TOOS, Trump oo muujiyay in wadahadallada Iiraan ay dib u bilaaban karaan toddobaadkan iyadoo xayiraadda badda ee Mareykanka ay sii socoto
Labo markab ayaa gaaray dekedaha Iran halka labo ay mid lala xiriirinayo Shiinaha. Mareykanka ayaa horey u sheegay inuu joojin doono maraakiibta u socdaaleysa ama ka imaanaya Iran.
War deg deg ah, Mareykanka oo qaadaya tallaabo kale oo uu cadaadis ku saarayo Iiraan
Wargeyska Washington Post ayaa maanta soo wariyay, isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo la wargeliyay, in Mareykanku uu kumanaan askari oo dheeraad ah u diri doono Bariga Dhexe maalmaha soo socda si loogu cadaadiyo Iiraan inay heshiis gaarto.
Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Trump sheegay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonaan wajigii labaad oo ah wadahadallada Mareykanka iyo Iiraan.
War deg deg ah, Milatariga Israa'iil oo amarro cusub soo saaray
Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa soo saaray amar cusub oo ku saabsan in dadku ay ka guuraan qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay sheegeen in “duqeymo cirka ah ay ka socdaan.”
IDF waxay sheegtay inay ka howlgallayaan aagga koonfureed ee webiga Zahrani iyagoo adeegsanaya “howl gal xooggan,” isla markaana dadka ku sugan halkaas ay si degdeg ah uga baxaan oo ay u jiheystaan dhanka waqooyi.
“Qof kasta oo ku sugan meel u dhow xubnaha Xisbullah, xarumahooda, ama gaadiidkooda dagaalka, wuxuu halis gelinayaa noloshiisa,” ayay war-saxaafadeedka ku sheegeen.
War deg deg ah, Madaxweynaha Iiraan oo hadda ka hadlay go'aanka dowladdiisa
Xigashada Sawirka, Iranian Presidency handout via Getty Images
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in isku day kasta oo ay Mareykanka ama Israel ku doonayaan inay Iran ku qasbaan inay “isdhiibto” uu “guul-darraysan doono, isla markaana shacabka Iran aysan waligood aqbali doonin dhaqankaas.”
Isagoo ka hadlayay kulan uu la yeeshay masuuliyiinta adeegyada gurmadka degdegga ah ee Tehran saaka, Pezeshkian wuxuu sheegay in Tehran aysan doonayn dagaal ama xasillooni-darro.
Taa beddelkeeda, madaxweynuhu wuxuu sheegay in “Iran ay mar walba adkaysay baahida loo qabo wadahadallo wax dhisaya iyo iskaashi lala yeesho dalal kala duwan.”
Hadalladiisa waxay imaanayaan kadib markii Donald Trump uu sheegay in wadahadallada u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ay dib uga bilaaban karaan Pakistan “labada maalmood ee soo socda,” balse Tehran weli kama aysan hadlin arrintaas.
Ra'iisul Wasaaraha Pakistan oo bilaabaya safarro xilli wadahadallo la filayo
Xigashada Sawirka, Royal Court of Saudi Arabia/Anadolu Agency via Getty Images
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa ku dhawaaqday in Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif uu bilaabi doono safar afar maalmood ah oo uu ku tagayo saddex dal: Sacuudi Carabiya, Qatar, iyo Turkiga.
Waxaa muuqata in Pakistan ay isu diyaarinayso wareeg labaad oo suurtagal ah oo ah wadahadallo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka kuwaas oo lagu qabanayo Islamabad.
Wareeggii ugu horreeyay ee wadahadalladan ayaa lagu qabtay Islamabad usbuucii la soo dhaafay.
Horey, Donald Trump ayaa u sheegay wariye ka tirsan New York Post in “wax ka dhici karaan” Islamabad “labada maalmood ee soo socata.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa saaka sheegtay in booqashooyinka Shehbaz Sharif ee Sacuudi Carabiya iyo Qatar lagu qaban doono kulammo diblomaasiyadeed “hab laba geesood ah.”
Turkiga, Sharif wuxuu ka qeyb geli doonaa Madasha Diblomaasiyadda Antalya, wuxuuna kulammo laba geesood ah la yeelan doonaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo hoggaamiyeyaal kale, isagoo ka faa’iideysanaya fursadda madasha.
War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo ka jawaabtay warkii Trump ee ahaa in wadahadallo dhacayaan maalmaha soo socda
Sida aan soo sheegnay, Madaxweyne Trump, oo ka hadlayay suurtagalnimada wadahadallo dheeraad ah oo Mareykanka iyo Iiraan ah, ayaa sheegay in " laga yaabo inay ka dhacaan" Islamabad "labada maalmood wajigii labaad ee wadahadallada".
Warkaas Trump ka dib ilo diblomaasiyadeed ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ee IRNA inaysan jirin "macluumaad" ku saabsan wadahadallo dheeraad ah.
IRNA waxay sheegtay in farriimo ay is dhaafsadeen Tehran iyo Pakistan, oo u dhaqmaysa sidii dhexdhexaadiye, laakiin ma jirin wax la xaqiijiyay.
Ilo wareedka ayaa sheegay in Pakistan "ay weli ka go'an tahay dadaalladeeda dhexdhexaadinta" ka dib markii wadahadalladii hore ee Mareykanka iyo Iiraan ee ka dhacay Islamabad ay ku dhammaadeen heshiis la'aan.
Iiraan waxay u muuqataa inaysan ka hadlin hadalladii ugu dambeeyay ee Trump. Xabbad joojinta labada toddobaad ah ayaa lagu dhawaaqay 8 Abriil , taasoo la macno ah inay dhacayso Arbacada soo socota oo ku beegeen 22-ka Abriil.
War deg deg ah, Markabkii Shiinaha ee shalay jabiyay xanibaadda Mareykanka oo haddana mar kale ku laabtay Hormuz
Xigashada Sawirka, Shady Alassar/Anadolu via Getty Images
Xogta maraakiibta ayaa muujisay in markabka shidaalka qaada ee lagu magacaabo Rich Stary, kaas oo ay saarantahay cunaqabateyn Mareykanka uu dib ugu laabtay marin-biyoodka Hormuz saaka kadib markii uu ka baxay Gacanka maalintii shalay, isagoo ku guuldareystay inuu jebiyo xayiraadda Mareykanka ee saaran maraakiibta ku wajahan dekedaha Iran.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay xannibaaddan Axaddii kadib markii wadahadallo nabadeed oo ka dhacay Islamabad oo u dhexeeyay Mareykanka iyo Iran aysan gaarin wax heshiis ah.
“Saacadihii ugu horreeyay ee tallaabadan , ma jirin hal markab oo ay u suurta gashay inuu ka baxsado xayiraadda Mareykanka,” ayay Taliska Dhexe ee Mareykanka CENTCOM, ku sheegeen bartooda X, iyagoo intaas ku daray in lix markab ay u hoggaansameen amarrada ciidamada Mareykanka oo ay dib ugu laabteen dekedaha Iran.
Markabka ay leedahay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa ka mid ahaa ugu yaraan siddeed markab oo Talaadadii ka gudbay marin-biyoodka, taasoo ahayd maalintii ugu horreysay ee xayiraadda Mareykanka ay dhaqan gasho.
Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in markab dagaal oo Mareykanku leeyahay uu Talaadadii joojiyay laba markab oo shidaal sida oo isku dayayay inay ka baxaan dekedda Chabahar ee Iran, oo ku taalla Gacanka Cumaan.
Cunaqabateynta Mareykanka ayaa lagu soo rogay markabka Rich Stary iyo shirkadda iska leh, Shanghai Xuanrun Shipping Company, sababo la xiriira ganacsigooda ay la leeyihiin Iran.
War deg deg ah, Israa'iil oo sii wadda tallaabooyin wadahadalka adkeyn kara
Xigashada Sawirka, Reuters
Maalin ka dib markii Israa’iil iyo Lubnaan ay yeesheen wadahadalladoodii diblomaasiyadeed ee ugu horreeyay muddo ka badan soddon sano, ciidanka Israa’iil ayaa weli sii wada weerarradooda gudaha Lubnaan.
Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay rabto inay hubka ka dhigto dhammaan kooxaha aan dowliga ahayn ee ay ku tilmaantay “argagixiso” iyadoo ula jeedda Xisbullah oo aan ka qayb qaadaneynin wadahadallada.
War saxaafadeed ku saabsan wadahadalladii Israa’iil iyo Lubnaan ee shalay ka dhacay Washington, Maraykanka ayaa ugu hambalyeeyay labada dal “guushan taariikhiga ah” wuxuuna muujiyay taageeradiisa wadahadallo dheeraad ah iyo qorshayaasha dowladda Lubnaan ee dib loogu soo celinayo awoodda milatari iyo soo afjaridda saameynta ballaaran ee Iiraan.
War deg deg ah, Degdeg: Mareykanka oo war cusub ka soo saaray xaaladda Marinka Hormuz
Taliska Dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM ayaa sheegay in xanibaadda dekedaha Iran “si buuxda” loo hirgeliyay.
CENTCOM waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in intii lagu jiray “36 saacadood” ee ka soo wareegtay tallaabadan, ciidamada Mareykanku ay si buuxda u joojiyeen socodkii ganacsiga dhaqaalaha ee badda ee u dhexeeyay Iran iyo dunida dibaddeeda.
CENTCOM waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada Mareykanku ay sii wadaan inay ilaashadaan awooddooda badeed ee Bariga Dhexe.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo ka yaabay guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan
Xigashada Sawirka, EPA
JD Vance, oo ah ku-xigeenka madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump, kana qayb galay wadahadallo dhawaan dhexmaray Wafuuddii Mareykanka iyo Iiraan ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay in dalka Iiraan ninka sida dhabta ah y mamaula uu yahay Maxame Bagher Qalibaf oo hoggaaminayay wafdi diblomaasiyiinta Iran oo tagay Islamabad.
Waraysi uuu bxiyay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka ayuu ku sheegay in 47 sano oo cadaawad iyo iska horimaad u dhexeeyay Iran iyo Mareykanka ay keentay in aan cidina rumaysnayn in natiijo cad laga gaari karo wadahadal toos ah.
“Waa kulankii ugu sarreeyay ee ay yeeshaan saraakiil ka kala socda labada dal,” ayuu yiri. “In mas’uul Iran ah oo si dhab ah dalka u maamula uu la fadhiisto ku-xigeenka madaxweynaha Mareykanka… waa wax iska caadi ah in shaki weyn uu ka jiray labada dal sannado badan, cidina ma filayso in arrintan hal kulan lagu xalliyo.”
Ku-xigeenka madaxweynaha Mareykanka ayaa shalay sheegay in uu aaminsan yahay in wadahadalladii Islamabad ay “horumar sameeyeen,” balse Iran aysan sameyn horumar la taaban karo dhankooda marka laga eego..
Maxay tahay xiisadda afka ah ee u dhaxaysa Israa'iil iyo madaxweyneyaasha Turkiga iyo Kuuriyada Koonfureed?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaliya dhowr maalmood kadib falcelintii Israa'iil ee hadallada Khawaja Muhammad Asif, wasiirka gaashaandhigga Pakistan, madaxweyneyaasha Turkiga iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa bartilmaameed u noqday dhaleeceyn culus oo ka timid mas'uuliyiinta Israa'iil.
Maalmihii u dambeeyay, Benjamin Netanyahu, ra'iisul wasaaraha Israa'iil, iyo mas'uuliyiin kale oo dalkaas ah ayaa si adag uga falceliyay hadallo hore oo ka soo yeeray Recep Tayyip Erdoğan, madaxweynaha Turkiga, iyagoo ku baahiyay baraha bulshada.
Faafinta farriin uu diray madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ee baraha bulshada ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay falcelin adag oo ka timid Israa'iil.
Waxaa saddex sano ka soo wareegtay markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay Suudaan 15-kii Abriil 2023, dagaal sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ugu xun adduunka.
Kumanaan qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan 12 milyan oo qof ay guryahoodii ka barakaceen, qaar kalena ay u qaxeen dalalka deriska ah iyagoo noqday qaxooti.
In kasta oo baaxadda colaaddu ay aad u weyn tahay, haddana taageerada ay bixisay beesha caalamka si loo xalliyo khilaafka ayaa aad u yarayd, hay’adaha gargaarkuna waxay sheegeen in maalgelintu ay aad u hooseyso.
Deeq-bixiyeyaasha ayaa maanta ku shiraya magaalada Berlin si ay uga wada hadlaan sidii dib loogu soo noolayn lahaa dadaallada nabadda iyo fududeynta helitaanka gargaar.
Ayeeyadii sidoo kale waa taliye ka tirsan guutada Seyeret Mitkal waxayna ka qayb qaadatay dagaalo dhowr ah.
Laga soo bilaabo 1967 markii uu ku biiray ciidanka wuxuu ka qayb galay dagaal dhulka hoostiisa ah oo ay ciidamada Israel kaga horyimaadeen Masar, Jordan iyo Falastiiniyiinta PLO.
1972, Ayeeydii waxay ka mid ahayd 16-askari oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah oo ku guuleystay inay badbaadiyay diyaaradii Sabena 571 oo ka soo duushay Vienna, Austria kuna sii jeeday magalada TelAviv, .
Diyaaradda waxaa la afduubay 20 daqiiqo kadib markii ay duushay waxaan afdubkeeda ku lug lahaa afar xubnood oo ka tirsan kooxda la baxday Black September kuwaasoo dalbanyay siideynta 315 Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israel.
Intii howlgalka socday waxaa ku dhintay oo kali ah 1 qof, halka uu ku dhaawacmay hal askari kaasi oo ahaa Netanyahu.
Maxkamadda ICC oo laga dalbaday in ay tallaabo ka qaado Ra'iisul Wasaaraha Spain
Xigashada Sawirka, La Moncloa Handout
Hay’ad ah kuwa xuquuqda aadanaha oo Israa’iil laga leeyahay ayaa Talaadadii sheegtay inay ka codsatay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC inay tixgeliso qaadista tallaabo sharci ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez, iyada oo ku eedeysay “ka qeyb qaadasho iyo taageerid dambiyo dagaal” iyada oo loo marayo qalab la sheegay in ay ku caawisay Iran.
Dacwaddan waxaa gudbisay hay’adda Shurat HaDin, oo caalamka ka fulisa tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah kuwa ay ugu yeerto “cadowga Israa’iil.”Dacwadda ayaa Spain ku eedeyneysa in ay Tehran iyo kooxaha la shaqeeya kala shaqeysay arrimo ku saabsan agab militari.”
Qalabka ayaa la sheegay in loo adeegsan karo qaraxyo iyo walxo kale oo la xiriira walxaha qarxa, kuwaas oo qiimahoodu gaarayo qiyaastii 1.3 milyan oo Yuuro.
Hay’addu waxay bayaan ku sheegtay: “Qalabkani ma aha badeecooyin warshadeed oo caadi ah, balse waa qaybo muhiim ah oo suurtageliya in qalabka qarxa uu shaqeeyo, waxaana la qaaday iyada oo la ogaa ama ay macquul ahayd in loo adeegsado weerarro lagu qaado rayidka.”
Cabashadan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal, kuwaas oo bilowday markii uu qarxay dagaalka Qasa bishii Oktoobar 2023, isla markaana sii xumaaday kadib markii Madrid ay aqoonsatay dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin sanad ka dib.
Hoggaamiyaha xisbiga hantiwadaagga Spain ayaa sidoo kale ka soo horjeestay dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee Iran oo billowday 28-ka Febraayo, arrintaas oo ka careysiisay Israa’iil.
Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka mamnuucay Madrid inay ku biirto xarun uu Maraykanku hoggaaminayo oo loogu talagalay xasillinta Qasa dagaalka kadib, isaga oo Spain ku eedeeyay inay wado olole diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Israa’iil.
Mareykanka oo dib u celinaya dad ka badan soddon qof oo qaxooti ku ah dalkiisa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa lagu wadaa in uu toddobaadkan qaabilo in ka badan 30 qof oo laga soo musaafuriyay dalka Mareykanka, sida ay u sheegeen afar ilo-wareed wakaaladda wararka ee Reuters.
Tallaabadaan ayaa ah calaamaddii ugu dambeeysay oo muujineysa in Washington ay dardar gelinayso heshiisyo ay la gashay qaar ka mid ah dowladaha Afrika si ay dhaqan galiso siyaasadeeda ku aadan dib u celinta muhaajiriinta ku nool dalkaas.
War deg deg ah, Xog ku saabsan xaaladda Bariga Dhexe iyo hadallada la is dhaafsaday
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muujiyay in wada-hadallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Iran ay dib u bilaaban karaan toddobaadkan.
Iran weli kama aysan jawaabin hadallada Trump, balse Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay inay “aad u suuragal tahay” in wada-hadalladu dib u bilowdaan.
Safiirka Lubnaan ee Maraykanka ayaa ku tilmaamay wada-hadalladii hordhaca ahaa ee u dhexeeyay Lubnaan iyo Israa’iil ee ka dhacay Maraykanka kuwo “wax ku ool ah”.
Safiirka Israa’iil ee Maraykanka ayaa isaguna sheegay in wada-hadalladu muujinayaan in saddexda dal “ay hal dhinac wada yihiin”.
Xannibaadda badda ee Maraykanku ku soo rogay dekedaha Iran ayaa weli si buuxda u socota, waxaana Maraykanku sheegay inuu dib u soo celin doono cunaqabateyn buuxda oo lagu soo rogo saliidda Iran.
Tallaabooyinkan ayaa ka dambeeyay wada-hadallo dhex maray Iran iyo Maraykanka dhammaadkii toddobaadkii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu guuldareystay in lagu gaaro heshiis nabadeed.
Maraykanku wuxuu sheegay in aan wax maraakiib ah ka gudbin xannibaaddiisa dekedaha iyo xeebaha Iran 24-kii saac ee ugu horreeyay. Si kastaba, xog raadraac ah oo ay xaqiijisay BBC ayaa muujisay in afar markab oo lala xiriirinayo Iran ay ka gudbeen marin-biyoodka Hormuz ka dib markii xannibaaddu bilaabatay.
Is-mari-waagan xannibaadda ayaa dhacaya iyadoo lagu jiro xabbad-joojin laba toddobaad ah oo la filayo inay ku ektahay toddobaadka soo socda.
Sida ay sheegayaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee qaxootiga iyo socdaalka, qiyaastii 250 qof oo ka soo kala jeeda Myanmar iyo Bangladesh oo ay ku jiraan carruur, ayaa la la’yahay kadib markii doon ay degtay marin-badeedka Andaman.
Doonida oo ahayd kuwa kalluumeysiga ayaa ka soo baxday Bangladesh kuna sii jeeday Malaysia. Hay’aduhu waxay sheegeen in dabeylo xooggan, hirar kacsan, iyo ciriiri badan ay sababeen in doontu degto.
Ilaalada Xeebaha Bangladesh ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in mid ka mid ah maraakiibtooda ay badbaadiyeen sagaal qof 9-kii Abriil. Si kastaba ha ahaatee, weli si cad looma oga goorta ay doontu qalibantay.
Bulshada Rohingya, oo ah bulsho laga tiro badan yahay oo ku nool Myanmar, ayaa si ballaaran ugu qaxay Bangladesh kadib olole rabshado wata oo dhacay sanadkii 2017.
Myanmar, oo inta badan dadka ku nool ay yihiin Buddhist, Muslimiinta Rohingya lama siiyo dhalasho.
Sababo la xiriira xaaladaha adag ee Bangladesh, Rohingya badan ayaa isku dayaya safarro halis ah oo badda ah si ay u gaaraan Malaysia, oo ay u arkaan meel ammaan ah.
Mid ka mid ah dadkii badbaaday, o la yiraahdo Rafiqul Islam, ayaa sheegay in ay badda ku dhex sabeynayeen qiyaastii 36 saacadood ka hor inta aan la badbaadin. Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ku gubteen saliid ka daadatay doonta.
Rafiqul Islam oo 40 jir ah ayaa sheegay in ballanqaad shaqo oo uu ka helay Malaysia ay ahayd sababta uu safarka u galay.
War deg deg ah, Madaxweynaha Shiinaha oo digniin jeediyay
Xigashada Sawirka, Reuters
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Shiinaha ee Xinhua, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka digay in dunidu mar kale ku laabanayso “xeerka kaynta” (law of the jungle), oo ula jeedo haddii aan xeer dunida kala haga jirin in wixii la doono ay dhici karaan.
Sida wakaaladdu sheegtay, Madaxweyne Xi Jinping ayaa hadalkan jeediyay intii uu wadahadal la lahaa Ra'iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, oo booqasho ku jooga Shiinaha.
Isagoo u muuqda inuu tixraacayo dagaalka Bariga Dhexe, ayuu sheegay in dunidu ku jirto “fawdo” isla markaana ay jirto “is jiid-jiid u dhexeeya ku dhaqanka sharciga iyo ku dhaqanka awoodda.”
Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Xi ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Shiinaha iyo Spain si looga hortago in dunidu u leexato “xeerka kaynta” loona difaaco “nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan sharciga caalamiga.”
War deg deg ah, Trump oo ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan wadahadalladii Iiraan kala dhaxeyay
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Madaxweyne Trump ayaa muujiyay in wadahadallada lagu soo afjarayo dagaalka Iiraan ay dib u bilaaban karaan laba maalmood gudahood.
Wadahadalladii ka dhacay Islamabad ee u dhexeeyay masuuliyiinta Mareykanka iyo Iiraan ayaa burburay dhammaadkii toddobaadkii la soo dhaafay, taasoo keentay in Washington ay kusoo rogto go’doomin badeed dekedaha Iiraan.
Mareykanku wuxuu sheegay in lix markab oo ganacsi ay u hoggaansameen amarka ah in dekedaha ku yaalla Iiraan oo ku dhow Gacanka Cumaan aaney tagin maraakiibta caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, xogta maraakiibta ee ay falanqeysay BBC-da ayaa muujisay in ugu yaraan afar markab oo xiriir la leh Iiraan ay Talaadadii ka gudbeen marin-biyoodka Hormuz.
Masuuliyiin ka kala socday dalalka Gacanka, Pakistan iyo Iiraan ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha wadaxaajoodku ay dib ugu laaban karaan Islamabad dabayaaqada toddobaadkan.
Ciidanka Israel: "Waxaan su'aalo weydiinaynaa saddex xubnood oo ka tirsan Xisbullah oo isa soo dhiibay."
Ciidanka Israeli army ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inay wareysanayaan saddex dagaalyahan oo ka tirsan Hezbollah, kadib markii loo gudbiyay gudaha Israa’iil, kaddib qabashadooda intii lagu jiray iska horimaadyo toos ah oo ka dhacay koonfurta Lubnaan.
Afhayeenka ciidanka Israa’iil ee warbaahinta Carabta, Avichay Adraee, ayaa ku yiri qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ee X: “Shalay, ciidamada Givati Brigade waxay galeen dagaal aad la siugu dhawaaday oo ay la galeen koox ka tirsan burburiyeyaasha Hisbullah, oo ay ku jireen xubno ka tirsan Radwan Force ee ku sugan Bint Jbeil.”
Wuxuu intaas ku daray: “Dhamaadka dagaalka, saddex dagaalyahan oo hub tuurayay ayaa isu dhiibay ciidamada. Kadibna waxaa loo gudbiyayguutada 504 si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.”
Sida uu sheegay ciidanka Israa’iil, ciidamada ayaa hadda si buuxda ugu hareereeysan magaalada Bint Jbeil, taasoo muujineysa horumar weyn oo laga gaaray weerarkooda dhulka ee socda ee koonfurta Lubnaan.
Israa'iil oo sheegtay inay dooneyso nabad iyo in caadi laga dhigo xiriirka Lubnaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel, Gideon Sa’ar
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel, Gideon Sa’ar, ayaa maanta sheegay in Israel ay raadineyso “nabadda iyo caadiyeynta xiriirka” ay la yeelato Lubnaan.
Sa’ar wuxuu sheegay in dhibaatada Israel aysan la jirin Lubnaan lafteeda, balse ay la jirto kooxda Hezbollah ee ay taageerto Iran, taas oo Israel ay la dagaallamayso.
Caadiyeynta xiriirka waxay noqon lahayd mid taariikhi ah, maadaama labada dal aysan hadda lahayn xiriir diblomaasiyadeed isla markaana ay farsamo ahaan weli dagaal ku jiraan.
Si kastaba ha ahaatee, tani khasab ma aha inay xalliso arrinta Hezbollah. Hoggaamiyaha kooxda, Naim Qassem, ayaa shalay sheegay in kooxdu aysan diyaar u ahayn inay aqoonsato ama ka qeyb qaadato wax geeddi-socod ah oo aan ka bilaaban heshiis xabbad-joojin ah oo lala gaaro Israel.
Saraakiisha Israel ayaa si cad u sheegay inaysan diyaar u ahayn inay ballanqaadaan xabbad-joojin ay la galaan Hezbollah ama inay ciidamada ka saaraan koonfurta Lubnaan.
Hadafka ay Israel sheegtay waa in gebi ahaanba hubka laga dhigo Hezbollah, arrin aysan kooxdu diyaar u ahayn inay oggolaato marxaladdan. Sidaas darteed, waxaa jira is-mariwaa.
Wadahadallada maanta ayaa lagu tilmaamay kuwo hordhac ah, welina waa marxalad aad u horeysa, balse way adag tahay in la arko waddo cad oo loo maro xal nabadeed.