Sababta aysan Iiraan u weerarin dalka Cumaan

Haitham bin Tariq Al Said

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Arbacadii, Safaaradda Iran ee ku taalla South Africa ayaa ku qortay barta X:

"Iiraan iyo Cuman oo keliya ayaa go'aamin doona mustaqbalka marinka Hormuz."

Inta badan dalalka xubnaha ka ah goalaha iskaashiga Khaliijlka ayaa qaatay mowqif adag oo ka dhan ah Iiraan ka dib dagaalka ay Mareykanka iyo Israel la galeen Iiraan, balse Cuman ayaa noqotay mid ka reeban.

Dalkan, oo muddo dheer door dhexdhexaadin ah ka ciyaarayay una dhexeeya Mareykanka iyo Iran, ayaa sii wada dhexdhexaadnimadiisa xitaa inta uu socdo dagaalku.

Halka dalalka kale ee xubnaha ka ah golaha iskaashiga Khaliijka carabta ay qaateen mowqif adag oo hanjabaad leh oo ka dhan ah Iran, Cuman waxay ku dheggan tahay siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ah "la saaxiib dhammaan, cadowna ha yeelan."

Mowqifkan ayaa sababay in Cuman noqoto dalka ku yaalla Khaliijka ee ugu codka dheer ee dhaleeceeya ololaha ay wadaan Mareykanka iyo Israel, iyadoo ku tilmaantay "dagaal sharci-darro ah" isla markaana ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo.

Sidoo kale, Cuman ayaa noqotay dalka kaliya ee ka tirsan golaha iskaashiga Khaliijka ee si cad u sheegay inuusan ka qayb qaadan doonin dagaalka.

Sababtan awgeed, Cumaan ayaa weli ah xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ugu dambeeya ee lagu kalsoonaan karo ee gobolka Khaliijka si ay xabbad-joojin ula gaaraan Iran.

Qiiq ayaa baxaya dhisma la weeraray Tehran 1-dii April.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Muxuu yahay yahay mowqifka Cumaan ee dagaalka?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cumaan, oo ahaa dhexdhexaadiye muhiim ah wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, ayaa la kulantay dharbaaxo kadib weerarkii ay Mareykanka iyo Israel qaadeen 28-kii Febraayo.

Maalin ka hor weerarka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr al-Busaidi, ayaa intii uu kulan la lahaa Washington ku-xigeenka madaxweynaha Maraykanka, JD Vance, ku sheegay in heshiis nabadeed uu "uu dhow yahay."

Busaidi ayaa muujiyay niyad-jab kadib weerarka, isagoo yiri "wadahadal firfircoon oo dhab ah ayaa mar kale la wiiqay." Wuxuuna u sheegay Maraykanka: "Tani ma aha dagaalkiinna."

Cumaan waxay mowqifkan ku adkaysatay tan iyo maalintii ugu horreysay ee colaadda. Si ka duwan deriskeeda Khaliijka, oo cambaareeyay weerarrada Iran, Cuman waxay dhaleeceysay howlgalada milatari ee Mareykanka iyo Israel.

Inkasta oo weerarro lagu qaaday dhulkeeda iyo xarumaheeda, haddana mowqifka Cuman isma beddelin. Waxay cambaareysay weerarradaas iyadoo adeegsanaysa erayo aad u taxaddar leh, iyadoo ka gaabsatay inay si toos ah u magacowdo ama eedda dusha ka saarto Iran.

Si kastaba ha ahaatee, waxay si cad u dhaleeceysay beegsiga meelaha Iiraan kadib weerarkii lagu qaaday goobta gaaska ee South Pars gas field ee Iran 18-kii Maarso.

Cumaan sidee u aragtaa Maraykanka iyo Israa'iil?

Waxaa cirka isku sii shareeray qiiq ka dhashay bakhaar shidaal oo ku yaal magaalada Erbil ee dalka Ciraaq, kadib markii ay duqeyn diyaaradeed Isniintii.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cumman waxay u aragtaa dagaalka socda inuu yahay "mid sharci-darro ah." Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda, Badr al-Busaidi, ayaa maqaal uu ku qoray The Economist 18-kii Maarso ku sheegay in "quwadda weyn ay lumisay xakamaynta siyaasaddeeda arrimaha dibadda."

Wuxuu intaas ku daray in "saaxiibada Mareykanka ay ka caawiyaan inay ka baxdo dagaalkan sharci-darrada ah," maadaama uu siiyay Iran sabab ay uga aargudato.

Mowqifkan Cuman aad ayuu uga duwan yahay dalalka kale ee ku jira golaha iskaashiga Kahliijka ee (GCC).

Cuman waxay si gaar ah u dhaleeceysay Israel, iyadoo Muftiga Guud, Ahmed bin Hamad al-Khalili, uu ku tilmaamay weerarka "mid khiyaano ah oo ay wada qaadeen Maraykanka iyo Israa'iil oo ka dhan ah Iiraan."

Bayaan uu soo saaray 28-kii Febraayo, oo ku beegnaa, ayuu ugu baaqay "Muslimiinta iyo dadka miyirka leh ee caalamka inay si adag uga hor yimaadaan."

Cuman, si ka duwan Imaaraadka iyo Bahrain, ma aysan dhisin xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo ay la leedahay Israel. Si kastaba ha ahaatee, waxay sii waday xiriirro aan toos ahayn, waxaana xitaa booqday Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, magaalada Muscat sanadkii 2018—taasoo ahayd booqashadii ugu horreysay ee heerkan ah tan iyo 1996.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa markii hore u arkay xiriirkaas calaamad muujinaysa furfurnaan, balse Cuman waxay sheegtay in tallaabo noocaas ah ay suuragal noqon karto oo keliya marka la dhiso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.

Si ka duwan dalal badan oo deriskeeda Khaliijka ah, Cuman waxay yeelatay door gaar ah, iyadoo sii wadatay kanaallo wada-hadal oo furan oo ay la leedahay Iran. Si kastaba ha ahaatee, arrintani kama xanaajinin dalalka ka soo horjeeda Iiraan.

Sababtan awgeed, Cuman muddo dheer waxaa loo arkayay dhexdhexaadiye dabiici ah oo u dhexeeya Iiraan iyo dalalka kale ee Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga.

Siyaasaddan arrimaha dibadda—oo isku dheellitirta xubinnimada golaha iskaashiga Khaliijka (GCC) iyo xiriirka ay la leedahay Iiraan—ayaa la filayaa inay sii socoto mustaqbalka.