You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sagaal ciidamada AMISOM ayaa lagu xukumay xabsi ka dib markii lagu helay danbi in shidaal ay iibin jireen
Sagaal ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu xukumay xabsi u dhaxeeya sanad ilaa saddex sano kadib markii lagu helay dambi ah inay shidaal ka iibin jireen shacabka Muqdisho.
Maxkamad militeri ayaa xukunka ku ridday askartan oo ay ku jiraan rag saraakiil sare ah. Saddex ka mid ah ciidankan oo u wada dhashay dalka Uganda ayaa sidoo kale shaqada militeriga laga eryay.
Waa markii ugu horreysay tan iyo markii ciidanka Midowga Afrika ay ka bilaabeen hawlgalka Soomaaliya, muddo hadda laga joogo sagaal sano lagu qaado magaalada Muqdisho maxkamad noocan ah.