Dalka Koonfur Afrika, ayaa waxaa waayadii danbe aad ugu soo badanayay Soomaalida lagu laylanayo halkaa, iyadoo hantidooduna dhac loo geysto.
Xalay ayaa waxaa magaalada Cape Town lagu dilay ganacsade Soomaali ah oo sida la sheegay rag hubaysani ay goobtiisa ganacsiga ku dileen, waana dilkii 7-aad ee Soomaalida lagu laynayo oo muddo 2 toddobaad gudahood ah halkaa ka dhaca.
Axmed Maxamed Sheekh Xuseen, oo ka mid ah Soomaalida deggan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika oo BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in iney bataan dembiyada dilka ka dhaca halkaas ay sabab u tahay, dhaqaalaha oo uu hoos u dhac ku yimid sababo la xiriira Covid-19, taasna ay keentay in burcadda ay toos u bartilmaameedsadaan ganacsatada, gaar ahaan kuwa Soomaalida.
‘‘Waxay arintan la xiriirtaa, isku dhac ay burcadda isku dhaceen, iyagoo ku dagaalamaya sidii ay dadkeena masaakiinta ah ee ganacsiyada meelaha ku heysta ay u dhici lahaayeen, oo annagaa xoolo ka qaadaneyna iyo idinku ka qaadan meysaan, ayay isugu dhaceen’’, ayuu yiri Axmed.
Booliiska dalkaas ayaa sheegay in 72 saacadood gudahood ay ku soo qabteen burcaddii geysatay dilka, haatanna ay xabsi ku jiraan.