Hubka ay Iiraan ku dhisatay cunaqabataynta ee dib u beddelay xeerarka dagaalka cirka

    • Author, Abdinasir Ali
    • Role, BBC Somali
    • Reporting from, Nairobi, Kenya
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Markii uu dhammaaday dagaalkii u dhexeeyey Iiraan iyo Ciraaq sannadkii 1988, Iiraan talo ka tallaabideedu culus tahay, ayaa ku caddaatay.

Ciidankeeda cirka waxaa ragaadiyey sannado badan oo colaad ah, cunaqabataynta Mareykanku saarayna waxay ka dhignayd in aanay jirin waddo fudud oo dib loogu dhisi karo cuddud ciidan oo adag.

Tubta ay Tehraan maalinkaas go'aansatay inay jeexdo, waxay dunida ku qaadatay tobannaan sano in ay si buuxda u fahmaan.

Falanqeeyayaasha Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istiraatiijiyadda (IISS) iyo CSIS waxay tilmaameen in halkii ay Iiraan isku dayi lahayd inay kula tartanto awoodda cirka dal Mareykanka oo kale ah, ay bilowday inay maalgashato nooc cusub oo hub ah, kaasoo dunida aan shaacsane ka ahayn.

Waa hub raqiis ah, la huri karo, loona soo saari karo si fudud oo aad u tirro badan. Hub aanan u baahnayn duuliye, aanan u baahnayn macdan naadir ah, lana sameyn karo xataa iyadoo lagu jiro culayska dhaqaale ee go'doomiyay Iiraan.

Go'aanka maalinkaas la qaatay ayaa maanta ku dhawaad 50 sanno kadib, dib u qaabeynaya sida ciidamada adduunka ugu xoogga badan ay dagaal galaan.

Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Shahed, oo ay soo saartay shirkadda Shahed Aviation Industries ee Iiraan, waxay noqotay mid ka mid ah nidaamyada hubka ee ugu saameynta badnaa tobankii sano ee la soo dhaafay.

Sida lagu xusay xogta Machadka Royal United Services Institute (RUSI) iyo falanqaynta Center for Strategic and International Studies (CSIS), diyaaradaha Shahed-131 iyo Shahed-136 midkiiba wuxuu ku kacayaa qiyaastii $20,000.

Waa cadad lacageed oo markii dhinac laga fiiriyo xambaarsan macno istiraatiijiyadeed oo weyn.

Marka diyaarad $20,000 ah ay ku qasabto cidda iska difaacaysa inay ku riddo gantaalka difaaca oo ku kacaya $2 milyan, dhanka weerarka ah ayaa daqiiqadaas la hoyanaya guul dhaqaale xataa haddii diyaaraddiisii la soo rido.

Shahed-136 waxaa loo dhisay falsafad naqshadeed oo mudnaanta siinaysa fududeynta, fogaanta, iyo wax-soo-saarka, taas oo u oggolaanaysa Iiraan inay geeyso tiro badan oo diyaaradaha weerarka ah iyada oo aan loo baahnayn hannaanka warshadaha ee kakan ee nidaamyada gantaallada horumaray ay isticmaalaan.

Qorshaha ay ka leeyihiinna waa mid iska cad: oo haddii hal diyaarad laga hortago, konton kale ka daba dira. Haddii kontonka la doo ridana, laba boqol ku duqeeya.

Qiimaha yar ee drones-ku ugu fadhiyaan ayaa welwel la'aan weerarkooda u badinaysa.

Sida lagu xusay warbixinnada Difaaca Mareykanka (DIA) iyo Guddiga Khubarada ee Qaramada Midoobay, Iiraan sannado badan ayay u xog ururinaysay hab ay dagaal dhab ah ugu geli karaan diyaaradahan raqiiska ah.

Kooxaha ay xulafada yihiin, oo ay ku jiraan Xuutiyiinta Yemen iyo maleeshiyaadka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa loo adeegsaday inay tijaabiyaan noocyada Shahed si ay u garaacaan bartilmaameedyada gobolka oo dhan, iyadoo cashar kasta oo halkaas laga barto dib loogu biirinayay barnaamijka horumarinta drones-ka Tehraan.

Isbeddelka weyn ee sumcadda caalamiga ah ee diyaaraddahan Shahedka kor u qaaday wuxuu yimid 2022.

Bishii Ogosto ee sannadkaas, diyaarado lagu soo sameeyay Iiraan ayaa loo raray Ruushka si loogu adeegsado Ukraine, iyadoo Ruushkuna uu lacag cadaan ah iyo hub Ingiriis iyo Mareykan ah oo la soo qafaashay u raray Iiraan.

Waxa xigay isdhaafsigaas, ayaa udub-dhexaad u noqday tijaabadii ugu horreysay ee dagaal baaxad leh oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lala beegsaday ciidan casri ah oo ku hubeysan qalab reer Galbeed.

Ruushku wuxuu helay natiijooyin ku filan oo uu ku dhaqaaqo. Moscow waxay $2 bilyan ku maalgashatay warshad u go'an soo saarista nooca ay iyadu leedahay ee Shahedka, oo loogu magac daray Geran-2.

Dabayaaqadii 2025, Ruushku wuxuu kordhiyey wax-soo-saarka gudaha ilaa uu ka gaarsiiyay 3,000 oo xabbo bishii, mana jirin maalin aanay boqollaal diyaaradood oo Ruush ah oo nooca Shahed ah oo fogaan dheer leh aanay weerarin magaalooyinka Ukraine.

Dagaalka hadda ka socda Khaliijka si weyn ayay uga muuqdeen diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. In ka badan 2,000 oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136 oo raqiis ah, hal mar kaliya wax weerara, ayaa lagu daran-dooriyay gobolka Khaliijka toddobaadyadii hore ee dagaalka.

Iiraan waxay u adeegsatay mowjado badan oo isdaba joog ah, iyadoon yoolkeedu kaliya ahayn si ay u geysato burbur milatari oo toos ah, balse si ay u carqaladeyso kaabayaasha dhaqaalaha iyadoo ku qasbeysa difaaca inay adeegsadaan gantaallo qaali ah oo ka dhan ah nidaamyadeeda raqiiska ah.

Imaaraadka Carabta ayaa dharbaaxadii ugu weynaydi gaartay. Intii u dhaxeysay 1-da Maarso iyo 8-da Maarso, 1,422 diyaaradood iyo 246 gantaal ayaa ku dhacay Imaaraadka kaliya, taas oo ka dhigan qiyaastii 55 boqolkiiba dhammaan weerarrada la diiwaan geliyay ilaa hadda.

Culayska dhaqaale ee tani ay abuureyso ma aha mid si lasii filayay. Mid kasta oo ka mid ah ka hortagga guuleysta, waxaa ku baxaya gantaallo ama rasaas qaali ah, taas oo macnaheedu yahay in Mareykanka iyo Xulafadiisa ay uga dhowyihiin in ay ka dhammaan karaan agabka ka hor inta aan Iiraan ka dhammaan diyaaraduhu.

Nidaamka Iiraan kuma imaan si kama' ah; waxaa dhiirigelin weyn u ahaa sannadkii 2011, markii diyaarad Mareykan ah oo nooca RQ-170 Sentinel ah ay ku dhacday gacanta Iiraan. In kasta oo Mareykanku codsaday in loo soo celiyo, saraakiisha Iiraan iyo warbaahinta dawladda ee IRNA ayaa xaqiijiyay in farsamada diyaaraddaas dib loo naqshadeeyay (reverse-engineered).

Taasi waxay horseedday in Iiraan ay dhisato cudud hawada ah oo ku dhisan barashada iyo koobiyaynta tiknoolajiyadda cadowga.

Ciidanka Mareykanka ayaa iyaguna dib u naqshadeeyay diyaaradda Shahed ee Iiraan, waxaana ay hadda u adeegsanayaan Iiraan dagaalka hadda socda diyaarado noocaas la mid ah.

Taliyaha CENTCOM Admiral Brad Cooper ayaa habkan si cad u qeexay mar uu yiri: "Waxaan qabanay Shahed badqabta, uurkeeda waxa ku jiray ayaanu soo bixinay, Mareykanka ayaan dib ugu dirnay, waxaan ku dhajinnay 'lagu sameeyay Mareykanka', Bariga Dhexe ayaan dib ugu soo celinnay, haddana waxaan ku tooganaynaa Iiraaniyiinta."

Nidaamka ka dhashay Shahed, oo loo yaqaan Low-Cost Unmanned Combat Attack System, ama LUCAS, waxaa la geeyay qayb ka mid ah Task Force Scorpion Strike, oo saraakiisha Mareykanku ay ku tilmaameen guutadii ugu horreysay ee Mareykanka ah oo loo xilsaaray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is-miidaaminta loogu talagalay.

Xaqiiqda ah in Washington ay dhistay jawaabteeda Shahed, iyadoo koobiyaysay naqshadda Tehraan waa halbeeg muujinaya halka uu gaaray barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.

Dagaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee labada dagaal ee Iiraan iyo Ukraine wuxuu barbilow u noqday imaatinka waxa dadka dagaalka falanqeeya ay ugu yeerayaan "Hardanka Silloon". Waa istiraatiijiyad la iskaga horgeenayo weerar raqiis ah iyo difaac qaali ah.

Iiraan waxay fahantay istaraatijiyaddan ka hor inta aysan dunidu fahmin. Waxay dhisatay nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyadoo ku jirta cunaqabatayn, waxay ku hormariyeen awoodoodda kooxaha ay xulafada yihiin, waxay u dhoofisay Ruushka, haddana waxay si toos ah u geysay furrinta hore ee dagaalka ay kula jiran ciidanka ugu casrisan adduunka.

Shahed laga yaabaa inaysan Tehraan ugu guuleysan dagaalka. Awoodda ciidan ayaa weli u xaglinaysa Mareykanka, iyadoo in ka badan 1,500 oo askari oo Iiraaniyiin ah ay dhinteen marka la barbardhigo 13 askari oo Mareykan ah, iyadoo ciidanka badda ee Iiraan la burburiyay, kaabayaasha gantaalladuna ay aad u xumaadeen.

Laakiin waxaas oo xog ah, macno badan ma sii laha marka la eego ujeeddada dagaalkan laga lahaa.

Sida uu qeexay Admiral Brad Cooper (CENTCOM) iyo khubarada RUSI, ujeeddada guud ee Iiraan ma aha guul milatari oo toos ah.

Iiraan weligeed uma naqshadayn Shahed si ay ugu guuleysato dagaal isu dheellitiran. Waxay u naqshadaysay inay dagaal isu dheellitiran ka dhigto mid aan sii wadistiisa la awoodi karin dhaqaale ahaan.

Dheegaas marka laga taagan yahay dagaalkana, natiijadu macne aynaan hadda garaneyn oo wakhtigu sheegi doonno ayay yeelanaysaa.