbad-joojinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ay ku jirto Lubnaan ama in xabbad-joojintaas ay sii socon doonto kadib markii wada-hadalladii nabadda ee Pakistan ay fashilmeen.

    Israel iyo Lubnaan ayaa la filayaa inay wada-hadallo gaar ah ku yeeshaan Washington toddobaadka soo socda.

  14. Halkee Trump ku sugnaa intii wadahadallada ka socdeen Pakistan iyo sawrio laga helay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Intii wada-hadalladu ka socdeen Islamabad, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ka qaybgalayay ciyaar UFC ah oo ka dhacday Miami, isaga oo ay la socdeen dhowr xubnood oo qoyskiisa ah iyo sidoo kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio.

    Vance ayaa sheegay in uu Trump si “joogto ah” ula xiriiray intii ay wada-hadalladu ka socdeen Pakistan.

    “Ma garanayo inta jeer ee aan la hadalnay—laga yaabee lix jeer, ama xitaa dhowr iyo toban jeer 21-kii saacadood ee la soo dhaafay,” ayuu Vance yiri.

    Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan si joogto ah ula xiriirnay kooxda, maadaama aan ku gorgortamaynay si niyad wanaagsan leh.”

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .
    .

    Xigashada Sawirka, reu

    Qoraalka sawirka, .
    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .
  15. Pakistan oo war cusub hadda soo saartay

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa soo saaray bayaan ka dib markii ay soo dhammaadeen wada-hadalladii nabadda, isagoo ku boorriyay labada dhinac inay "lagama maarmaan tahay in dhinacyadu sii wadaan ilaalinta ballanqaadkooda ku aaddan xabbad-joojinta."

    "Waxaan rajaynaynaa in labada dhinac ay ku sii socdaan niyad wanaag si loo gaaro nabad waarta iyo barwaaqo u soo hoyata gobolka oo dhan iyo meelo ka baxsanba," ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

    Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Pakistan ay sii wadi doonto inay door ka qaadato fududeynta wadada hadalka ee u dhexeeya labada dhinac "maalmaha soo socda."

  16. Mareykanka iyo Iiraan oo bixiyey sababta ay u fashilmeen wada-hadalladii nabadda

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Mareykanka iyo Iiraan waxay bixiyeen sababo kala duwan oo ku saabsan sababta ay u fashilmeen wada-hadalladii nabadda.

    Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iiraan, “dalabyo aan macquul ahayn” oo ka yimid Mareykanka ayaa carqaladeeyay dadaalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka.

    “Inkastoo ay jireen dadaallo kala duwan oo ay soo bandhigeen wafdiga Iiraan, dalabaadka aan macquulka ahayn ee dhinaca Mareykanka ayaa hor istaagay horumarka wada-hadallada. Sidaas darteed, wada-hadalladu way dhammaadeen,” ayay idaacadda dowladda Iiraan ee IRIB ku sheegtay qoraal ay ku daabacday Telegram.

    Dhanka kale, Mareykanku wuxuu sheegay inay ahaayeen kuwo u “dabacsan” oo “u fududaynayay” wada-hadallada.

    JD Vance ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku amray inuu “halkan yimaado isagoo niyad wanaagsan leh oo dadaalkiisa ugu fiican geliyo sidii heshiis loo gaari lahaa. Taas waan sameynay, nasiib darro se horumar ma sameynin.” Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka tagayay isagoo soo bandhigay “soo jeedin aad u fudud, hab is-afgarad ah oo ah dalabkeenna ugu dambeeya uguna fiican.”

    Ilaa hadda ma cadda tallaabooyinka xiga ee ku saabsan heshiiska xabbad-joojinta ee labada toddobaad ah ama in wada-hadallo kale la qorsheynayo.

  17. Sidee ahaa xaalka gudaha iyo banaanka hotelka shirku ka dhacayey

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Daqiiqado yar kadib markii uu dhammaaday shirkii jaraa'id, annaga iyo dhawr suxufi oo kale oo ku sugnayn xarunta shirka, waxaan u soo gudbnay dhanka kale ee jidka si aan u aragno waxa ka dhacaya bannaanka huteelka uu Vance ka qudbaynayay.

    Markii aan halkaas gaarnay, waxaa durba la arkaysay kolonyo dheer oo baabuur ah oo oo diyaar u ah inay baxaan. Kolonyadaas waxay isugu jireen kuwa ammaanka ee Pakistan iyo sidoo kale kale ilaalada gaarka ah ee uu la safro madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka.

    Waxaan sidoo kale aragnay baabuur uu ka babanayo calanka Mareykanka oo si degdeg ah uga baxaya huteelka. Sidaa darteed, waxaa loo qaadan karaa in Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance uu diyaar u ahaa inuu magaalada ka baxo ka dib markii wada-hadalladii dheeraa ay ku guuldareysteen inay horseedaan heshiis.

    Hareeraheenna oo dhan, waxaa laga dareemayay niyad-jab xooggan oo ku aaddan natiijada wada-hadalladan.

    Dad badan ayaa xaqiiqsaday in labada dhinac oo gaara heshiis nabadeed ay ahayd fursad aad u fog, madaama ay jireen kala duwanaansho weyn oo u dhexeeyay mowqifyada Mareykanka iyo Iran. Laakiin haddana, qaar badan ayaa rajo ka qabay in marka loo eego miisaanka ergooyinka ay soo direen labada dhinac, ay taasi muujinaysay calaamad muujinaysa in qof kastaa uu dhab ka ahaa isku dayga in heshiis la gaaro.

    Dareenkaas niyad-jabka ah laguma koobnaan doono oo kaliya gudaha hoolkan shirarka, balse meelo ka fog ayaa laga dareemi doonaa.

  18. Netenyahu oo sheegay in ololaha Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan “wali uusan dhammaanin.”

    .

    Xigashada Sawirka, Israeli Prime Minister's Office

    Qoraalka sawirka, .

    Isagoo hadlayey ka hor inta aan Maraykanku sheegin in wadahalladii ay la lahayeen Iiraan lagu fashilmay in heshiis lagu gaaro ayuu Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu sheegay in ololaha Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan “wali uusan dhammaanin.”

    Bayaan ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo uu ku sheegay inuu “oggolaansho” siiyay wada-hadallo nabadeed oo lala yeesho Lubnaan.

    Si kastaba, isla farriintaas gudaheeda, wuxuu sidoo kale muujiyay in ololaha ka dhanka ah Iiraan “uusan weli dhammaan” isagoo sheegay “wali waan la dagaallamaynaa”. Wuxuu intaas ku daray in “wali ay jiraan wax badan oo la qabanayo”.

    Bayaanka ayaa la soo saaray xilli Maraykanka iyo Iiraan ay ku jireen wada-hadallo nabadeed oo qoto dheer oo ka socday Pakistan.

    Netanyahu ayaa sidoo kale taxay dhowr “guulo” oo uu sheegay in lagu gaaray ololaha milatari ee Israa’iil, oo ay ka mid tahay burburinta barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

    “Guulahaas weli ma dhammaan. Weli waxaa Iiraan ku jira walxo la hodmiyay. Sida uu sheegay Madaxweyne Trump, waa in laga saaraa. Ama heshiis ayaa lagu saari doonaa, ama siyaabo kale ayay ku bixi doonaan,” ayuu yiri.

  19. Bayaanka Iiraan wax yar ka hor inta aan Maraykanku sheegin in lagu fashilmay in heshiis la gaaro

    .

    Xigashada Sawirka, Atta Kenare via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmaeil Baqaei, ayaa hadda soo saaray bayaan ku saabsan xaaladda wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Maraykanka.

    Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, Baqaei wuxuu ku tilmaamay wada-hadallada kuwo “xooggan”, balse wuxuu sheegay in guusha wada-xaajoodyada socda ay “ku xiran tahay sida ay uga go’an tahay iyo niyadda wanaagsan ee dhinaca kale”.

    Baqaei sidoo kale wuxuu ugu baaqay Washington inay ka fogaato “dalabyo xad-dhaaf ah iyo codsiyo sharci-darro ah” isla markaana ay aqbasho “xuquuqda iyo danaha sharciga ah ee Iiraan”.

    Arrimaha uu sheegay in laga hadlayo waxaa ka mid ah marin-biyoodka Strait of Hormuz, barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, iyo “in si buuxda loo soo afjaro dagaalka ka socda Iiraan”.

    Waxaan dhowaan ka maqli doonnaa dhinaca Maraykanka xaaladda wada-hadallada, maadaama Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka JD Vance uu qorsheynayo inuu hadal ka jeediyo shir jaraa’id oo ka dhacaya Islamabad.

  20. Nuxurka hadaladii madaxweyne xigeenka Maraykanka ka sheegay shirkiisii jaraa'id ka hor safarkiisa

    Ku-xigeenka Madaxweynaha Mareykanka JD Vance ayaa hadda ka duulay dalka Pakistan, ka dib wadahadallo dheer oo xasaasi ahaa oo uu la yeeshay Iiraan, kuwaas oo ku guuldareystay inay horseedaan heshiis nabadadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka.

    Vance oo ay garab taagnaayeen Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff iyo wiilka uu sodogga u yahay Trump ahna la-taliyaha Aqalka Cad Jared Kushner, ayaa la hadlay xubno ka tirsan saxaafadda ka hor int aanu bixin.

    Halkan waa qaar ka mid ah qodobbadii ugu muhiimsanaa ee shirka jaraa’id:

    • Wuxuu sheegay in 21 saacadood oo wadahadallo nabadeed ah oo ka dhacay Islaamabaad ka dib, Mareykanka iyo Iiraan ay ku guuldareysteen inay gaaraan heshiis lagu joojinayo dagaalka.
    • "Waxaan la yeelanay Iiraaniyiinta wadahadallo dhowr ah oo dhaxalgal ah, taasina waa warka wanaagsan. Warka xunse waa inaanan gaarin heshiis, waxaanan u malaynayaa in taasi ay u xun tahay Iiraan in ka badan inta ay u xun tahay Mareykanka," ayuu yiri Vance.
    • "Runtii uma suuragelin inaan gaarno xaalad ay Iiraaniyiintu ku aqbalayaan shuruudaheenna," ayuu raaciyay.
    • Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale muujiyay qadarinta uu u hayo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo Field Marshal Asim Munir, isagoo yiri "caqabad kasta" oo ku timid wadahadallada "kuma imaan reer Pakistan, kuwaas oo qabtay shaqo cajiib ah."
    • Wuxuu ahaa shir jaraa'id oo kooban iyadoo weriyayaashu ay weydiiyeen dhowr su'aalood oo kaliya.
    • Markii la weydiiyay awoodda Nukliyeerka ee Iiraan, Vance wuxuu ku jawaabay in ka hortagga dalkaas si uusan u helin hubka Nukliyeerka hadda iyo mustaqbalkaba ay tahay "yoolka koowaad" ee Madaxweyne Donald Trump.
    • Wuxuu intaas ku daray in Trump uu si firfircoon uga qeyb qaatay wadahadallada, isagoo sheegay inuu madaxweynaha la hadlay inta u dhaxeysa "lix jeer" ilaa "toban iyo laba jeer" muddadii ay wadahadalladu socdeen.
    • "Waxaan halkan uga tegaynaa soo-jeedin aad u fudud, taasoo ah hab lagu fahmayo in kani yahay dalabkayagii ugu dambeeyay ee ugu fiicnaa. Waxaan arki doonnaa haddii Iiraaniyiintu ay aqbalaan," ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.
Trending Now