You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Muhaajiriin lix maalmood kadib meydkooda laga soo saaray xeebta Giriigga
- Author, Neil Murphy
- Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo
Labo iyo labaatan qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay xeebaha dalka Giriigga kadib markii ay lix maalmood ku jireen dooni ay saarnaayeen oo ku sii jeedday qaaradda Yurub, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Giriigga.
Lix iyo labaatan qof oo badbaaday, oo ay ku jiraan haweeney iyo ilmo, ayaa waxaa badbaadiyay markab ay leedahay wakaaladda xudduudaha Yurub Jimcihii. Laba ka mid ah ayaa loo qaaday isbitaalka Heraklion ee jasiiradda Crete.
Doonta muhaajiriinta ah ayaa ka tagtay dekedda Tobruk ee bariga Liibiya 21-kii Maarso, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidaas sheegtay, iyadoo soo xiganeysa afhayeen u hadlay ilaalada xeebaha. Cimilo xumo iyo cunto iyo biyo la'aan ayaa ka qayb qaatay dhimashada, ayay yiraahdeen ilaalada xeebaha.
Giriigga, iyo Talyaaniga, ayaa qaabila tiro badan oo muhaajiriin ah oo aan sharciyeysnayn iyagoo sii mara badda Mediterranean-ka, inta badan waxay ka yimaadaan Turkiga u dhow iyo waqooyiga Afrika.
Qaar badan oo ka mid ah safarradan waxay dhacaan xagaaga, marka ay yar tahay in cimiladu xumaato.
"Intii lagu jiray safarka, rakaabka waxay lumiyeen jihadoodii waxayna badda ku jireen lix maalmood oo biyo iyo cunto la'aan aj," ayay yiraahdeen ilaalada xeebaha Giriigga.
Doonta ayaa ugu dambeyntii lagu joojiyay meel 53 meyl u jirta Ierapetra, oo ah magaalo ku taal xeebta koonfureed ee Crete.
Mas'uuliyiinta Giriigga ayaa sheegay in labo nin oo u dhashay Koonfurta Suudaan oo da'dooda lagu kala sheegay 19 iyo 22 jir la xiray, kuwaasoo looga shakisan yahay inay dadka tahriibinayeen.
Waxaa hadda lagu hayaa baaritaanno la xiriira inay "si sharci darro ah dalka ku soo galeen" iyo "dilka dadka oo ka dhashay dayacaad".
Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in 21 ka mid ah dadka badbaaday ay u dhasheen Bangladesh, 4 ka mid ah waxay u dhasheen Koonfurta Suudaan, halka mid kalena uu u dhashay Chad.
Ugu yaraan 41,696 ayaa ku yimid Giriigga iyagoo kasoo galay dhanka badda sanadkii 2025-kii, sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR. In ka badan 4,000 ayaa ilaa hadda yimid sanadkan.
Laakin safarku wuxuu noqon karaa mid halis ah, gaar ahaan marka ay cimiladu xumaato, halka dadka wax tahriibiya ay inta badan buux dhaafiyaan doomaha iyaga oo aan haysan sahay ku filan ama jaakadaha badbaadada.
Ugu yaraan 103 qof ayaa loo tixgaliyay in ay dhinteen ama la la'yahay kuwaasoo soo maray bariga Mediterranean-ka sanadkii hore ee 2025, sida ay muujineyso tirooyinka UNHCR.
Bishii Disembar, 17 muhaajiriin ah ayaa meydkooda laga helay doon ku dhex jirtay biyaha, qeyb ahaanna ku qarqoomeen meel u dhow xeebta Cretan.