TOOS, Trump oo baajiyay safarka Witkoff iyo Kushner ee Pakistan si ay wada-hadallo ula yeeshaan Iran

Donald Trump ayaa Fox News u sheegay in ergooyinka Steve Witkoff iyo Jared Kushner aysan mar dambe u safri doonin Pakistan si ay wadahadallo ula yeeshaan Iran.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Netanyahu oo amray milatariga in ay si xooggan u weeraraan bartilmaameedyada Hezbollah ee Lubnaan

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa amar ku siiyay Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) in ay “si xooggan u weeraraan bartilmaameedyada Hezbollah ee ku yaalla Lubnaan,” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiskiisa.

    Maanta, IDF ayaa soo saartay dhowr bayaan oo ay ku baahiyeen Telegram, iyagoo ku eedeeyay Hezbollah inay jebisay xabbad-joojin ay hore ugu heshiiyeen Israa’iil iyo Lubnaan. Labada dhinac, Israa’iil iyo Hezbollah, ayaa si isdaba joog ah midba midka kale ugu eedeeyay inuu jebiyay xabbad-joojinta.

  2. Trump oo baajiyay safarkii Witkoff iyo Kushner ay ku tagi lahaayeen Pakistan si ay uga wada hadlaan dagaalka Iiraan

    USA

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Donald Trump ayaa Fox News u sheegay in ergooyinka Steve Witkoff iyo Jared Kushner aysan mar dambe u safri doonin Pakistan si ay wadahadallo u yeeshaan, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka .

    Warbaahinta Maraykanka oo soo xiganeysay madaxweynaha oo leh: "Waxa aan haynaa dhammaan kaararka. Way na soo wici karaan wakhti kasta oo ay rabaan, laakiin ma sameyn doono duulimaadyo 18 saacadood ah oo dheeraad ah si ay wadahadallo u yeeshaan."

  3. Ka dib wadahadalladii, wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan oo ka dhoofay Islamabad

    Iran

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi ayaa hadda ka tagay Islamabad, sida laga soo xigtay IRNA oo ay maamusho dowladda Iiraan.

    Waqti yar ka hor wakaaladda wararka ee Reuters ayaa la wadaagtay sawirro gawaari ay sheegtay in la rumeysan yahay inay tahay Araghchi, oo ka baxaya caasimadda Baakistaan.

    Iran

    Xigashada Sawirka, reu

  4. Madaxweynaha Iiraan ayaa ugu baaqay Iiraaniyiinta inay 'xakameeyaan isticmaalka'

    Iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa ugu baaqay dadka inay "xakameeyaan" isticmaalka korontada iyadoo xayiraadda Mareykanka ee dekedaha Iiraan ay sii socoto.

    "Cadowgu waxay burburinayaan kaabayaasha dhaqaalaha waxayna na gelinayaan go'doon si dadku u noqdaan kuwo aan qanacsanayn oo qanacsanaanta hadda jirta ay isu beddesho mid aan lagu qanacsanayn," ayuu yiri.

    Waxa initaas raaciyay: "Halkii laga isticmaali lahaa 10 nal, waa in laba nal lagu shidaa guriga; maxaa ka khaldan taas?"

    Madaxa shirkadda korontada Iiraan Tavanir ayaa sidoo kale ku boorriyay Iiraaniyiinta inay fiiro gaar ah u yeeshaan isticmaalkooda oo ay soo sheegaan wax kasta oo aan la ogolayn, sida laga soo xigtay muuqaal lagu wadaagay Telegram oo ay baahisay warbaahinta dawladda Iiraan.

  5. Mareykanka oo qorsheynaya inuu cunaqabateynta ka qaado Eritrea

    Mareykanka

    Mareykanka ayaa doonaya inuu qaado cunaqabateynta saaran Eritrea isla markaana dib u soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee uu la leeyahay Asmara, sida uu sheegay joornaalka The Wall Street Journal.

    Wargeyska — oo ka mid ah warbaahinta ugu saameynta badan Mareykanka — ayaa sheegay in Washington ay rabto inay dib u cusbooneysiiso xiriirka ay la leedahay “dal go’doonsan balse istaraatiiji ahaan aad u muhiim ah, Eritrea”, iyadoo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed.

    Sida maqaalka lagu sheegay, qaadista cunaqabateynta Eritrea iyo dib u soo celinta xiriirka waxaa si weyn u saameeyay dhibaatooyinka gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ka dhashay dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iran, iyo xiritaanka Marinka Hormuz.

    Maqaalka ayaa sidoo kale tilmaamaya in ay muhiim tahay in xiriir lala yeesho Eritrea, oo leh xeeb istaraatiiji ah oo ku taalla Badda Cas, xilli kooxda Xuutiyiinta ee Yemen oo ay Iran taageerto ay ku hanjabayaan inay xiraan Marinka Bab el-Mandeb sababo la xiriira dagaalka Iran.

    Sida uu wargeysku sheegay, lataliyaha sare ee Donald Trump ee arrimaha Afrika, Masad Fares Byulos, ayaa hore ula kulmay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Osman Saleh.

    Warar dheeraad ah:

  6. Ciidanka Iiraan oo ka digay inay jawaabi doonaan haddii xannibaadda Mareykanka ee badda ay sii socoto

    Ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa ku hanjabay inay ka jawaabi doonaan haddii Mareykanku sii wado xannibaadda Marinka Hormuz.

    Tani waxay ku timid bayaan kasoo baxay xarunta taliska ciidamada, oo ay faafiyeen warbaahinta dowladda, oo ay ku jirto wakaaladda Tasnim — oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in haddii ciidanka Mareykanku sii wadaan waxa ay ku tilmaameen “go’doomin, burcadnimo iyo burcad-badeednimo badda ah” ee gobolka, ay “la kulmi doonaan jawaab” ka timaadda ciidamada Iran.

    Xusuusin ahaan, Mareykanka ayaa qabtay maraakiib dhowr ah kadib markii uu ku soo rogay xannibaad ku saabsan isu socodka maraakiibta ee galaya kana baxaya dekedaha Iran 13-kii Abriil.

    Warar dheeraad ah:

  7. War deg deg ah, Iran oo 'aragtideeda' soo afjaridda dagaalka la wadaagtay Pakistan

    Iran

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa soo saaray bayaan kadib kulankiisii uu la yeeshay madaxa ciidamada qalabka sida ee Pakistan, Asim Munir.

    Bayaanka ayaa sheegay in ay ka wada hadleen “horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira xabbad-joojinta” u dhexeysa Iran iyo Mareykanka.

    Waxaa sidoo kale lagu xusay in Araghchi uu la wadaagay aragtida iyo tixgelinta Iran ee ku saabsan sida loo soo afjaro dagaalka.

    Dhanka kale, bayaanka ayaa intaas ku daray in Asim Munir uu sheegay in Pakistan ay diyaar u tahay inay sii waddo dadaalladeeda dhexdhexaadinta.

    Warar dheeraad ah:

  8. Yey yihiin Jared Kushner iyo Steve Witkoff, kooxda uu Trump u diray Pakistan?

    Iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Jared Kushner (bidix) iyo Steve Witkoff (midig) oo ka qayb galaya shir jaraa’id oo ay la leeyihiin Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu magaalada Washington DC, 29-kii Sebtembar 2025

    Sida aan hore u soo sheegnay, Aqalka Cad ayaa sheegay in Steve Witkoff iyo Jared Kushner ay maanta u safri doonaan Pakistan si ay uga sii wadaan wadahadallada la xiriira khilaafka Iran.

    Haddaba waa kuma labadan shakhsi, maxayse ugu lug leeyihii wada-hadallada?

    Jared Kushner waaxaa soddog u ah Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, wuxuuna qabaa gabadhiisa Ivanka Trump.

    Wuxuu ahaa lataliye sare oo madaxweynaha ah intii lagu jiray xilligii hore ee Trump, inkastoo uusan hadda haynin jagadaas, haddana wuxuu weli ku lug leeyahay arrimo caalami ah oo muhiim ah, oo ay ku jiraan wadahadalladii u dhexeeyay Israel iyo Hamas sanadkii hore.

    Dhanka kale, Steve Witkoff waa horumariye dhanka guryaha ah iyo saaxiib dhow oo Trump ah, waxaana loo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Bariga Dhexe bilowgii xilliga labaad ee Trump.

    Wuxuu noqday qofka ugu muhiimsan ee maamulka u adeegsado wadahadallada caalamiga ah, isagoo door weyn ka ciyaaray wadaxaajoodyada ku saabsan khilaafaadka Israel–Hamas iyo sidoo kale Ruushka–Ukraine.

    Warar dheeraad ah:

  9. War deg deg ah, Ciidamada Mali oo sheegay in kooxo hubeysan ay weerarro qorsheysan ka fuliyeen dalkaas

    Mali

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Kooxo hubeysan ayaa qaaday weerarro qorsheysan oo ka dhacay guud ahaan dalka Mali, oo ay ku jirto caasimadda Bamako, sida ay sheegeen ciidanka dalkaas.

    War qoraal ah oo ay soo saareen subaxnimadii Sabtida, milatariga Mali ayaa sheegay in “dagaal uu weli socdo”, iyagoo intaas ku daray in “ciidamada difaaca iyo kuwa amniga ay hadda ku hawlan yihiin iska caabbinta weeraryahannada”.

    Dadka deegaanka ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay inay maqleen qaraxyo iyo rasaas culus aroornimadii Sabtida agagaarka saldhigga milatari ee Kati, oo ah xarun weyn oo ku taalla duleedka caasimadda Bamako. Ciidamo ayaa la geeyay si ay u xiraan waddooyinka aaggaas.

    Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa weerarro ka dhacay magaalada Gao ee waqooyi-bari iyo Sevare oo ku taalla bartamaha Mali.

    Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka soo laabanayay Bamako kuna sii jeeday Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan duullimaadyadii imanayay magaalada la joojiyay aroornimadii Sabtida. Ilaa hadda lama oga inay weerarradu saameeyeen garoonka diyaaradaha.

    Sidoo kale ma cadda cidda ka dambeysa weerarradan.

    Mali waxaa hadda xukuma talis milatari oo uu hoggaamiyo Gen Assimi Goïta, kaas oo awoodda kula wareegay afgambi dhacay 2020, isagoo ballanqaaday inuu soo celin doono amniga isla markaana ka hortagi doono kooxaha hubeysan.

    Warar dheeraad ah:

  10. Hakan Fidan: Turkiga waa ka qeyb qaadan karaa howlaha nadiifinta miinada ee Marinka Hormuz

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in dalkiisu uu ka qayb qaadan karo hawlgallada lagu nadiifinayo miinooyinka ee Marinka Hormuz haddii la gaaro heshiis nabadeed oo suurtagal ah oo u dhexeeya Iran iyo Pakistan.

    Isagoo kula hadlayay weriyeyaasha magaalada London fiidnimadii Jimcaha, Fidan ayaa sheegay in koox farsamo la filayo inay fuliso hawlgallada nadiifinta miinooyinka ee marinka kadib heshiis kasta, isagoo intaas ku daray in Turkigu u arko tallaabooyinkan “waajib bani’aadamnimo oo wanaagsan”.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in hawlgal kasta oo nadiifinta miinooyinka ah ay fulin doonaan koox farsamo oo ka kooban dalal kala duwan, kadib heshiis suurtagal ah oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, isla markaana Turkigu “dhibaato uusan ku qabin” ka qayb qaadashada haddii shuruudahaas la buuxiyo.

    Qayb kale oo hadalkiisa ka mid ah, wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in arrimaha la xiriira barnaamijka nukliyeerka ee Iran lagu xallin karo wareegga xiga ee wadahadallada ka dhici doona Pakistan.

    Warar dheeraad ah:

  11. Israa'iil iyo Xisbullah oo weli is dhaafsanaya weerarro

    Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay inay xalay duqeeyeen goobaha laga tuuro gantaallada ee ururka Hezbollah, kuwaas oo ku yaallay saddex meelood oo ku yaal koonfurta Lubnaan.

    Waxay sheegeen in goobahaas ay “ahaayeen khatar degdeg ah” oo ku wajahan askarta IDF iyo rayidka Israa'iil, isla markaana ay sii wadi doonaan dadaallada lagu baabi’inayo khatarahaas.

    Dhanka kale, Hezbollah ayaa bayaan ay saaka soo saartay ku sheegtay inay iyaduna bartilmaameedsatay ciidanka Israa'iil.

    Arrintan ayaa imaanaysa kadib markii la kordhiyay xabbad-joojinta u dhaxaysa Israa'iil iyo Lubnaan, taas oo la isku raacay 23-kii Abriil. Labada dhinac — IDF iyo Hezbollah — ayaa tan iyo markaas midba midka kale ku eedeeyay jebinta heshiiskaas.

    Warar dheeraad ah:

  12. Araghchi uma joogo Pakistan “wadahadallo nukliyeer ah”, sida uu sheegay siyaasi sare oo Iiraani ah

    Iran

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, “ma laha wax shaqo ah oo la xiriirta wadahadallo nukliyeer ah” inta uu ku sugan yahay Pakistan, sida uu sheegay madaxa guddiga amniga qaranka ee Iran.

    Isagoo la hadlayay warfidiyeennada magaalada Tehran xalay, Ebrahim Azizi ayaa sheegay in wasiirku uu joogo Islamabad “kaliya si uu uga wadahadlo xiriirka laba geesoodka ah”.

    Azizi — oo sidoo kale hore uga tirsanaa taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) — ayaa sheegay in arrimaha ku saabsan hawlaha nukliyeerka ay “weli ka mid yihiin khadadka cas ee adag ee Iran”.

    Dhanka kale, Mareykanka ayaa ugu baaqay Iran inay joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrintani ay qayb ka noqoto heshiis kasta oo nabadeed oo kama dambeys ah.

    Warar dheeraad ah:

  13. Wax ka ogow: Yaa gaara go'aannada dalka Iiraan?

    Su'aasha dul hoganaysa Tehran tan iyo bilowgii weerarradiidagaalka hadda Iran kula jirto Maraykanka iyo Israa'iil waa mid sahlan: Yaa talada haya?

    Si rasmi ah, jawaabtu waa cadahay. Mojtaba Khamenei ayaa la wareegay xilka hoggaamiyaha sare kadib dilkii aabbihiis, Ali Khamenei, oo lagu dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalka 28-kii Febraayo. Nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, jagadaas waxaa loogu talagalay inay noqoto mid go'aan kama dambays ah leh. Hoggaamiyuhu wuxuu leeyahay erayga ugu dambeeya ku dhowaad wax kasta oo muhiim ah: dagaal, nabad, iyo jihada istiraatiijiga ah ee dowladdu qaadato.

    Laakiin ficil ahaan, sawirku waa mid aad u humaag leh.

    Donald Trump ayaa ku tilmaamay hoggaanka Iran mid "kala daadsan" wuxuuna sheegay in Maraykanku sugayo in Tehran ay soo bandhigto "soo jeedin mideysan".

    Midnimadu xaqiiqdii waxay ku jirtay maskaxda hoggaamiyeyaasha Iran markii ay habeennimadii Khamiista farriin ugu direen dadka reer Iran taleefannadooda gacanta, iyagoo leh "ma jiro wax la yiraahdo wax adag ama dhexdhexaad gudaha Iran, waxaa jirtay hal Qaran iyo hal waddo oo qura."

  14. Trump: Iran 'dalab ayay soo direen waan arkeynaa sidey noqoto'

    Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Jimcihii shalay, waxaan maqalnay war cusub oo ka yimid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku saabsan wada-xaajoodyada lala leeyahay Iran.

    Trump ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Iran ay “sameynayso dalab, waana inaan aragnaa sida ay noqoto”, balse weli uusan ogeyn waxa dalabkaasi yahay.

    Isagoo ku hadlayay wicitaan taleefanka ah, Trump ma uusan bixin faahfaahin badan oo ku saabsan mas’uuliyiinta Iran ee uu Mareykanku la xaajoonayo, laakiin wuxuu sheegay in kooxdiisu ay la hadlayaan “dadka hadda talada haya”.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in Iran ay rabto inay wada hadal gasho oo ay sahmiso heshiis suurtagal ah, isla markaana ay qorsheyneyso inay soo bandhigto dalab looga golleeyahay in lagu xalliyo dalabaadka Mareykanka.

    Warar dheeraad ah:

  15. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa la kulmay madaxa ciidamada qalabka sida ee Pakistan

    Pakistan

    Xigashada Sawirka, Iranian Ministry of Foreign Affairs

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa la kulmaya Field Marshal Asim Munir, oo hoggaamiya ciidamada qalabka sida ee dalka Pakistan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

    Araghchi ayaa sheegay in kadib kulamadiisa Pakistan uu u safri doono Cumaan iyo Ruushka.

    Ujeeddada, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, waa in “la is waafajiyo wada-hawlgalayaasheenna arrimaha laba geesoodka ah isla markaana laga tashado horumarrada gobolka.”

    Warar dheeraad ah:

  16. Israa’iil iyo Xisbullah oo midba kan kale eed u jeediyey

    Maalmihii ugu dembeeyey tan iyo markii uu Donald Trump ku dhawaaqay in muddo saddex toddobaad ah oo lagu kordhiyay xabbad-joojinta u dhexaysa Israa’iil iyo Lubnaan, ciidanka Israa’iil iyo Xisbullaahi ayaa dhowr jeer midba midka kale ku eedeeyay inuu jebiyay heshiiskaas.

    Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in xadgudubkii u dambeeyay uu dhacay markii Xisbullaahi ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qarxa ku weerartay askar ku sugan koonfurta Lubnaan.

    "Dhacdadani waxay ka dhigan tahay xadgudub dheeraad ah oo badheedh ah oo ka dhan ah isfahamka xabbad-joojinta," ayay lagu yiri warka IDF, iyadoo intaa la raacisay in aan la soo sheegin wax khasaare ah.

    Xisbullaahi ayaa dhankeeda sheegtay inay weerartay askarta iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil shan jeer intii lagu guda jiray gelinkii dambe iyo fiidnimadii Jimcaha, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay "jawaab" ka dhan ah "xadgudubka Israa’iil ee xabbad-joojinta".

  17. Maxaa xalay ilaa hadda ku soo kordhay wadahallada Maraykanka iyo Iiraan ee Pakistan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa soo gaaray dalka Pakistan, iyadoo Aqalka Cad uu sheegay inay Islamabad u dirayaan ergeyda gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff iyo Jared Kushner, maalinta Axadda ah, sababtoo ah Iiraaniyiintu waxay doonayeen inay u wada hadlaan "si fool-ka-fool ah".

    Hase yeeshee, fariin taas ka duwan ayaa ka soo baxday afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, Esmail Baqaei, kaas oo sheegay in Araghchi uu la kulmi doono oo kaliya "mas'uuliyiinta sare ee Pakistan".

    "Ma jiro kulan qorsheysan oo dhexmari doona Iiraan iyo Mareykanka. Aragtida Iiraan waxaa loo gudbin doonaa dalka Pakistan," ayuu yiri.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay inay mas'uuliyiintu wadahadal la leeyihiin "dadka hadda talada haya" ee Iiraan.

    Wuxuu sheegay in Iiraan ay "soo bandhigeyso dalab, waana inaan eegnaa," balse uusan weli ogeyn waxa uu dalabkaasi yahay.

    Amniga ayaa aad loo adkeeyey guud ahaan magaalada Islamabad, iyadoo la xiray waddooyinka waaweyn, lana joojiyay gaadiidka dadweynaha, xilli ay Pakistan u diyaargarowday inay martigeliso wareegga labaad ee wadahadallada nabadda ee u dhexeeya Mareykanka iyo

  18. Dadkii loogu doonista badnaa caalamka ee ku dhuuntay Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe, waxay Soomaaliya gabbaad u noqotay dadka baxsadka ah ee dunida oo dhan laga baadi-gooobayo. Waxaa ku jira qaar lagu eedeyay in weerarro ay ku qaadeen safaarado ay Maraykanku leeyihiin.

    Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa shan ka tirsa dadka u dhuumaaleysi tagay Soomaaliya, kaddib markii ay galeen liiska dadka la baadi-goobayo ee sirdoonnada caalamka.

    Fasuul Cabdalla

    Fasuul Cabdalla waxa uu ka mid ahaa dadkii loogu doon-doonista badnaa, isaga oo lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

    Mareykanka ayaa ku eedeeyay in uu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998.

    Waxaa kale oo loo maleynayaa in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraro isxigay oo lagu qaaday Hoteel Paradise ee magaalada Mombasa iyo gantaal lagu dhuftay diyaarad ay lahayd Israa'iil sanadkii 2002.

  19. Taliska ciidanka Maraykanka ee CENTCOM oo war cusub shaaciyey

    .

    Xigashada Sawirka, US Central Command

    Qoraalka sawirka, .

    Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in markabka xambaara gantaallada ee USS Rafael Peralta uu maalintii Jimcaha, Abriil 24, joojiyay markab sitay calanka Iiraan, kaas oo ku sii jeeday mid ka mid ah dekedaha Iiraan.

    CENTCOM, oo sawir ku baahisay barta bulshada ee X, ayaa sheegtay in tallaabada lagula xiriiray markabkan ay waafaqsan tahay dhaqangelinta go’doominta badda ee Mareykanku ku soo rogay dekedaha Iiraan ee ku yaalla Gacanka Faaris.

    Shalay ayay ahayd markii CENTCOM ay ku dhawaaqday inay ku qasbeen wadar ahaan 33 markab inay beddeshaan jihada ay u socdeen tan iyo markii la bilaabay go’doominta badda ee ka dhanka ah Iiraan.

    Go’doominta badda ee dekedaha Iiraan, taas oo uu amray Donald Trump, ayaa ka mid ahayd arrimaha dhaliyay naqdin xooggan oo ka timid mas’uuliyiinta Iiraan, kuwaas oo go’aansaday inay mar kale xiraan Marinka Hormuz iyagoo u arka tallaabadan mid xadgudub ku ah xabbad-joojinta.

  20. Madaxwaynaha Turkiga oo ka hadlay Shidaal qodista Soomaaliya iyo Markabkii dhawaan gaaray Muqdisho

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta ka hadlay shidaalka lagu wado in dalka Soomaaliya dhawaan qodidiisa laga bilaabo.

    Madxwaynaha oo maanta la hadlayay baarlaamnka Turkiga ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qorshaha shidaal qodista ee ay Turkiga ka wdaan dalka Soomaaliya.

    Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa tusaale u soo qaatay wiil yar oo Soomaali ah oo oo sida uu sheeg ka falceliyay markii uu dhawaan arkay markabka Turkiga ee Shidaal qodista oo taagan xeebaha Soomaaliya.

    "waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dareenka walaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo meel dhow ka arkay markabka Çağrı Bey,wuxuu si toos ah u yiri: "Weli kama soo kaban saamaynta markabka Çağrı Bey. Inaan si dhow u arko waxay ii ahayd waayo-aragnimo aan la ashqaraaray. Sababtoo ah Çağrı Bey wuxuu u ekaa magaalo weyn oo socota. Aad u weyn, aad u cusub, si qurux badanna loo dhisay. Maashaa Allaah. Runtii waa farshaxan la yaab leh." ayuu yiri mr Erdogan.

    Madaxwayne Erdogan ayaa ereyadaas ku tilmaamay sawir qurux badan oo muujinaya awoodda Turkiga.

Trending Now