BBC-da ayaa si ay u xaqiijiso warkan waxay la hadashay labo qof oo garoonka joogay xilliga ay soo caga dhiganaysay diyaaradda madaxweynaha, midkood waxa uu kamid yahay masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, halka kan kale uu yahay suxufi, labaduba waxay BBC u sheegeen wixii ay ogaayeen
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyay geerida Behnam Rezaei oo ahaa madaxii hay’adda sirdoonka badda.
Israa’iil ayaa horay u sheegtay in Rezaei lagu bartilmaameedsaday weerar dhacay 26-kii Maarso.
Sida laga soo xigtay militariga Israa'iil (IDF), "Rezai wuxuu mas'uul ka ahaa ururinta sirta ee dalalka deriska ah, wuxuuna hogaaminayey iskaashiga hay'ado sirdoon oo kala duwan".
Warbaahinta Iiraan ayaa soo warisay xus loo sameeyay Rezaei 27-kii Maarso, laakiin IRGC ayaa hadda si rasmi ah u xaqiijisay dhimashadiisa dhowr maalmood ka dib.
IRGC ayaa sidoo kale xaqiijisay geerida Tangsiri afar maalmood kadib sheegashada Israa’iil.
Mid ka mid ah labadii qof ee saarnaa dayaaraddii Maraykanka laga soo riday oo la soo badbaadiyey
Howlgallo baaritaan ah ayaa lagu soo badbaadiyay hal qof oo ka mid ahaa shaqaalihii diyaaradda, kaddib markii diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka lagu soo riday galbeedka Iran, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka iyo Israa’iil oo soo xiganayay saraakiil aan la magacaabin.
Warbixinada diyaarada F-15E ee Maraykanka laga soo riday ayaa markii ugu horeysay waxaa daabacday wakaalada wararka ee Tasnim ee taabacsan Kacaanka Islaamiga ah. Waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo diyaarad Mareykan ah ay Iran soo riddo tan iyo markii uu bilowday dagaalka 28-kii Febraayo.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo ay BBC-du xaqiijisay ayaa muujinaya diyaarad shidaal ku shubaysa iyo labo helikobtar oo joog hoose ku duulaya gobolka Khuzestan, kuwaas oo ka qayb qaadanaya howlgalka goobidda iyo samatabixinta.
Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka (Centcom) ayaa la filayaa inuu dhawaan war kasoo saaro.
F-15E ayaa waxaa fuula laba qof, taasoo ka dhigaysa in xubin kale oo shaqaale ah la la'yahay.
Maxkamad Faransiiska ku taalla oo ku gacan sayrtay in la mamnuuco isu imaatinnada Muslimiinta
Xigashada Sawirka, AFP
Kulan ballaaran oo ay isugu imaanayaan muslimiinta waqooyiga magaalada Paris ayaa ku socda sidii loo qorsheeyay kadib markii maxkamad ku taal Faransiiska ay laashay dalab ay dowladdu ku doonaysay inay mamnuucdo.
Waaxda booliska ee Paris ayaa ku dooday in kulanka afarta maalmood ah ee sanadlaha ah ee muslimiinta Faransiiska uu ahaa khatar amni, sababtoo ah waxay noqon kartaa bartilmaameed argagixiso.
Laakiin qabanqaabiyeyaasha oo ah ururka Muslimiinta Faransiiska (MF) ayaa waxay dalbadeen amar deg-deg ah si ay u oggolaadaan munaasabadda inay sii socoto, iyagoo ku doodaya in mamnuuciddu ay noqon doonto meel ka dhac lagu sameeyo xorriyadaha aasaasiga ah.
Maxkamadda maamulka ayaa ogolaatay isu imaatinka oo ay burisay wareegtadii dowladda, labo saac uun ka hor xilliga la qorsheeyay 14:00 (13:00 BST).
Maxkamaddu waxay go'aankeeda ku sheegtay in qodobbada ay soo saareen booliisku "aysan caddayn khatarta mudaaharaadyada, ama in isu imaatinka ay bartilmaameedsanayaan kooxaha midigta fog".
Waxa ay sidoo kale meesha ka saartay doodda ah in munaasabadan ay culeys aan la aqbali karin ku keeni doonto agabka booliska, iyadoo xustay in qabanqaabiyeyaasha laftooda ay xaqiijiyeen ammaan dheeri ah.
Trump oo shaqada ka eryey xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka
Xigashada Sawirka, AP
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilka ka qaaday Xeer Ilaaliyaha Guud ee maraykanka Pam Bondi oo ay muddo dheer xulufo ahaayeen, si adagna u difaaci jirtay maamulkiisa, iyadoo ahayd sarkaalka ugu sarreeya ee sharci fulinta Mareykanka.
Trump ayaa ku ammaanay qoraal uu soo dhigay barta Truth Social, wuxuuna sheegay in ay "u gudbi doonto" door ay ku leedahay ganacsiga gaarka ah.
Waqtigii Bondi ay hogaaminaysay waaxda cadaaladda waxaa inta badan hareeyay sida ay u maareysay sii deynta faylasha la xiriira Jeffrey Epstein iyo baaritaankeeda ku aaddan dembiilahaas galmada ee lagu xukumay.
Waa mas'uulkii labaad ee maamulka Trump ka tirsan toddobaadyadii la soo dhaafay oo laga qaado jagadeeda, ka dib markii Kristi Noem laga eryay madaxa amniga gudaha bishii Maarso. Bondi waxaa bedeli doona ku xigeenkeedii hore, Todd Blanche.
Waa kee dalka ay muwaadiniinta Afrikaanka ahi sannadkan booqan karaan Visa la'aan
Xigashada Sawirka, X.com
Madaxweynaha Ghana John Mahama ayaa sheegay in dalkiisa uu billaabi doono 25-ka bisha May nidaamka gelitaanka dal-ku-galka bilaashka ah ee dhammaan waddamada Afrika.
25-ka May ayaa waxa ay ku beegan tahay maalinta Afrika oo dalka laga xuso si loogu dabaaldego dhaqanka iyo taariikhda Afrika.
"Safarka Visa la’aanta ee Afrikaanku waxay qayb ka noqon doontaa siyaasadda cusub ee fiisaha elektaroonigga ah ee maamulka Ghana" Wasiirka arrimaha dibadda Ghana Samuel Ablakwa ayaa sidaa ku qoray barta X.
Sannadkii 2024-kii, Madaxweynihii hore ee Nana Akufo-Addo ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay siyaasad bilaa dal ku gal ah oo dadka haysta Baasaboorka Afrika laga bilaabo Janaayo 2025.
Si kastaba ha ahaatee, wasiirka arrimaha dibadda ayaa ku micneeyay in siyaasaddaas aan la hirgelin karin, sababtoo ah nidaamka iyo tallaabooyinka amniga oo aan weli la dejin.
Dayaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ku dhacday gudaha Iiraan
Xigashada Sawirka, getty
Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa ku burburtay koonfurta Iran, taasoo keentay in hawlgal baaritaan iyo samatabixin ah la sameeyo si loo badbaadiyo labada qof ee shaqaalaha ah.
labo sarkaal oo Mareykan ah ayaa sheegay arrintan sida ay werisay jariidada Washington Post, taasoo calaamad u ah dhacdadii ugu horreysay ee diyaarad Mareykan ah oo ku dhacday gudaha dhulka cadawga ah ee dagaalka socday muddada bisha ah.
Ilaa hadda ma cadda halka ay ku danbeeyeen shaqaalaha dayaaradda.
Diyaaradda ku lug lahayd shilkan ayaa u muuqatay inay ahayd mid ay leeyihiin Ciidanka Cirka oo ah nooca F-15E, sida laga soo xigtay saraakiisha iyo sawirrada burburka oo ay faafisay warbaahinta dawladda Iran.
Pentagon-ka si degdeg ah ugamay jawaabin.
Dhacdadan ayaa noqonaysa tii afraad ee ah dayaarad F-15 ah oo la waayey tan iyo markii uu dagaalku bilowday. Horraantii bishii Maarso, shaqaalaha Kuwait ayaa si khalad ah u soo riday saddex ka mid ah diyaaradahaas. Dhammaan lixdii shaqaalihe ee saarnaa ayaa si nabad ah looga soo saaray.
Xasan Sheekh oo Baydhabo gaaray iyo hoobiyeyaal laga maqlay garoonka
Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ka tirsan dawladdiisa ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Tagista madaxweynaha ee magaalada Baydhabo kaddib ayaa baraha bulshada waxa lagu faafiyay muuqaallo garoonka ah oo laga maqlayo dhawaaq lagu sheegay in ay yihiin hoobiyayaal lagu soo tuuray garoonka.
BBC-da ayaa si ay u xaqiijiso warkan waxay la hadashay labo qof oo garoonka joogay xiliga ay soo caga dhiganaysay diyaaradda madaxweynaha, midkood waxa uu kamid yahay masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, halka ka kale uu yahay suxufi, labaduba waxay sheegeen in labo hoobiye ay ku soo dhaceen xayndaabka uu garoonku ku yaallo.
Labada hoobiye ayaa midkood waxa uu soo dhacay markii diyaaradda madaxweynaha ay caga dhigatay garoonka, halka ka kale uu soo dhacay, markii uu madaxweynuhu istaagay halka uu salaanta kaga qaadanayay cutubyo ka tirsan milatariga Soomaaliya.
Hoobiyaha koowaad ayaa ku dhacay meel u dhow halka diyaaradda ay taaganayd oo aan ka fogayn, qiyaastii labo boqol oo mitir, sida masuul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed u sheegay BBC-da.
Madaxweynaha ayaa si caadi ah u qaatay salaan sharafta ciidamada, isagoo markii dambe si nabada garoonka looga galibiyay isaga iyo wafdigiisa.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka hoobiyayaasha ah ee lagu qaaday garoonka Baydhabo, xili uu ka dagayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, laakiin sidan oo kale dhawr jeer waxa madaafiic garoonka ugu soo tuuray ururka al-Shabaab oo dagaal ku jira dawladda iyo ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika.
Dab ka kacay gantaal lala beegsaday xarun gaas oo ku taalla Abu Dhabi
Xigashada Sawirka, AP
Maamulayaasha Abu Dhabi ayaa sheegay inay ka jawaabayaan shil uu sababay firir soo daatay.
Burburku waxa uu ku dul dhacay xarunta gaaska Habshan "kadib markii lagu guulaysaty in gantaalka uu dhexda ka qabto nidaamka difaaca hawada”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska warbaahinta Abu Dhabi.
"Hawl-galladii waa la hakiyay iyadoo mas'uuliyiintu ay ka jawaabayeen dab," ayay tiri hay’adda, iyadoo intaas ku dartay in aan wax khasaare ah la soo sheegin.
Imaaraatka Carabta ayaa horey u sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada gantaalada iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee “ka soo jeeda Iran” waxa ayna si gooni gooni ah u sheegeen dhacdo kale oo ah firir ku soo daatay gobolka Ajban.
Weerarrada lagu hayo warshadaha biyaha macaaneeya ee khaliijka oo gobolka ka dhigaya mid aan lagu noolaan karin
Xigashada Sawirka, Reuters
Markii hore waxaa la garaacayey warshadaha sifaynta batroolka, hadda waxaa la garaacayaa kuwa biyaha dhanaan macaaneeya iyo kuwa korantada ee Kuwait.
Taasi waxay waxay walaac ku abuuraysaa dadka, waayo tan iyo markii uu dagaalka billowday dalalka khaliijka waxay dhibaato ka soo gaartay aargoosiga Iiraan.
Qaybtan ka midka ah bariga dhexe waa dhul oomane ah, waxayna ku tiirsan tahay korantada yio wasrshadaha biyaha badda macaaneeya, taasoo ah 90% biyaha la cabo. Haddii taa la waayo khaliijku wuxuu noqonayaa meel aan lagu noolaan karin, waana welwelka ugu weyn ee haysta hogaamiyeyaasha gobolka.
Muddo waxay dalalkaas yaryar ku naaloonayeen inaysan qayb ka ahayn dagaallada ka jira qaybo kale oo bariga dhexe ka tirsan, laakinse hadda arrintu sidaa wey ka duwan tahay
Trump oo hanjabay shuruudna ku xiray joojinta dagaalka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku hanjabay inuu xoojin doono weerarrada ka dhanka ah Iiraan.
Trump ayaa u muuqda inuusan dheg jalaq u siin cadaadiska uga imanaya dhinacyada kala duwan, oo ah inuu joojiyo dagaalka ka dhanka ah Iiraan.
Digniintan ayaa timid saacado yar ka dib markii tiro ka mid ah khubarada sharciga caalamiga ah ay soo saareen warqad ay kaga digayaan xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah sharciga oo la sheegay inay geysteen Mareykanka, Israa'iil, iyo Iiraan.
Khubaradu waxay walaac ka muujiyeen hadallada hanjabaadda ah ee Mr. Trump intii uu ololahu socday.
Madaxweynaha ayaa mar kale ku hanjabay inuu weerari doono kaabayaasha dhaqaalaha ee Iiraan, sida burburinta buundooyinka iyo xarumaha korontada, kuwaas oo loo arki karo dambiyo dagaal.
Khamiistii, Mareykanka iyo Israa'iil waxay weerareen buundo dhisme ku socota, iyo sidoo kale xarun taariikhi ah oo soo saarta dawooyinka tallaallada.
Saacado ka hor, Donald Trump ayaa muuqaal laga duubay weerarkii Mareykanka ee buundada soo dhigay baraha bulshada, isagoo ku qoray: "Waa waqtigii Iiraan ay heshiis gaari lahayd ka hor inta aysan goori goor tahay."
Dhanka kale, Labada warshadood ee birta ugu waaweyn Iiraan ayaa la xiray.
Warshadahan ayaa albaabada loo laabay kadib dhowr jeer oo duqeymo cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Israa'iil, sida ay sheegeen shirkadaha gacanta ku haya.
"Qiyaasteenna bilowga ah waxay tahay in dib u bilaabista cutubyadan ay qaadan doonto ugu yaraan lix bilood iyo ilaa hal sano," ayuu yiri Mehran Pakbin, oo ah ku xigeenka madaxa hawlgallada ee Shirkadda Birta Khuzestan ee koonfur-galbeed Iiraan, iyadoo ay soo xigatay warbaahinta Iiraan.
Shirkadda Mobarakeh Steel Company, waxay sheegtay in khadadka wax soo saarka ee bartamaha dalka "gebi ahaanba la xiray ka dib weerarradii tirada badnaa".
Seeriga digniinta ayaa laga maqlayay Bariga Dhexe habeennimadii xalay.
Waa tan warbixin kooban oo ku saabsan meelaha ilaa hadda laga soo weriyay weerarro, iyadoo Iiraan, Mareykanka iyo Israa'iil ay sii wadaan inay is dhaafsadaan rasaas maalintii 35aad ee dagaalka.
Lubnaan: Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa ku warramaya inay dhammaystireen "weerar bartilmaameedsan oo ka dhacay koonfurta Lubnaan", kaas oo ay sheegeen inay ku dileen 15 xubnood oo ka tirsan Xisbullah. Waxay sidoo kale soo saartay amarro cusub oo lagu daadgureynayo dadka deggan xaafadaha koonfurta Beirut.
Iiraan: Dadka ku nool Tehran ayaa BBC-da uga warramay xaaladdooda ka dib markii buundo ku dhow caasimadda la duqeeyay Khamiistii.
Israa'iil: Ciidamada Difaaca Israa'iil ayaa sheegay in gantaallo looga soo riday Iiraan habeennimadii xalay, halka afhayeenka militariga ee kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan ee Yemen ay sheegtay in kooxdu ay "gantaallo ballistic ah" ku tuurtay bartilmaameedyada Israa'iil.
Kuwait : Adeegyada gurmadka degdegga ah ayaa ku howlanaa dab ka kacay warshad saliidda lagu sifeeyo oo ku taala Kuwait, ka dib markii ay ku dhaceen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Si gaar ah, warshad biyaha lagu sifeeyo ayaa la weeraray.
Imaaraadka: Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in difaaceeda cirka uu "ku lug leeyahay weeraro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ka yimid Iiraan".
Sacuudi Carabiya: Wasaaradda Difaaca Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay oo ay burburisay dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn Jimcihii.
Baxrayn: Waxay dadka weydiisatay inay hoy ka dhigtaan meelo ammaan ah, ka dib markii seeriga digniinta la maqlay.
Saacadda laga matalay in ay tahay tan qiyaamaha, taas oo muujineysa sida aadanuhu ugu dhawyahay dhanka burburka ayaa waxa hal ilbiriqsi u durugtay dhanka hore 89 ilibiriqsina u jirsatay xilliga kala bayrka.
Barnaamijka lagu magu magacaabo Saynisyahanadda Atamka ee (BAS) oo saacada rakiba sanad walba, ayaa waxa uu sheegay in – khataraha dhanka hubka nukleyrka ee taagan, sida qaldan ee loo isticmaalo biology ga aadka u horumaray, garaadka macmalka ah iyo sidoo kale isbadalka cimilada in ay yihiin waxyaabaha aasaaska u ah baqdinta la qabo.
Danial Holz, oo ah madaxa barnaamijka gaar ahaan guddigiisa Sayniska iyo Ammaanka, ayaa waxa uu sheegay in talaabadaan ay qaaday saacaddu "ay digniin u tahay dhammaan hugaamiyaasha caalamka".
Saacaddaan ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu saxay in ay joogto 7 daqiiqo ka hor xilliga saqda dhexe sanadkii 1947 dii. Sanadkii la soo dhaafay sagaashan daqiiqo ayay u jirtay dhanka hoogga adduunka balse waxaba kuma darsamin oo intaas ma dhaafin.
Bayaanka Talaadadii ay soo saareen BAS - oo ah hay'ad samafal oo fadhigeedu yahay Chicago – waxaa lagu yiri: "Marka ay saacadda hal ilbiriqsi oo kaliya u jirsato saqda dhexe, waxaan diri doonnaa digniin adag.
"Maadaama dunidu ay mar horeba si khatar ku sii socotay, ilbiriqsi kasta oo is roga waa in loo qaataa calaamad muujinaysa khatar aad u daran iyo digniin aan la garan karin waxa ku xiga oo ah in ilbiriqsi kasta oo loo sii dhawaado dhanka saqda dhexe uu kordhinayo suurtagalnimada musiibo caalami ah."
Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.
Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.
Hal arrin oo u cad khubarrada, ayaa si kastaba, waxay tahay khatarta ay leedahay in la iska badiyo kaniinigan: kaniinigan waa waxa ugu badan ee sababa inuu beerku howlgab noqdo marka la eego dalalka Mareykanka iyo UK, taasoo sababtay qeylo-dhaanta ururro badan oo caafimaad.
Khatarta waxaa qeyb ka ah sida fudud ee lagu heli karo kaniinigan iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadka isticmaalkiisa.
Iiraan oo dal kale u ogolaatay in maraakiibteedu maraan Hormuz
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Filibiin oo ka tirsan qaaradda Asia, ayaa sheegtay in Iiraan ay u ogolaatay maraakiibteeda inay si nabad ah uga gudbaan marin biyoodka Hormuz.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Filibiin, Teresa Lazaro, ayaa sheegtay inay muddo la xirriireysay Iiraan, si ay ugala xaajoodto sidii ay u heli lahayd ogolaansho ay maraakiibteeda ku maraan marinkaas.
Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Filibiin, wadahadalladu waxay ahaayeen kuwo wax ku ool ah oo wanaagsan, dhiggooda Iiraan-na wuxuu sheegay in maraakiibta Filibiin loo oggolaan doono "marin ammaan ah, aan caqabad lahayn, sida ugu dhaqsiyaha badan”
Miyaa shaqada laga eryay taliyaha milatariga Mareykanka ?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa ka codsaday Taliyaha ciidamada difaaca Mareykanka, Randy George inuu is casilo, sida laga soo xigtay warbaahinta CBS News ee Mareykanka, oo bah=wadaag la ah BBC-da.
Afhayeenka Pentagon-ka, Sean Parnell, ayaa ku sheegay bayaan uu soo dhigay baraha bulshada in George "uu ka fariisan doono xilka Taliyaha Guud ee 41-aad isla markiiba."
Taliyaha Ciidanka wuxuu inta badan shaqeeyaa muddo afar sano ah.
George, oo ahaa sarkaal milatari oo ka qalin jabiyay West Point, ayaa waxaa xilkan u magacaabay madaxweynihii hore Joe Biden, sanadkii 2023.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa yimid ka dib markii Trump uu khudbaddiisa qaranka ku sheegay in dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan la filayo in"dhawaan la soo afjaro".
George wuxuu ahaa sarkaal ciidan dagaalkii ugu horreeyay ee Khaliijka iyo dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Lama caddayn sababta loogu qasbay inuu shaqada iska casilo.
Afhayeenka Pentagon-ka Parnell ayaa yiri: "Waaxda Dagaalku waxay uga mahadcelineysaa Jeneraal George tobanaan sano oo uu u shaqeynayay qarankeena. Waxaan u rajeyneynaayaa wanaag."
Waxaa beddeli doona Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha, Jeneraal Christopher LaNeve, kaasoo noqon doona ku-simaha, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.
Ilo u sheegay CBS News ayaa sheegay in Hegseth uu rabo qof beddela George oo fulin doona aragtidiisa iyo tan Donald Trump ee ku saabsan ciidanka Mareykanka.
Sida warbixinta CBS ay sheegtay, Hegseth wuxuu shaqada ka eryay in ka badan toban sarkaal oo sare oo milateri ah, iyadoo George la filayay inuu hayn doono xilka ilaa 2027.
Sida ay Xuutiyiintu ku heleen hubka badda hoos mara iyo tirada gantaalada ay haystaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta dagaalka ee ku sugan badda cas ayaa marar badan waxaa lagu weeraray gantaalaha lidka maraakiibta, gantaalaha ballistic-ga ah, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana hadda soo ifbaxday khatar hor leh oo biyaha hoosteeda ah. Tani waa sida laga soo xigtay machadka ciidamada badda ee Maraykanka.
18-kii Febraayo, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidamada badda ee ku sugan Badda Cas ay burburiyeen markab aan cidina wadin oo marayey biyaha Xuutiyiinta ay maamulaan ee Yemen.
Maalmo yar ka hor, taliska dhexe ee Mareykanka ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan falkii ciidamada badda ee Mareykanka ay ku qabteen hub ka yimid Iiraan una socday Xuutiyiinta Yemen bishii Janaayo ee la soo dhaafay. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shixnadda ay ka kooban tahay gantaalada riddada dhexe, walxaha qarxa, qaybo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, maraakiibta quusta ee aan cidina wadin, qalabka isgaarsiinta, gantaalada hagaya taangiyada, iyo qaybo kale oo saanad ciidan.
Kadib waxaa soo baxay ku dhawaaqista Xuuthiyiinta markii hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ansaru-Allah ee Xuutiyiinta, Cabdal Maalik Al-Xuuti, uu sheegay Khamiistii in ciidamadoodu ay haystaan “hubka mara badda hoosteeda” si u taageeraan Falastiiniyiinta.
Cabaas Aragchi oo ka hadlay buundadii uu Mareykanka weeraray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbas Araghchi ayaa sheegay in bartilmaameedsiga buundada B1 ee ku taala wadada weyn ee waqooyiga Tehran uusan dalka ka dhigi doonin mid is dhiiba.
Cabaas Araghchi wuxuu ku qoray X-Net: "Bartilmaameedsiga kaabayaasha bulshada rayidka ah, oo ay ku jiraan buundooyinka oo dhismahooda uu weli socdo, weligeed kuma qasbi doonto Iiraaniyiinta inay is dhiibaan... Buundo kasta iyo dhisme kasta waxaa dib loogu dhisi doonaa xirfad ka weyn; laakiin waxa aan waligood la hagaajin doonin waa burburka uu geystay Mareykanka."
Saacado ka hor, Donald Trump ayaa muuqaal laga duubay weerarkii Mareykanka ee buundada soo dhigay baraha bulshada, isagoo ku qoray: "Waa waqtigii Iiraan ay heshiis gaari lahayd ka hor inta aysan goori goor tahay."
Markii Maraykanka iyo Israa'iil ay weerarro wadajir ah ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo, su'aasha ugu weyn ee xilligaas waxay ahayd intee in le'eg ayuu dagaalkani socon doonaa?
Markaa arrintu waxay u muuqatay inay jiitamayso maalmo, toddobaadyo, iyo hadda bilo, waxayna u muuqatay in aanu jirin waqti cad oo lagu soo afjarayo dagaalkan.
Khudbadii ugu dambeysay ee uu u jeediyay shacabka Mareykanka, Madaxweyne Trump, ayaa si ka duwan sidii la filayay, waxa uu awoodi waayay inuu soo bandhigo qorshe cad, balse waxa uu sheegay in "Mareykanku uu ku dhow yahay inuu gaaro hadafkiisa istiraatijiyadeed ee Iiraan" iyo in "weerarro ba'an lagu qaadi doono Iiraan labada ilaa saddexda toddobaad ee soo socda".
Waxa uu sidoo kale ku hanjabay "in uu Iiraan dib ugu riixayo Casrigii Dhagaxa".
Suuqyada Shidaalka iyo Suuqyada saamiyada oo rajo ay ka qabey khudbadii uu shacabka u jeediyey ayaa markiiba ka falceliyay, mana aha oo kaliya in sicirka saliidda si xawli ah kor ugu kacay caalamka, balse suuqyada Aasiya oo kuwa Maraykankuna ku jiraan ayaa iyaguna hoos u dhacay.
Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay NATO Ivo Dalder oo ka jawaabayay khudbada ayaa sheegay in hadalka Trump uu keenay "shaki laga qabo ujeedooyinka dagaalka" wuxuuna ka tagay dhowr su'aalood oo muhiim ah oo aan laga jawaabin, oo ay ku jiraan sababta Maraykanku uu weli u sii wado hawlgallada milatari ee Iiraan haddii sida uu sheegay Trump la burburiyo awoodda Nukliyeerka ee Iiraan, ciidamada badda iyo gantaalaha.
Hal shay ayaa ku cad hadalka madaxweyne Trump: dagaalku wuu sii socon doonaa.
Khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo xulafadiisa NATO ee dagaalka ayaa hadda si cad u muuqda, Trump kuma eka xulafada NATO inuu afka ka hadlo oo kaliya, balse waxa uu ku hanjabay inuu isaga bixi doono.