"In lacag dib loogu soo celiyo dalkaada ama qoyskaaga qaraabada ah waa dhaqan Afrikaan ah oo caadi ah oo aan gabi ahaanba necbahay," ayay Elsa Majimbo oo ah Kenyaan saameyn leh ku sheegtay horraantii bishan barta TikTok, hadalkaas oo hadda la tirtiray kadib markii ayuu dood carro leh ka dhaliyay baraha bulshada.
23-sano jirkan kusoo caanbaxday xiligii cudurka safmarka ee Covid-19 iyada oo sameysay muuqaalla majaajila ah, ayaa hadalkeedu uu taabatay quluubta, markii ay kala hadashay 1.8 milyan oo raacsan waxa loo yaqaan "canshuurta madow" lacagaha dib loogu diro qoysaska dalkii jooga .
Tani waa waxa ay dadka Afrikaanka madow ah u arkaan guul ay gaareen, haddii ay joogaan gudaha dalka ama dibadda, waxay isku arkaan inay taageeraan xubnaha qoyska ee dhaqaalle ahaan liita.
Dib-u-celinta waxaa loo arka inay tahay qayb ka mid ah falsafada Afrika ee dahabiga a, taas oo adkeynaysa muhiimadda qoyska iyo bulshada, halkii ay u dhaqmi lahaayeen si shaqsi ah.
Su'aasha dad badani qabaan ayaa ah in tani ay tahay culays aan loo baahnayn iyo mid aan la jeclayn ama ah qayb ka mid ah waajibaadka bulshada si ay u caawiyaan dadka kale.
Laakiin Ms Majimbo, oo hadda fadhigeedu yahay Mareykanka, ayaa gadaal ka riixeysa dhaqankan.
Fiidiyowga ayay ku sheegtay in aabaheed uu taageeri jiray xubnaha qoyska muddo sanado ah oo ay haddana raadinayaan caawimaad. Waxay carradeeda kal dula dhacday hal qof oo qaraabo gaar ah oo aan la magacaabin.
"Waxa aad aabahay weydiisan jirtey lacag tan iyo intii aanan dhalan. Waan dhashay, waan koray, , hadda waxa aad i weydiisaneysaa lacag – waxaad tahay caajislow [macquul ma aha]. Dhaqankaas kuguma quudinayo. "
Halka dadka qaar ay ogolaadeen, qaarna mowqifkeeda ay qaateen. Haddana nm cadda sababta muuqaalka looga saaray TikTok iyada oo o kooxda maamulka Ms Majimbo aanay ka jawaabin codsi ay BBC-du u dirtay
Laakiin in badan oo dadka kamid ah, iyada oo aan loo eegin sida ay shakhsi ahaan u malaynayaan, suurtogal ma aha in la diido in la caawiyo qaraabada, sababtoo ah waa dareenka bulsha ee ay ku soo barbaareen.
Waxa jiri kara dareen lagu faano oo ah caawinta iyo daryeelka qoyska inkastoo ay noqon karto mid aad u badan.
Macalimad hore ee Zimbabwe oo 50 jir ah, oo codsatay in aan magaceeda la shaacin, ayaa BBC u sheegtay in 30 sano ka hor ku dhawaad ​​, dhammaan mushaarkeedii ugu horreeyay oo dhamaa 380 Zimbabwe dollar ah ay si toos ah ugu ugu dirtay sagaal walaalaheed ah.
"Kadib markii ii dhammaatay iibsashada dirayskii [iskuulka], dharka iyo raashinka, waxaa ii haray $20," ayay BBC-da ugu sheegtay cod uu ka muuqday sharaf iyo carro labadaba.
In kasta oo ay tani la macno tahay in ay cuntada ay kusoo iibsato deyn, haddana waxa ay sheegtay in iyada oo ilmaha ugu weyn laga filayo in ay diraan lacag caddaan ah marka ay bilaabaan in ay dakhli helaan.