Sagaalka waddan ee ugu awoodda badan dhinaca milatariga Adduunka

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Awoodda millitariga ee waddan uu leeyahay ma aha kaliya tirada askarta dalkaasi.

Awoodda militarigu waxay ku lxidhan tahay miisaaniyadda difaaca, qalabka casriga ah iyo kartida istiraatiijiga ah, sida lagu sheegay warbaahinta The NationOnline ee Nigeria.

Iyadoo la adeegsanayo miisaaniyadda difaaca, nidaamyada ka hortagga hubka nukliyeerka, iyo hubka casriga ah, waddamada leh awoodda millitariga ugu weyn adduunyadu waa Maraykanka, Ruushka, iyo Shiinaha.

Qaab-dhismeedyadooda millitariga waxaa ka mid ah ilaalinta hawada, markabyo dagaal oo casri ah, xeryaha militariga oo ku yaalla dalal shisheeye iyo kartida difaaca ee shabakadaha.

Sida lagu sheegay Global Firepower Index 2026, kuwan hoose waa 10-ka waddan ee ugu awoodda badan millitariga adduunka.

Maraykanku

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maraykanka waxa uu awood ahaan hoggaamiyaa adduunka isaga oo leh tirada ugu badan ee askarta, kayd weyn oo khayraad militari ah, iyo miisaaniyadda difaaca ee ugu weyn.

Isaga oo kaashanaya khayraadkeeda, Maraykanka waxa uu leeyahay tiknoolojiyad dagaal oo casri ah, iyo awood sare oo hawada, badda, iyo shabakadaha ah.

Maraykanka waxaa ka howlgala 1,328,000 askar oo joogto ah, 2,127,000 askar kayd ah, iyo miisaaniyadda difaaca ee $895 bilyan.

Ruushka

Ruushka wuxuu leeyahay awood weyn oo hub nukliyeer ah, kayd badan oo askar ah, iyo nidaamyo casri ah oo gaadiidka dagaalka iyo gantaallaha ah.

Ruushka waxaa ka howlgala 1,320,000 askar oo joogto ah, 3,570,000 askar kayd ah, iyadoo miisaaniyadda difaaciisu ay yihiin $126 bilyan.

Shiinaha

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shiinahu waxa uu keeyahay askarta ugu badan iyo sidoo kale awood sare oo hawada iyo badda, isaga oo haysta tiknoolojiyad casri ah.

Shiinaha waxaa ka howlgala 2,035,000 askar oo joogto ah, 3,045,000 askar kayd ah, waxaan uu leeyhaay miisaaniyadda difaaca oo ah $266.85 bilyan.

Hindiya

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

India waxay ka mid tahay dalalka leh millitariga ugu awoodda badan adduunka, iyadoo leh awood nukliyeer iyo kayd weyn oo askar ah. Hindiya waxay saamayn ku leedahay gobolka Asia.

India waxaa ka howlgala 1,455,550 askar oo joogto ah, 5,137,000 askar kayd ah, iyadoo miisaaniyadda difaaca oo dhan $75 bilyan.

Kuuriyada Koonfueed

Kuuriyada Koonfureed waxay maalgashatay tiknoolojiyad casri ah, kayd weyn oo hub ah, iyo diyaargarow weyn oo difaac. Ciidankeeda waxaa loo diyaariyey in lagu wajaho hanjabaadaha gobolka, gaar ahaan Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Koonfureed waxaa ka howlgala 600,000 askar oo joogto ah, 3,800,000 askar kayd ah, iyadoo miisaaniyadda difaaceedu ay tahay $50 bilyan.

Ingiriiska

Boqortooyada Ingiriiska waxay leedahay ciidan casri ah oo awood u leh difaaca hubka nukliyeerka, awood weyn oo badda ah, iyo ciidan ballaadhan oo loo diri karo meel kasta oo caalamka ah.

Ingiriiska waxaa ka howlgala 144,400 askar oo joogto ah, 215,050 askar kayd ah, waxaana miisaaniyadda difaaca lagu qiyaasaa $71.5 bilyan.

Faransiiska

Faransiisku waxa uu leeyahay ciidan casri ah, awood nukliyeer, diyaarado casri ah, iyo kartida faragelin caalami ah.

Faransiiska waxaa ka howlgala 270,000 askar oo joogto ah, 474,750 askar kayd ah, iyadoo miisaaniyadda difaacu ay tahay $63.7 bilyan.

Jabbaan

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciidanka Japan waxay ku tiirsan yihiin tiknoolojiyad casri ah, difaaca gantaallaha iyo amaanka badda. Iskaashiga istiraatiijiga ah ee lala leeyahay xulafadiisa ayaa ka caawiya xoojinta xasilloonida gobolka.

Japan waxaa ka howlgala 247,000 askar oo joogto ah, 317,600 askar kayd ah, iyadoo miisaaniyadda difaacu ay tahay $57 bilyan.

Turkiga

Turkiga waxa uu leeyahay ciidan weyn oo askar joogto ah iyo kayd ah, isaga oo leh awood wax-soo-saar hub gudaha ah, awood sare oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo saameyn gobolka Bariga Dhexe.

Turkiga waxaa ka howlgala 355,200 askar oo joogto ah, 890,700 askar kayd ah, iyadoo miisaaniyadda difaacu ay tahay $20 bilyan.

Talyaaniga

Talyaaniga waxa uu leeyahay ciidan casri ah oo u hoggaansama heerarka NATO, isaga oo leh markabyo sidda diyaaradaha dagaalka, awood difaac shabakadeed, isla markaana ka qaybqaata howlgallada caalamiga ah iyo hawlgallada ilaalinta nabadda.