Asalka iyo awoodda millitari ee Xisbullah
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa aas aasay Ururka Xisbullah sanadkii 1982-kii, si ay u dhoofiyaan Kacaankeeda Islaamiga ah ayna ula dagaallamaan ciidamada Israa’iill ee duullaanka ku soo qaaday Lubnaan.
Xisbullah waxa ay hubkeeda keydsatay dhamaadkii dagaalka sokeeye si ay ula dagaallanto ciidamada Israa’iil ee qabsaday koonfurta Shiicada. Sanado dagaal ah kadib Israa’iil waxa ay baxday 2000.
Xisbullah ayaa sanadkii 2006-dii soo bandhigtay horumarkeeda ciidan, xilli uu socday dagaal shan toddobaad socday oo ay kula jirtay Israa’iil, kaasoo qarxay kadib markii ay u tallaabeen xadka dhulka ay Israa’iil heystay, oo ay ka qafaasheen laba askari, qaar kalena ku dileen. Dagaalkan ayaa waxa ku dhintay 1,200 oo qof oo u badan rayid kuna sugnaa gudaha Lubnaan iyo 158 Israa’iiliyiin ah oo u badnaa askar. Xizbullah ayaa kumannaan gantaallo ah ku riday Israa'iil.
Awooddeeda millatari ayaa kor kacday kadib markii 2012-kii ay Suuriya u dirtay ciidamo si ay uga caawiso madaxweyne Bashar al-Assad la dagaallanka inta badan fallaagada Sunniga ah.
Xisbullah waxa ay ku faantaa gantaallada saxda ah oo ay sheegtay in ay ku garaaci karto dhammaan qaybaha Israel. Sanadkii 2021-kii, hoggaamiyaha Xisbullah Sayyed Hassan Nasrallah ayaa sheegay in kooxdu ay leedahay 100,000 oo dagaalyahanno ah.
Iran waxay siisaa Xisbullah hub iyo lacag. Maraykanku waxa uu ku qiyaasay in Iran ay u qoondaysay boqollaal milyan oo doollar sanad kasta, waliba sannadihii u dambeeyay.
Dhaqdhaqaaqa gobolka
Xizbullah waxa ay xiriir qoto dheer la leedahay kooxaha kale ee ay Iran taageerto ee ku nool gobolka, oo ay ku jiraan kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islaamiyiinta Jihaad doonka ah. Markii uu dhacay weerarkii Sabtidii, Xisbullah waxay sheegtay inay "xiriir toos ah la leedahay hoggaanka iska caabinta ee Falastiiniyiinta".
Ururka Xisbullah ayaa Ciraaq ku tababaray kooxo ay taageerto Iran, waxaana ay ka qeyb qaataan dagaallada.
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Xisbullah ay sidoo kale ka dagaallameen garabka taageerada Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la’ah Iran. Xizbullah waa ay beenisay arintaas.