You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iran oo sheegtay in ciidamadeedu ay ‘sugayaan’ ciidamada dhulka ee Maraykanka, iyada oo ciidamo badan oo Maraykan ah ay soo gaareen gobolka

Kumannaan ciidamada Mareykanka ayaa haatan ku sugan Bariga Dhexe, balse sarkaalka sare ee Mareykanka Rubio ayaa hore u sheegay in danaha Mareykanka lagu guuleysan karo iyadoo aan ciidan dhulka ah la dirin.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Hay’adda Caafimaadka Adduunkaoo cambaareysay weerar lagu qaadday ambalaasyada

    Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in la dilay mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee gurmadka degdega kadib weerar lagu qaaday ambalaas koonfurta Lubnaan Axaddii, isaga oo ku eedeeyay “howlgallada milatari ee Israa’iil ee sii fidaya” gobolka.

    Bakhaar caafimaad oo ku yaal isla magaaladaas ayaa sidoo kale la burburiyay, ayuu sheegay Tedros Adhanom Ghebreyesus warbixin uu ku baahiyay X.

    WHO waxay xaqiijisay dhimashada 51 shaqaale caafimaad oo Lubnaan ka tirsan tan iyo 2-da Maarso – oo ay ku jiraan sagaal shaqaalaha gurmadka degdega ah.

    “Weerarrada ka dhanka ah xarumaha caafimaadka waa in si degdeg ah loo joojiyaa,” ayuu Ghebreyesus ku qoray X.

    “Tani ma noqon karto wax caadi ah. Shaqaalaha caafimaad waxaa ilaalinaya sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimo, mana aha in la bartilmaameedsado.”

  2. Qiimaha Shidaalka oo mar kale cirka isku shareeray

    Suuqyada Aasiya ayaa hadda furmay, waxaana qiimaha shidaalka uu kor u dhaafay $115 halkii foosto. Qiimaha shidaalka nooca Brent ayaa gaaray $115.84, taas oo ah koror dhan 2.9%.

    Shidaalku wuxuu ku dhowaa $72 halkii foosto ka hor 28-ka Febraayo, markaas oo ay bilaabmeen weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan.

    Toddobaadkii hore, qiimaha ugu sarreeya wuxuu gaaray $118 halkii foosto 19-ka Maarso, halka galabtii Jimcaha uu joogay wax yar ka hooseeya $112 — taas oo si weyn uga sarreysa qiimihii uu ahaa ka hor dagaalka.

  3. Iran oo ku hanjabtay inay beegsan doonto guriyaha saraakiisha Mareykanka iyo Israa’iil ee gobolka

    Ebrahim Zolfaghari, afhayeenka Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ee Iiraan — oo ah cutubka ugu sarreeya ee taliska howlgallada ee isku xira ciidamada qalabka sida — ayaa ku hanjabay in ciidamada qalabka sida ay beegsan doonaan guryaha “Abaanduulayaasha iyo mas’uuliyiinta siyaasadda Mareykanka iyo Israa’iil ee gobolka”.

    Wuxuu sheegay in tani ay tahay “tallaabo aargoosi ah” ka dib markii uu Mareykanka iyo Israa’iil ku eedeeyay inay bartilmaameedsadeen guryaha dad rayid ah oo Iiraani ah magaalooyin kala duwan.

    Dhowr taliyeyaal iyo mas’uuliyiin milatari oo Iiraan ka tirsan ayaa ku dhintay dagaalka, oo ay ku jirto Hoggaamihii Sare ee Iiraan ee Marxuumka, Ayatollah Ali Khamenei, oo la dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalka, 28-ka Febraayo.

  4. Israa'iil oo faahfaahin ka bixisay weeraro ay Tehran ku qaaday

    Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa Axaddii fiidkii ku dhawaaqay inay duqeymo cusub ka fuliyeen “bartilmaameedyo magaalada Tehran”

    Israa'iil ayaa sheegtay inay ogaatay goobo gantaallo laga soo tuuray gudaha Iiraan ka dib dabagal ay sameysay.

    Dhanka kale, qaar ka mid ah dad isticmaalal baraha bulshada ayaa soo sheegay in caasimadda lagu qaaday weerar culus ,iyagoo tilmaamay in qaraxyo xooggan laga maqlay meelo kala duwan.

  5. Mareykanka oo soo saaray Digniin ku aadan dalka Ciraaq

    Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa ka digtay in Iiraan iyo xulafadeeda ay beegsan karaan jaamacadaha Mareykanka ee ku yaal magaalooyinka Baqdaad, Sulaymaniyah, iyo Dohuk, iyo sidoo kale jaamacado kale oo loo arko inay xiriir la leeyihiin Mareykanka.

    “Iiraan si gaar ah ayaa hanjabaado u jeedisay jaamacadaha Mareykanka ee ku yaal qaybo kala duwan oo Bariga Dhexe ah,” ayay safaaradda ku sheegtay bayaan.

    “Militia argagixiso oo Iiraan taageerta ayaa fulisay weerarro baahsan oo ka dhan ah muwaadiniinta Mareykanka iyo bartilmaameedyada la xiriira Mareykanka guud ahaan Ciraaq, oo ay ku jirto Gobolka Kurdistan ee Ciraaq,” ayay safaaraddu intaas ku dartay, iyadoo sidoo kale ku baaqday in Mareykanku si degdeg ah uga baxaan Ciraaq.

    Sida aan horey u soo sheegnay, Iiraan ayaa ku hanjabtay in ay beegsato jaamacadaha Mareykanka iyo Israa’iil ee gobolka kadib duqeymo lagu qaaday jaamacadaha ku yaal Tehran iyo Isfahan.

  6. Tehran oo Korantada dib ugu soo laabatay

    Wararka ak imanaya Iiraan ayaa sheegaya in korontadu dib ugu soo laabatay bariga Tehran, iyo sidoo kale ilo kale oo ku sugan magaalada u dhow ee Karaj.

    Wakaaladda wararka nus-rasmiga ah ee Fars News Agency, oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), ayaa sidoo kale sheegtay in korontada dib loogu soo celiyay inta badan qaybaha magaalooyinka, iyadoo weli socota shaqo lagu soo celinayo dhammaan korantada.

  7. Hay’adda Qaramada Midoobay ee Nukliyeerka oo war ka soo saartay weerarada xarumaha Niyukleerka Iran

    Hay’adda kormeerta hubka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay (IAEA) ayaa xaqiijisay in goobta biyaha culus ee Khondab oo ku taalla waqooyi-galbeed ee Iiraan ay soo gaartay “waxyeelo ba’an isla markaana uusan hadda shaqeynaynin” ka dib weerarkii toddobaadkan.

    Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Iiraan ayaa jimcadii sheegtay in goobtan la xiriirta nukliyeerka laba jeer lagu weeraray. Muuqaallo la xaqiijiyay xilligaas ayaa muujinayay kubbadda dabka iyo qiiqa ka soo kacaya agagaarka reactor-ka gudaha xarunta.

    Waxaa la sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo bani’aadam ama wasakheyn nukliyeer ah la soo sheegay. Israa’iil ayaa amar bixiyay in gebi ahaan xarunta laga faaruqiyo ka hor inta aan weerarka la fulin.

    Warbixintii maanta ee IAEA, kadib markii ay falanqayn madax-bannaan ku sameeyeen sawirrada dayax-gacmeedka iyo aqoonta xarunta, waxay xustay in goobtu ay “aanay ku jirin wax walxo nukliyeer ah oo la diiwaan geliyay”.

  8. Weerar ay maanta ku qaaday iraan dalalka Khaliijka iyo kasaaraha ka dhasay

    Aan si kooban u eegno dalalka ku yaal gobolka Khaliijka ee Bariga Dhexe kuwaas oo maanta soo sheegay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday hawadooda:

    Wasaaradda gaashaandhigga ee Kuwait ayaa sheegtay inay maanta ogaatay 14 gantaal oo ballistic ah iyo 12 drone oo galay hawada dalka.

    “Taasi waxay keentay in mid ka mid ah xeryaha ciidamada lagu beegsado qaar ka mid ah weerarradaas, taas oo sababtay dhaawaca 10 askari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan.

    Wasaaradda gaashaandhigga ee Qatar ayaa sheegtay inay maanta ogaatay “tiro drones ah” oo laga soo tuuray Iiraan, islamarkaana ay dhammaantood ku guuleysatay inay qabtaan.

    Saacado ka hor arrintan, wasaaradda gaashaandhigga ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sheegtay in nidaamyadeeda difaaca hawada ay “si firfircoon uga hortagayaan” weerarro la isku dayay, kadib markii 16 gantaal oo ballistic ah iyo 42 drone laga soo tuuray Iiraan loona jeediyay UAE.

  9. Weerar labaad oo ka dhacay jaamacadda Isfahan, sida ay ku warrantay warbaahinta Iran

    Jaamacad ku taalla Isfahan, bartamaha Iiraan, ayaa sheegtay in mar labaad lagu weeraray duqeymo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil toddobaadkan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Fars oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).

    Fars ayaa baahisay bayaan ka yimid Jaamacadda Teknolojiyadda Isfahan, oo shalay la weeraray.

    Bayaanka, oo asal ahaan ku qoran af Faarisi, jaamacaddu waxay ku sheegtay in lagu “beegsaday” qiyaastii 14:00 waqtiga maxalliga ah (10:30 GMT) iyadoo loo marayo “duqeyn cirka ah oo arxan daran”.

    Tani waxay timid kadib markii jaamacaddan, iyo sidoo kale Jaamacadda Sayniska iyo Teknolojiyadda ee Tehran, lagu weeraray duqeymo shalay.

    Iiraan ayaa ku hanjabtay inay weerari doonto jaamacadaha Mareykanka iyo Israa’iil ee gobolka, iyadoo ku tilmaantay “bartilmaameedyo sharci ah”, waxayna shalay sheegtay in Mareykanku uu waajib ku yahay inuu cambaareeyo duqeymaha ka hor 12:00 duhurnimo waqtiga maxalliga ah maalinta Talaadada si looga fogaado aargoosi.

    Mareykanku weli wax faallo ah kama bixin duqeymahan.

  10. Benjamin Netanyahu oo militariga Israa'iil siiyay amar cusub

    Intii uu booqanayay xarunta taliska Waqooyiga ee Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF), ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu amar ku bixiyay in la ballaariyo waxa uu ugu yeeray “aagga amniga ee hadda jira” ee koonfurta Lubnaan.

    Netanyahu wuxuu sheegay in ujeeddadu tahay “in si buuxda loo baabi’iyo khatarta duullaan” ee ka imanaysa Hezbollah, isla markaana laga fogeeyo gantaallada lidka taangiyada ee ka imanaya xadka.

    Ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan in ballaarintan ay ka baxsan tahay aagga toddobaadkii hore uu wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Israel Katz sheegay inuu gaari doono ilaa webiga Litani, iyadoo aan loo oggolaan doonin dadka reer Lubnaan inay ku sii nagaadaan guryahooda ilaa khatarta Hezbollah ee waqooyiga Israa’iil si buuxda loo tirtiro.

    Hadalka Katz ayaa ahaa midkii ugu xooganaa ilaa hadda ee muujinaya qorshaha dowladda Israa’iil ee ku aaddan Lubnaan, taasoo horseedaysa in ku dhowaad toban meelood meel dalkaas ay hoos timaaddo gacanta Israa’iil.

    Ballaca aaggan iyo in lagu tilmaamo “aag difaac” (buffer zone) ayaa xusuusinaya xilligi ay qabsatay Israa’iil koonfurta Lubnaan intii u dhaxaysay 1985 ilaa 2000.

  11. Xarun Telefishin oo ku taalla magaalada Doxa oo la weeraray

    Mar sii horeysay oo maanta an, telefishinka wararka ee dowladda Qadar ah ee Al Araby ayaa xaqiijiyay in xafiiskiisa ku yaal Tehran lagu garaacay gantaal.

    Kanaalku wuxuu hadda soo saaray bayaan, isagoo sheegay inuu “canbaareynayo weerarkan ka dhacay dhisme ganacsi oo rayid ah islamarkaana xaqiijinaya in halis gelinta wariyeyaasha ama u aragta inay bartilmaameed yihiin ay ka hor imanayso sharciga caalamiga ah”.

    Bayaanku wuxuu sheegay in 10 qof ay ku dhaawacmeen.

    Weli lama hubo cidda gantaalka soo riday. BBC Verify ayaa waydiisay Ciidamada Difaaca Israel iyo Taliska Dhexe ee Millatariga Mareykanka (CENTCOM) inay ka hadlaan waxa dhacay.

  12. Tehran oo ay Korantada ka go'day ka dib weeraro culus oo lala beegsaday

    Wasaaradda Tamarta ee Iiraan ayaa sheegtay in weerarro lagu qaaday “kaabayaasha korontada” ee qaybo ka mid ah caasimadda Tehran, guud ahaan gobolka Tehran iyo gobolka Alborz, ay sababeen in korontada oo go’day, sida ay warbaahinta Iiraan soo tebisay.

    Mostafa Rajabi Mashhadi, oo ah wasiir ku xigeenka tamarta, ayaa telefishinka qaranka ka sheegay in “firir ka dhashay qarax uu ku dhacay mid ka mid ah tiirarka korontada ee laga soo galo magaalada Karaj”.

    Karaj waxay ku taallaa waqooyi-galbeed ee Tehran, gobolka Alborz, waxaana hore loo sheegay in koronto isbeddel ku yimid magaalada.

    Mashhadi wuxuu sidoo kale sheegay in “bariga Tehran uu waayay mid ka mid ah xarumaha gudbinta korontada (substation) sababo la xiriira weerarrada caawa dhacay”, isagoo intaas ku daray in dadku “aysan walwalin”.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in dadaallo lagu xallinayo arrintan ay socdaan.

  13. Muhiimadda ay howlgalka Mareykanka u lahayd diyaaraddii lagu burburiyay Sacuudiga

    Sida ay hore u sheegtay BBC Verify, sawirro la xaqiijiyay ayaa muujinaya in ka mid kuwa taliska mareykanka ee lagu burburiyay saldhig ciidan oo ku yaal Sacuudi Carabiya.

    Diyaaradda waa Boeing E-3 AWACS –waxa ayna howsheeda tahay Nidaamka Digniinta iyo Xakamaynta Hawada. sida ay sheegtay shirkadda Boeing 707, waxaa si gaar ah loogu gartaa saxanaanta radaarka wareega oo ku rakiban dhabarka diyaaradda.

    Radarkan ayaa u suurtageliya inay ogaato oo ay daba-gasho bartilmaameedyada suurtagalka ah meel fog, si ay u bixiso digniin hore oo ku saabsan khataraha iman kara inta lagu jiro howlaha dagaalka.

    Sida ku xusan bogga USAF, diyaaraddu waxay bixisaa “macluumaad ay taliyeyaasha hawlgallada cirka u adeegsadaan si ay u helaan una ilaashadaan xakamaynta dagaalka hawada”.

    Noocii ugu horreeyay ee diyaaraddan ayaa shaqa bilawday sannadkii 1977, waxaana la filayaa in E-3 ay sii shaqeyn doonto ilaa 2035. Qiyaastii 15 diyaaradood ayaa weli la sheegay inay adeeg ku jiraan oo ay isticmaalaan USAF.

  14. Qaraxyo culus oo laga maqlayo Tehran caasimaad iran

    Sida ay sheegeen afar ilo-wareed, qaraxyo culus ayaa hadda ka dhacaya magaalada Tehran.

    Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in korontada ay ka go’day’ qaybo ka mid ah Tehran iyo magaalada u dhow ee Karaj, sida ay sheegeen laba ilo-wareed.

    Warbaahinta Iiraan ayaa sidoo kale soo tebinaysa in korontada ka go'day qaybo ka mid ah labadaas magaalo.

  15. Israa'iil oo war ka soo saartay goobo warshada ah oo la weeraray

    Warar dheeraad ah oo ka imanaya koonfurta Israel ayaa sheegaya in adeegga qaran ee dab-demiska iyo samatabbixinta uu shaqaalaha ku ag dhaw dabka ku amray inay galaan meelaha amaanka ah.

    "Kooxo waaweyn ayaa halkan ka hawlgala. Dhacdada waa la xakameynayaa," ayuu yiri madaxa dab-damiska iyo samatabbixinta Eyal Kaspi.

    Adeeggu wuxuu sheegay in dabka ka kacay aagga warshadaha ee Neot Hovav lagu dhawaaqay inuu yahay “shil khatar ah oo maaddooyin halis ah leh wata”, isagoo ku boorriyay shaqaalaha inay ka baxaan meelaha halista ah oo ay galaan “dhismayaasha la ilaaliyay.”

    Sida lagu sheegay wakaaladda wararka Reuters, shirkadda caalamiga ah ee ilaalinta dalagyada ADAMA ayaa soo saartay bayaan ay ku xaqiijinayso in warshaddeeda Makhteshim ay ahayd goobta la bartilmaameedsaday - iyadoo la sheegay inay sabab u tahay gantaal Iranian ah ama burbur ka yimid gantaal la qabtay.

  16. Dukaamada iyo makhaayadaha Masar ayaa loo sheegay inay xiraan goor hore iyadoo dhibaatda tamarta ay sii kordhayso

    Dukaamada, makhaayadaha iyo goobaha qaxwada ee Masar ayaa loo sheegay inay xiraan goor hore taasoo qayb ka ah tilaabooyin ku meel gaar ah oo lagula dagaalamayo qiimaha tamarta sare u kacaya ee uu sababay dagaalka Iiraan.

    Goobaha tafaariiqda iyo kuwa lagu cunteeyo waa inay xiraan 21:00 (19:00 GMT) habeen kasta bisha soo socota, laga bilaabo Sabtida.

    "Tallaabooyinka aan caadiga ahayn" ee ay soo bandhigtay dowladda Masar waxaa sidoo kale ka mid ah nalalka waddooyinka oo la dhimi doono iyo xayeysiisyada waddooyinka, iyo sidoo kale in lasoo celiyo kasoo shaqynta guriga oo hal maalin toddobaadkiiba bisha Abriil dad badan.

    Masar waxaa si gaar ah u saameeyay iska horimaadka Bariga Dhexe iyo xannibaadda wax ku oolka ah ee marin biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim ah oo maraakiibta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah.

    Qiimaha shidaalka adduunka ayaa cirka isku shareeray.

    Inkasta oo Masar aanay wax lug ah ku lahayn dagaalka, ku tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno ayaa ka dhigtay mid u nugul sahayda.

    Ra'iisul wasaaraha Masar Mostafa Madbouly ayaa Sabtidii sheegay in biilkeeda batroolka oo keliya uu wax ka badan labanlaabmay bishii Janaayo ilaa $2.5bn (£1.9bn) bishii March.

  17. Mojtaba Khamenei oo soo saaray farriin ku socota reer Ciraaq

    Fariintii ugu dambeysay ee la sheegay in ka timid Hoggaamiyaha Saddexaad ee Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa waxaa lagu sheegay inuu uga mahadceliyey culimada iyo shacabka Ciraaq “jawaab cad oo ku saabsan gardarrada ka dhan ah Iran.”

    Sida laga soo xigtay warbaahinta Iran, fariintan loo aaneynayo Khamenei waxaa loo gudbiyey mas’uul Ciraaqi ah kadib kulan dhexmaray Guddoomiyaha Golaha Sare ee Islaamiga ee Ciraaq iyo Safiirka Iran ee Baqdaad.

    Tan iyo markii uu qabtay xilka horraantii bishii Maarso, dhowr fariimood oo qoraal ah oo loo aaneynayo Mojtaba Khamenei ayaa la daabacay. Si kastaba ha ahaatee, weli lama goob fagaara ah ama ama telefishinka dowladda kama soo muuqan tan iyo markii uu xilka qabtay.

    Hoggaamiyihii Sare ee hore ee Iran, Ali Khamenei, ayaa lagu dilay maalintii ugu horreysay ee duqeymaha 28-ka Febraayo.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu “ama dhintay ama xaaladdiisu aad u xun tahay, sababtoo ah cidna ma maqal codkiisa”

    Dhanka kale, safiirka Iran ee Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa ku adkeystay in maqnaanshaha Khamenei ee fagaarayaasha uu yahay “arrimo amni awgood.”

  18. Qiiq iyo uuro weyn oo kor u kacay goobta warshadaha ee Israa'iil

    Sida aan horay idiinku sheegnay warbaahinta Israa’iil ayaa baahisay in dab uu ka kacay goob warshadeed oo ku taalla saxaraha Negev ee koonfurta Israa’iil.

    Waxaan xaqiijinay muuqaal muujinaya qiiq madow oo cirka u soo baxay meel u dhow dhismaha Neot Hovav, oo ku yaal koonfurta magaalada Bi'ir Shebac.

    Dadweyne aad u fara badan ayaa sidoo kale la arkayaa iyagoo daawanaya qiiqa ka baxaya guud ahaan goobta.

    Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa horay u sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen gantaallada laga soo tuuray Iiraan. Dabka ka kacay Neot Hovav ayaa laga yaabaa in uu ka dhashay gantaallada riddada dheer, ayay IDF sheegtay.

    Wax dhaawac ah lama soo sheegin.

  19. Sawirro muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray diyaarad milateri oo Maraykana oo ku sugan saldhigga Sacuudiga

    Sawirro la xaqiijiyay ayaa muujinaya diyaarad laga hago taliska Mareykanka oo lagu burburiyay saldhig ciidamada cirka ee Sacuudiga.

    Sawirada ayaa u muuqda in markii ugu horeysay lagu faafiyay bog Facebook ah oo xambaarsan wararka ciidamada Mareykanka. Waxay muujinayaan in diyaaradda E-3 Sentry ay u muuqato in laba loo kala jebiyay.

    Waxaan xaqiijinay in sawirada laga qaaday saldhigga cirka ee Amiir Sultan oo qiyaastii 100km (62 mayl) koonfur-bari ka xiga caasimadda Sacuudiga ee Riyadh. Astaamaha lagu arkay sawirada, oo ay ku jiraan pylons, unug kaydinta iyo calaamadaynta meelaha laamiyada ah, oo ku habboon sawirka dayax-gacmeedka.

    BBC Verify waxay sidoo kale ku aragtay E-3 goobtan sawirka dayax-gacmeedka ee la qaaday 11-kii Maarso. Ma sheegi karno inay isku diyaarad yihiin.

    Jimcihii sarkaal Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in 12 askari oo Mareykan ah lagu dhaawacay, oo labo ka mid ah ay dhaawacyadooda culus yihiin, weerar ay ciidamada Iiraan ku qaadeen saldhigga ciidamada cirka.

  20. QM oo war kasoo saartay dadka ku barakacay Koofur Galbeed

    Qoraal uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya Mr. George Conway ayaa lagu sheegay in xiisadaha iyo iska horimaadyada dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay barakiciyeen ku dhowaad 45,000 oo qof, iyadoo qoysaska ay ku qasbeen inay u qaxaan goobo ay aad ugu yar yihiin adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka bini'aadantinimo.

    “Waxaan ka walaacsanahay in dadka ay saameysay ay ku jiraan dadka ugu nugul—kuwaas oo boqolkiiba 30 ay markii horeba ku noolaayeen xeryaha barakacayaasha—isla markaana horey ula tacaalayay saameynta isbiirsaday ee abaaraha ba'an. Gaar ahaan, haweenka, carruurta, dadka waayeelka ah, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee dhowaan barakacay ayaa hadda wajahaya khataro xagga badbaadada ah iyo xaalado bini'aadantinimo oo ka sii daraya oo ka jira hareeraha magaalada Baydhabo.

    Waxaan ku dhiirigelinayaa dhammaan dhinacyada inay dhowraan waajibaadka ka saaran ilaalinta dadka rayidka ah, xaqiijiyaan dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka, oo ay dammaanad qaadaan marin bini'aadantinimo oo ammaan ah, joogto ah, oo aan la huri karin oo la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Isku duwaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo qaboojiyo xiisadda, lagana fogaado wax kasta oo horseedi kara iska horimaad dhiig ku daato.

    “Haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, xaaladda bini'aadantinimo ee magaalada Baydhabo, oo ay hadda ku nool yihiin qiyaastii 430,000 oo barakacayaal ah, way ka sii dari doontaa. “Ayuu qoraalka intaa raaciyay.

    Sidoo kale akhri:

Trending Now