TOOS, Israa'iil iyo Iiraan oo isweydaarsaday duqeymo cusub iyadoo Trump uu sheegay in Texran ay rabto in heshiis lagu soo afjaro dagaalka

Hadalka Trump ayaa yimid maalin kadib markii saraakiisha Iiraan ay beeniyeen in xiriir lala sameeyay Mareykanka iyagoo ku tilmaamay sheegashada wadahadallada "war been abuur ah"

Tebin toos ah

  1. Afar dal oo Yurub ah oo oggol baasaboor Soomaaliga

    Baasaboorka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Baasaboorka Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u muuqday mid soo xoogaystay marka loo eego sida uu ahaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii.

    Inkastoo uu meel hoose uga jiro liiska kala sarraynta baasaboorrada, haddana waxaa muuqata in uu sanadkan ka horreeyo waddamo kale oo waawayn, oo ay ku jiraan Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan, sida lagu sheegay xogta ay shaacisay hay'adda Passport Index ee qiimaysa sharciyada socdaalka caalamka.

    Horumarka uu sameeyay baasaboorka Soomaaliya waxaa ka mid ah in waddamada Yurub qaarkood ay si rasmi ah u aqoonsadeen muddo dheer kaddib.

    T alyaaniga

    D adka heysta baasaboorka Soomaaliga ayaa marka ay dalbadaan dal-ku-galka Talyaaniga waxaa baasaboorkooda si caadi ah loo saaraa fiisaha.

    Dalal badan oo kale ayaa qofka Soomaaliga ah aan baasaboorkiisa ku dhajinin fiisada, iyagoo warqadda caddeynta fiisaha si gaar ah u siiya. Dowladaha sidaas sameeya waxaa ka mid ah UK, inta badan dalalka Yurub, Canada, Australia iyo Mareykanka.

    W axaa xusid mudan in Talyaaniga uu ka mid yahay gumeysteyaashii Soomaaliya, sidoo kalena yahay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday dowladnimada Soomaaliya.

  2. War deg deg ah, Degdeg: Dalal digniin adag u diray Israa'iil

    .

    Dalalka Faransiiska iyo Canada ayaa cambaareeyay qorshayaasha Israa'iil ay ku qabsanayso koonfurta Lubnaan ilaa Webiga Litani, iyagoo sheegay in aan lagu xadgudbin madaxbannaanida Lubnaan iyo sharafta dhuleed ee dalkaas.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jean-Noel Barrot, ayaa sheegay in hawlgal noocaas ah uu yeelan doono "cawaaqib xumo bani'aadamnimo oo weyn". Israa'iil waxay sheegtay in ciidankeedu ay la wareegi doonaan dhulka ilaa laga saaro khatarta Xisbullah oo ay taageerto Iiraan. Boqollaal kun oo qof ayaa durba barakacay.

    Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa werisay in duqeymaha Israa'iil ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof oo ku sugnaa Sidon. Haweeney Israa'iiliyad ah ayaa Talaadadii lagu dilay waqooyiga Israa'iil weerar gantaal oo Xisbullah ah soo ridday.

  3. Shahed: Hubka Iiraan ee si weyn u beddelay xeerarka dagaalka cirka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Markii uu dhammaaday dagaalkii u dhexeeyey Iiraan iyo Ciraaq sannadkii 1988, Iiraan talo ka tallaabideedu culus tahay, ayaa ku caddaatay.

    Ciidankeeda cirka waxaa ragaadiyey sannado badan oo colaad ah, cunaqabataynta Mareykanku saarayna waxay ka dhignayd in aanay jirin waddo fudud oo dib loogu dhisi karo cuddud ciidan oo adag.

    Tubta ay Tehraan maalinkaas go'aansatay inay jeexdo, waxay dunida ku qaadatay tobannaan sano in ay si buuxda u fahmaan.

    Falanqeeyayaasha Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istiraatiijiyadda (IISS) iyo CSIS waxay tilmaameen in halkii ay Iiraan isku dayi lahayd inay kula tartanto awoodda cirka dal Mareykanka oo kale ah, ay bilowday inay maalgashato nooc cusub oo hub ah, kaasoo dunida aan shaacsane ka ahayn.

    Waa hub raqiis ah, la huri karo, loona soo saari karo si fudud oo aad u tirro badan. Hub aanan u baahnayn duuliye, aanan u baahnayn macdan naadir ah, lana sameyn karo xataa iyadoo lagu jiro culayska dhaqaale ee go'doomiyay Iiraan.

    Go'aanka maalinkaas la qaatay ayaa maanta ku dhawaad 50 sanno kadib, dib u qaabeynaya sida ciidamada adduunka ugu xoogga badan ay dagaal galaan.

    Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Shahed, oo ay soo saartay shirkadda Shahed Aviation Industries ee Iiraan, waxay noqotay mid ka mid ah nidaamyada hubka ee ugu saameynta badnaa tobankii sano ee la soo dhaafay.

  4. Israa'iil oo xalay duqeysay Tehran

    Wararka ka imaanaya caasimadda Iiraan ayaa sheegaya in halkaasi xalay Israa'iil duqeyn culus ka gaysatay, iyadoo sawirro laga qaaday ay muujinayaan qiiq hawada isku shareeray kadib markii la weeraray dhismayaal ku yaalla magaalada.

    Iyadoo madaxweyne Trump sheegay in Iiraan ay dooneyso wadahadal dagaalka lagu joojiyo, ayaa weli waxaa Mareykanka iyo Israa'iil sii wadaan beegsiga iyo weerarrada ay ku hayaan magaalooyinka dalka Iiraan.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

Trending Now