Waa kuwee dalalka waaweyn ee sanadkan ka haray tartanka Koobka kubadda cagta Adduunka?

Koobka aduunka ayaa lagu wdaa in dhawaan la qabto

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Waxaa ka haray maalmo yar oo keliya qabashada 2026 FIFA World Cup. Dalal waaweyn oo dhowr ah ayaa seegay fursaddii ay kaga qeyb geli lahaayeen tartankan.

Tani waa markii saddexaad oo xiriir ah oo Taliyaaniga ay ka maqnaato tartanka, inkastoo ay horey ugu guuleysatay koobka afar jeer.

Dalal badan oo Yurub ah oo caan ah ayaa ku guuldareystay inay u soo baxaan Koobka Adduunka ee sanadkan, sidoo kale qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Mareykanka, Canada, iyo Mexico ayaa martigelin doona tartanka laga bilaabo 11-ka ilaa 19-ka July 2026, iyadoo ciyaarta kama dambaysta ah lagu qaban doono MetLife Stadium.

Halkan waxaa ku qoran liis ka mid ah dalalka waaweyn ee aan u qalmin inay ka ciyaaraan Koobka Adduunka.

Taliyaaniga - kaalinta 12aad ee qiimeynta FIFA

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Taliyaaniga oo afar jeer ku guuleysatay Koobka Adduunka ayaa mar saddexaad oo xiriir ah ka hartay u soo bixitaanka 2026 FIFA World Cup, kadib markii rigoorayaal ay uga adkaaday Bosnia and Herzegovina Talaadadii.

Koox kale oo waligeed ku guuleysatay Koobka Adduunka ma jirto oo saddex jeer oo xiriir ah ka hartay tartanka — marka laga reebo Taliyaaniga.

Dalkan ayaa sidoo kale ku guuldareystay inuu u soo baxo 2018 FIFA World Cup ee ka dhacay Ruushka, iyo 2022 FIFA World Cup ee lagu qabtay Qatar.

Italy ayaa waxaa ka adkaaday Bosnia Herzegovina kadib barbaro 1-1 ah oo lagu kala baxay, taasoo keentay in lagu kala baxo rigoorayaal.

Ka hor waqtiga nasashada, Alessandro Bastoni ayaa la siiyay kaarka cas kadib markii uu qalad ka galay ciyaaryahan Bosniyaan ah, taasoo keentay in Italy ay ku ciyaarto 10 ciyaaryahan.

Pierre-Emile-Hoejbjerg oo u dhashay dalka Denmark ayaa murugo la soo deristay ka dib markii wadankiisa uu ku guuldareystay inuu u soo baxo Koobka Adduunka ka dib markii uu Talaadadii la ciyaaray Czech Republic.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Denmark - 20aad ee qiimeynta FIFA

Denmark ayaa ka mid ah dalalka waaweyn ee niyad jabku ku dhacay, maadaama ay ka maqnaan doonto 2026 FIFA World Cup, kadib markii rigoorayaal ay uga adkaadeen Czech Republic.

Czech Republic ayaa kaalinta 43-aad kaga jirta liiska FIFA ee dalalka ugu caansan kubadda cagta adduunka.

Denmark waxay leedahay ciyaartoy dhalinyaro ah oo aad u wanaagsan, oo ay ku jiraan Rasmus Højlund, kaas oo u soo ciyaaray Manchester United iyo Napoli.

Hadda Denmark fursad kale uma heli doonto inay ka qeyb gasho Koobka Adduunka ilaa sanadka 2030.

Weeraryahanka Nigeria Victor Osimhen ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu sareysa kubada cagta ee aan ciyaari doonin Koobka Adduunka 2026.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nigeria - Kaalinta 26aad ee qiimeynta FIFA)

Kooxda kubadda cagta Nigeria ,oo loo yaqaan Super Eagles, waa mid ka mid ah kooxaha ugu caansan Afrika.

Waxay seegtay fursaddii ay kaga qeyb geli lahayd 2026 FIFA World Cup kadib markii ay ka adkaaden Congo kulankii isreeb-reebka.

Nigeria ayaa ku jirta kaalinta 26-aad ee qiimeynta FIFA, waxaana tani ay tahay markii labaad oo xiriir ah oo ay ka maqnaato tartankan.

Dalka ayaa sidoo kale ku guuldareystay inuu u soo baxo 2022 FIFA World Cup ee lagu qabtay Qatar, kadib markii hore uu uga haray 2006.

Nigeria waxay door muuqda ka ciyaartaa kubadda cagta caalamka, iyadoo ay leeyihiin ciyaartoy caan ah sida Victor Osimhen, Ademola Lookman, Alex Iwobi, Calvin Bassey, iyo Samuel Chukwueze.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma aysan gaarin heerkii guusha ee laga filayay.

Poland - Kaalinta 35aad ee qiimeynta FIFA

Weeraryahanka Poland Robert Lewandowski ayaa sheegay in tani ay tahay isku daygii ugu dambeeyay ee uu ku ciyaaro Koobka Adduunka, islamarkaana uusan u sii ciyaari doonin dalkiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Guuldarada Poland ee u soo baxitaanka 2026 FIFA World Cup ayaa niyad jab gelisay ciyaartoydeeda ugu waaweyn.

Tani waa fursaddii ugu dambeysay ee Robert Lewandowski uu ku matali lahaa dalkiisa Koobka Adduunka isagoo da'yar.

Poland ayaa ayaa waxaa kaga adkaaday 3-2 Sweden.

Ka dib guuldarada, Robert Lewandowski wuxuu boggiisa X ku qoray inuu macasalaameeyay u ciyaarista dalkiisa.

Ruuushka - kaalinta 36aad ee qiimeynta FIFA

Xulka qaranka Ruushka ayaa kullankii ay la ciyaarayeen xulka qaranka Masar ee ka tirsan koobka adduunka Russia 2018

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ruushka ayaa ka mid ah dalalka waaweyn ee aan ka ciyaari doonin 2026 kobka kubadda cagta aduunka.

Dalkan waxaa laga mamnuucay dhammaan tartamada FIFA iyo UEFA sababo la xiriira duulaankii uu ku qaaday Ukraine sanadkii 2022.

Inkastoo Ruushka ay racfaan ka qaadatay go'aanka maxkamadda garsoorka ciyaaraha , haddana ma aysan guuleysan.

Ruushka ayaa martigelisay 2018 koobkii aduunka, waxaana weli aan caddayn goorta la qaadi doono cunaqabateynta.

Jamhuuriydda Dimuqraadiga ee Congo iyo Iraq ayaa ahaa labada dal ee ugu dambeeyay ee si guul leh u ugu soo baxa tartanka.

Congo ayaa ka adkaatay Jamaica, halka Iraq ay ka adkaatay Bolivia.