Denmark oo qorsheysay inay qarxiso dhabbaha diyaaradaha Greenland haddii uu Mareykanku qabsado

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Jaroslav Lukiv
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Askarta Denmark ee loo duuliyay Greenland bishii Jannaayo ayaa isku diyaarinayay inay qarxiyaan dhabbaha dayuuradaha ee muhiimka ah, iyagoo ka cabsi qaba in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku duulo jasiiradda Arctic, ayuu yiri telefishinka dowladda Denmark ee DR.
Isagoo soo xiganaya ilo ka tirsan dawladda Denmark iyo militariga, iyo sidoo kale xulafada Yurub, DR ayaa sheegay in sidoo kale la keenay sahay dhiig si loogu daweeyo dadka ku dhaawacmay dagaalka.
Wargeyska Financial Times ayaa sheegay in labo sarkaal oo reer Yurub ah ay markii dambe xaqiijiyeen warbixinta. Wasaaradda difaaca Denmark ayaa BBC-da u sheegtay in aysan "wax faallo ah ka bixin".
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Denmark, oo magaciisa qariyay, ayaa BBC-da u sheegay "keliya tiro kooban oo dad ah ayaa ka warqabi lahaa howlgalka sababo ammaan dartood".
Maraykanka iyo Danmark labaduba waa xubno Nato ah, arrinta Greenland - oo ah mid qeyb ahaan madax bannaan oo ka tirsan Danmark - ayaa si weyn u kala qaybisay Washington iyo xulafadeeda Yurub.
Trump ayaa marar badan sheegay in uu doonayo in uu Greenland ku daro Mareykanka inta lagu guda jiray doorashadiisii labaad ee madaxtinnimada. Hoggaamiyaha Greenland iyo Danmark ayaa si isdaba joog ah u diiday dalabkiisii ahaa inay helaan jasiiradda.
DR waxay sheegtay in warbixinteedu ku salaysnayd 12 ilo oo ka tirsan heerarka ugu sarreeya ee dowladda iyo militariga Denmark, iyo sidoo kale ilo ka tirsan xulafada Denmark ee Faransiiska iyo Jarmalka.
Waxay u sheegeen telefishinka in Copenhagen ay ka codsatay Paris iyo Berlin, iyo sidoo kale waddamada Nordic-ka, taageero siyaasadeed si loola tacaalo Trump, iyadoo la muujinayo midnimo adag oo Yurub ah isla markaana la kordhiyo hawlaha militari ee wadajirka ah ee Greenland.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laakiin ilaha ayaa sheegaya in xaaladdu cirka isku shareertay 3-dii Janaayo markii ciidamo gaar ah oo Maraykan ah ay qabteen madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro hawlgal degdeg ah oo ka dhacay caasimadda Caracas.
Maalintii xigtay, Trump wuxuu wariyeyaasha u sheegay inuu "ka walwali doono Greenland qiyaastii laba bilood gudahood," wuxuuna ku celceliyay in "aan u baahanahay Greenland dhinaca amniga qaranka. Waa meel istaraatiiji ah," isagoo intaas ku daray, isagoo aan caddeyn bixin: "Hadda Greenland waxaa buux dhaafiyay maraakiib Ruush iyo Shiine ah oo meel walba yaalla."
Ilo sare oo ka tirsan ammaanka Denmark ayaa u sheegay DR in: "Marka Trump uu si joogto ah u sheegayo inuu doonayo inuu la wareego Greenland, ka dibna wixii ka dhacay Venezuela ay dhacaan, waa inaan si dhab ah u qaadnaa dhammaan suurtagalnimada."
Dhanka kale, sarkaal reer Yurub ah ayaa u sheegay Financial Times: "Kadib Venezuela, iyagu [Maraykanka] waxay u maleeyeen inay wax walba awoodaan. Aynu qaadanno arrintan, iyo waddankan."
Wax yar ka dib, cutub yar oo ciidan ah oo ka kooban askar Danish, Faransiis, Jarmal, Noorwiijiyaan iyo Iswiidhish ah ayaa loo duuliyay caasimadda Greenland ee Nuuk iyo Kangerlussuaq, halkaas oo ay ku taallo garoon diyaaradeed.
Waqtigaas, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu sheegay in cutubka bilowga ah lagu xoojin doono "awoodo dhulka, cirka, iyo badda ah."
DR waxay sheegtay in diristii xigtay ay ku jirtay askar gaar ah oo Danish ah iyo cutub Faransiis ah oo u tababaran dagaalka meelaha qabow iyo buuraha. Diyaarado Danish ah iyo markab ciidan oo Faransiis ah ayaa loo diray dhanka Waqooyiga Badweynta Atlantic.
Diristaas waxaa loo soo bandhigay inay qayb ka tahay tababarro militari oo wadajir ah oo uu hoggaaminayo Denmark oo lagu magacaabo Operation Arctic Endurance — laakiin sababta dhabta ah waxay ahayd diyaar-garow suurtagal ah oo weerar Maraykan ah, ayay DR sheegtay.
Denmark waxay go'aan ka gaartay in ciidamadeedu dagaallami doonaan haddii Maraykanku weeraro, waxaana sidoo kale askarta loo diyaariyay inay burburiyaan dhabbaha diyaaradaha ee Nuuk iyo Kangerlussuaq si looga hortago in diyaaradaha milatari ee Maraykanku halkaas ka degaan, sida ay sheegtay idaacaddu.
"Iyadoo la kordhinayo kharashka Maraykanka. Maraykanku waa inuu sameeyaa ficil cadawtinnimo si uu u helo Greenland," ayuu ilo difaac Danish ah u sheegay idaacadda, inkastoo uu qirtay in ciidamadu ay u badnayd inaanay awoodi karin inay iska caabiyaan weerar Maraykan ah.
Taariikhdu markii ay ahayd 21-kii Janaayo, Trump — oo hore u diiday inuu meesha ka saaro isticmaalka xoog si uu ula wareego Greenland — wuxuu ku sheegay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos: "Ma doonayo inaan isticmaalo xoog. Ma isticmaali doono xoog. Waxa kaliya ee Maraykanku dalbanayo waa meel la yiraahdo Greenland."
Tan iyo markaas, Trump wuxuu sheegay inuu doonayo "wadahadallo degdeg ah" si xal dhexdhexaad ah loo gaaro loona dejiyo xiisadda.













