You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Iran oo diidday qorshaha nabadda ee Mareykanka oo ay ku tilmaantay 'mid xad dhaaf ah' waxayna soo saartay shan shuruudood oo lagu soo afjarayo dagaalka

Sida uu sheegay Trump, heshiisku wuxuu la xiriiraa marin biyoodka xasaasiga ah ee Hormuz, oo ah waddo muhiim u ah maraakiibta shidaalka adduunka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, QM oo u codeysay in addoonsigu yahay dembiga ugu weyn ee aadanaha laga galo

    Qaramada Midoobay ayaa soo saartay qaraar ay ku sheegtay in addoonsiga uu yahay dembiga ugu weyn ee ka dhanka ah bini'aadminimada iyadoo dunidu ay xuseyso Maalinta Caalamiga ah ee Xusuusta Dhibbanayaasha Addoonsiga iyo Ganacsiga Addoonsiga ee Transatlantic.

    Qaraarkan oo uu soo gudbiyay madaxweynaha Ghana John Mahama oo uu taageeray Midowga Afrika ayaa ujeeddadiisu tahay in la helo dariiq lagu bogsiin karo iyo caddaaladda, taas oo ay ku jirto raaligelin rasmi ah, ka qayb qaadashada sanduuqa magdhawga caalamiga ah, iyo soo celinta alaabtii la xaday.

    Wakiilladu waxay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen qaraarka 123 mudane, 3 way diideen, 52 kalena way ka aamuseen.

  2. War deg deg ah, Iiraan: Weerarada Israa’iil waxa ay jawaab u yihiin hanjabaadaha Trump

    Taliye ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay weerarro ku qaadeen maanta magaalooyinka Israa’iil ee kala ah Dimona iyo Haifa, isaga oo ku tilmaamay “farriin cad oo jawaab u ah” hanjabaadaha Donald Trump ee ku saabsan weerar lagu qaado warshadaha korontada ee Iiraan.

    Warbaahinta Press TV ayaa sheegtay in IRGC ay billowday weerarro lagu beegsanayo magaalooyinkaas. Sidoo kale, taliska difaaca gudaha Israa’iil ayaa hore uga digay gantaallo laga soo tuurayo Iiraan oo ku wajahan goobahaasi.

    Seyed Majid Mousavi, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee IRGC, ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in Trump “ay tahay inuu barto in hanjabaad kasta iyo digniin kasta oo loo jeediyo Iiraan ay qayb ka tahay ficil dagaal”.

    Toddobaadkii dhammaadkiisa, Trump ayaa ku hanjabay inuu “baabi’in doono” warshadaha korontada ee Iiraan haddii aan dib loo furin marinka Hormuz, balse Isniintii ayuu sheegay inuu dib u dhigayo tallaabadaas shan maalmood.

    WARAR DHEERAAD AH

  3. War deg deg ah, Netanyahu oo sheegay inay “ballaarinayaan” khadka aagga amniga

    Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay kordhinayso aagga amniga ah ee koonfurta Lubnaan. Netanyahu ayaa bartiisa X ku sheegay in ballaarintani ay abuuri doonto “aag difaac oo ka weyn” isla markaana ay ka hortagi doonto weerar dhulka ah oo Israa’iil lagu soo qaado, kaas oo ay fulin karaan ururka Hezbollah ee ay taageerto Iiraan.

    Maalmihii u dambeeyay, ciidamada Israa’iil ayaa qarxiyay buundooyin dhowr ah oo ku yaalla webiga Litani River, oo qiyaastii 30 km u jira xadka u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil.

    Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in buundooyinkaas ay “Hezbollah u isticmaali jirtay marinka argagixisada iyo hubka”.

    Katz ayaa sidoo kale sheegay Talaadadii in kumannaan qof oo Lubnaaniyiin ah oo ka barakacay koonfurta “aysan dib ugu soo laaban doonin koonfurta webiga Litani ilaa amniga dadka deggan waqooyiga Israa’iil la xaqiijiyo.”

  4. War deg deg ah, Tirada guud ee dadka ku dhintay dagaalka socoda

    Waxaa adag in si madax-banaan loo xaqiijiyo dhammaan tirooyinka, haddana inta la ogyahay tirada dhimashada ayaa u muuqata inay kor u dhaaftay 4,500 oo qof.

    Inkasta oo ay adag tahay in si madax-bannaan loo xaqiijiyo dhammaan tirooyinka, haddana tirada dhimashada dagaalka Bariga Dhexe waxay u muuqataa inay dhaaftay 4,500.

    • Iiraan ayaa ah halka ugu badan ee khasaaruhu soo gaaray, iyada oo urur xuquuqda aadanaha ah oo saldhigoodu uu yahay Maraykanka HRANA uu qiyaasayo in dhimashadu ay gaartay 3,291, ayna ku jiraan 1,455 qof oo rayid ah.
    • Lubnaan, oo ay Israel ka waddo duqeymo ka dhan ah Hezbollah ayaa waxaa ku dhintay 1,072 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.
    • Sida ay sheegeen masuuliyiinta Ciraaq, ugu yaraan 81 qof ayaa ku dhintay dalkaasi, badankoodna waa xubno ka tirsan Xashd al-Shaabi (Ciidamada Abaabulka Dadweynaha), kuwaas oo xiriir la leh Iiraan.
    • Israel ayaa dhankeeda soo warisay 18 dhimasho, badankoodna ka dhashay weerarro gantaallo ah. Ciidanka Israel ayaa sheegay in laba askari lagu dilay koonfurta Lubnaan.
    • Mareykanka ayaa dagaalka ku waayay 13 askari, oo ay ku jiraan lix ku dhintay shil diyaaradeed oo shidaal siinaysay diyaarado kale, shilkaasi oo ka dhacay hawada Ciraaq.
    • Dhacdo gooni ah ayaa iyaduna dishay toddoba qof oo ku sugnaa Qatar, kadib markii helikobtar cilad ku timid intii lagu jiray “hawl caadi ah”, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Qatar.
    • Wasaaradda difaaca Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay sagaal dhimasho, oo ay ku jiraan saddex askari iyo lix rayid ah.
    • Kuwait ayaa dhankeeda soo warisay lix dhimasho, oo ay ku jiraan laba sarkaal oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo laba askari.
    • Duqeymo ayaa sidoo kale la sheegay inay dileen afar qof oo ku sugnaa Suuriya, afar Daanta Galbeed ku dhintay, laba Baxrayn, laba Cumaan, iyo laba kale oo ku Sacuudi Carabiya.

    WARAR DHEERAAD AH

  5. War deg deg ah, Iiraan oo faahfaahisay tirada ganataalada iyo diyaaradaha ay ku weerartay Israa’iil iyo goobaha..

    Ciidamada ilaalida kacaanka Iiraan ayaa sheegay in howlgalka Ballanka Sadeq 4 lagu bartilmaameed saday ilaa 81 mawjad oo weeraro ah deegaano ka tirsan Israa’iil oo ay ku jiraan magaalooyinka Xaayfa, Dimona iyo Tel Aviv, iyaga oo adeegsanaya gantaalada “Imad iyo Qiyam, Khorramshahr 4, iyo Qadr pinpoint.”.

    IRGC ayaa bayaan ku sheegtay inay bartilmaameedsadeen 70-goobood oo gudaha Israa’iil ah.

    Wararka qaar ayaa tilmaamaya in tirada gantaalada Iiraan ee loo riday dhanka Israa’iil ay hoos u dhacday, laakiin ay korortay tirada gudaha dalkaasi ku dhacaysa.

  6. War deg deg ah, Maraykanka oo xaqiijiyay ciidamada dalaayadaha ku booda uu u dirayo Bariga Dhexe

    Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay ciidamada kuwa dalaayadaha ku booda uu u dirayo Bariga Dhexe. Waxaa ay imaanaysaa iyada oo maalmahan su’aalo badan oo arrintana ay taagnayeen.

    Pentagon ayaa hadda si rasmi ah u xaqiijisay in qaar kamid ah ciidamada loo dirayo gobolka.

    Qoraal uu usoo diray BBC ayaa afhayeenka uu ku sheegay in qaar kamid ah ciidamada qaybta 82-aad ee qaybta cirka, qaar kamid ah kuwa gurmadka degdega ah iyo kooxda 1-aad ee dagaalka lagadejin doono Bariga Dhexe.

    Sababo amni awgood, afhayeenku ma faahfaahin karo wax intaas dheer.

    Qaabka loo dhisay cutubyadan ayaa noo sheegaya wax badan oo ku saabsan awoodaha la keenayo iyo sida loo adeegsan karo haddii dagaal dhaco.

    WARAR DHEERAAD AH

  7. War deg deg ah, Geeska Afrika: Muhaajiriin ilaa 922 qof oo ka gudbay Badda Cas ayaa geeriyooday

    Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka IOM ayaa sheegtay in tirada dadka sannadkii lasoo dhaafay ku dhintay iyaga oo isku dayaya inay gaaraan Jasiiradda Carabta, kana imaanaya Geeska Afrika ay laban laabmatay, haatana ay gaarayso 922 qof.

    Waxay kamid ahaayeen in ka badan hal milyan oo muhaajiriin ah oo isku dayayay inay ka gudbaan Badda Cas, kuwaasi oo raadinayay shaqo dalalka hodonka ah ee gacanka.

    IOM ayaa sheegtay kororkaasi uu ka turjumayo farsamooyin cusub oo tahriibin ah iyaga oo dhaafaya jidgooyooyin yaala Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya.

    Tobanaan kun oo kamid ah kuwa isku dayaya waddadan ayaa ku dhammaada Yemen, halka IOM ay sheegtay in xaalad bini’aadanimo oo sii xumaanaysa ay sababtay xabsi iyo dhibaatooyin lagula kacay haweenka qaybta ka ah safarka tahriibka.

    WARAR DHEERAAD AH

  8. Rajada wadahadalka Mareykanka iyo Iran oo cadaadis saaray Netanyahu

    Iyadoo ay jiraan calaamado iskhilaafsan oo ku saabsan qorshaha Mareykanka ee wadahadallo cusub oo lala yeesho Iran, haddana waxaa sii socda isdhaafsiga rasaasta ee u dhaxaysa Iran iyo Israa'iil—oo ah labada cadowga isku ah ee ugu weyn Bariga Dhexe.

    Iran ayaa xalay dhowr gantaal ku ridday bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga iyo koonfurta Israa'iil, ka dib markii Israa'iil ay Isniintii fulisay "tobnaan" weerar oo xagga cirka ah oo ka dhex dhacay gudaha Iran.

    Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay inay garaaceen xarumaha taliska ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), wasaaradda sirdoonka ee Tehraan, bakhaarro hub iyo nidaamyada difaaca hawada.

    Agagaarka goobta u dambaysay ee uu qaraxu ka dhacay waqooyiga Tel Aviv, balakoonnada dhismooyinka ayaa dumar, darbiyaduna waxay ku dhex daadanayaan god weyn oo u dhexeeya dhismooyin deegaan ah.

    Wararka maxalliga ah ayaa soo jeedinaya in tani ay ahayd weerar toos ah oo ka yimid gantaalIran laga soo ganay oo si dirqi ah ku dhaafay dhowr dhismo oo dabaqyo ah. Lix qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka, inkastoo aysan jirin dhaawacyo halis ah.

  9. War deg deg ah, Iiraani ka qayb qaatay mudaharaadyada oo raba Maraykanka uu sii wado dagaalka

    Nin Iiraani ah oo ka qayb galay mudaharaadyadii Janaayo, una cararay dalka Turkiga ayaa u sheegay BBC in Iiraaniyiintu ay u muuqdaan kuwo ku dhex go’doonsan dagaal iyo cadaadis gudaha.

    Kamal Abbasi ayaa sheegay in isaga iyo dadkii kale ee mudaharaadayay ay filayeen in faragalinta Maraykanka ay xorriyad siin doonto, laakiin aysan taasi dhicin.

    Wuxuu sheegay in aabihiis oo 82 jir uu ku dhintay isbitaalka, ka dib markii uu ka naxay qaraxyadii Maraykanka iyo Israa’iil.

    Wuxuu intaasi ku daray in markii dhismihii ay deggenayeen la duqeeyay uu go’aansaday inuu ka tago Iiraan, uuna tago Turkiga.

    (Laakiin Kamal Abbasi wuxuu ka digay hakinta dagaalka, isaga oo ka cabsi qaba masiirka tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah oo hadda xabsiyada ku jira.)

    WARAR DHEERAAD AH

  10. War deg deg ah, Iiraan oo qiratay gantaal ka khaldamay uu dilay 6 qof

    Madaxweynaha gobolka Kurdistaan ee Ciraaq, Nechirvan Barzani, ayaa sheegay in Iiraan ay “qiratay” in labada weerar ee gantaallada ballistic-ka ah ee lagu qaaday ciidamada Peshmerga ee sababay dhimashada lix qof Talaadadii, ay ahaayeen “khalad.”

    Barzani ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah intii lagu jiray munaasabad baroordiiq ah oo loo sameeyay dhibbanayaasha oo ka dhacday Soran, gobolka Erbil: “Isla markiiba markii ay dhacdadani dhacday, waxaan la xiriirnay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, waxayna qireen in ay khalad ahayd, waxayna ballanqaadeen in ay baaritaan ku sameyn doonaan arrinta.”

    Labadan weerar ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee sababa dhimasho ka dhex dhacda ciidamada Peshmerga tan iyo bilowgii dagaalka.

    Madaxweynaha gobolka Kurdistaan ee Ciraaq ayaa sidoo kale xaqiijiyay in gobolku “uusan ahayn meel khatar ay kaga timaaddo dalalka deriska ah, gaar ahaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan marka loo eego dhammaan deriska,” isagoo raaciyay, “Annagu qayb kama ahayn dagaalkan, mana noqon doonno qayb ka mid ah.”

    WARAR DHEERAAD AH

  11. War deg deg ah, Taliye Shub oo xilka laga qaaday iyo Taliye cusub oo la magacaabay

    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo loo magacaabay Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

    Xilka Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud loo magacaabay ayaa laga qaaday Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dadka qaar ay ugu yeeraan Taliye Shub.

    WARAR DHEERAAD AH

  12. War deg deg ah, Ghalibaf ''Iiraan waxa ay si dhow ula socotaa dhaqdhaqaaqa Maraykanka''

    Guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan, Mohammad-Bagher Ghalibaf, ayaa sheegay in Iiraan ay “si dhow ula socoto dhammaan dhaqdhaqaaqyada Maraykanka ee gobolka, gaar ahaan dirista ciidammada”.

    “Ha tijaabina go’aankayaga ku aaddan difaaca dhulkeenna,” ayuu ku daray qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada.

    Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (Pentagon) ayaa la filayaa inay dirtay ciidammo ka tirsan qaybta 82aad ee Airborne Division — oo ay ku jiraan ciidammo dhulka ah iyo cutubyo kale— sida ay sheegtay CBS News, oo ah bahwadaagta BBC ee Maraykanka.

    Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in maamulka Trump uu ka fiirsanayay in Ghalibaf noqdo bahwadaag suurtagal ah, isla markaana laga yaabo xitaa inuu noqdo hoggaamiye mustaqbalka ah.

    WARAR DHEERAAD AH

  13. War deg deg ah, Maxay Iiraan u weeraraysaa deriskeeda?

    Sida aan hore u soo sheegnay, saaka dalalka Khaliijka ee Sacuudi Carabiya iyo Kuweyt ayaa sheegay in diyaarado nooca aan duuliye lahayn (drones) lagu soo weeraray dhankooda.

    Meelaha kale ee colaadu ay saamaysay, Qatar, Imaaraadka Carabta, Cumaan iyo Baxrayn dhammaantood waxaa bartilmaameedsaday Iiraan, taas oo ku wajahneyd saldhigyada militari ee Maraykanka iyo sidoo kale kaabeyaasha rayidka iyo tamarta ee gobolka oo dhan.

    Haddaba maxay Iiraan u beegsanaysaa deriskeeda?

    Weriyaheena Barbara Plett-Usher ayaa sharaxaysa in Iiraan ay tahay sababta ay u beegsanayso dariskeeda sumcadda gobolka ee ah goob = ammaan ah oo barwaaqo u ah safarka, dalxiiska iyo maaliyadda, isla markaana ay weerartay warshadaha muhiimka ah ee shidaalka iyo gaaska, taasi ayaa carqaladeynteeda ay keeni kartaa gilgilasho ku dhacda dhaqaalaha caalamka.

    Arrintani waxay sare u qaadaysaa khatarta ku wajahan deriska Carabta, kuwaas oo laga yaabo inay kordhiyaan cadaadiska ay saaraan Maraykanka si dagaalka loo joojiyo.

    WARAR DHEERAAD AH

  14. War deg deg ah, Israa'iil oo shaki ka muujisay in Iiraan ay oggolaanayso heshiiska Maraykanku soo bandhigay

    Wasiirka dhaqaalaha Israa’iil ayaa BBC u sheegay in Iiraan ay u badan tahay in aysan oggolaan doonin qorshe nabadeed oo ka kooban 15 qodob oo la sheegay inuu soo jeediyay Maraykanku.

    Nir Barkat ayaa ku tilmaamay qorshahaasi in uu yahay mid warqad ahaan u qurux badan, balse u baahan dammaanad haddii la doonayo in la hirgaliyo.

    Wasiirka ayaa shaki ka muujiyay in nidaamka Iiraan uu waligiis beddeli doono siyaasaddiisa, isaga oo sheegay in ujeeddooyinka ugu waaweyn ee Israa’iil ee dagaalka ay tahay in Iiraan laga dhigo dal aan lahayn Nukliyeer, gantaallo, isla markaana aan lahayn wax beddel ah.

    WARAR DHEERAAD AH

  15. War deg deg ah, Maxaa kamid ah qodobada xabad joojinta Maraykanka ee dagaalka Iiraan

    Sida ay tabisay wakaalada wararka AP, Iiraan ayaa heshay qorshaha 15 qodob (15-point plan) oo lagu gaarayo xabad-joojin Maraykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan, sida ay shaaciyeen Labo sarkaal oo Pakistani ah.

    Qodobada kamidka ah soo jeedinta guud ee waxaa ugu muhiimsan.

    ·Qaadista cunqabataynta

    ·Dib u eegis lagu sameeyo barnaamijka nukliyeerka Iiraan

    ·Iskaashi Nukliyeer oo rayid ah

    ·Kormeer ay samayso hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Atoomiga

    ·Xaddidaadyo lagu sameeyo gantaallada iyo oggolaanshaha maraakiibta ee ah inay maraan marinka Hormuz

    Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa horay u sheegay in dalkoodu uu diyaar u yahya martigelinta wadahadaloo lagu xallinayo khilaafka.

    Ma jiro wax xaqiijin ah oo faahfaahinta oo ka yimid Aqalka Cad. Militariga Iiraan ayaa beeniyay inay wadahadallo la leeyihiin Maraykanka.

    WARAR DHEERAAD AH

  16. ”Mareykanka isagaa wadahadal iskula jira” - Iran oo caddeysay.

    Mareykanka isaga ayaa "isla ghadlaya", ayuu yiri afhayeen u hadlay militariga Iiraan, isagoo intaas ku daray: "Annagu weligeen lama heshiin donno wax idinka oo kale ah”

    Hadalladan Iiraan ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku adkeystay in Iiraan ay „rabto heshiis " si weyn u dooneyso heshiis" - isagoo dhanka kalena sheegay in Iiraan ay siisay Mareykanka "hadiyad aad u weyn” oo ku fadhido lacag aad u badan.

    Sida uu sheegay Trump, heshiisku wuxuu la xiriiraa marin biyoodka xasaasiga ah ee Hormuz, oo ah waddo muhiim u ah maraakiibta shidaalka adduunka.

    Si kastaba ha ahaatee, ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca "hadiyadda", inkastoo uu sheegay inay qiimo weyn leedahay, taasoo keentay su'aalo badan oo ku saabsan waxa labada dhinac ay ku heshiiyeen.

    Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in Mareykanku uu gudbiyay qorshe nabadeed oo ka kooban 15 qodob - oo ay ku jirto in ay baa’biiso xarumaha nukliyeerka, si loogu beddelo in cunaqabataynta laga qaado.

    Dhanka kale, Pentagon-ka Mareykanka ayaa isu diyaarinaya inuu ciidamo dheeri ah u diro Iiraan, sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka ee CBS News oo bahwadaag la ah BBC-da - laakiin si sax ah looma sheegin meesha iyo goorta, Aqalka Cadna kama uusan hadlin.

    Sidoo kale akhriso.

  17. Waxa kala qabsaday dagaalyahankii CIA-da iyo injineerkii al-shabaab

    Bishii November ee sanadkii 2020-kii gawaari kolonyo ah oo ay leedahay hay'adda sirdoonka Mareykanka ee C.I.A ayaa xilli habeennimo ah u baxay si ay usoo fuliyaan howlgal khaas ah oo lagu bartilmaameedsanayay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, balse sidii uu qorshuhu ahaa wax uma dhicin, sida lagu sharraxay maqaal uu qoray wargeyska New York Times.

    Kolonyada oo ka baxay Muqdisho ayaa sii maray waddo xeebta barbar socota oo dhanka koonfureed ah, taasoo geyneysa dhulka ay gacanta ku hayaan xoogagga al-shabaab, oo sida uu wargeyskan xusay ka mid ah ururrada mintidiinta ee ugu halista badan qaaradda Afrika.

    Tuulo badda dhinaceeda ah ayay gawaarida ku hakadeen, halkaasoo ay uga dageen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee iskaashanayay, waxayna durbadiiba weerar gaadmo ah ku qaadeen guri ay ku dileen dhowr xubnood oo mintidiinta ka mid ah, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

    Laakiin hal nin ayaa ka baxsaday goobtaas wuxuuna islamarkiiba soo laabtay isagoo si xowli ah u kaxeynaya gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo loogu talogalay ismiidaamin, wuuna qarxiyay.

    Qaraxaas waxaa ku dhintay saddex Soomaali ah, askari Mareykan ahna dhaawac culus ayaa kasoo gaaray. Wuxuu ahaa Michael Goodboe, oo 54 jir ahaa, ka tirsanaa saraakiisha tababarka khaaska ah leh ee C.I.A-da, horayna ugasoo mid ahaan jiray ciidamada isugu jira kuwa cirka, badda iyo dhulka ee Mareykanka.

    Waxaa diyaarad loogu qaaday isbitaal ay militariga Mareykanka ku leeyihiin Jarmalka, balse 17 maalmood kaddib ayuu u geeriyooday dhaawicii.

    Geerida Mr. Goodboe waxay ahayd mid ka mid ah kuwa dhifka ah ee Mareykanka Mareykanka kasoo gaara dagaalka dadban ee ay tobanka sano kula jiraan al-shabaab.

  18. “Hadiyadda weyn” ee uu Trump sheegay in Iiraan ay u soo bandhigtay Mareykanka

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Iiraan ay siisay Mareykanka waxa uu ugu yeeray "hadiyad aad u weyn" iyada oo loo marayo wadaxaajoodyadeeda, isagoo arrinta la xirriiriyay arrimaha saliidda iyo gaaska.

    Sida uu sheegay Trump, heshiisku wuxuu la xiriiraa marin biyoodka xasaasiga ah ee Hormuz, oo ah waddo muhiim u ah maraakiibta shidaalka adduunka.

    Si kastaba ha ahaatee, ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca "hadiyadda", inkastoo uu sheegay inay qiimo weyn leedahay, taasoo keentay su'aalo badan oo ku saabsan waxa labada dhinac ay ku heshiiyeen.

    Sidoo kale akhriso.

  19. Cuntooyinka madaxweynaha Uganda ka caawiyay inuu iska rido 30 kiilo

    Cunto ka kooban xidiidka loo yaqaanno kasaafada, bataatiga iyo khudaarta dabiiciga ah ayaa ka caawiyay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni , inuu iska rido miisaan dhan 30 kiilo, sida uu isaga qudhiisa u sheegay BBC-da.

    "Aniga mar walba caafimaadkeygu wuu fiican yahay, laakiin dhakhaatiirka ayaa soo saaray khaladaadka ka dibna waxaan go'aansaday inaay culeyska iska dhimo", ayuu yiri Mr Museveni.

    Hoggaamiyahan 75 jirka ah ayaan markii hore la soconin culeyskiisa oo gaaray ilaa 106 kiilo.

    Wuxuu beeniyay qoraallo faallo ahaan looga bixiyay baraha bulshada, oo lagu sheegayay "inuu daal ka muuqdo", isagoo sheegay inuu xoogaa iscaateeyay kaliya.

    Bartiisa shakhsi ahaaneed ayuu bishii lasoo dhaafay ku yiri: "Waxaan isku fasaxay cayil jirka oo dhan iga galay, sababtoo ah dhakhaatiirku iima sharrixin inuu dhibaato keenayo ama in loo baahnaa in cayilka lala dagaallamo".

    Wuxuu intaas ku daray in hadda miisaankiisa uu yahay 76 kiilo, kaasoo ku habboon dhirirkiisa oo ah 5ft 7in (170cm).

    Hase ahaatee Mr Museveni ma uusan sheegin muddada ay ku qaadatay inuu iska rido 30 kiilo.

    "Waxaan cunaa xoogaa xididka kasaafada ah, sababtoo ah ma cuno raashinkiinna Yurub iyo kuwa Aasiya toona. Waxaan cunaa raashinkeenna sida; kasaafada, mooska, misirta iyo khudaarteenna dabiiciga ah", ayuu yiri Mr Museveni oo u warramayay BBC-da.

  20. Qadar oo go’aan aan la fileyn ka soo saartay wadahadalka Mareykanka iyo Iiraan

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegtay in Qadar aysan ka qayb qaadan doonin geeddi-socodka dhexdhexaadinta ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan si loo soo afjaro heshiiska nukliyeerka Iiraan.warkan kaga dhawaaqay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar.

    Majid Ansari wuxuu sheegay in waxa hadda ay wajahayso Qadar ay tahay in la soo afjaro weerarrada lagu hayo.

    Sannadihii ugu dambeeyay, gaar ahaan ka hor dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhacay sanadkii hore, Qatar waxay ka mid ahayd dhexdhexaadiyeyaasha ugu waaweyn ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

    Markii la weydiiyay in Qatar ay sii wadi doonto taageerada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ka dib weeraradii lagu qaaday waddamada Carabta ee Khaliijka, Ansari wuxuu yiri, "Haa, waan sii wadi doonnaa, ma kala go'i karno."

    Waxa uu sidoo kale sheegay in Qatar ay wadahadallo kula jirto Mareykanka si ay u sahamiso xal diblomaasiyadeed.

    "Dowladda Mareykanka waxay go'aansatay inay dagaalkan bilowdo sababo la xiriira walaaceeda ku aaddan amniga Bariga Dhexe," ayuu yiri.

    Wuxuu intaas ku daray in in Qadar ay la shaqeyneyso Mareykanka si loo joojiyo weerarrada "ka dhanka ah dalalkeenna".

    Ilaa hadda, dalalka Masar, Pakistaan, iyo Turkiga ayaa isku dayaya inay farageliyaan arrinta si loo soo afjaro dagaalka.

    Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Pakistan ay hoggaamin doonto wadahadal lagu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran.

    Wararka ayaa sheegaya in saraakiil sarsare oo Mareykan ah oo ay ku jiraan ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Trump Steve Witkoff iyo madaxweyne ku xigeenka JD Vance ay la kulmi doonaan wakiillada Iran ee Pakistan.

    Sidoo kale akhriso.

Trending Now