Maxaan ka ognahay 'diyaaradda qiyaamaha' haddii uu dhaco dagaal Nukliyeer?

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

"Diyaaradda qiyaamaha waa nooc diyaaradeed Boeing E-4B ah, waana diyaarad loogu talo galay in amarrada laga bixiyo oo la isticmaalo marka ay jiraan xaalado dagaal oo cakiran sida weerarrada nukliyeerka iyo masiibooyinka kale ee waaweyn, si hoggaanka Maraykanku u sii wado hawlaha maamulka dalka ugana baxo dhibaatada.

Ujeeddada loo sameeyay diyaaraddan, iyada oo adeegsigeeda la bilaabay xilligii ugu kululaa Dagaalkii Qaboobaa ee sanadkii 1974, waxay ahayd in la helo xarun amar oo hawada ah haddii xaaladdu faraha ka baxdo gudaha Maraykanka.

Diyaaraddan oo loogu talagalay in la isticmaalo xilliyada dagaalka, waxaa adeegsan kara oo kaliya Madaxweynaha Maraykanka, Wasiirka Difaaca, iyo Taliyeyaasha Sare ee Ciidamada qalabka sida inta lagu jiro qalalaasaha iyo xaaladaha degdegga ah si loo hubiyo xakamaynta xaaladda iyo xiriirka hay'adaha kale ee dowladda.

"Diyaaradda Qiyaamaha" waxay duuli kartaa si joogto ah muddo toddoba maalmood ah iyadoo aan istaagin. Sidoo kale waxay ka awood badan tahay koox diyaarado dagaal ah.

Diyaaradaha Qiyaamaha ee Maraykanka

Ciidanka Cirka ee Maraykanku hadda wuxuu ka shaqeynayaa dib-u-habeyn iyo qaabeyn lagu sameenayo shan diyaaradood oo Boeing 747-8 ah, oo horey u adeegsan jirtay shirkadda Korean Air, si ay u beddelaan E-4B.

Diyaaradahaas waxaa lagu qalabeyn doonaa difaac ka dhan ah shucaaca iyo garaaca elektromagnetic (EMP), anteenooyin isgaarsiineed, kombiyuutarro, nidaamyo hawlgal, naqshad gudaha oo casri ah, iyo awood ay ku shidaal qaadan karaan marka ay hawadaku jiraan. Qiimaha shantaas diyaaradood ayaa gaaraya ku dhawaad 13 bilyan oo doolar.

Diyaaraddan waxa ay leedahay awoodo u suuragalinaya in ay duulimaadyo badan sameeyso xilliyada masiibooyinka dagaalka ay jiraan iyo qalalaasaha kale, maadaama ay leedahay awood aan laga helin diyaaradaha kale ee dagaalka, sida inay ka badbaadi karto weerarrada nukliyeer, weerarrad cyberka ah, iyo saameynta elektromagnetic, sidoo kale waxay awood u leedahay inay gantaallo riddo.

Waxa kale oo ay leedahay awood isgaarsiineed oo aad u weyn, maadaama ay ku xiran yihiin 67 anteeno, taas oo ay ku xiriiri karaan cid kasta iyo goob kasta.

Maraykanku wuxuu isticmaali jiray noocyo kale, kuwaas oo la casriyeeyay, tusaale diyaaraddii Boeing E-4A ee loo beddelay E-4B. Ciidanka Cirka ee Maraykanku waxay heleen noocii ugu horreeyay ee B sanadkii 1980, waxaana dhammaan raxantii loo beddelay nooca B ilaa 1985.

Sida uu sheegay Ciidanka Cirka ee Maraykanku, diyaaraddan waxaa la adeegsadaa marka ay jirto xaalad qaran oo degdeg ah ama marka xarumaha amarka dhulka la burburiyo, si loo helo xarun bixisa amarrada oo ay taliyeyaashu ku maamulaan ciidamada.

Waxa ay sidoo kale, suuragelisaa in xiriir lala yeesho xarumaha kala duwan ka dib masiibooyin dabiici ah sida duufaannada iyo dhulgariirrada. Waa nooc militari oo ka mid ah diyaaradda rayidka ee Boeing 747-200.

Maxay la gaar tahay?

  • Waxay duuli kartaa toddoba maalmood oo xiriir ah iyadoo aan istaagin.
  • Shaqaalaha iyo ciidanka saaran waxay la xiriiri karaan dhulka meel kasta oo joogaan.
  • Awoodeedu waxay ka sarreysaa tan ciidamada difaaca hawada ee Maraykanka.
  • Waxaa loo naqshadeeyay si ay uga badbaado weerarro nukliyeer iyo khataro kale oo hawada ah.
  • Matoorradeedu waxay shaqeeyaan 24 saacadood maalintii, 365 maalmood sanadkii, taasoo ka dhigaysa mid mar walba diyaar ah.
  • Qiimaheedu waa 223 milyan oo doolar.
  • Dalka keliya ee kale ee leh diyaarado noocan ah waa Ruushka.
  • Waxay duuli kartaa daqiiqado gudahood marka weerar dhaco.
  • Waxay ka kooban tahay saddex dabaq oo leh qalab aad u casri ah oo u adkeysan kara magnet-ka kororntada
  • Duuliyaha wuxuu arki karaa goobta ay jogaan Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirrada iyo mas'uuliyiin kale isagoo adeegsanaya shaashado gudaha ah.
  • Maraakiibta quusa ee ku jira badaha fog waxay heli karaan amarro militari meel kasta oo ay joogaan.
  • Waxay ka duwan tahay "Air Force One" oo loo adeegsado safarrada caadiga ah ee Madaxweynaha.

Warbaahinta ayaa si weyn u hadal haysay diyaaraddan gaar ahaan markii Donald Trump noqday madaxweynaha Maraykanka, iyadoo ay jireen hadallo kulul oo isaga iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un dhex marayay.

Xiisaddaasi waxay gaartay heer sare bishii Janaayo 2018, markii Kim Jong Un sheegay inuu "rimootka nukliyeerka had iyo jeer miiskiisa saaran yahay."

Diyaaraddan weyn ayaa marar badan la arkay iyadoo u duulaysa Washington sanadihii dambe, taasoo sii kordhisay xiisaha ku saabsan awooddeeda iyo doorkeeda.