Kaalin intee la eg ayuu kaga jiraa dagaalka internet-ka howlgalka ka dhanka ah Iran?

Xigashada Sawirka, Josef Cole, ALSSA
Marka laga hadlayo awoodda milatari, Maraykanka iyo Israa'iil si weyn uma qariyaan weerarada ka dhanka ah Iran.
Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka waxay mar kasta baraha bulshada ku daabacaan sawirro iyo fiidiyowyo si fiican loo sameeyay oo muujinaya hub kala duwan, diyaaradaha dagaalka, iyo maraakiibta dagaalka. Laakiin waxay aad uga taxaddaraan kana aamusaan dagaalka ka socda internetka.
Mareykanka waxay sameeyaan shirar jaraa'id oo saacado soconaya iyo khudbado iyo qoraallo lagu daabaco baraha bulsahda balse inta badan laguma daro arrimaha ka socda internetka.
Kooxaha internetka jabsada (hackers-ka) ee Iran ayaa sheegtay in ay fuliyeen weerarkoodii ugu horreeyay ee weyn kaas oo ay ku qaadeen shirkadda tiknoolajiyada caafimaadka ee Maraykanka ee la yiraahdo Stryker intii dagaalka uu socday.
Taliyaha taliska dhexe ee Marekanka janaraal Brad Cooper mar uu ka hadlayay shir jaraa'id ayuu sheegay in dagaalka internetka uu kaalin muhiim kaga jiro howlgalkooda.
"Waxaan sii wadi doonnaa weerarrada ka dhanka ah Iran, laga bilaabo badda ilaa hawada sare iyo internetka."
Kahor inta aysan duqeynta bilaaban
Basaasnimada internetka iyo in si qarsoodi ah loo galo shabakadaha isku xiran ee kombiyuutarrada waxa muddo dheer door muhiim ah ku lahaayeen waxa loo yaqaan "diyaargarowga dagaalka".
Kooxaha internetka jabsada oo Maraykanka iyo Israa'iil ah ayaa laga yaabaa in ay galeen shabakado kombiyuutaro muhiim ah oo ku yaal Iran ka hor inta aan la fulin weerarrada tooska ah.
Shabakadaha kombiyuutarrada ee la xiriira nidaamyada difaaca hawada ama isgaarsiinta milatariga ayaa u badan in ay ahaayeen kuwa la beegsaday.
Wargeyska Financial Times oo xiganaya ilo aan la magacaabin ayaa sheegay in Israa'iil ay sameysay shabakad kormeer oo aad u weyn iyada oo jabsatay kamaradaha CCTV-yada iyo kuwa taraafikada si loo ogaado dhaq-dhaqaaqyada iyo hab-dhaqanka Cli Khamenei iyo taliyayaashiisa ka hor weerarkii lagu dilay.
Sergey Shikevich oo ah khabiir ka tirsan shirkadda amniga internet-ka ee loo yaqaan Check Point Software Technologies, ayaa sheegay in kamaradaha internet-ka ku xiran ay noqdeen bartilmaameed muhiim ah marka la galayo dagaalka internet-ka.
"Waxay bixiyaan xogta saxda ah ee xaaladda waddooyinka, xarumaha, iyo dhaqdhaqaaqyada, waxaana ku baxa kharash yar." Falanqeeyayaal ayaa sheegay in xogtan lala isticmaalo tan sirdoonka ee caadiga ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Janaraal Dan Keene ayaa shir jaraa'id ka sheegay in weerarradii ugu horreeyay ay ahaayeen kuwo internetka ah iyagoo carqaladeeyay awoodda Iran ee dhanka isgaarsiinta iyo falcelinta.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in ay suuragal tahay in tiirarka telefoonada gacanta ee Iran la carqaladeeyay ama la damiyay si kooxda amniga ee hoggaamiyihii Iran aysan u ogaan soo dhowaanshaha diyaaradaha dagaalka.
Arrintan weli lama xaqiijin balse tusaalooyin la mid ah kuwan ayaa hore loogu arkay dagaallo kale sida dagaalka Ukraine.
"Ciidamada milatariga Iran xitaa ma wada xiriiri karaan midba midka kale, iskaba daa in ay qaadaan weerar isku duuban oo joogto ah." ayuu yiri xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth.
Madaxweyne Donald Trump ayaa kaddib markii la qabtay madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro sheegay in nalalka magaalada la damiyay.
"Qayb weyn oo nalalka magaalada Caracas waa la damiyay sababtoo ah khibrad gaar ah oo aan leenahay."
Ma cadda in Trump uu ula jeeday weerar internetka ah, laakiin istaraatiijiyad internetka ee Maraykanku dhawaan soo saaray ayuu ku amaanay ciidamadiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Pete Hegseth ayaa shirar jaraa'id kaga hadlay baaxadda hawlgallada Maraykanka, wuxuuna sheegay in ay sii raadinayaan nidaamyo badan oo loo burburiyo.
Dagaalka internetka ayaa sidoo kale u muuqda in uu door ka ciyaarayo marxaladdan. Ciidamada weeraraya Iran ayaa ogaanaya bartilmaameedyada milatariga.
Maraykanka iyo Israa'iil waxay leeyihiin taariikh dheer oo ku saabsan fulinta weerarro internetka oo waaweyn oo ka dhan ah Iran, waxaana lagu yaqaan in ay yihiin kuwa qarsoon.
Halkee ayay Iran ka joogtaa arrintan?
Mid ka mid ah waxyaabaha la yaabka leh ee dagaalkan hadda socda waa in Iran aysan si cad uga soo muuqan dhinaca internetka. Illaa iyo hadda weerarka ugu weyn ee loo tirinayo Iran waa jabsashada shirkadda Stryker.
Iran waxay hore u fulisay weeraro internetka ah sida kii dhacay sanadkii 2012 ee lagu qaaday shirkadda saliidda ee Saudi AREMCO kaas oo lagu burburiyay qiyaastii 30,000 kombiyuutar.
Iran muddo dheer waxaa loo arkayay in ay ku xoogan tahay jabsashada internetka. Waxaa la filayay in ay geysato weeraro badan balse hadda taas lama arag.













