Maanta oo taladada ah oo ku beegan 15-Mach waxay aheyd xiliggii loo qorsheeyey in lasoo gaba gabeeyo doorashada ka socda dalka, Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay doorashaada.
69 kursi oo taaley Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed gaar ahaan labada magaalo ee Baraawe iyo Baydhabo oo doorashooyinka ka dhaceen ayaa lasoo gaba gabagabeeyey.
Toddobada kursi ee ka harsaneyd doorashada oo maanta lagu qabtay Magaalada Baydhabo ayaa mid ka mid ah wuxuu ahaa kursi uu sanadihii lasoo dhaafey ku fadhiyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdiasiis xasan Maxamed lagtagreen,waxaana u tartamay oo kusoo baxay Janaraal Mahad Craxmaan Aadan oo ah Taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed.
Sidoo kale xubnaha maanta kuraasta u danbeysey Koonfur Galbeed ka qaatey Waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi,Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Isxaaq Cali Subag, Gudoomiyaha Gobalka Bay Cumar Isxaaq Cali,Gudoomiyaha Ururka haweenka Degmada Baydhabo Xaawo Sokor Cali iyo xildhibaan Maryan oo sanadihii hore ku fadhidey.
Gudoomiyaha Gudigga doorashooyinka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabduqadir Maxamed iyo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Gudigga amniga doorashooyinka Qaranka Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa guul ku tilmaamay in kuraastii Koonfur Galbeed ee Golaha shacabka lasoo gaba gabeeyo.
Koonfur Galbeed oo taaley 69 kursi oo Golaha shacabka ah, Waxaa haweenka ay ka helen 13 kursi, sidoo kale Aqalka Sare oo 8 kursi ahaa ayaa haweenka ka helen 2 xubnood, taas oo ka dhigan in haweenka guud ahaan Koonfur Galbeed labada aqal ka helen 15 xubnood.