You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dal Afrikaan ah oo ogolaaday inuu qaato dadka laga soo tarxiilayo Maraykanka
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa ogolaatay inay qaabisho muhaajiriin laga soo tarxiilay Maraykanka oo aan laftoodu u dhalan Kongo, sida ay sheegeen masuuliyiintu.
Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa sheegtay in la sameeyay qaab ku meel gaar ah, iyadoo dhismayaal loogu talagalay in la dejiyo dadka imaanaya laga sii xushay caasimadda Kinshasa.
Mareykanka ayaa bixin doona "taageerada saadka iyo farsamada" sida lagu xusay bayaan la sii daayay Axadii, kaasoo qeexaya in dowladda Kongo aysan ku qasbanaan doonin inay qaado wax kharash ah oo maaliyadeed marka loo eego nidaamkan.
Dawladdu ma aysan cayimin inta qof ee la tarxiilayo ee ay aqbali doonto. Dowladda Mareykanka ayaa horey dad badan ugu dirtay dalal kale oo Afrikaan ah, taasoo qeyb ka ah howlgalka Washington ee ka dhanka ah socdaalka.
Iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in muhaajiriinta dib loogu celiyo waddamadii ay ka yimaadeen, halkaas oo dadka qaar ay ka baqayaan cadaadis mas'uuliyiinta Kongo ku yimaada ayaa waxay sheegeen in aan la qorsheynin wareejintaas.

Toddobaadkii hore, siddeed qof oo ka kala yimid dalal kala duwan oo Afrikaan ah ayaa loo musaafuriyay Uganda.
Sida lagu sheegay warbixin ku saabsan dadka laga tirada badan yahay oo ay soo saareen guddiga xiriirka dibadda ee Senate-ka Mareykanka, maamulka Trump ayaa "ay u badan tahay" in uu ku bixiyay in ka badan $40 milyan (£30 milyan) masaafurinta dadka ee dalal saddexaad illaa Janaayo 2026, in kasta oo wadarta kharashka aan la ogeyn.
Maraykanku wuxuu "si toos ah" u siiyay in ka badan 32 milyan oo doolar shan waddan oo kala ah Equatorial Guinea, Rwanda, El Salvador, Eswatini iyo Palau ayuu raaciyay.
Maraykanku waxa kale oo uu Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo kala xaajoonayaa heshiis dhinaca macdanta ah si ay u helaan kaydka baaxadda leh ee biraha istaraatiijiga ah ee dalkan Afrikada dhexe, sida cobalt, tantalum, lithium iyo copper.
Inta uu xilka hayey maamulka Trump ayaa Maraykanku waxa uu sidoo kale fududeeyay dhamaystirka heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo iyo Rwanda, inkasta oo hirgelintiisa ay weli caqabad haysato.