Al-shabab oo xiriir la leh al-qaacidda ayaa waxay dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya oo ay taageerto Qaramada Midoobay. Tobankii sano ee la soo dhaafay waxa ay weeraro kala duwan ka geeysteen gobolka.
Naadiga Toulouse ayaa ku dhawaaqay la soo wareegidda cayaaryahan Somalia maalintii qamiista ahayd.
Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Australia oo balan qaaday in uu midaynayo shacabka iyo xisbigiisa
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Malcolm Turnbull (bidix) oo u xilka kala wareegi doono Scott Morrison
Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Australia, Scott Morrison, ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono mideynta shacabka dalkaasi iyo xisbigiisa haya talada dalka.
Morrison ayaa xilka loo dhaariyay saacado kadib markii ninkii isaga xilkaasi kaga horreeyay Malcolm Turnbul ay xilka ka tureen rag ay is soo horjeedeen oo ka tirsan xisbigiisa Liberal Party.
Waa ra’iisal wasaarihii lixaad ee dalkaasi soo mara muddo ka yar toban sano.
Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Turnbull ayaa sheegay in uu iska casilayo xubinnimadiisii baarlamaanka, taa oo keeni doonta in mar kale loo tartamo kursigiisa baarlamaanka.
Hoggaamiyaha xisbiga Green Party ee dalkaasi Dr Richard Natale ayaa BBC-da u sheegay in dhibaatada siyaasadeed eek a jirta dalkaasi lagu xallin karo oo kaliya doorasho cusub.
Xildhibaano ka socda waddamada Koonfur Bari aasiya oo ku baaqay in Myanmar la horgeeyo maxkamadda ICC
Xigashada Sawirka, Reuters
130 xildhibaan oo ka kala tirsan baarlamaanada waddamada Koonfur Bari aasiya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay in dowladda Myanmar ay horgeeyaan maxkamadda caalamiga ah ee ICC, sababo la xiriira qaabka ay ula dhaqantay dadka qowmiyadda Rohinja.
Baaqani ayaa ku soo beegmaya sanad kaddib markii ciidamada ammaanka ee Myanmar ay guryahoodi ka qixiyeen in kabadan 700 oo kun oo qof oo ka tirsan dadka qowmiyadda Rohinja, kuwaasi oo miciin biday dalka Bangladesh.
Qaramada Midoobey ayaa qaxinta dadkaasi Rohinja xilligaasi ku tilmaantay isir sifeyn daahsoon.
Inkastoo Myanmar aysan ka mid ahayn waddamada saxiixay heshiiskii lagu aasaasay maxkamadda ICC, haddana dacwad ooga ka tirsan maxkamaddaasi ayaa garsoore ka tirsan maxkamadda ka codsaday in uu soo saaro amar ah in maxkamaddu xaq u leedahay in ay dhageysato dacwaddaasi ka dhanka ah Myanmar, maadaama qaxootiga Rohinja ay dhibaato ku hayaan dalka Bangladesh oo ka mid ah waddamada xubinta ka ah maxkamaddaasi.
Taliyihii hore ee booliska dalka Uganda oo maxkamad la soo taagay
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Gen Kayihura
Taliyihii hore ee booliska dalka Uganda ayaa maanta maxkamad loo soo taagay eedeymo ah in uu hubeynayay kooxo ammaanka ka shaqeeya oo iskood isu soo abaabulay iyo in si khasab ah uu qaxooti reer Rwanda ah dalkooda ugu celiyay.
General Kale Kayihura oo ka mid ahaan jiray dadka ugu awoodda badan dalkaasi Uganda ayaa bishii Maarso waxaa xilka ka qaaday madaxweyne Uweri Museveni.
Taliyihani hore ee booliska Uganda ayaa beeniyay in uu gacan ka geystay af-duubka muwaadiniin reer Rwanda ah oo musaafuris u joogay Uganda oo uu ka mid yahay nin ilaalin jiray madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame oo haatan xabsi daa’in ku jira gudaha dalkaasi Rwanda.
General Kayihura ayaa muddo 13 sano ah taliye u ahaa booliska dalkaasi Uganda, waxaana lagu eedeeyay in boolika uu arrimo siyaasadeed u adeegsaday isla markaana uu ka dhigay mid ku xiran madaxweyne Museveni.
Spain: Kaligii taliye hore oo haraagiisa laga saarayo qabrigii uu ku aasnaa
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Goobta
Golaha wasiirada dalka Spian ayaa ansixiyay dikreeto haraaga meydka janaraal Francisco Franco oo ahaan jiray faashiiste kaligii taliye ah looga saarayo meesha uu ku aasan yahay oo ah taallo lagu maamuusayay dadkii ku dhintay colaaddii sokeeye ee Spain.
Balse inta badan dadka dhanka bidix u janjeera ayaa aad u neceb taaalladaasi, waxa ayna sheegayaan in ay muujineyso weyneynta xukunkii janaraalkaasi.
Dikreetadani uu maanta ansixiyay golaha wasiirada ayaa wali u baahan in baarlamaankana uu ansixiyo.
Dowladda Spain ayaa sheegtay in haddii qoyska Franco ay caddeyn waayaan meesha ay doonayaan in mar kale lagu aaso haraaga meydka Franco ay dowladda ku aasi doonto meesha ay doonto.
Waatan ra’iisal wasaare ku xigeenka Spain oo arrintaasi ka hadleysa.
Dhakhtar uu haleelay cudurkii uu dadka ka daweeynayay
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Dhakhtar
Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegeysa in dhakhtar ku sugan dalkaasi Koongo uu qaaday cudurka Ebola, waxa uuna gaar ahaan ku sugan yayay goob ay ka taliyaan kooxaha mucaaradka.
Ku xigeenka madaxa hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO, Dr Peter Salama, ayaa sheegay in arrintani tahay dhibaato ay filayeen shaqaalaha caafimaadku oo ay weliba aad uga cabsanayeen. Maleeshiyada ADF ee arxanka daran ayaa lagu eedeeyey xasuuqyo dhawr ah iyo sidoo kale dad la afduubay oo ay kuwo ajaanib ahi ku jiraan.
Way adkaan doontaa hadii aanay ma dhacdoba noqon in dhakhaatiirta takhasuska lihi ay gargaar la gaadhaan dhakhtarkaa cudurku ku dhacay iyo boqol iyo dheeraadka qof ee laga yaabo inuu qabadsiidyey. WHO waxay sheegtay in la xaqiijiyey ku dhawaad afartan qof in ay u dhinteen cudurka Ebola ee haatan ka dillaacay bariga colaaddu ka taagantahay ee jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Koongo.
Dacwad oogaha Suudaan oo doonaya in Nuura Xuseen lagu fuliyo xukunkii dilka ahaa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Nuura Xuseen
Warka Nuura Xuseen ayaa si weyn loo hadal hayay oo weliba dareen adag ku reebay dad badan oo ku nool daafaha caalamka, iyadoo dad dunida caan ka ahna ay baritaareen olole dhanka online-ka ah oo loo bixiyay Nuura Haloo Cadaalad falo.
Haatan taageerayaasheeda ayaa waxa ay cambaaraynayaan dacwad uu Dacwad oogaha qaranka Suudaan geeyay maxkamadda, taas oo uu ku doonayo in la fuliyo xukunkii dilka ahaa ee hore gabadhaasi loogu riday.
Nuura Xuseen ayaa iyadoo 16 sano jir ah waxaa lagu qasbay inay guursato nin 16 sano ka weyn, oo waxa ay sheegtay in ninkeeda ku qasbay inuu xiloodiyo, dad qaraabada ahina ku qabseen inaanay diidin.
Maalintii labaad ayey ku andacootay inuu markale damcay inuu sidii oo kale sameeyo hasayeeshee ay tooriyaysay ilaa uu ka dhintay.
Koox haween ah oo u doodayay gabadhan ayaa waxa ay sheegayaan in qoyska Nuura uu wajahayay cagajuglayn taas oo ay suuragal tahayba inay horseedday inay dhawaan isaga haraan racfaan ay ka qaadan lahaayeen xariga 5-ta sanno ah ee lagu riday.
Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay sheegayaan in kiiska gabadhan uu qeexayo sida sharciga Suudaan aanan loogu dhowrin haweenka kuwaas oo ay dhibaato ka soo gaarto xadgudubyada loo gaysto.
Nigerian-kii daacadnimadiisa lala ashqaraaray oo lagu jeesjeesay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah labadii ruux ee ammaanka garoonka ka shaqaynayay ee ammaanta ka helay madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayay saaxiibbadii ku ku jeesjeeseen daacadnimadiisa, iyagoo ku dhaliilay in uu celiyay boorso ay lacag iyo waxyaabo kale oo qiimo badan ka buuxaan.
Madaxweyne Buhari ayaa ammaanay Achi Daniel oo ka shaqeeya ammaanka garoon diyaaradeed iyo Francis Emepueaku oo ah ninkii xukumay, madaxweynaha ayaana ku tilmaamay in ay yihiin “Nigerian wanaagsan oo daacad ah” maadama oo ay celiyeen boorsada lacagta ah ee ku luntay garoonka diyaaradaha ee Lagos.
Daniel ayaa warbaahinta Sahara Reporters u sheegay in aysan ahayn markii koobaad ee uu alaabo qaali ah ciddii lahayd u celiyo isla markaasna ayna niyad jabinaynin dadka ku jeesjeesay,
Marka uu waraysigaas bixinayay wuxuu ku sugnaa xaflad lagu maamuusayay labada nin.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo Soomaalida la kulmay
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Abiy Axmed
Abiy Axmed ayaa saaka kulan la qaatay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Addis Abbaba.
Wuxuu dhegeystay cabasho ay ka qabaan maamulkii hore uga jiray deegaanka Soomaalida oo ay ka eed sheegteen.
Wuxuu u ballan qaaday in waxyaabihii hore u dhacay aysan dib u soo noqon doonin, wuxuuse ku dheeraaday arrinta "ceelka shidaalka" ee la sheegay in "5% ay Soomaalidu ka helayaan", isagoo yiri " sida loo dhigay ma aha".
Qodobbada aad ku maqli doontaan Idaacadda Duhurnimo
Koonfur Afrika oo ka cabatay Twitter uu madaxweynaha Maraykanka soo qoray
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika Lindiwe Sisulu ayaa sheegtay sida ay uga xun tahay in Maraykanku uu ku guul darraystay in uu adeegsado wadooqooyinka dublamaasiyadeed, markii uu soo bandhigayay walaaca uu ka qabo siyaasadda dhulka ee Pretoria, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Lindiwe ayaa dareenkeeda la wadaagtay dublamaasi sare oo Maraykan ah oo ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taas oo ku saabsan muranka sii xoogaysanaya ee labada dal ka dhaxeeya oo salka ku haya qorshaha ay Koonfur Afrika ku doonayso in ay ku qaadato qaybo ka mid ah dhulka ay leeyihiin beeralayda caddaanka ah iyaga oo aan wax magdhaw laga siinaynin.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Beeraha Koonfur Afrika intooda badan waxaa iska leh caddaan
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in siyaasaddaasi ay Koonfur Afrika u weecinayso jid khaldan, fariin uu Twitterka soo dhigay Trump-na wuxuu ku sheegay “in beeralayda Koonfur Afrika dhul laga qaadanayo, tiro badanna laga laynayo”
Sikastaba ha ahaatee wakaaladda arrimaha beeraha ee Koonfur Afrika oo magaceeda loo soo gaabiyo AgriSA ayaa sheegtay in dilalka ka dhaca beeraha uu gaaray meeshii u hoosaysay muddo 24 sano ah.
Ra'iisulwasaaraha Itoobiya oo Soomaalida la kulmaya
Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta magaalada Addis Abbaba kula kulmaya ergo ka badan 700 oo qof oo laga soo kala xulay 11ka gobol ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Kulankan ayaa la filayaa in looga hadlo isbeddellada dhawaan ka dhacay Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Daroogo laga keenay guri shaqsi leeyay oo Maksiko ku yaala ayaana la soo gaadhsiin jiray goob horay u ahaan jirtay makhaayad cunto oo Arizona ku taalla.
Marinkan dhulka hoostiisa ah ayaa lagu sheegay 180 km oo ka billaabbanaya San Luis kuna tagana San Luis Rio Colorado.
Xigashada Sawirka, HOMELAND SECURITY INVESTIGATIONS/YUMA SECTOR BP
Makhaayadda hilib digaagga caanka ku ah ee KFC ayaa goobtaas daganaan jirtay balse dhawr sano way iska bannaanayd.
Saynisyahanno ku sugan Washington ayaa sheegay in wararka been abuurka ah ee laga sheegay tallaalka iyadoo baraha bulshada lagu faafinayo ay ka dambeeyeen dad Ruush ah oo si ula kac ah sidaas u sameeyay, iyagoo uga gol leh in ay kala qaybsanaan abuuraan.
Aqoonyahannadan ayaa sheegay in ay ogaadeen in si ula kac ah arrintaas loogu ol’oleeyay si loo marin habaabiyo doodda bulsha loona wiiqo kalsoonida lagu qabo ammaanka talaallada.
Xigashada Sawirka, DR P. MARAZZI/SCIENCE PHOTO LIBRARY
Australia oo yeelanaysa Ra'iisulwasaare cusub
Australia ayaa yeelaynasa Ra’iisulwasaare cusub, waana Scott Morrison oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga talada haya Liberal Party, wuxuuna badalayaa Malcolm Turnbull, kaas oo ay meesha ka takhaantukhiyeen rag ay is hayeen oo isla xisbigiisa ka tirsan.
Malcolm ayuu cadaadis ka haystay taageeradiisa oo hoos u sii dhacaysay iyadoo ay soo dhawaatay doorashadii ayna ka soo horjeedsadeen xildhibaanno badan.
Ra’iisulwasaarihii hore ayaan tartanka ka qaybgalin, balse Morison ayaa ka guulaystay Peter Dutton oo horray u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo Julie Bishop oo ah wasiirka arrimaha dibadda.
Xigashada Sawirka, AFP
Trump oo lagu qaaday weerar rogaal celis ah
Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Maraykanka Jeff Sessions ayaa ka jawaabay weerarkii u dambeeyay ee kaga yimaada Trump, isaga oo ku adkaystay in waaxda caddaaladdu aysan goradda u laadlaadinaynin caddaadis dhanka siyaasadda kaga yimaadda.
Arrintan ayaa soo cusboonaatay ka dib markii uu madaxweynaha Maraykanku sheegay inSessions uusan maamulin waaxda uu xukumo.
Trump ayaan la gabanin eedaymaha uu u jeediyo waaxda caddaaladda.
Waxaana si gaar ah uga caraysiiyay sida ay waaxdaasi u maaraysay baaritaanka lagu hayo in Ruushku uu farogaliyay Doorashadii Maraykanka ee 2016kii.
Sessions oo billawgii taageeray ol’olaha Trump ayaa dhinac uga istaagay baaritaankaas, si uu uga baaqsado in ay iska horyimaadaan masaaliixdiisa iyo baaritaankaas, wuxuuna hawshaas u idmaday ku xigeenkiisa Rod Rosenstein.
Go’aankaas uu qaatay Sessions iyo horumarka laga sameeyay baaritaanka uu wado Robert Mueller oo ah dambibaare khaas ah oo hadda la sheegay in uu eegayo in Trump uu carqaladeeyay caddaaladda ayaa horseeday in uu is hayn waayo madaxweyne Trump isaga oo afka iyo Twitterkaba adeegsanaya.
Madaxweynaha ayaa ku adkaysanaya in aysan wax wada shaqayn ah dhexmarin ol’olihiisii doorashada iyo dawladda Ruushka, wuxuuna diiday in uu iskudayay in uu carqaladeeyo caddaaladda.
Hadalladaas markay is dhaafsadeen ka dib, labo xubnood oo sarsare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa muujiyay in ay taageeri doonaan Trump haddii uu damco in uu shaqada ka eryo Sessions wixii ka dambeeya doorashada xiliga dhexe ee Maraykanka ka dhacaysa bisha Nofembar.
Si kastaba ha ahaatee qaar kale oo ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa warbaahinta Politico u sheegay in ay la tahay in tallaabadaasi ay tahay mid xun ayna garab taagan yihiin xeer ilaaliyaha guud.
Xigashada Sawirka, AFP
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 24 Agoosto 2018.
Madaxweynaha cusub ee DDSI oo ballan-qaaday in calanka la beddeli doono
Xigashada Sawirka, Facebook
Qoraalka sawirka, Calanka uu Mustafe Cagjar soo jeediyey inuu soo celinayo
Madaxweynaha cusub ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar (Mustafe Cagjar ayaa u sheegay dad uu kula hadlayey magaalada Addis ababa in uu ka shaqayn doono sidii loo beddeli lahaa calanka dawlad-deegaanka.
Calanka ayaa qaybta dambe ku leh midab buluug ah oo ay dhexda kaga taallo xiddigta cad ee shanta gees leh, waxaana la joojiyey 8 sano ka hor, matrkii uu maamulka qabtay Cabdi Maxamuud Cumar.
Hotel ku yaalla magaalada Addis Ababa ayuu ugu sheegay dad lagu qiyaasay ilaa lixdameeyo qof in sidoo kale uu ka shaqaynayo sidii kalmadda Itoobiya looga reebi lahaa magaca dawlad deegaanka oo hadda ah Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, loogana dhigi lahaa dawlad Deegaanka Soomaalida.
"Cafarta oo degta Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea lama yiraahdo Cafarta Itoobiya, sidoo kalena Orommada oo degta Kenya iyo Itoobiya Lama yiraahdo Orommada Itoobiya, sidaa darteed iima muuqato sabab loo yiraahdo Soomaalida Itoobiya" ayuu yiri Mustafe Cagjar.
Wuxuu intaa ku daray in heesta calanka la soo celin doono qaybtii ku jiri jirtay ee ahayd Soomaaliyey toosa.
Maalmaha fasaxa ee dalka Itoobiya oo ah Sabtida iyo Axadda ayuu sheegay Mustafa in uu ka shaqayn doono inuu soo celiyo sidii jimcaha iyo Axadda looga dhigi lahaa deegaannada Soomaalida, ayadoo loo danaynayo Soomaalida iyo dadka aan muslimiinta ahayn.
Talaabooyinkan ayaa waxaa gadaal ka riixayey kooxda Dulmi diid ee ku kacsanaa nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar, dhaqan galintoodana waxay u baahanaysaa in la waafajiyo nidaamka dastuuriga ah ee u yaalla dawlad deegaanka.
Madxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ammaan kala dul dhacay niman ka shaqeeya ammaanka garoon diyaaradeed, ka dib markii ay soo celiyeen boorso ay ka buuxdo lacag iyo waliba waxyaabo kale oo qaali ah, wuxuuna sheegay in dabcigoodu uu ka dhigan yahay "Nigerida cusub ee aan wada doonayno".
Ficilkooda daacadnimada ah ayaa madaxweynaha aad u soo jiitay, isaga oo ku sheegay in ay yihiin rag doortay in ay tusaale u noqdaan dadka Nigerianka ah ee wanaagsan, daacaddana ah.
Boorsada waxaa ku jiray lacag badan oo doolarka Maraykanka ah, taleefan, saacad, jijimo iyo waxyaabaha kale oo qiimo leh, waxayna ka dhacday haweenay maraysay garoonka diyaaradaha ee Lagos, sida lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qodobada aad ku maqli doontaan Idaacadda Duhurnimo