"Dambiga ugu culus ee ka dhanka ah bini'aadantinimada": Ma in dalalka ka qaybqaatay ganacsigii addoonsiga iyo dhoofintooda ay bixiyaan baa magdhow?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Fernando Duarte
- Role, BBC World Service
- Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo
Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ansixiyay qaraar ku dhawaaqaya in addoonsigu yahay "dambiga ugu culus ee ka dhanka ah bini'aadantinimada." Qaraarku sidoo kale wuxuu ku baaqayaa "si carqalad la'aan ah oo degdeg ah " dib loo celiyo hanti dhaqameed. Waxaa agabkaasi dhaqanka ak mid ah farshaxan, taallooyin, agab matxafyo, dukumeenti iyo kayd qaran — iyadoo lagu celinayo dalalkii ay asal ahaan ka yimaadeen iyada oo aan wax lacag ah lagu dalban.
Qaraarka waxaa soo gudbiyay Madaxweynaha Ghana, John Mahama, waxaana taageeray Midowga Afrika iyadoo ujeeddadu tahay in la helo waddo loo maro ka bogsashada iyo bixinta magdhowga,."
Hindisaha waxaa lagu ansixiyay 123 cod oo oggolaatay, saddex dal oo diiday, halka 52 dal ay ka aamuseen, oo ay ku jiraan UK iyo dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub.
Mareykanka, Argentina iyo Israel ayaa codkooda ku diiday qaraarka oo aan taageerin.
Mahama ayaa Golaha u sheegay: "Ansixinta qaraarkan wuxuu u adeegayaa sidii loo ilaalin laha islamarkana looga hortagi lahaa in la illoobo."
Dalalka ay saameeyeen addoonsigu waxay muddo ka badan boqol sano dalbanayeen magdhow. Si kastaba ha ahaatee, dooddu si weyn ayay u xoogaysatay qarnigan 21-aad, gaar ahaan kadib markii qaar ka mid ah dalalka iyo shirkadaha taariikh ahaan ka faa'iideystay shaqada addoonsiga Afrika ay si rasmi ah u qirteen ka qaybqaadashadooda ganacsigaas Adoonsig.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Waa maxay magdhawga addoonsiga maxaase uu kiiskiisu yahay ?
Laga soo bilaabo qarnigii 15aad ilaa kii 19aad, qiyaastii 12 ilaa 15 milyan oo rag, dumar iyo carruur Afrikaan ah ayaa la qabtay islamarkana loo qaaday Mareykanka si ay ugu shaqeeyaan qaab addoonsi ah.
Waxa loo diray gumaysigii ay maamulayeen wadama reer Yurub ah, sida Spain, Burtaqiiskal, Fransiiska iyo UK. Labo milyan oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen maraakiibtii caanka ah ee addoonsiga.
Saamaynta qarniyo badan oo ka faa'iideysi ah wali waa la dareemayaa ilaa maanta dhibaatadasi. Dalalkii asal ahaan dadka laga soo kaxeeyay iyo kuwii addoonsiga sameeyay labaduba waxay la kulmaan oo ka jira saboolnimo dhaqaale-bulsho iyo kala sooc jinsiyadeed.
Magdhowga waxaa loogu talagalay inuu noqdo dib-u-celin — raalli-gelin iyo lacag-bixin loo sameeyo dadka madow ee awoowayaashood si khasab ah loogu daray ganacsiga addoonsiga. Hindisaha ay soo bandhigtay Ghana wuxuu ku boorinayaa dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey inay ka baaraan-dagaan inay raalli-gelin ka bixiyaan ganacsigii addoonsiga iyo inay gacan ka geystaan sanduuqa magdhowga ah oo la sameeyo.

Xigashada Sawirka, The Washington Post / Getty Images
Samuel Okudzeto Ablakwa, wasiirka arrimaha dibadda ee Ghana, ayaa u sheegay barnaamijka Newsday ee BBC: "Waxaan dalbaneynaa magdhow — waana in la caddeeyaa, hoggaamiyeyaasha Afrika ma dalbanayaan lacag ay iyagu qaataan.
Waxaan rabnaa caddaalad loo helo dhibbanayaasha iyo in la taageero arrimo muhiim ah — sida waxbarashada — iyo sidoo kale sanduuqyo maalgelin iyo sanduuqyo lagu horumarinayo xirfadaha."
Si kastaba ha ahaatee, Esther Xosei, oo ah aqoonyahan British ah, u dhaqdhaqaaqe iyo mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee magdhowga, ayaa muujisay shaki ku saabsan saameynta suurtagalka ah ee qaraarkan.
Waxay tiri: "Waa wax dhiirrigelin leh in la arko dalalka Afrika oo hoggaaminaya doodahan, laakiin quluubta iyo maskaxda laguma kasban doono Qaramada Midoobay."
"Dagaalka dhabta ah wuxuu ka dhici doonaa waddooyinka, halkaas oo dad badan wali si khaldan uga fahamsan yihiin taariikhda."

Xigashada Sawirka, United Nations
Ma jiraan wax taariikhi ah oo mag-dhawga ku saabsan?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haa — kiiska ugu caansan ee magdhowga wuxuu la xiriiraa Jarmalka. Tan iyo 1952, dalkaas Yurub ku yaal wuxuu bixiyay in ka badan $80 bilyan oo la siiyay dhibbanayaashii Yuhuudda ee nidaamkii Nazi-ga, oo ay ku jiraan lacagaha loo diray Israel.
Laakiin ilaa hadda, ma jiro dal si rasmi ah u bixiyay magdhow addoonsi oo la siiyo faracyada dadka Afrikaan ee la addoonsaday ama dalalka Afrika, Kariibiyaan iyo Latin America ee ay arrintu saameysay.
Xitaa dalal si rasmi ah uga cudurdaartay doorkoodii addoonsiga — sida Netherlands sanadkii 2022 — waxay diideen inay bixiyaan magdhow lacageed oo toos ah oo la siiyo faracii ay ak tageen dadkii la adoonsanayay. Dowladda Netherlands waxay taa beddelkeeda sameysay sanduuq dhan $230 milyan oo loogu talagalay "hindisayaal bulsho iyo mashruucyo wax looga qabanayo dhaxalka addoonsiga."
"Waxa ugu muhiimsan ee la muuqda waa in qofna uusan isku dayayn inuu beddelo wixii hore, balse la doonayo in wax laga qabto saameyntiisa maanta," ayay tiri Dr Celeste Martinez.
"Dhaxalka addoonsigu wali wuu jiraa maanta, isagoo u muuqda cunsuriyad iyo sinnaan la'aan. Aqoonsiga wixii dhacay waa muhiim haddii aan rabno bulshooyin cadaalad iyo dimuqraadiyad badan leh."

Xigashada Sawirka, Universal Images Group via Getty Images
Go'aanka Qaramada Midoobay muxuu bedeli karaa?
Qaramada Midoobay horey ayay si cad u taageertay caddaaladda magdhowga. Bayaan la soo saaray Sebtembar 2025, Guddoomiyaha Sare ee Xuquuqda Aadanaha, Volker Türk, ayaa sheegay in caddaaladdan ay tahay in ay ku jirto "magdhow noocyo kala duwan leh."
Si kastaba ha ahaatee, golaha guud ee qaramada idoobey — halkaas oo 193 dal oo xubno ahi mid kasta leeyahay hal kursi iyo hal cod — waligeed hore uma aysan codeyn ama u meelmarin qaraar ku saabsan arrintan.
Golaha Guud ma awoodi karo inuu ku qasbo magdhow dalalka, balse wuxuu siin karaa arrintan sharciyad siyaasadeed.
"Durba waa tallaabo weyn oo muhiim ah dhinaca siyaasadda in dooddan lagu qabto Qaramada Midoobay," ayay tiri Almaz Teffera, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan hay'a'dda xuquuqul insaanka ee ee HRW kana shaqeysa arrimaha ka hortagga cunsuriyadda.
"Tani waxay furaysaa waddo cusub oo ay dalalku uga wada hadlaan arrimaha magdhowga, waxayna kordhinaysaa fursadaha horumar laga sameeyo doodaha."

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Intee dhan tahay lacagta aan ka hadlayno?
Mid ka mid ah dhinacyada ugu badan ee laga doodo ee ku saabsan magdhowgan waa cidda bixinaysa lacagta — iyo inta ay noqonayso.
Waxaa la dalbaday in shirkado, hay'ado iyo qoysas lahaa addoomo ay bixiyaan magdhow. Laakiin inta badan hindisayaasha, mas'uuliyadda waxay ku egtahay heerka dowladda. Sanadkii 2013, Caricom — oo ah isbahaysi ka kooban 15 dal oo Kariibiyaan ah — ayaa soo saaray Qorshaha Tobanka-qodob ee Caddaaladda Magdhowga.
Hindisayaashu waxay ka bilaabmeen baaqista in la joojiyo deymaha dibadda ilaa maalgelinta wax ka qabashada aqoon-darro iyo caafimaadka dadweynaha. Sanadkii 2023, isbahayshuhu wuxuu soo bandhigay daraasad sheegaysa in 15-kii dal ee Kariibiyaan laga leeyahay ugu yaraan $33 tiriliyan oo ka yimid dalalkii hore ee gumeysi.
"Dawladda had iyo jeer waa dembiile, sababtoo ah waxay abuurtay deegaanka uu qof kasta, hay'ad kasta iyo ganacsi kasta kaga qayb galay addoonsiga iyo gumeysiga," ayay tiri Verena Shepherd, oo ah borofisar ka tirsan University of the West Indies iyo ku-xigeenka guddoomiyaha Guddiga Magdhowga ee Caricom.

Xigashada Sawirka, Ullstein Bild via Getty Images
Isla Sannadkaas , Patrick Robinson, oo ah garsoore sare oo ka tirsan maxkamadda caalamiga ah ee Cadaaldda, ayaa soo bandhigay tiro aad u badan oo dhan — $107 tiriliyan oo ay wada leeyihiin 31 dal, oo ay ku jiraan dalal sida Brazil iyo Mareykanka, kuwaasoo ka faa'iideystay shaqada addoomaha ka dib markii ay xornimada ka qaateen Burtaqiiska iyo boqortooyada Ingiriiska.
Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee la xiriira magdhowga addoonsiga waa waqtiga uu dhaafay. Kiisaska hore — sida lacagaha la siiyay dhibbanayaasha Holocaust-ka — waxaa la xalliyay iyadoo weli ay nool yihiin kuwa ka badbaaday.
Waxaa iska cad in xisaabinta lacagaha ay had iyo jeer adag tahay — mararka qaarna la isku khilaafo.
Khabiirka sharciga, Luke Moffett, oo ah bare ka tirsan Queen's University Belfast, wuxuu aaminsan yahay in tirooyinkaas si dhab ah loo dhaqan gelin karin.
"Sharciga ahaan, waa buur weyn oo aan la fuuli karin, laakiin taasi macnaheedu ma aha in dhinacyada ku lugta leh aanay fadhiisan oo aanay gorgortan sameyn," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Mee raaligelintii?
Ololayaasha sida Caricom ma ahan kuwo diiradda saara kaliya arrimaha dhaqaale. Mid ka mid ah cabashooyinka ugu waaweyn ee isbahayshahan waa in inta badan dalalka ka faa'iideystay dhaqaale ahaan addoonsiga aysan soo saarin cudurdaarka ama raali-galin rasmi ah.
"Habka bogsashada ee dhibbanayaasha iyo faracyadii ka haray wuxuu u baahan yahay in dawladaha Yurub ay bixiyaan cudurdaar rasmi ah oo daacad ah," ayay tiri Verene Shepherd.
"Qaarkood beddelkeeda waxay soo saareen bayaan muujinaya sida ay uga xun yihiin . Bayaannadaas waxay tilmaamayaan in dhibbanayaasha iyo faracii ay ka tageen aysan mudneyn cudurdaarka."
Sara Hamood, oo ka tirsan xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey (OHCHR), ayaa sheegtay in aqoonsiga noocaas ah uu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah habka caddaaladda dib-u-heshiisiinta.
"Arrimaha dhaqaale waa kaliya qayb ka mid ah. Marar badan ayaan sheegnay in aanay jirin dal si buuxda uga fiirsaday dhaxalka addoonsiga ama si dhameystiran u xisaabiyay saameynta uu ku yeeshay nolosha dadka asal ahaan Afrikaan ah," ayay ku doodeysaa.
"Cudurdaarka rasmiga ah, sheegida runta iyo waxbarashaduba waa qayb ka mid ah tallaabooyin ballaaran oo lagu fulinayo."












