You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Netanyaahu ma noqon karaa qofka kaliya ee aan rabin nabadda Bariga dhexe" - The Economist
Warbixintaan waxaa kaga hadlaynaa fallanqeynta waregeysyada caalamka ka sameeyeen heshiiska xabbad joojinta Iiraan iyo Maraykanka. Waxaan ku bilaabaynaa joornaalka Ingiriiska ee "The Economist," kaas oo daabacay maqaal cinwaankiisu yahay: "Iiraan iyo Maraykanka waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin dagaalkooda."
The Economist waxay sheegtay in shalay, oo ku bilaabatay hanjabaado baabi'in ah, ay ku dhammaatay xabbad-joojin, iyadoo xustay in madaxweynaha Maraykanka, wax ka yar 90 daqiiqo ka hor dhammaadka waqtigii uu u qabtay Iiraan in ay dib ugu furto marin-biyoodka Hormuz, uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee Iiraan, "ugu yaraan hadda."
Majalladda Ingiriiska waxay intaas ku dartay in sida caadiga ah ee Bariga Dhexe ay xabbad-joojintu ay ku bilaabato rasaas dheeraad ah, iyadoo xustay weerarro Iiraan ku beegsatay Qatar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo sidoo kale Israa'iil, ka hor inta telefishinka dawladda Iiraan uusan ku dhawaaqin in Hoggaamiyaha Sare uu amray ciidanka inay joojiyaan dagaalka.
Sida la filayay, sida uu qorayThe Economist, labada dhinacba waxay ay ku wada dhawaaqeyn in ay guul gaareen. Dhanka Maraykanka, waxa ay tilmaamayn 'siyaasadda arrimaha dibadda ee khatarta ah ee Trump ay Iiraan ku qasbtay inay dib u furto marin-biyoodka Hormuz, xitaa iyada oo aan la helin xabbad-joojin dhammaystiran.
Halka dhanka Iiraan ayaa yiraahdeyn Trump waa uu is dhiibay, waddamada khaliijka ayaana ku qasbay Maraykanka inuu go'aakaas qaato.
Majalladda waxay xustay in xabbad-joojintan, oo u eg fursad lagu soo nasan karo, ay "soo dhaweeyeen dhammaan Bariga Dhexe," balse waxaa jira qof kasoo haray Bariga dhexe kaas oo ah Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo aan la siin fursad uu ku aqbalo ama ku diido xabbad-joojinta.
The Economist waxay sheegtay in su'aasha hadda jirtaa ay tahay in xabbad-joojintu sii jiri doonto oo ay horseedi doonto heshiis kama dambays ah,iyo in ay noqon doonto mid muddo gaaban socota.
Waxay adkaysay in wadahadallada ka socda caasimadda Pakistan ee Islamabad ay noqon doonaan kuwo adag, gaar ahaan iyadoo la tixgelinayo dalabaadka Iiraan ee wadaxaajoodka, kuwaas oo ay ka mid yihiin sii haynta xakamaynta marin-biyoodka Hormuz, in la aqoonsado xaqa ay u leedahay kobcinta uranium-ka, iyo ciidamada Maraykanka ay ka baxaan saldhigyadooda gobolka.
Majalladda Ingiriiska waxay u aragtaa in oggolaanshaha mid ka mid ah qodobadan gudaha qaab-dhismeedka heshiis kama dambays ah uu noqon doono "tanaasul weyn oo uu sameeyo Maraykanku."
The Economist waxay sidoo kale, ka digtay in oggolaanshaha in dalabaadka Iiraan uusan macnaheedu ahayn in Trump aqbali doono, iyadoo xustay in Maraykanku sidoo kale leeyahay dalabaad u gaar ah, oo ay ka mid tahay in Iiraan si buuxda uga tanaasusho kobcinta uranium-ka. Haddii labada dhinac ay ku sii nagaadaan mowqifyadooda hadda, wadahadalladu waxay gaari doonaan dhammaad.
"Ciraaq waxa ay ku jirtaa dhibaato dagaal aysan dooran inay ka qayb noqoto"
Dhanka kale, wargeyska kasoo baxa Maraykanka ee "Foreign Policy, ayaa is qoray maqaal ciwaankiisu yahay "Dagaalka Iiraan wuxuu muujinayaa daciifnimada Ciraaq," oo ay qoreen cilmi baareyaal.
Cilmi-baarayaashu waxay tilmaamayaan in dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee Iiraan uu Ciraaq u saameeyay siyaabo badan oo kala duwan, maadaama uu dhulka Ciraaq ka dhigay dhibane"goob dagaal dadban," waxa uu kordhiyay cadaadiska maleeshiyaadka Ciraaq ee ay taageerto Iiraan, isaga oo muujiyay daciifnimada dowladda dhexe ee Baqdaad iyo madaxbannaanideeda, isla markaana waxa uu saameeyey duulimaadyadii hawada iyo socodka shidaalka iyo tamarta, waxa uuna bannaanka soo dhigay khilaafka u dhexeeya kooxaha kala duwan ee isku haya siyaasadda Ciraaq.
Cilmi-baarayaashu waxay xuseen in Ciraaq lagu jiidayo dagaalkan, inkastoo ay dowladdeedu sheegtay inaysan ka qayb ahayn colaadda. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqadu, waxa uu maqaalka ku sheegay, in Ciraaq ay ku yaallaan xarumo Maraykanku leeyahay, iyo marinnada gaadiidka, taasoo ka dhigaysa in Ciraaq ay dagaalka dhexdhexaad ka ahaato
Cilmi-baarayaashu waxay xuseen in hoggaamiyeyaasha Ciraaq labaatankii sano ee la soo dhaafay, ay taxaddar muujiyeen si ay u ilaaliyaan dheelitir u dhexeeya Washington iyo Tehran, maadaama ay labada dhinacba muhiim u yihiin Ciraaq. Maraykanku waxa uu Ciraaq ka taageeraa dhanka dhaqalaha, iyo sidoo kale sidii ay u heli lahayd kaalmada beesha caalamka,halka Iiraan ay tahay deris awood badan oo xiriirr siyaasadeed, diimeed, iyo dhaqan la leh Ciraaq.
Sidaa darteed, hoggaanka dhexe ee Baqdaad wuxuu isu arkay inuusan haysan doorasho kale oo aan ka ahayn inuu isku dheellitiro Maraykanka iyo Iiraan, inkastoo xiriir dhow uu la leeyahay Iiraan