Ninkii loo heystay inuu qorsheynayay shirqool loo maleego Ramla Cali oo xukun lagu riday

Xigashada Sawirka, Ramla Cali
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Reporting from, Nairobi, Kenya
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku ridday
Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) oo ku eedeysnaa in tan iyo 2014 uu ka tirsanaa al-Shabaab, gaar ahaan basaasidda dilalka gaadmada iyo qeybta qaraxyada, sida ay maxkamaddu sheegtay.
Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu basaasid ka sameynayay xarumo dowladeed, iyo sidoo kale inuu ururinayay macluumaadka lgu beegsan lahaa feeryahanadda Soomaaliyeed Ramla Cali.
Dadka kale ee ay maxkamaddu kiiskooda dhegeysatay waxaa ka mid ah Faadumo Cismaan Subeyr Cali oo iyadana loo heysto inay gabbaad siisay Cabdisalaan.
Cabdisalaan ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, halka Faadumo lagu xukumay min hal sano oo il ku heyn amni ah.

Xigashada Sawirka, Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida
Cabdisalaan Maxamed Xasan ayaa dhowaan horyimid Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee uu guddoomiyaha ka yahay Kolonel Xasan Cali Nuur Shuute.
Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa ku eedeeyay Cabdisalaan, oo horey uga soo baxsaday xarun dhaqan-celin, inuu ka tirsan yahay qaybta "Amniyaadka" ee Al-Shabaab.
Waxaa la sheegay inuu u adeegsaday xirfaddiisa korontada si uu u sahamiyo goobaha muhiimka ah ee caasimadda, isagoo bartilmaameedsanayay shakhsiyaadka caanka ah ee matala horumarka dalka.
BBC Somali ayaa xiriir la samaysay Ramla Cali si ay wax uga weydiiso dareenkeeda ku aaddan dacwadahan iyo khatarta la sheegay in loo maleegay nolosheeda.
"Anigu ma ka baqo cid aanan Alle ahayn"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ramla Cali oo ka jawaabaysay dareenkeeda ku aaddan isku daygan ayaa sheegtay inaysan u arkin arrin shakhsi ah, balse ay tahay loolan u dhexeeya laba aragtiyood oo iska soo horjeeda.
"Muqdisho waxaan ka tagay anigoo yar, waxaana ku soo laabtay markii aan guulaystay oo aan noqday halyey. Safarkaas quruxda iyo xanuunka badan leh waxaa guusheeda leh Soomaaliya. Dhiiggayga ayaan u huray ciiddaas. Waxaan ognahay in Islaamku dhammaystiran yahay oo uusan ceeb lahayn, balse Muslimiintu aysan ahayn dhamaantood kuwa wanaagsan," ayay tiri Ramla.
Waxay intaas ku dartay in cabsidu tahay qalab ay adeegsadaan kuwa raba inay dadka kala qaybiyaan, balse aysan ka baqayn cid kale marka laga reebo Alle oo ka badbaadiyay khatartaas.
Ramla waxay aaminsan tahay in bartilmaameedsigeedu uu salka ku hayo matalaadda ay u tahay horumarka dalka. Waxay tilmaantay inay jiraan xoogag ka baqaya Soomaaliyada dhismaysa ee soo saaraysa aqoonyahannada iyo ciyaartoyda caalamiga ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Ma rabo inaan wax ka dhaho shakhsiyaadka lasoo qabtay, shaqadaas waxaa iska leh maxkamadaha iyo dawladda Soomaaliya, waxaana ku kalsoonahay hannaankaas. Waxaa hadda iska hor imaanaya laba Soomaaliya. Soomaaliya dhismaysa iyo xoogag ka baqaya horumarkaas. Anigu waxaan matalaa garabka koowaad ee horumarka."
In kasta oo shirqoolkan la sheegay inuu qayb ka ahaa qorshe ballaaran oo lagu cabsi gelinayo dadka caanka ah iyo qurba-joogta, Ramla waxay sheegtay inaysan marna ka gaban doonin u adeegidda dalkeeda.
"Xanaaq kama dareemayo. Waxaan haystaa wax intaas ka xooggan oo ah hiigsi. Ka baqi maayo inaan ku laabto gurigayga oo ah Muqdisho. Soomaalida qurba-joogta ah ee joogta London, Minnesota, Nairobi, iyo Oslo waxay caddayn u yihiin in haddii Soomaalida la siiyo meel ay wax ku dhistaan ay guulaysanayaan."
Ugu dambayn, Ramla Cali waxay xustay in badbaadadeedu ay markhaati u tahay in Soomaaliya ay leedahay hay'ado ammaan oo soo jeeda, waxayna ugu baaqday caalamka inay arkaan wejiga dhabta ah ee Soomaaliya, kaas oo ah mid dhismaya, sidoo kalena midnimo, iyo guul u taagan.
"Dadka kaliya ee ay tahay inay hadda baqaan waa kuwa moodayay in qorshaynta weerarradu ay wax uun ka gaabinayso geeddi-socodkan. Ma dhacayso, marna ma dhici karto." Ayay tiri Ramla.
Ramla iyada oo ilmo yar ah ayaa qoyskooda ka qaxeen magaalada Muqdisho horaantii sagaashameeyadii markii dagaalka sokeeye socday. Qoyskooda ayaa dagaalladaa ku waayay walaalkeed oo 12 jir ahaa.
Ramla oo 36 jir waxay sheegtay inay hadafkeedu uu yahay inay noqoto qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeybgala tartanka olimbikada ee feerka.













