Premier League: Kooxda Manchester United oo guul ka gaadhay Everton

Ciyaar ka mid ah horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa caawa dhex maraysa kooxaha Manchester United iyo Everton

Kooban

Tebin toos ah

Nimaan Osman

  1. Ciyaartii waa dhammaatay!

    Benjamin Sesko

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxa soo dhammaatay ciyaar xiiso badan oo caawa dhex maraysay kooxaha Manchester United iyo Everton oo ka wada tirsan horyaalka heerka kowaad ee Ingiriiska.United ayaa qaadatay saddex dhibcood kaddib markii daqiiqaddii 71aad uu gool u keenay Benjamin Sesko.

  2. Everton 0-1 Manchester United

    Sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta oo ay Manchester ku hoggaaminayso hal gool ayaa hadda soo dhammaatay. Waxa lagu daray shan kale oo dheeraad ah.

  3. Badbaadin cajiib ah

    Senne Lammens

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Michael Keane ayaa ka toogtay meel qiyaastii 25 tallaabo u jirta goolka, balse Senne Lammens ayaa si qurux badan uga leexiyay birta kore!

  4. Manchester oo la wareegtay hoggaanka

    Benjamin Sesko

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Benjamin Sesko ayaa kooxdiisa u suurtageliyay in ay ciyaarta hoggaanka u qabato, kaddib markii uu caawimaad qurux badan ka helay

  5. War deg deg ah, GOOOOOOOOL - Everton 0-1 Manchester United

  6. Fursad cajiib ah!

    Bryan Mbeumo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Fursad layaab leh: Bryan Mbeumo ayaa si xooggan u toogtay goolka Everton, balse kubaddu ayaa dul martay goolka

  7. United oo la sigay

    Senne Lammens

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Manchester United ayaa ku sigatay in gool laga la hor maro qaybta labaad ee ciyaarta oo hadda bilaabatay. Kubadda oo darbeeyay Harrison Armstrong ayaa uu badbaadiyay goolhaye Senne Lammens.

  8. Barbar dhac qaybtii hore ee ciyaarta

    Qaybtii hore ee ciyaarta oo lagu daray saddex daqiiqo oo dheeraad ah ayaa ku soo dhammaatay barbarro gool la'aan ah. Labada kooxood ayaan midna awoodin in uu soo taabto shabaqa kan kale.

    Manchester United vs Everton

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  9. Rajada tababare Michael Carrick

    Tababaraha ku-meelgaadhka ah ee Manchester United, Michael Carrick, oo la hadlayay Sky Sports ayaa yidhi:

    "Waa kulan Premier League ah, waanay adag tahay in ciyaaraha qaar la guuleysto, balse wax baan ka baranaynaa. Inta badan ciyaarta [kulankii West Ham] waxay noo ahayd mid wanaagsan."

  10. Manchester United vs Everton

    Kubbad halis badan oo ka hoos baxday gacanta goolhaye Jordan Pickford ayaa waxa bannaanka u saaray James Tarkowski!

    Manchester United vs Everton

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  11. Manchester United iyo Everton

    Daqiiqado kaddib waxa bilaaban doonta ciyaar ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo u dhaxaysa kooxaha Manchester United iyo Everton. Halkan ayaad si toos ah uga la socon doontaan.

    Manchester United

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  12. QM oo si niyadjab leh uga hadashay wadahadalladii lagu kala booday ee Soomaaliya

    UNTMIS

    Xigashada Sawirka, X

    Hawlgalka QM ee Soomaaliya – UNTMIS – ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ay ku heshiin waayaan wadahadallada ilaa hadda socday.

    Goor sii horreysay oo maanta ah ayaa sida lagu sheegay hadal ka soo baxay UNTMIS waxaa hogaanka hay’addu uu la kulmay wakiillo sare oo ka kala socda dawladda federaalka Soomaaliya iyo golaha mustaqbalka.

    “Waxaan soo dhoweyneynaa sida ay labada dhinacba uga go’an tahay in ay sii wadaan dadaallada lagu raadinayo waddo wax ku ool ah oo hore loogu socdo. Waxaan si adag u dhiirigelinaynaa wada hadal dheeraad ah oo u dhaca si daacad ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Hay’adda ayaa shegtay inay diyaar u tahay caawinta dadaallada Soomaaliyeed ee lagu raadinayo tanaasul ku saabsan arrimaha taagan.

  13. Baraf iyo duufaan jilbaha u dhigay gobollada waqooyi bari ee Maraykanka

    Baraf
    Baraf

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Iyadoo duufaan weyn oo xilliga qaboobaha ay ku dhufatay qaybo ka mid ah waqooyiga bari ee Maraykanka ayaa maamulka maxalliga ah iyo hay’adaha gaadiidka waxay dadka ku boorinayaan inay ka fogaadaan safarrada. Melaha ay cimiladaas saamaysanta ku yeelatay waxaa ka mid ah:

    NJ Transit, oo ka hawlgasha New Jersey, qaybo ka mid ah gobolka New York iyo Pennsylvania, ayaa sheegay in dhammaan tareennada, baska, tareenada fudud iyo adeegyada isku xirka la hakiyey ilaa ogeysiis dambe.

    Magaalada New York, tareennada dhulka hoostiisa mara qaarkood ayaa ku socda waddooyinka tareenada caadiga ah, laakiin Maamulka Gaadiidka Magaalooyinka ayaa ka digaya dib u dhacyo ba'an waxayna kula talinayaan macaamiisha inay ka fogaadaan safarka. Waxaa jira sugitaan dheer oo basaska maxalliga ah.

    Connecticut gudaheeda, CT Transit waxay hakisay dhammaan adeegyadeedii baska ee maalinta, waxayna sheegtay inay rajaynayso inay dib u bilowdo Talaadada.

    Tareenada dhulka hoostiisa mara, baska iyo adeega tareenada caadiga ah ee rakaabka ayaa shaqaynaya ayadoo jadwalkooda shqo la dhimay gobolka Massachusetts, Maamulka Gaadiidka Massachusetts Bay ayaa sidaa sheegay. Adeegga doomaha ayaa la joojiyay.

    Hay’adaha adeegga gaadiidka Delaware ee DART ayaa hakiyay dhammaan adeegyada gobolka oo dhan Isniinta.

    Pennsylvania, dhammaan adeegyada basaska ayaa la hakiyay ilaa ogeysiis dambe, sida uu qabo Maamulka Gaadiidka Koonfur-bari ee Pennsylvania (SEPTA). Tareenka gobolka ayaa sidoo kale si ku meel gaar ah loo hakiyay. Metro Philadelphia qayb ahaan wuu socdaa, laakin waxaa dhici kara dib u dhac ama baaqasho.

    In ka badan 5,400 oo duulimaadyo ah oo kus sii jeeday ama ka duuli lahaa Maraykanka gudaha Maraykanka ayaa la joojiyay maanta, sida laga soo xigtay bogga raadraaca duullimaadyada ee FlightAware.

  14. Banaanabaxyo xoog leh oo ka socda jaamacadaha Iiraan

    Mudaaharaad

    Ardayda wax ka barata jaamacado dhowr ah oo ku yaala dalka Iran ayaa dhigay dibad bax la rumeysan yahay inuu ahaa kii ugu horeeyay tan iyo markii ay dowlada dalkaasi qaaday tilaabooyin rabshado wata oo lagu burburinayo mudaaharaadyada bishii hore.

    BBC-da ayaa xaqiijisay muuqaal muujinaya dibad-bax ka dhacay jaamacadda Sharif University of Technology ee caasimadda Tehran.

    Ka dib, waxa bilaabmay isku dhacyo u dhexeeya mucaaradka iyo taageerayaasha dawladda.

    Dibad-baxayaasha ayaa dibad-bax ka dhigaya jaamacad kale oo ku taal Tehran, waxaana lagu soo warramayaa inuu dibadbax ka socdo waqooyi bari.

    Ardayda ayaa xusay kumannaankii mudaaharaadayey ee lagu laayey mudaaharaadyadii bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

    Mareykanka ayaa ku uruurinaya ciidamadooda meel u dhow Iran, waxaana madaxweyne Donald Trump uu sheegay inuu ka fikirayo inuu talaabo qaado.

    Maraykanka iyo xulafadiisa reer Yurub ayaa aaminsan in Iran ay ku raad joogto hubka Nukliyeerka. Iran ayaa had iyo jeer diidi jirtay eedeymahaas.

  15. Sudan oo Uganda ku eedeysay inay martigelisay taliyaha kooxda RSF

    Xamdan Dagalo

    Xigashada Sawirka, Anadolu Via Getty Images

    Xukuumadda Sudan ayaa camabaareysay Uganda inay marti gelisay hogaamiyaha kooxda RSF ee dagaalaka kula jirta ciidanka dawlaadda Sudan.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Uganda ay ku da gudubtay shuruucda caalamiga, ayadoo soo dhoweysay taliyaha RSF Maxamed Xamdaan Dagalo, oo dagaalyahannadiisa lagu eedeeyo inay gaysteen xadgudubyo bani aadmininada ka dhan ah intii uu socday dagaalka sokeeye.

    Jimcihii ayuu madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni sheegay inuu kulan la qaatay Dagalo.

    Museveni, oo uu Midowga Afrika u magacaabay dhexdhexaadinta millatariga Suudaan iyo RSF, ayaa sheegay inuu ku nuuxnuuxsaday "xal siyaasadeed oo nabadeed".

    Uganda kama jawaabin eedeynta uga timid Sudan.

  16. Wadahadalladii u dhaxeeyey dawladda Soomaaliya iyo mucaaradka oo lagu kala booday

    Mucaaradka iyo dawladda

    Xigashada Sawirka, X

    Golaha mustaqbalka oo ah madal ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee Soomaaliya intooda ugu tunka weyn ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku sheegeen in wadahadalladii ay la lahaayeen dawladda Soomaaliya ay ku dhamaadeen "natiijo la’aan”.

    War-saxaafadeedka ayey ku sheegeen in ayagoo aan wax shuruud ah ku xirin ay wadahadallada ka qayb galen, waxayna dawladda Soomaaliya ku eedeeyeen in "dawladdu ay sii wadday wax ka beddelka dastuurka” ayadoo wadahadal uu socdo.

    Waxay qoraalka ku xuseen in ay ku adkaysanayaan in dastuurkii KMG ee 2012 uu yahay asaaska sharciga ah ee dalka u degsan, in la qabto doorashada dawlad-goboleedyada ee muddo dhaafka ah, iyo in ka hor 14ka bisha Abriil la gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hanaanka doorashada ee baarlamaanka.

    Dawladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin.

  17. Maxay yihiin arrimaha xasaasiga ah ee ay ka wada hadleen Sacuudiga iyo Itoobiya

    .

    Xigashada Sawirka, MFA

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya, Walid Al-Khereji, ayaa Isniinta maanta ah magaalada Addis Ababa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gideon Timothy.

    Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiir Gideon Timothy ayaa kulamkooda kulankooda uga wada hadlay arrimaha nabadda iyo amniga gobolka ee quseeya labada dal.

    Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa toddobaad ka hor ku sugnaa Asmara, halkaas oo uu wadahadallo khuseeya xaaladaha gobolka kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki.

    Intii uu la kulmay Madaxweynaha Eritrea, Wasiir ku-xigeenka Sacuudiga wuxuu ka wada hadlay kaalinta ay dalalku ka qaadan karaan nabadda iyo amniga xeebaha Badda Cas.

    Waxaa xusid mudan in laba toddobaad ka hor, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya, Faisal bin Farhan Al Saud, uu yimid Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy AXmed Cali.

  18. Jaariyad Ugandhiis ah oo dishay fannaanad caan ah oo ay guriga uga shaqeyneysay

    .

    Xigashada Sawirka, TUKO

    Qoraalka sawirka, .

    Dowladda Uganda ayaa wajahaysa cadaadis ah inay soo farageliso kiiska shaqaale u dhalatay dalkaas oo dila ka geystay dalka Suuriya.

    Wakaaladda Wararka ee MMI oo fadhigeedu yahay UK, ayaa soo xigatay Migrant Workers Voice Uganda, oo ku boorinaysa mas'uuliyiinta Kampala inay la hadlaan dhiggooda Suuriya, si loo joojiyo dilka Vicky Ajok, xukunkeeda oo oo qorsheeyay dhammaadka toddobaadkan, taariikhdu markay tahay Febraayo 28.

    Ajok ayaa lagu helay dambi ah inay dishay Huda Shaarawi, oo ahayd fannaanad ka tirsanayd taxanaha telefishanka caanka ah ee Bab Al Hara ee dalka Suuriya.

    Dhacdadan ayaa bishii hore ka dhacday caasimadda Suuriya ee Dimishiq.

    Markii ay dilka geysatay way baxsatay balse gacanta ayaa lagu soo dhigay.

    Waxaa la sheegay in mushaarkeeda oo aan la siin ay horseeday inay disho fanaanadii shaqaaleysiisay.

    Dowladda Uganda weli war kama soo saarin arrintan.

  19. Xanuun dad badan ay la dhibban yihiin oo la ogaaday in soonku uu wax weyn ka taro

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Labadii sano ee u dambeeyay, hadal hayn badan ayaa ka jirtay warbaahinta iyo baraha bulshada oo ku saabsan 'insulin resistance' (caabbinta insulinta). Buugaag dhowr ah ayaa laga qoray mawduucan, halka barnaamijyada sida YouTube laga sameeyay kumannaan muuqaal oo ka hadlaya jimicsiga iyo cuntooyin gaar ah; kuwaas oo dadka sameeyay ay sheeganayaan in haddii la raaco cuntooyinkaas ama jimicsiyadaas, caabbinta insulinta la daweyn karo ama saamaynteeda la yareyn karo.

    Mid ka mid ah sababaha uu ereygani caanka u yahay ayaa ah in caabbinta insulintu ay jirka bini'aadamka ku keeni karto dhibaatooyin caafimaad oo qallafsan, oo uu ka mid yahay xanuunka macaanka ee nooca 2-aad.

    Warbixintan, waxaan isku dayi doonnaa inaan ogaanno waxa ay tahay 'insulin resistance', maxay yihiin astaamaheeda caanka ah, iyo ma lagu xakameyn karaa ilaa xad iyadoo la isticmaalayo soonka?

    Waa maxay insulin?

    Insulintu waa mid ka mid ah hormoonnada ugu muhiimsan jirka bini'aadamka. Xubin muhiim ah oo jirkeenna ku jirta waa ganaca, kaas oo shaqadiisa ugu weyni tahay inuu soo saaro insulinta uu jirkeennu u baahan yahay.

    Shaqada ugu weyn ee insulintu waa inay nidaamiso heerka sonkorta dhiigga ee jirkeenna. Jirkeennu wuxuu u kaydiyaa insulinta sidii il tamar laga helo.

  20. Rabshado ka qarxay Mexico

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Mowjado rabshado ah ayaa ka qarxay dalka Mexico ka dib markii la dilay nin la dondoonayay oo ka ganacsanayay daroogada.

    Ninkan ayaa dilay kadib markii howlgal lagu doonayay in lagu soo xiro.

    Nemesio Oseguera Cervantes, oo loo yaqaan "El Mencho", ayaa ahaa hoggaamiyaha kooxda daroogada ee Jalisco New Generation (CJNG) ee lagabaqo gudaha dalkaas, wuxuuna geeriyooday ka dib markii uu si xun ugu dhaawacmay iskahorimaadyo dhex maray taageerayaashiisa iyo ciidanka Axaddii.

    Afar xubnood oo ka tirsan CJNG ayaa lagu dilay howlgalka ka dhacay magaalada Tapalpa, oo ku taal gobolka galbeedka dhexe ee Jalisco, saddex askari oo ka tirsan ciidanka ayaa sidoo kale la dhaawacay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Mexico.

    Dilkiisa ayaa keentay in rabshaduhu ay ku faafaan ugu yaraan toban gobol, iyadoo CJNG ay xireen waddooyinka halka ay sidoo kale dab qabadsiiyeen gawaari

Trending Now