Maxaa ku dhacay taliyaha sirdoonka Itoobiya, Ridwaan Xuseen?

Danjire Ridwaan Xuseen; Agaasimaha Nabadsugida Qaranka

Xigashada Sawirka, Miidiyaa hawwaasaa

Qoraalka sawirka, Danjire Ridwaan Xuseen; Agaasimaha Nabadsugida Qaranka
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Sawirka Agaasimaha Guud ee Hay'adda Nabad Sugidda iyo Difaaca Qaranka Itoobiya Danjire Ridwaan Xuseen ayaa si weyn loogu dhex wareegayay baraha bulshada.

Sawirka ayaa lagu faafiyay baraha bulshada kadib shirkii guddiga qaran ee COP32 oo ka dhacay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Danjire Ridwaan ayaa lagu sawiray safka hore meel uu fadhiyay isagoo dhammaan timihiisa ay xiiran yihiin laga soo bilaabo madaxiisa ilaa foodda hore ilaa dahaarka indhaha.

Danjire Ridwaan ayaa ka jawaabay hadallada la xiriira arrimo isaga quseeya.

"Arrimaha shakhsiga ah ee murugada iyo farxadda, qosolka iyo oohinta, ama xanuunka iyo bogsashada, waligay ma aanan u malayn in si gaar ah in loo faafiyo loo baahanyahay.

Si kastaba ha ahaatee, dadka xil iyo mas'uuliyad bulsho haya waxaa waajib ku ah inay u furnaadaan aragtida iyo dareenka dadweynaha," ayuu yiri.

Danjire Ridwaan Xuseen ayaa sheegay inuu doonayay inuu asaxaabtiisa, qoyskiisa iyo shacabka Itoobiya la wadaago macluumaad ku saabsan arrin isaga ku dhacday oo walaac ku abuurtay dad badan.

Sidoo kale, wuxuu caddeeyay inuu doonayay inuu ka jawaabo dadka dano gaar ah leh ee faafinaya warar khaldan, isla markaana uu bannaanka keeno xaqiiqda jirta.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Arrintii ku dhacdayna wuxuu u sharraxay sidan:

"Labo toddobaad ka hor, annagoo ka qaybgaleyna shir ku saabsan arrimaha qaranka, xilli fiid ah, gidaar alwaax ah oo miisaankii ka lumay ayaa igu soo dul dhacay, isagoo madaxa iga galay oo si yar gudaha u galay, markaasna i dhaawacay.

Dhaawaca madaxa awgiis, dhakhaatiirtu waxay sheegeen in tolid loo baahan yahay, qaarna timaha iga xiireen. Aniguse waxaan doortay in gebi ahaanba la iga xiiro.

Ma aanan dhibsan, maaddaama aan tan iyo yaraantaydii timaha si gaaban u xiiran jiray. Saaxiibbadayduna waxay igu yiraahdeen waa qurux. Dhiirrigelinta dadka ayaa iga dhigtay inaan si caadi ah u sii wato. Sidaas ayaana dhacday."

Danjire Ridwaan ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay inuusan daaweyn darteed ugu safrin dibadda.

"Waxaan isku daaweynayay Isbitaalka Amiin. Uma aanan bixin dibadda, ha ahaato daawayn iyo ha ahaato shaqaba. Sababta aan wax hadal ah u bixin waayayna waxay ahayd in aanan u arag wax cusub ama wax weyn oo jira."

Ugu dambayn, wuxuu u mahadceliyay dhammaan dadkii arrintiisa ka walaacay.

Ridwaan Xuseen oo ka qeybgalaya COP32

Xigashada Sawirka, Abiy Ahmed Ali/Facebook

Qoraalka sawirka, Ridwaan Xuseen oo ka qeybgalaya shirkii COP32

Waa kuma Ridwaan Xuseen?

Danjire Ridwaan Xuseen ayaa hadda ah Agaasimaha Guud ee Hay'adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya.

Kahor inta uusan xilkan qaban, wuxuu ahaa La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Sidoo kale, wuxuu hore uga soo shaqeeyay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda. Intii u dhexeysay 2018–2019, wuxuu Danjire Itoobiya u ahaa dalka Eritrea.

Danjire Ridwaan Xuseen wuxuu xilal kala duwan oo heerar kala geddisan ka soo qabtay dowladdii hore ee Deegaanka Qoomiyadaha, Jinsiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya (SNNPR) iyo sidoo kale dowladda federaalka.

Bishii Noofambar 2022, isagoo matalaya dowladda Itoobiya, wuxuu ka mid ahaa ergadii saxiixday heshiiska xabbad-joojinta ee Pretoria lagula galay TPLF.

Sidoo kale, wuxuu ka mid ahaa wakiilladii dowladda Itoobiya ee ka qaybgalay wada-hadalladii lala yeeshay Waraabka Xoreynta Oromo (WBO) ee ka dhacay Tansaaniya.