Su'aasha ay adag tahay in laga jawaabo ee ku aadan dagaalka Iiran
Frank Gardner, oo ah wariye amniga u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha dibadda UK, ayaa is weydiinaya:
Sidee marinka Strait of Hormuz dib loogu furi karaa si ganacsigu caadi ugu socdo iyadoo la adeegsanayo diblomaasiyad?
Su’aashan ayaa maanta lagu falanqeynayaa shir khadka internetka ah oo ay leeyihiin wasiirrada arrimaha dibadda, kaas oo ay martigelinayso Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Yvette Cooper, kana dhacaya xafiiska Westminster.
Jawaabo sahlan ma jiraan.
Madaxweyne Donald Trump iyo dagaalka Israel uu kula jiro Iran ayaa si lama filaan ah u xoojiyay awoodda wadahadal ee nidaamka Iiraan marka loo eego sidii uu ahaa ka hor dagaalka.
Iyadoo hanjabaad u jeedinaysa maraakiibta maraya marinkan muhiimka ah, Iiraan waxay si wax ku ool ah u qabsan kartaa dhaqaalaha caalamka.
Iyadoo boqolaal maraakiib ah ay ku xanniban yihiin labada dhinac ee marinka, qiimaha shidaalka, gaaska iyo naaftada ayaa si weyn u kacay.
Madaxweyne Trump ayaa mararka qaar ka labalabaynayay mowqifkiisa—mar wuxuu u hanjabay Iiraan inuu ku qasbi doono inay dib u furto marinka, mar kalena wuxuu muujiyay inuu gebi ahaanba ka bixi karo arrinta.
Hadda, wuxuu sheegay in dalalka u baahan badeecadaha ka imanaya Gacanka ay iyagu xal ka gaaraan arrintan.