Maxaa laga ogyahay nooca cusub ee cudurka Covid ee qaybo dunida ka mid ah lagu arkay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa isha ku haya nooc cusub oo ah Covid-19 oo noocyo badan leh, kaas oo ilaa hadda laga helay 23 waddan.
Noocan cusb oo si rasmi ah loogu magacaabay BA.3.2 ayaa sidoo kale lagu arkay USA, Hong Kong, Mozambique, iyo UK.
Inkastoo aysan jirin wax caddaynaya in noocan uu ka khatar badan yahay kuwa kale, haddana khubaradu waxay xuseen in carruurtu ay u muuqdaan inay ugu dhowdahay inay qaadaan cudurka marka loo eego dadka waaweyn.
Haddaba intee in le'eg ayay tahay in aan welwelno?
Waa maxay noocan cusub ee cudurka – CICADA

Xigashada Sawirka, Getty Images
Noocan BA.3.2 waxaa lagu magacaabay "Cicada" sababtoo ah ka dib markii la ogaaday bilawgiiba, waxaana la arkay inuu yahay mid aan firfircoonayn muddo dheer (dormant) qaybo ka mid ah aduunka, waxayna ku nool yihiin dhulka hoostiisa muddo dheer.
Noocan ayaa markii ugu horreysay laga helay Koonfur Afrika bishii Noofambar 2024, laakiin ma aysan ahayn kuwo sii kordha illaa Sebtembar 2025.
Bishii hore, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka (CDC) ayaa ku dhawaaqday in kiisas laga soo sheegay 25 gobol.
Sida laga soo xigtay machadka, cudurkan BA.3.2 waxaa laga helay suuf sanka oo laga soo qaaday afar rakaab ah, muunado caafimaad oo laga qaaday shan bukaan ah, iyo 132 muunado oo laga soo qaaday biyo wasakh ah.
WHO waxa ay sidoo in muddoah isha ku haysay nooca cudurkan. "Tani waxay la macno tahay kala duwanaanshiyaha, wuxuu u baahan karaa fiiro gaar ah" waxaana la baarayaa si loo go'aamiyo inay khatar ku tahay caafimaadka bulshada caalamka iyo in kale.
Carruurta ma u nugul yihiin inuu ku dhaco?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Falanqaynta xogta ee kiisaska New York waxay soo jeedinayaan in carruurta laga yaabo inay ka badan yihiin dadka waaweyn dhanka helitaanka cudurka BA.3.2, sida uu qabo cilmi-baaraha la yiraahdo Ryan Hisner.
Professor Ravindra Gupta oo ka tirsan machadka Cudurada Faafa ee Jaamacadda Cambridge ayaa yiri, "Daraasaddan weli lama eegin ama lama daabicin, laakiin waxay u muuqataa mid sax ah".
Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sababta tani u dhacdo. Mid ka mid ah ayaa ah in kala duwanaanshaha Cicada ay ku adag tahay habka difaaca jirka si loo aqoonsado sababtoo ah waligiis lama arag.
Gupta waxa uu tilmaamay in carruurtu guud ahaan ay leeyihiin difaac hoose marka loo eego dadka.
Dadka qaangaarka ah soo saarista unugyada difaaca ee ka hortagga fayrasyada ayaa bislaada sannado ka dib, waxayna gacan ka geystaan ballaarinta difaaca.
Gupta ayaa intaa ku daray, "Carruurtu waxay soo maraan habka korriinka sanado aad u yar. Tani waxay qayb ahaan sharxi kartaa sababta ay ugu nugul yihiin fayraska".
Cilmi-baarayaasha qaarkood waxay soo jeedinayaan in borotiinka aadka isu beddelay ee ku jira noocan u keeno cayayaanka cicada uu xiriir la leeyahay caabuqyada carruurta.
Gupta iyo kooxdiisu waxay qorsheynayaan inay daraasad ku sameeyaan shaybaarrada carruurta si ay u fahmaan sababta kala duwanaanshiyaha u muuqdo inuu saameyn badan ku yeelanayo carruurta.
Calaamadihiisa maxaa ka mid ah
Ilaa hadda ma jiraan wax caddaynaya in noocan uu dadka ku keeno jirro ka daran noocyada kale.
"Ma jirto hal calaamad oo gaar ah" ayuu yiri Professor Paul Hunter oo ku takhasusay cudurrada faafa oo ka tirsan Jaamacadda Bariga Anglia ee England.
Covid-19 wuxuu keeni karaa calaamado ay ka mid yihiin qandho, qufac, cune xanuun, sanka oo istaaga, daal, madax-xanuun, murqo iyo kalagoysyo xanuun, neefta oo yaraata, iyo shuban.
Ian Jones, oo ku takhasusay barashada fayrasyada oo ka tirsan Jaamacadda Reading, ayaa isna sharaxay xaaladdan isagoo leh, "Fayrasku wuxuu bartilmaameedsadaa unugyo isku mid ah iyada oo aan loo eegin nooca uu yahay… marka calaamadaha muuqdaa waa isku mid".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muxuu si aad ah isugu bed-bedelaa?
Dhammaan fayrasyadu way isbedelaan waqti ka dib, gaar ahaanna fayrasyada RNA sida Covid-19 ayaa si degdeg ah isu beddela.
Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka (CDC) ayaa BA.3.2 ku sifeeyey "mid aad u kala duwan." Tani waxay ka dhigan tahay noocan inuu aad uga duwan nooca Omicron ee asalka ah.
Sida laga soo xigtay Jones isbeddelladani waxay ku adkeyn karaan habka difaaca si uu u aqoonsado fayraska, "ilaa xadna" waxay ka caawiyaan inay ka baxsadaan difaacyada jira.
"Fayrasku si cad ayuu u guulaysanayaa; wuxuu ka baxsanayaa unugyada difaaca jirka ee bulshada, sidaas darteedna si tartiib ah ayuu u fidaa".
Talaalku weli ma shaqaynayaa?
Noocyadan ayaa laga yaabaa inay tallaallada Covid ka dhigaan kuwo aan waxtar lahayn oo aan wax ka tari karin noocan Cicada. Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay ku nuuxnuuxsadeen in tallaalada hadda jira ay wali bixiyaan xoogaa difaac ah.
Jones ayaa leh, "Waad qaadi kartaa cudurka laakiin waxaad yeelan doontaa nooc fudud oo jirada ah".
Sida laga soo xigtay WHO, ilaa maanta 67% dadka adduunka ayaa laga tallaalay Covid-19.
Si kastaba ha ahaatee, helista tallaallada "xoojinta" ee la cusboonaysiiyay ee ka hortagga noocyada cusub maaha mid adduunka oo dhan loo siman yahay.
Sida laga soo xigtay Jones, horumarinta tallaal cusub oo la soo saaro, kaasoo wax ka tari kara cicada waxay suurtagal noqon kartaa oo keliya haddii tirada kiisaska iyo darnaanta cudurka ay si weyn u kororto.











