Mareykanka iyo Israa'iil oo liiskooda ka saaray madax sare oo Iiraaniyiin ah oo ay dili rabeen

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku celcelinaya in Iiraan ay dooneyso in ay gasho wada-hadal lagu soo afjarayo colaadda bilaabatay bishii hore. Balse Iiraan ayaa arrintaa si cad u beenisay, waxaana ay sheegtay in hadalka Washinton uu muujinayo qirashada guul-darrada Mareykanku uu kala kulmay dagaalka.

Mareykanku ilaa iyo hadda ma caddeyn cidda Iiraan ka socota ee uu la hadlay amba uu doonayo inuu kala hadlo joojinta coladda cakirnaanta gelisay gobolka Bariga Dhexe, saameynteedu gaartay qaarado kale.

Laakin Xoghayaha war-baahinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa Arbacadii sheegtay in Madaxweyne Trump uu saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku mashquulsanaa "wadahadallo wax ku ool ah" oo uu la yeeshay Iiraan, mase sheegin cidda dhabta ah ee uu la hadlay.

Fariintaas waxay si weyn uga duwan tahay hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, kaas oo sheegay in Iiraan "aysan hadda wax niyad ah u hayn wadahadal waqtigan."

Wuxuu sheegay in fariimo la "gaarsiiyay dalal ay saaxiibo yihiin Iiraan," balse is-weydaarsigas "aanu ahayn dood, gorgortan ah, ama wax lamid ah."

Waxaa intaas sii dheer, Trump ayaa ku dooday in madaxda Tehran ay ka cabsanayaan inay oggolaadaan inay muujiyaan in ay waddahadal kula jiraan Mareykanka, sababtoo ah cabsi ayay ka qabaan ayuu leeyahay "dibadda iyo gudaha ", taas oo muujinaysa kala duwanaansho weyn oo u dhexeeya sheegashadiisa iyo beeninta Iiraan.

Waxaa sidoo kale jiray warar is khilaafsan oo ku saabsan soo jeedinnada lagu joojinayo dagaalka. Arbacadii, warar ayaa sheegayay in Iiraan ay heshay qorshe 15‑qodob ah oo Maraykanku u soo jeediyay si loo gaaro xabad-joojin, iyadoo qorshahan loo gudbiyey Tehran, isla markaan aloo mariyay Pakistan.

Dhinaceeda Iiraan, "sarkaal sare oo siyaasadda iyo ammaanka ku xeel-dheer" oo Iiraani ah ayaa warbaahinta dowladda ee Press TV laga soo xigtay isagoo sheegay in ay shan shuruudood wataan si loo joojiyo dagaalka, kuwaas oo ay ku jiraan bixinta "kharashaadka dagaalka iyo magdhow ku saabsan khasaaraha uu gaystay" iyo in dagaalku uu gebi ahaanba dhamaado.

Waa kuwee saraakiisha liiska dilka laga saaray?

Mareykanka iyo Israa'iil ayaa si ku-meel-gaar ah uga saaray laba sarkaal oo sare oo Iiraaniyiin ah liiskooda dadka la doon-doonayay, sida ay warbaahinta Israa'iil sheegtay.

Labada sarkaal ayaa kala ah guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan, Maxamed Bagher Ghalibaf, iyo wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Caraqji sida uu qoray wargeyska The Jerusalem Post.

Sida lagu sheegay warbixinta, Israa'iil ayaa go'aansatay inaysan dilin labadan sarkaal si loo sahmiyo suurtagalnimada wadahadallo lala yeesho Iiraan.

Abbas Aragchi ayaa horey u matalay Iiraan wadahadallo ay la yeelatay Mareykanka oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.

Labada sarkaal ayaa laga saaray liiska dilka dadka la doon-doonayay muddo u dhexeysa afar ilaa shantii sano,ee la soo dhaafay sida lagu muujiyay warbixinta.

Warkaan ayaa imaanaya iyadoo Mareykanka iyo Israa'iil oo is garabsanaya ay weerarro iyo duqeymo ay si wada jir ah u fuliyeen ay ku dileen saraakiil iyo mas'uuliyiin sar-sare oo Iiraaniyiin ah.

Dadka Iiraan laga dilay waxaa ka mid ahaa hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee ugu sarreyay Ayyatulah Cali Khameni, wasiirro iyo taliyaal.

Sidoo kale waxaa la dilay xubno muhiim u ahaa dhanka wadahadallada waxaana ka mid ahaa madaxii amniga Iiraan Cali Larijani.