Ciidamada badda Iiraan oo fariin u diray maraakiibta ku sagan Hormuz, maxayse ku saabsan tahay
Shirkadda howlaha maraakiibta SSY ayaa u xaqiijisay BBC Verify in maraakiibta ku sugan Gulf ay heleen fariintan:
“Digniin dhammaan maraakiibta. Digniin dhammaan maraakiibta. Digniin dhammaan maraakiibta ku sugan Gacanka Persia iyo Badda Cuman. Tani waa Saldhigga Badda ee Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC). Gudbida Marin-biyoodka Hormuz weli waa xiran yahay, waana inaad oggolaansho ka heshaan IRGC ka hor intaadan maraakiibtu marin. Maraakiib kasta oo isku dayda inay gudbaan waa la beegsan doonaa oo la burburin doonaa.”
Claire Grierson, madaxa cilmi-baarista maraakiibta shidaalka ee SSY, ayaa u sheegtay BBC Verify in shirkaddu ay ogtahay in shaqaalaha maraakiibta ay maqleen fariintan kanaal raadiyo ah oo loo isticmaalo digniinaha badda ee caalamiga ah.