Israa'iil oo ka hadashay duqeyn ay ku beegsadeen warshad Iirran ku taalla
Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa bixiyay tafaasiil la xiriirta weerarro xalay lagu qaaday warshad dawooyin soo saarta oo ku taalla Iran.
Warshadoo ay leedahay shirkadda Tofigh Daru Research and Engineering Company ayaa lagu burburiyay duqeyn cirka ah, taasoo keentay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araghchi, uu Israa’iil ku eedeeyo inay “si cad oo aan xishood lahayn u beegsaneyso shirkado dawooyin sameeya.”
IDF waxay sheegtay in warshaddu ay “isku muujinaysay shirkad rayid ah” halka ay dhab ahaantii “ka waday cilmi-baaris iyo horumarinta hub kiimiko ah.”
Sheegashooyinka Iran iyo Israa’iil midkoodna lama xaqiijin ilo madax-bannaan.